Ciidanka Xoogga oo xalay jab Xooggan gaarsiiyey kooxda Argagixisadda ah ee Al-shabaab

Ururka 83-aad, guutada 14October ee Xoogga dalka ayaa deegaanka Janaale Xalay jab xooggan ku gaarsiiyay kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab oo isku dayday in ay soo weerarto deegaanka.

Meydka dhagarqabe qeyb ka ah kuwa badan oo Caawa ku jabay Janaale ayay saraakiisha Xoogga ee deegaankaas soo bandhigeen, waxaa weli meelaha howdka ah ka socda baaritaano la xiriira hadii ay jiraan meydad iyo dhaawacyo Argagixisada ah maadaama Cadawga uu la kulmay khasaare xooggan.

Xogta Argagixisada oo la sii ogaa ayaa suuragalisay inay Geesiyaasha Xoogga ka hortagaan damaca Nabad-diidka oo sidoo kale Meydad iyo dhaawacyo badan oo Janaale ku jabay Caawa geeyay deegaanka Mushaani sida uu SNA RADIO u xaqiijiyay taliyaha ururka 83-aad ee October Gaashaanle Nuuradiin Xuseen.