Madaxweynaha Galmudug oo salaadda Ciidda la tukaday Shacabka Baxdo

Magaalada Baxdo ayaa maantay si weyn looga ciiday maalinta Koowad ee ciiddul Adxa,waxaana maantay salaadda Ciidd shacabka reer Baxdo kula tukaday Masaajidka weyn madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi-kaariye ‘Qoorqoor” oo shalay safar ku tagay Baxdo.

Salaadda Ciidda kadib ayuu madaxweynuhu la hadlay dadka Baxdo, wuxuuna ku baraarujiyay in ay sii wadaan dagaalka ay kula jiraan Kooxda Al-Shabaab ka maamul ahaanna uu garab taagan yahay.

Shacabka Baxdo ayaa farxad ku ciidaya, iyadoo ku dhawaad bil ay ka soo wareegatay dagaalk ku gumaadeen Kooxda Shabaab oo xiligaas weerar ku soo qaaday Baxdo.