Dunida Islaamka oo maanta si weyn looga Ciidayo

Guud ahaan Ummadda Islaamka ee ku kala sugan daafaha caalamka ayaa si weyn ugu dabaal degaya farxada maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa.

Maanta oo ah maalinka Tobonaad ee Bisha Carafo ayaa guud ahaan Muslimiinta ay u tahay maalin ay gudanayaan mid kamid ah munaasabada Islaamka.

Dad badan oo muslimiin ah ayaa subaxa hore ee maanta isugu yimid Masaajidada iyo Garoomadda waa weyn, si ay u tukadaan Salaada Ciidul Adxaa.

xigasho SONNA