Ra’iisal wasaare Xamse oo boqolaal Dadweyne kala qeyb galay Salaadda Ciidul Adxa

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa kala qeyb galay boqolaal dadweyne ah Salaadda Ciidul Adxaa oo lagu oogay Masjidka Cali Jimcaale oo dhowaan uu dhisay Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale.

Ra’iisal wasaare Xamse ayaa munaasabadda Ciidul-adxaa awgeed u hambalyeey guud ahaan Ummadda Islaamka ah gaar ahaanna Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida kaga suganyihiin. Waxaana Eebbe ka baryayaa in uu dhammaanteen innaga aqbalo acmaasha wanaagsan ee aan soo gudannay, Rabbina acmaasha xajka haka aqbalo xujayda gudanaaya waajibaadka xajka.