Safaaradda JFS ee Itoobiya oo qabatay shir jaraa’id oo khuseeyay arrimaha dalka

Maamulka Safaaradda Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya ee fadhigoodu yahay dalka Itoobiya ayaa Faah-Faahin ka Bixiyay halka ay marayaan qorshaha ku saabsan in amniga dalka lagu wareejiyo ciidamada xooga  dalka iyo wafuud ka tirsan midowga Afrika oo ku soo fool leh magaalada Muqdisho.

Kusimaha Safiirka Soomaaliya ee Itoobiya danjire Shaafici Nuur Calas Faarax,ayaa sheegay in dhowaan magaalada Muqdisho ay soo gaari doonaan wafdi baallaaran oo ka socda midowga Afrika,gaar ahaan Golaha Nabadda iyo Ammaanka ,kuwaas oo gacanta ku haya qorshaha la wareegista ciidanka Xoogga dalka ee arrimaha ammaanka Soomaaliya .

Wafdigaan oo dalka ku soo began 19 ilaa 22-ka bishaan iyo 27 ilaa 30 ka bishaan waxaa lagu wado in ay la kulmaan wakiilo kala duwan oo ka socda Dawladda Fedaraalka Soomaaliya, wakiilada beesha caalamka iyo taliska guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa ku qanacsay awoodda Ciidanka Xoogga Dalka waxaana qorshahaan la hor geeyay Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa, iyadoo si gaar ah loogu xil saaray inay arrintaan ka wada shaqeeyaan Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Africa iyo Dawladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaysa Safaaradda JFS ee Ethiopia.

Safaaradda JFS ee Addis Ababa ayaa u qaabilsan Dawladda Soomaaliyeed daba galka, socodsiinta iyo fulinta qaraaradii laga gaaray arrintan, kuwaas oo intooda badan laga yeeshay is afgarad salka ku haya in laga dhabeeyo sidii ay Ciidanka Xoogga JFS ula wareegi lahaayeen ammaanka iyo xasiloonida Soomaaliya.