Tababar aqoon kororsi ah oo loo soo gabagabeeyay 40 ruux

In kabadan 40 ruux oo isugu jira gabdho iyo wiilal ayaa ka faaiiidaystay tabar aqoon kororsi ah oo lagu baranaayay arrimo ku saabsan hogaaminta wanaagsan iyo ka qeybgalka siyaasadda dalka.

Tababarkaan oo ay soo qabanqaabiyeen urur samofal oo ka dhisan dalka Sweden,waxaa fuliyay maaulka urrurka Soomaali Woman Voice.

Tababarkaan oo ah kii labaad oo la qabto muddo 2 sano ah,waxaa lagu bartay casharo la xiriiray dhiirigalinta haweenka ee dhanka ka qeybgalka siyaasadda iyo hogaaminta wanaagsan.

Deeqo Cali Cumar oo ah guddoomiyaha urrurka Soomaali Woman Voice ayaa soo gabagabeysay munaasabaddii xiritaanka tababarkaasi.