

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo casuumaad rasmi ah ku joogay dalka Turkiga, ayaa galabta ka soo degay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakeysan ee Ciidda Carafo, waxa uuna xusuusiyey xaaladda nololeed ee ay la tacaalayaan kumannaan qoys oo Soomaali ah, ayna mudan yihiin farxadda ciidda in ay la qeybsadaan dadkooda Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Madaxweynaha oo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gudanaya waajibaadka xajka Alle uga baryey in uu ka aqbalo acmaashooda suubban, ayaa ku borriyey dhammaan shacabkeenna in ay maalmahan badiyaan ducada iyo Alle bariga, istaakuleynta iyo ka warqabka dadkeenna danyarta ah, taas oo ka mid ah acmaasha ugu khayr badan.
Dhanka kale, Safarka Madaxweynaha ee dalka Turkiga ayaa ku qotomay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, ganacsiga, tababarrada Ciidamada, iyadoo Madaxweynuhu uu u kuur galay xaaladda ee ardayda, ganacsatada iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga ku dhaqan.

Iran ayaa Arbacadii sheegtay in ay xidhay ku xigeenka safiirka UK ee Tehran kadib markii lagu eedeeyay in uu muunado ciid ah ka qaaday gobol lagu sameeyo dhoolatuska gantaalada.
Giles Whitaker iyo dhowr qof oo kale oo ajnabi ah ayaa waxaa xiray ciidamada ilaalada kacaanka Islaamiga ah (IRGC) ka dib markii la go’aamiyay in ay muunada ka qaadeen “goob mamnuuc ah” halkaasoo dhoolatus militari laga sameeyay saxaraha Shahdad ee koonfur bari gobolka Kerman, sida uu sheegay. Wakaaladda wararka ee Iran ee Tasnim.
Waxa ay sheegtay in IRGC ay sii daysay muuqaal muujinaya Whitaker oo u dhow goobta.
Muuqaalkan ayaa waxaa baahiyay Telefishinka dowladda Iran, waxaana la sheegay in Whitaker la musaafurin doono.
Kadib Arbacadii, Xafiiska Arrimaha Dibedda ee UK ayaa beeniyay sheegashada Iran ee ah in la xiray ergayga labaad ee ugu sarreeya Britain ee dalka.
“Wararka sheegaya in la xiray dublamaasi British ah oo Iran ah gabi ahaanba waa been abuur,” afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ku yiri hadal uu siiyay Sky News.
Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed ayaa Sameeyey Hawlgalo lagu xaqiijinayo amaanka wadada Xidhiidhisa Magaalooyinka Balcad & Jawhar ee Gobolka Shabeelaha dhexe..
Hawlgalkan ayaa waxa Hogaaminayey Taliyaha Guutada 3aad Qaybta 27aad CXDS G/Sare Abshir Maxamud Maxamad (Shitaqey) waxana uu sheegay in ujeedka Hawlgalka uu ahaa ka hortagida dhagarqabayaasha Aragagixisada ee doonaya inay qaraxyadda ku aasaan wadada Xidhiidhisa Degmooyinkan, waxana uu ka codsaday shacabka ku dhaqan degaanada howlgalada laga wado inay la shaqeeyan ciidanka.
Dhinaca kale Taliyuhu waxa uu Kormeeray fadhiyada Ciidanka ee ku yaala wadadan isagoo na Ciidanka kula dardaarmay in laba jibaraan Shaqada ay Qaranka U ahayaan.

Ankara- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si heersare ah loogu soo dhaweeyey xarunta madaxtooyada Turkiga ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdogan.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda Turkiga ay garab istaag iyo taageero buuxa u muujisay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, xilli ay la daala-dhacayeen xaalad adag, iyaga oo u soo gurmaday waqtigii ay ugu baahida badnaayeen.
“Waxaan uga mahadcelinyaa Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan casuumaaddii uu ii fidiyey, kulankii aan wada qaadannay waxa uu ahaa mid miro-dhal ah, kaas oo aan diiradda ku saarnay xoojinta xiriirka iskaashi iyo danaha labada dal. Waxaan si gaar ah isu dul taagnay kaalinta Turkiga ee gurmadka abaaraha, horumarinta adeegyada aas-aasiga ah ee caafimaadka iyo waxbarashada.”
Madaxweyanha Jamhuuriyaddu waxa uu la wadaagay dhiggiisa Turkiga kalgacalka ay shacabka Soomaaliyeed u qabaan dowladda iyo walalohooda Turkiga iyo waliba abaalka ay uga hayaan taageeradooda hagar la’aanta ah.
“Waxaan la wadaagay abaalka ay u hayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed walaalahooda Turkiga oo markasta la garab taagan hiil buuxda”.
Dhinaca kale, dowladda Turkiga waxa ay ballan qaaday in dhawaan safaaradda Soomaaliya ee Ankara ay degi doonto guri ay iyadu leedahay, xilli markii hore ay ku jirtay mid kiro ah. Sidoo kale, labada dowladood waxa ay dhawaan kala saxiixan doonaan heshiisyo ganacsi halka la sii xoojin doono iskaashiga dhinaca amniga ee labada dal.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga ay door muhiim ah ka qaadato xoojinta amniga, tababarridda, tayeynta ciidanka Soomaaliyeed iyo la dagaalanka argagixisada.
“Kulankii aan wada qaadannay aniga iyo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan waxaan isla garanay in la xoojiyo xiriirka iskaashi ee labada dal iyo wax wada-qabsi, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarinta ganacsiga, maalgashiga iyo dhaqanka, Soomaaliya waxa ay Turkiga u aragta jaal iyo saaxib miisaan leh oo ay kalsooni ku qabaan shacabka Soomaaliyeed.”
Dhankiisa, Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa uga mahadceliyey madaxweynaha iyo wafdigiisa aqbalaadda casuumaadii uu u fidiyey, waxa uuna hoosta ka xarriiqay in dowladdiisa ay door weyn ka qaadan doonto gurmadka abaaraha, dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, xoojinta heshiisyada ganacsiga iyo maalgashiga ka dhaxeeya labada.

Belgrade- Safiirka jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dowladda Serbia Danjire Maxamed Cabdullahi Axmed ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Serbia.
Danjiraha ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay wasiirka Arrimaha gudaha Dalka Serbia Mudane Aleksander Vulin, labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga siyaasadda iyo dhinaca amniga oo aad muhiim ugu ah labadda Dal ee saaxiibada ah. “Serbia waa saaxiib muhiim ah marka loo eego xiriirka soo jireenka ah iyo kaalinta dhismaha dowladnimada Soomaaliya ay ugu jirto”
kulanka ayaa ku dhamaaday is faham iyo iskaashi joogto ah oo ay yeeshaan labada Dal, gaar ahaanbtayeynta Hay’addaha nabad-geliyadda ee Dolwadda Soomaaliya.

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Soo dhaweyn heerkeedu aad u sarreeyo loogu sameeyey kadib markuu soo gaaray qasriga madaxtooyada Turkiga ee Ankara, halkaas oo uu salaan sharaf uga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Turkiga , waxaana loo riday 21 madfac.
Madaxweynaha ayaa ka qeybgalaya kulan isaga iyo dhiggiisa Turkiga uga socda qasriga madaxtooyada ee dalkaasi Turkiga oo maalmahanba ku joogay booqasho rasmi ah oo uu u fidiyey dhigiisa mudane Recep Tayyip Erdogan.



Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Bin Axmed Almuwallad oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsi ee labada dal ee walalaalaha ah.
Danjire Muwallad ayaa Ra’iisul Wasaaraha ugu hambalyeeyay xilkiisa, isagoo u rajeeyay in uu ku guuleysto howlaha hor yaalla, isagoo muujiyay sida dowladda Sacuudigu u garab taagan tahay Soomaaliya.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay Dowladda Sacuudiga taageeradeeda dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.


Booliiska magaaladda Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in wiil 17 jir ah uu dhintay, wiil kale oo 16-sanno jirana uu soo gaaray dhaawac halis ah kaddib markii xalay ay is toogasho ka dhacday agagaarka wadada Nicollet Avenue iyo jidka 18th Street ee Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.
Wiilashan oo aan weli la sheegin jinsiyaddooda iyo magacyadooda ayaa booliisku sheegeen in labo kale oo dhallinyaro ah ay rasaas isku weydaarsadeen guri dabaq ah oo ku yaala agagaarka Nicollet Avenue iyo 18th Street dhexdiisa.
Wiilka dhintay ayaa noqonaya qofkii 45-aad ee sannadkan toogasho lagu dilo magaaladda Minneapolis, waxaana kororka weerarada ka dhacaya Magaalada Minneapolis ay walaac ku abuurtay Soomaalida ku nool halkaasi.