Jamhuuriyadda Chile ee Koonfurta America oo Codsi Diblomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya.

Ethiopia- Ku Simaha Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ethiopia ahna u qaybsanaha safaaradda JFS ee Midowga Africa iyo Hay’adda dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee UNECA mudane Shaafici Nuur Calas ayaa xarunta Safaaradda JFS ee Addis Ababa ku qaabilay xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Chile Ambassador Alex Wetzig iyo danjiraha Safaaradda Jamhuuriyadda Chile ee dalka Ethiopia Ambassador Fernando Zalaquett.

Kulankan ayaa ka dhashay codsi rasmi ah oo ay dhowaan Safaaradda Jamhuuriyadda Chile ee Addis Ababa soo gaarsiisay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ethiopia, kaasi oo salka ku hayay baadi goobka taageero Diplomaasiyadeed oo ay Jamhuuriyadda Chile si rasmi ah u waydiisanayso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, maadaama Dawladda Chile ay u sharaxan tahay hogaaminta Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, isla markaana ay ka dalbanayso Dawladda Soomaaliya inay ku taageerto oo siiso Dawladda Chile codka rasmiga ah ee ay Soomaaliya ku leedahay fadhiyada rasmiga ah ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Jamhuuriyadda Chile ee Koonfurta America oo Codsi Diblomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya.

Ethiopia(Wargeyska Dalka):-Ku Simaha Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ethiopia ahna u qaybsanaha safaaradda JFS ee Midowga Africa iyo Hay’adda dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee UNECA mudane Shaafici Nuur Calas ayaa xarunta Safaaradda JFS ee Addis Ababa ku qaabilay xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Chile Ambassador Alex Wetzig iyo danjiraha Safaaradda Jamhuuriyadda Chile ee dalka Ethiopia Ambassador Fernando Zalaquett.

Kulankan ayaa ka dhashay codsi rasmi ah oo ay dhowaan Safaaradda Jamhuuriyadda Chile ee Addis Ababa soo gaarsiisay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ethiopia, kaasi oo salka ku hayay baadi goobka taageero Diplomaasiyadeed oo ay Jamhuuriyadda Chile si rasmi ah u waydiisanayso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, maadaama Dawladda Chile ay u sharaxan tahay hogaaminta Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, isla markaana ay ka dalbanayso Dawladda Soomaaliya inay ku taageerto oo siiso Dawladda Chile codka rasmiga ah ee ay Soomaaliya ku leedahay fadhiyada rasmiga ah ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

 

MADAXWEYNAHA JFS OO BOOQDAY DUGSIGA TABABARKA KUMAANDOOSKA DALKA TURKIGA EE ISPARTA

Ankara(Wargeyska Dalka):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday dugsiga Tababarka Kumaandooska Dalka Turkiga ee Isparta, halkaas oo xarun muhiim ah u ah tabbarrada iyo tayeynta Ciidamada Kumaandooska Soomaaliyeed oo kumannaan ka mid ah ay ka soo qalin jabiyeen.

Madaxweynaha oo ay soo dhaweeyeen Madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee dalka Turkiga ayaa uga mahad-celiyey doorkooda tiir-dhexaadka u ah dib u dhiska ciidamada Soomaaliyeed, isagoo xusay qiimaha ay u leedahay dowladnimadeenna iyo dib u hanashada amniga guud ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhageystay macalimiinta iyo saraakiisha dugsigan, warbixin ku saabsan xaaladda iyo tayada guutooyin ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliyeed, kuwaas oo tababar sare u jooga dugsiga kumaandooska dalka Turkiga ee Isparta.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kulan qado ah la qaatay saraakiisha iyo askarta Soomaaliyeed ee uu tababarku uga socdo dugsiga kumaandooska ee Isparta, waxa uuna uga warbixiyey qorshaha dowladda ee dib u dhiska ciidamada iyo sugidda amniga guud ee dalka, isagoo ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay in ay naftooda u huraan difaaca dalkooda iyo dadkooda.

Booqashadan waxaa ku weheliyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Lataliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xuseen Macallin Maxamuud, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Turkiga Mudane Jaamac Cabdullaahi Caydiid, U qaybsanaha Arimaha Ciidamada Ee Safaarada Somaliyeed ee dalka Turkiga Janaraal Maxamed Maxamuud Xuseen iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud.

Xoghayaha cusub ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xilka la wareegay

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Abuukar Subeer ayaa xilka kala wareegay Xoghayihii hore ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Ibraahim Nuur, kadib munaasabad ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo uu goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha xafiiska Mudane Cabdixakiin Ashkir.

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Cabdixakiin Xasan Ashkir  oo goobjoog u ahaa xilwareejinta xog-hayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyay xoghayihii hore, soona dhaweeyay xoghayaha joogtada ah ee maanta xilka la wareegay.

     

Ra’iisul wasaaraha dalka lubnaan oo dalalka carabta ugu baaqay in ay taageero u fidiyaan dalkiisa

Ra’iisul wasaaraha dalka Lubnaan Najib Mikati ayaa ugu baaqay dalalka Carabta in ay taageero u fidiyaan dalkiisa oo ay ka jirto dhaqaale xumo baahsan.

Mikati oo ka hadlayay ka dib kulan casho ah oo wasiirada arrimaha dibadda Carabta loogu sameeyay caasimadda Beirut, ayuu Mikati sheegay in Lubnaan ay ka go’an tahay in ay iska fogeyso khilaaf kasta oo Carabta ah.

Waxa uu ugu baaqay “Wadamada Carabta, gaar ahaan dalalka Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) inay taageeraan Lubnaan xilligan xasaasiga ah.”

Mikati waxa uu ku celiyay sida ay Lubnaan uga go’an tahay in ay fuliso dhammaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo qaraarada Jaamacadda Carabta “hab lagu xoojinayo siyaasadda ka go’ida khilaaf kasta oo Carab ah”.

Beirut ayaa martigelinaysa shir ay yeelanayaan wasiirada arrimaha dibadda Carabta sabtidii si ay uga wada hadlaan ajandayaasha shir madaxeedka Carbeed ee ka dhici doona Algeria bisha November.

Tan iyo dabayaaqadii 2019, Lubnaan waxa ay la daalaa dhacaysay dhibaato dhaqaale oo aad u daran, oo ay ku jirto qiimo dhac weyn oo lacagta ah iyo sidoo kale shidaal iyo gabaabsi dhanka adeegyadda caafimaadka ah.

Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle oo qaabilay Ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya

Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa  qaabilay Ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho iyo Wafdi ay hoggaaminaysay.

Wafdiga Madaxweynaha uu qaabilay waxaa kamid ahaa Wakiilka hay’adda FAO, Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan Haweenka ‘ iyo Madaxa Xafiika Unsom ee Hirshabeelle.

Kulanka ayaa waxa uu ahaa is xog waraysi ku saabsan arrimaha bini’aadanimo, amni iyo arrimaha horumarineed ee deegaanada Maamulka Hirshabeelle.

Waxaa sidoo kale dhacay kulamo gaar gaar ah oo qaar kamid madaxda Qaramada Midoobe la yeesheen Wasaaradaha ay shaqo wadaaga yihiin.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugala hadlay
Ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya sida looga jawaabi lahaa xaaladaha adag ee ka dhashay abaaraha baahsan ee sababay biyo la’aan, cunto la’aan’ barakac iyo dhimasho ku timid dadka iyo xoolaha.

Maxaa looga hadlayaa Shir Madaxeedka IGAD ee maanta ka furmaya Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya

Maanta oo talaado ah ayaa lagu wadaa in Magaalada Nairobi ee caasimada Wadanka Kenya uu ka furmo  shirka meertada 39aad ee Shir Madaxeedka urur Goboleedka IGAD.

Shirkaan waxaa Dalkeena uga qeybgalayo wafdi uu horkacaayo Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Guuleed isaga oo halkaas  ku matalaya Madaxweynaha Qaranka Hassan sheikh Maxamuud oo safar dibada ah ugu maqan dalka Turkiga.

shirka ayaa waxaa sanadkaan looga hadlayaa xaaladaha dalalka ay kajiraan colaadaha,xiisadda u dhaxeeyso dalalka Itoobiya iyo Suudaan iyo sidoo kale dagaalada sokeeye ee kasocda Itoobiya.

 

Sidoo kale waxaa shirka siweyn loogu falan qeyn doonaa Arrimo ku saabsan saameynta ka dhalatay Abaaraha iyo sida looga gudbi karo, iyada oo dalalka sida weyn ay abaarta u saameysay ay kamid yihiin, Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.

 

Hogaamiyaasha IGAD ayaa sanad walba waxa ay ka shiraan xaaladaha iyo dhibaatooynka ka jira wadamada ku mideysan Ururkaan.

Madaxweynaha JFS mudane Xasan sheikh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Machadka SETA ee dalka Turkiga

Madaxweynaha JFS oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa khudbad ka jeediyey Machadka SETA ee dalka Turkiga,madaxweynaha ayaa khudbadiisa kaga hadlay doorka xiriirka qotada dheer ee dalalka Turkiga iyo Soomaliya ay wadaag kaas oo ah mid muhiimad gaar ah u leh labada dal,madaxweyne Xasan ayaa si adag uga hadlay sida ay muhiim u tahay in la iska kaashado la dagaalanka kooxda Argagixisadd ah ee Al-shabaab iyo sida ay muhiim u tahay in laga gacan siiyo dowladda Soomaliya qorshaha ay doonayso in ay guud ahaan ba dalka kaga cidhibtirto kooxda Argagixisadda ah ee  Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa xusay in qaababkii hore loogu wajahay la dagaalanka kooxda Al-shabaab aanu ahayn mid keenaya hor u socodnimo lagaga guulaysan karo,sidaas darteed iyadoo Dowladda Soomaliya faa’iidaysanaysa khibrada hore markan ay Dowladda Soomaliya u diyaar garowday sidii kooxda Al-shabaab loo burburin lahaa dhaqaale ahaan,ciidan ahaan iyo caqiido ahaan ba.

madaxweynaha ayaa xusay in iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid ku dhisan is ixtiraam, wax wada qabsi iyo in la is garab istaago wakhtiyadda adag isaga oo xusay sida ay muhiim u tahay in markan Soomaaliya laga caawiyo sidii ay uga guuleysan lahayd caqabadda dhanka amniga taas oo koobsanaysa dhammaan caqabadaha hor taagan dowladnimadda Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha guddaha Galmudug oo tababar ku saabsan Maamulka iyo maareynta Xafiisyada dowlaha hoose ka furtay Dhuusamareeb

Wasaaradda Arrimaha guddaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Galmudug ayaa tababar ku saabsan Maamulka iyo maareynta Xafiisyada dowlaha hoose uga furtay Magaalada Dhuusamareeb qaar ka mid ah madaxda iyo shaqaalaha xafiisyada dowladda hoose ee Caasimada Galmudug.

Agaasinka Tababarkan oo qayb ka ah mashruuca hormarineed JPLG ayaa socon doona mudo afar cisho ah, iyadoo ka faa’iideystayaasha ka socda Xafiisyada dowlada hoose ee Dhuusamareeb la bari doono hababka maamulka iyo maareynta Xafiisyada.

Cabdicaaiis Faarax Aadan “Nuska” xoghayaha dowlada Hoose ee Dhuusamareeb ayaa ku booriyay shaqaalaha dowladaha hoose ee tababarkan ka qayb galaya in ay sameeyaan dadaal dheeri ah, si isbadal muuqda looga sameeyo howlaha ka socda xafiisyada ay ka howlgalaan.

wasiir kuxigeenka Arrimaha Guddaha Galmudug Axmed cusmaan aadam oo si rasmi ah tababarkan u furay ayaa ka qayb-galayaasha u rajeeyey in ay aqoon kororsi la yimaadaan si isbadal guud loo dareemo.

Tababarkan ayaa socon doona mudo afar cisho ah, waxa uuna qayb ka yahay dadaalo wasaraddu ugu jirto aqoon kordhinta shaqaalaha ka shaqeeya xafiisyada dowladaha hoose ee degmooyinka Galmudug.

Ciidanka NISA oo hawlgalo ka fuliyey Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir

Ciidanka Gaarka ah ee NISA ayaa howlgalo ka sameeyay degmooyinka Howlwadaag, Warta-nabadda, Yaaqshiid, Kaaraan iyo qaybo kale oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Howlgaladaan ayaa ka danbeeyay cabasho ka timid qaar ka mid ah shacabka, kuwaasi oo ka cabanayay Tuugo xiliyadda habeenkii ah dhac u gaysta.

Taliyaha Hay’adda NISA ee Gobalka Banaadir Muxudiin Warbac Shadoor ayaa la kulmay qaar ka mid ah dadkii ka cabanayay Tuugada dhaca u gaystay, ayaa u sheegay in ciidamadu howlgalo ay wadaan sidoo kalana gacanta lagu soo dhigi doono qof kasta oo qal-qal galisa amniga magaalada.

Intii lagu jiray Howlgalka, ayaa sidoo kale waxaa lagu soo qabtay kooxo watay mindiyo, waxaana ciidamadu ay u gudbiyeen Booliska si baari taano loogu sameeyo.