Xoghayaha cusub ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xilka la wareegay

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Abuukar Subeer ayaa xilka kala wareegay Xoghayihii hore ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Ibraahim Nuur, kadib munaasabad ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo uu goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha xafiiska Mudane Cabdixakiin Ashkir.

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Cabdixakiin Xasan Ashkir  oo goobjoog u ahaa xilwareejinta xog-hayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyay xoghayihii hore, soona dhaweeyay xoghayaha joogtada ah ee maanta xilka la wareegay.