Madaxweynaha JFS mudane Xasan sheikh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Machadka SETA ee dalka Turkiga

Madaxweynaha JFS oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa khudbad ka jeediyey Machadka SETA ee dalka Turkiga,madaxweynaha ayaa khudbadiisa kaga hadlay doorka xiriirka qotada dheer ee dalalka Turkiga iyo Soomaliya ay wadaag kaas oo ah mid muhiimad gaar ah u leh labada dal,madaxweyne Xasan ayaa si adag uga hadlay sida ay muhiim u tahay in la iska kaashado la dagaalanka kooxda Argagixisadd ah ee Al-shabaab iyo sida ay muhiim u tahay in laga gacan siiyo dowladda Soomaliya qorshaha ay doonayso in ay guud ahaan ba dalka kaga cidhibtirto kooxda Argagixisadda ah ee  Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa xusay in qaababkii hore loogu wajahay la dagaalanka kooxda Al-shabaab aanu ahayn mid keenaya hor u socodnimo lagaga guulaysan karo,sidaas darteed iyadoo Dowladda Soomaliya faa’iidaysanaysa khibrada hore markan ay Dowladda Soomaliya u diyaar garowday sidii kooxda Al-shabaab loo burburin lahaa dhaqaale ahaan,ciidan ahaan iyo caqiido ahaan ba.

madaxweynaha ayaa xusay in iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid ku dhisan is ixtiraam, wax wada qabsi iyo in la is garab istaago wakhtiyadda adag isaga oo xusay sida ay muhiim u tahay in markan Soomaaliya laga caawiyo sidii ay uga guuleysan lahayd caqabadda dhanka amniga taas oo koobsanaysa dhammaan caqabadaha hor taagan dowladnimadda Soomaaliya.