Jamhuuriyadda Chile ee Koonfurta America oo Codsi Diblomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya.

Ethiopia- Ku Simaha Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ethiopia ahna u qaybsanaha safaaradda JFS ee Midowga Africa iyo Hay’adda dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee UNECA mudane Shaafici Nuur Calas ayaa xarunta Safaaradda JFS ee Addis Ababa ku qaabilay xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Chile Ambassador Alex Wetzig iyo danjiraha Safaaradda Jamhuuriyadda Chile ee dalka Ethiopia Ambassador Fernando Zalaquett.

Kulankan ayaa ka dhashay codsi rasmi ah oo ay dhowaan Safaaradda Jamhuuriyadda Chile ee Addis Ababa soo gaarsiisay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ethiopia, kaasi oo salka ku hayay baadi goobka taageero Diplomaasiyadeed oo ay Jamhuuriyadda Chile si rasmi ah u waydiisanayso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, maadaama Dawladda Chile ay u sharaxan tahay hogaaminta Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, isla markaana ay ka dalbanayso Dawladda Soomaaliya inay ku taageerto oo siiso Dawladda Chile codka rasmiga ah ee ay Soomaaliya ku leedahay fadhiyada rasmiga ah ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.