MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY JAALIYADDA, KORMEERAYNA SAFAARADDA SOOMAALIYEED EE DALKA TURKIGA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga, isaga oo la wadaagay dadaalka Dowladda Soomaaliya ay galineyso xoojinta xiriirka Labada dal.

Madaxweynaha ayaa Jaaliyadda, ardayda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee uu la kulmay, uga warramay xaaladda guud ee dalka, waxa uuna xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad weyn siineyso kobcinta dhaqaalaha iyo maalgashiga dalka, xoojinta amniga, shaqo abuurka dhallinyarada iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhageystay xubnaha jaaliyadda, xaaladda guud ee Soomaalida ku nool dalkan, sidoo kale waxa ay la wadaageen caqabadaha iyo duruufaha ay qabaan, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, ganacsiga iyo dal-ku-joogga.

Madaxweynaha ayaa sheegay in caqabadaha jaaliyadda, ardayda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Turkiga uu kala hadli doono Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyadoo diblumaasiyiinta Labada dal ay iska kaashanayaan sidii ay u horumarin lahaayeen iskaashiga miro-dhalka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa booqday xarunta Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga, halkaas oo uu warbixin kaga dhageystay diblomaasiyiinta iyo hawlwadeennada Safaaradda, waxa uuna ku adkeeyey in ay si hufan ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed ee ay matalaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay qorsheyaasha dowladda ee ku aaddan dib u habaynta iyo horumarinta hanaanka diblumaasiyadeed ee dalka iyo xaqiijinta matalaad dibadeed oo ku saleysan Soomaali Heshiis ah, dunidana Heshiis la ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo booqday Xarunta Safaaradda Soomaliya ee Ankara

Madaxwaynaha JFS Mudane Xassan Sheikh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo oo
Booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiye ayaa soo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Ankara.

Madaxwaynaha ayaa diblomaasiyiinta iyo hawlwadeennada kale ee safaaradda la yeeshay kulan is xogwaraysi.

Danjire Jama A. Mohamed (Caydiid) ayaa Madaxweynaha uga warramay adeegyada safaaraddu bulshada Soomaaliyeed ee Turkiye deggan u qabto.  

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS iyo Wafti uu hoggaaminayo oo u ambabaxay dalka Sucuudi Carabiya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta gelinkii dambe u amba baxay dalka Sucuudi Carabiya halkaas oo maalmaha uu ku suganyahay ku soo qaadan doono gudashada acmaasha Xajka.

Wafdiga uu hogaaminaayo Guddoomiyaha oo ay ugu horeeyaan Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo qaar ka mid ah wasiirada xilgaarsiinta ayaa ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan kula dardaamay in dalka iyo dadka loo duceeyo si uu Allah uga samatabixiyo Abaarahan soo noqnoqday.

Guddoomiyaha oo ugu dambeyn Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay laabta isku furaan si loo helo midnimo iyo wadajir.

 

Wasiirka Gaadiidka oo guddoomiyay Shir la xariira Amniga Garoonka Aden Cabdulle

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Md. Duran Axmed Faarax ayaa maanta shir Gudoomiyay Shir looga hadlayay Amniga Garoonka Caalamiga ah ee Aden Cabdulle.

Shirka ayaa waxaa kasoo qaybgalay Masuuliyiin ka socday Hay’adaha kala duwan ee dawladda kuwaas oo ka hawlgala Garoonka Diyaaradaha.

Shirka ayaa intii uu socday Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda wuxuu warbixin ka dhagaystay Laamaha Amniga, iyadoona uu bogaadiyay shaqada Wanaagsan ay ka hayaan Garoonka Aden Cabdulle iyo Nawaaxigiisa.

Wasiirka Gaadiidka Duran Farah ayaa amaanay sida wanaagsan ee shaqada Garoonka u socoto,wuxuuna sheegay in muhiim ay tahay sii dardargalinteedu,isagoona intaas raaciyay in sidoo kale la hagaajiyo jadwalka diyaaradaha xiliyada ay baxayaan iyo marka ay soo dagayaan si meesha looga saaro dib u dhac ku yimaada rakaabka loo adeegayo.

Mas’uuliyiin ka socotay Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNODC oo booqasho ku yimid xafiiska Guddiga Madaxa Bannaan Ee La-dagaalanka Musuqmaasuqa Soomaaliya

Mas’uuliyiin ka socotay Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNODC oo uu hogaaminayo Madaxa Xafiiska UNODC ee Soomaaliya, Mr. Reginald Pitts iyo Lataliyaha Gaarka ah ee La-dagaalanka Musuqmaasuqa ee UNODC Mr. David Robinson ayaa maanta booqasho ku yimid xafiiska Guddiga Madaxa Bannaan Ee La-dagaalanka Musuqmaasuqa Soomaaliya .

Wafdiga ayaa waxa xarunta guddiga kusoo dhaweeyay Gudoomiye Ku-xigeenka Guddiga ahna ku-simaha Gudoomiyaha Dr. Xasan khaliif Xasan iyo xubnaha kale ee ka tirsan Guddiga, Intaa kadib waxaa shir wada qaatay labada dhinac kaasoo ay xubnaha guddiga warbixin ka siiyeen masuuliyiinta ka socotay UNODC dadaalada uu Guddiga Madaxa Bannaan Ee Ladagaalanka Musuqmaasuqa ka sameeyay la-dagaalanka musuqmaasuqa iyo fulinta Axdiyada iyo heshiisyada la dagaalanka musuqmaasuqa ee caalamiga ah.

Dhankooda madaxda ka socotay Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNODC ayaa soo dhaweeyay dedaalada laga sameeyay la-dagaalanka musuqmaasuqa ee uu hormuudka ka yahay Guddiga Madaxa-bannaan ee La-Dagaalanka Musuqmaasuqa ee Soomaaliya. Sidoo kale, wuxuu ballanqaaaday in ay sii wadi doonaan taageerada iyo la shaqeynta guddiga.

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS U qaabilsan arimaha gurmadka oo ay wehliyaan Qaar kamid ah gudiga gurmadka abaaraha iyo hey’ada qadar charity ayaa gaaray degmada Baardheere

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS U qaabilsan arimaha gurmadka oo ay wehliyaan Qaar kamid ah gudiga gurmadka abaaraha iyo hay’ada qadar charity ayaa gaaray degmada Baardheere ee gobolka gedo si ay ugu kuur galaan xaalada nololeed ee ka jirta barakacayaasha ku nool kaamamka degmadaan

Ergayga iyo wafdigiisa oo ay qayb ka ahayd hey’ada qadar charity ayaa Waxaa soo dhaweeyay maamulka degmada Baardheere iyagoona booqday qaar kamid ah kaamamka degmada

Dadka ku soo barakacay deegaankaan ayaa intooda ugu badan ka soo hayaamay deeganaada kale ee deriska la ah diinsoor.

Ku dhawaad 800,000 oo qof ayaa tan iyo billowgii sanadkii aynu soo dhaafnay ka barakacay guryahoodii, abaarta ka jirta Soomaaliya awgeed, sida ay sheegayaan hey’adaha gargaarka, iyadoo tirada dadkana laga cabsi qabo inay kororto. Taas oo ka dhigan abaartii ugu darnayd ee soo marta Soomaaliya 40-kii sano ee ugu dambeeyey.

Ergayga oo shalay dalka dib ugu soo laabtay shirka Jaamacada Carabta, ayaa
wasiirada arrimaha debeda carabta ka codsaday gurmad degdeg ah.

Masuuliyiin ka socotay Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNODC oo maanta booqasho ku yimid xafiiska Guddiga Madaxa Bannaan Ee La-dagaalanka Musuqmaasuqa Soomaaliya

Masuuliyiin ka socotay Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNODC oo uu hogaaminayo Madaxa Xafiiska UNODC ee Soomaaliya, Mr. Reginald Pitts iyo Lataliyaha Gaarka ah ee La-dagaalanka Musuqmaasuqa ee UNODC Mr. David Robinson ayaa maanta booqasho ku yimid xafiiska Guddiga Madaxa Bannaan Ee La-dagaalanka Musuqmaasuqa Soomaaliya .

Wafdiga ayaa waxa xarunta guddiga kusoo dhaweeyay Gudoomiye Ku-xigeenka Guddiga ahna ku-simaha Gudoomiyaha Dr. Xasan khaliif Xasan iyo xubnaha kale ee ka tirsan Guddiga, Intaa kadib waxaa shir wada qaatay labada dhinac kaasoo ay xubnaha guddiga warbixin ka siiyeen masuuliyiinta ka socotay UNODC dadaalada uu Guddiga Madaxa Bannaan Ee Ladagaalanka Musuqmaasuqa ka sameeyay la-dagaalanka musuqmaasuqa iyo fulinta Axdiyada iyo heshiisyada la dagaalanka musuqmaasuqa ee caalamiga ah.

Dhankooda madaxda ka socotay Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNODC ayaa soo dhaweeyay dedaalada laga sameeyay la-dagaalanka musuqmaasuqa ee uu hormuudka ka yahay Guddiga Madaxa-bannaan ee La-Dagaalanka Musuqmaasuqa ee Soomaaliya. Sidoo kale, wuxuu ballanqaaaday in ay sii wadi doonaan taageerada iyo la shaqeynta guddiga.

Wasiirka Gaadiidka oo shir gudoomiyay Shir la xariira Amniga Garoonka Aden Cabdulle

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Md. Duran Axmed Faarax ayaa maanta shir Gudoomiyay Shir looga hadlayay Amniga Garoonka Caalamiga ah ee Aden Cabdulle.

Shirka ayaa waxaa kasoo qaybgalay Masuuliyiin ka socday Hay’adaha kala duwan ee dawladda kuwaas oo ka hawlgala Garoonka Diyaaradaha.

Shirka ayaa intii uu socday Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda wuxuu warbixin ka dhagaystay Laamaha Amniga, iyadoona uu bogaadiyay shaqada Wanaagsan ay ka hayaan Garoonka Aden Cabdulle iyo Nawaaxigiisa.

Wasiirka Gaadiidka Duran Farah ayaa amaanay sida wanaagsan ee shaqada Garoonka u socoto,wuxuuna sheegay in muhiim ay tahay sii dardargalinteedu,isagoona intaas raaciyay in sidoo kale la hagaajiyo jadwalka diyaaradaha xiliyada ay baxayaan iyo marka ay soo dagayaan si meesha looga saaro dib u dhac ku yimaada rakaabka loo adeegayo.

 

DARUUFAHA KALA DUWAN OO AY KU SHAQEEYAAN HAWEENKA SOOMAALIYEED

Haweenka soomaliyeed ayaa ah lafdhabarka buLshada.

waana kuwa ugu muhiimsan ee doorka dhaqalaha rerka laga helo oo ay ku nool yihiin qoyska xataa hadii rerku oow mas’uul ka yahay aabe .

Dhaqanka soomaliyed ayaa ah mid kajira in ay dumarku xamashan waana mid soojiren ah qarniyo markii lala bardhigo Raga ayaa aad ugu yar in ay shaqeyan hawenka sababta ayaana ah halista shaqo oo aysan dumarka qaban karin ilaa in ay ku dhiiradan mooye dumarka qaar oo ay xad baahi aad ubadan hayso mooye.

waxaa jiro shaqooyin badan ay qabtaan Haweenka soomaliyed waxaana ka mida:

1-Ganacsiga

2-Siiyasadda

3-Waxbarashada

4-Ciidanka IWM.

SHEEKADA HOOYO SOOMAALIYEED OO IIBISA CAANAHA DALKA

Hooydaan ayaa waxa ay ku noshahay dagmada hodan oo ka tirsan Caasimadda Muqdisho, waxaa ay ka ganacsataa caanaha mana jiro ganacsi kale oo ay ku tiirsan tahay.

Mar aan la sheekeystay ayaa waxa ay iiga sheekeeysay sheekooyin halis galiyay nafsadeeda intii ay ganacsigaan ku jirtay ilaa iyo haddana ay ku jirto waxa ay ii shegtay in ninkeeda xanunsan yahay ayna mas’uuliyadda caruurteeda qaaday .

Waxa ay kalo sheegtay in ay shaqada gasho barqada kana soo baxdo aadanka salaadda subax, taas oo micnaheedu tahay in ay habiinkii oo dhan shaqeyso.

Haddaba, waxyabaha halista galiyay ayaa ah sida ay ii sheegtay in dhowr mar la haweystay nafsadeeda, sidoo kalana laga dhacay caana ay iibineysay oo ay sabab u tahay waxa ku dhacaya amni xumada dalka ka jirto.

Waxaa jiro hooyoyin badan oo loogeystay dhibaato jir ahaaneed kuwasoo fadhiisiyay anigoo og halistaas ayaana ka tanaa sulin shaqadaas ilma hayga dartood si ay fursad ugu helaan mustaqbalka birito.

“markii aan weydiyay su,aal ah maxaa kugu kalifay in aad shaqadaan qabato ayado ay jiraan shaqoyin kale oo ka sii fursad badan?

“Waxay iigu jawabtay in ay haysato 5-Wiil iyo Ninkeeda oo xanuunsan  caruurteeduna ay karaban waxa ay cunaan iyo wax ay xirtaan.

Sidoo kale, Waxbarashada ay u dheer tahay, waxay kaloo ay tiri caruurtu ma gartaan waxba mahayi ee isii mooye, mas’uuliyaddaan ayaa ah mid adag mana jirto shaqo kale oo doorasho ah.

hooyadaan ayaa sidoo kale, tiri “Mas’uuliyadda waa mid loo siman yahay dumarkana ay tahay mas’uuliyadooda tarabiyeynta caruurta aysanna ahayn in ay bannaanka kasoo shaqeeyaan anigu waan waayay tarabiyeynta caruurteyda halka badalka aan bannaanka uga soo shaqeeyo, blase waxaan bulshada u sheegayaa in loo baahan yahay isku tanaasul caruurtana mas’uuliyadooda la ilaaliyo.

FURSADDA SHAQADA CIIDANKA dumarka.

Haweenka ku nool soomaaliya ayaa ah in aan looga baran shaqada ciidannimo balse ka hor burburkii soomaalia 1991kii, dumarka waxay aad ugu badnaayeen shaqooyin badan oo ay ragga kala siman yihiin sida ciidan iyo fursado kale oo aad u badan ka dib burburkii waxaa aad u yaratay is qorista ciidanka dumarka ah waxaana la la xariiriyay isbaddalka dadka ka dhex dhacay haddii ay noqotay in dalka burburay dadkoo isbaddalay diintii oo aad loo fahmay, dhaqankii oo isbaddal ku yimid.

Haweenka iyo ku soo biirista ciidanka ayaa waxaa la dhihi karaa baahida loo qabo askar ay tahay iyo in ay buuxineyso shaqada raggu qaabilsanayeen ayna tijaabiyaan nafsaddooda haddii ay dalkooda wax ka baddali karaan inta badan haweenka ayey waxyeellada dhibaato ka soo gaartay burburka dalka waana muhiim in haweenku yaqaanaan is difaacidda naftooda, maalkooda iyo dalkooda.

Maxay haweenku u qaateen fursadaha?

In kastoo fursadaha shaqo dumarka ay aad u badan yihiin soona bandhigeen intii lagu guda jiray soo kabashada dowladnimada-

1-Waxaa jiray sababo badan oo ay haweenku u beddeleen noloshooda si ay u qaataan dalabyada cusub.

2-Waxaa jiray sababo asal ah oo waddaniyadeed, markii ay dacaayad ka dhigeen dadka kama badalin hadafkooda , si ay u sameeyaan waxa ay ku taageeraan qarankooda qaarkood waxay galeen qaabab cusub oo shaqo baahida loo qabo,

Doorka siyaasaded ee haweenka

Waxay ka qayb qataan xilalka wadanka waxay leeyihiin qoondo dumarka qaas uleyihiin oo dhan 30% tiro aad ubadan ayaa ku jirta siyaasada dalka waxay ka shaqeeyn masiirka dadka ayadoo wajibka hooyanimo qooysnimo gudato dumarka ayaa lagu yaqaan naxariis soona barbarisay siyaasiyiin howl kar ah waxaana lagu amanaa dorka siyasinimo ee kajiro dalka walina lagu sheegin isdaba marin musuq maasuq iyo wax kharsi.

Sidoo kale cawiyaan masaakiinta iyo wajibka saraan ee dumarnimo awood ALLE subxaanuhu watacaalaa siyay ayaa ah in ay ugu yaraan 10 howl isla marka qaban karaan waliba isku waqti.

WQ: IKRAAN SHIRE CILMI

 

 

 

SAAMEYNTA UU LEEYAHAY BARAHA BULSHADA

Baraha bulshada waa kanaalo dhijitaal ah oo is-dhexgal ah oo fududeeya abuurista iyo wadaagga macluumaadka, fikradaha, danaha, iyo qaababka kale ee muujinta iyada oo loo mariyo bulshooyinka iyo shabakadaha casriga ah in la isticmaalo social media waxaa kuu sahlaayo inaad hesho internet adigoo haysan internet ma isticmaali kartid aaladdaan digital-ka ah.

Dadka ayaa waxaa soomaray xili uu yaraa in lawada helo internet isbaddalka iyo horumarka uu wadanka sameeyay ayaa la helay internet goob kasto ah.

haddaba bulshada soomaaliyeed ayuu aad u saameeyay isticmaalkan casriga ee social media iyadoo dhalin ,waayel, caruur aan loo kala harin.

Haddaba, Baraha bulshada ayaa leh faa’iido iyo faa’iida darro hadaba su’aal weydiinta mudan ayaa ah ma faa’iidadiisa ayaa badan mise faa’iido daradiisa bulshada ayaa u isticmaasha qaabab kala duwan markii la fiiriyo dhinaca faa’iidada ayaa aad u badan sababtoo ah dad ayaa nolashooda quudkiisa kuraadsada  dadka qaar ayaa u isticmaala in ay ku ganacsadaan wax ku bartaan Warbaahinta Social Mediyaha, waxaa sida caadiga ah loo isticmaalaa isdhexgalka bulshada iyo helitaanka wararka iyo macluumaadka, waa isgaarsiin qiimo leh oo lala yeesho dadka gudaha iyo caalamkaba, iyo sidoo kale in la wadaago, la abuuro, lana faafiyo macluumaadka.

Haddaba, kama maqna dhibaatadiisa oo ah in lagu faafiyo warbixino marin habaabin ah taas oo mararka qaar keni karta qilaaf daagal sidoo kale waxay aad u saameysaa ardayda waxbarata,  ardayda ayey ku sababtaa in ay waqtiga ka dhumiso halka ay badalka wax ka baran lahayeen waxeyna ku keentaa in ardayda ay lumiyaan xiisadaha waxbarshada u hayeen.

Wuxuu leeyahay sidoo kale isticmaalka social mediyaha  cafimaad darro qofka oo hurdo la’aan ku dhacdo sidoo kale in uu balwad u noqdo uuna qofka dhaafi Karin isticmaalkiisa 24 saac gudahooda.

Haddaba, Adduunka sida laga warqabo waxaa ugu muhimsan waqtiga, waxa uuna dilaa waqtiga qofka sidoo kale waxa uu qofka u abuuraa nolol khiyaali ah.

sidaa ognahay balwadda ma’aha wax si fudud lagu dhaafi karo, dhanka kale in ay caruurtu isticmaalaan waxa uu u keni karaa in maskaxdooda wax yeeleyso, sidoo kalena indhahooda dhibaato ugeysato tusaale inay ka qaloocdaan indhaha, aragtida oo yaraato iyo dhibaatooyin kale oo badan.

Waxaa jiro aalado aad usaameeyn badan sida FACE BOOK-ga  iyo TIKTOK-ga oo ah kuwa Soomaalida aad u isticmaalaan.

Soomaalida waxay ka mid yihiin dadyowga aad loogu isticmaal badan yahay ay tahay aaladda face book-ga waliba iyadoo ah dal faqri ah ahaanshaha ilaa xadkaas ay isticmaalaan in dhallinta aadka u badan isticmaalaan baraha bulshada afka khalaadna lagu dhaho Social Media ayaa ah shaqo la’aanta wadanka ka jirto jaaniskaas oo badan ay keentay in isticmalkaas aad u bato.

Haddii shaqsi uu haysto shaqo waxaa yaraanaya in waqti uu u helo waxyaabaha aan munaasabka ahayn oo kale hadda Soomaaliya waxaa ku badan kanaalis aad u badan oo aan lahayn sharci qabto laguna faafiyo marin habaabin aad u xun dadkana ka dhigtay kuwo aan xog sax ah marwalba helin kanaaliskaas ayaa ah kuwa loogu adeego dano gaar ah ee shaqsiyadeed iyo is reereysi.

Aaladda tiktok oo ka mida ah aaladaha la isticmaalo midda ugu badan ayaa noqotay mid lagu fasahaado dhaqanka iyo sharta soomaaliyeedna lumisay dadkana ka dhigtay in markii iyada la isticmaalaayo aanan laga xishoon waxyabaha mudan in laga xishodo dowlado badan oo ay ka mid yihiin India iyo USA ayaa ka joojiyay wadankooda aaladda tiktok-ga waxaa aaladda waqti dhow soo baxday haddana aad u faaftay gaartay meel aysan gaarin kuwa kale tiro dad ahna ay isticmaalaan.

WQ: IKRAAN SHIRE CILMI