Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo booqday Xarunta Safaaradda Soomaliya ee Ankara

Madaxwaynaha JFS Mudane Xassan Sheikh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo oo
Booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiye ayaa soo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Ankara.

Madaxwaynaha ayaa diblomaasiyiinta iyo hawlwadeennada kale ee safaaradda la yeeshay kulan is xogwaraysi.

Danjire Jama A. Mohamed (Caydiid) ayaa Madaxweynaha uga warramay adeegyada safaaraddu bulshada Soomaaliyeed ee Turkiye deggan u qabto.