Wasiirka Gaadiidka oo guddoomiyay Shir la xariira Amniga Garoonka Aden Cabdulle

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Md. Duran Axmed Faarax ayaa maanta shir Gudoomiyay Shir looga hadlayay Amniga Garoonka Caalamiga ah ee Aden Cabdulle.

Shirka ayaa waxaa kasoo qaybgalay Masuuliyiin ka socday Hay’adaha kala duwan ee dawladda kuwaas oo ka hawlgala Garoonka Diyaaradaha.

Shirka ayaa intii uu socday Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda wuxuu warbixin ka dhagaystay Laamaha Amniga, iyadoona uu bogaadiyay shaqada Wanaagsan ay ka hayaan Garoonka Aden Cabdulle iyo Nawaaxigiisa.

Wasiirka Gaadiidka Duran Farah ayaa amaanay sida wanaagsan ee shaqada Garoonka u socoto,wuxuuna sheegay in muhiim ay tahay sii dardargalinteedu,isagoona intaas raaciyay in sidoo kale la hagaajiyo jadwalka diyaaradaha xiliyada ay baxayaan iyo marka ay soo dagayaan si meesha looga saaro dib u dhac ku yimaada rakaabka loo adeegayo.