Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa manta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub ka taageero Dowladda Soomaaliya iyadoo lagu saleynayo howlaha hortebinta u leh Dowladda.

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay guddoonka maxkamadda sare ee maamulkaas

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 28 ee 4-ta July 2022 kuna saabsan dib u magacaabida Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 90aad

Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in la dhiso Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.

Wuxuu Xeeriyey:

Magacaabid

  1. Waxaa Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
  2. Waxaa Nuur Ciiise Maxamed loo magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
  3. Waxaa Axmed-haadi Aadan Yuusf loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
  4. Waxaa Cabdiqani Diiriye Cawl loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
  5. Waxaa Cabdinaasir Cabdullaahi Cali loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntlan

Waxaa kale oo la magacaabay

  1. Keydka
  2. Maxamuud Aadan Cabdulle Xubin
  3. Cabdishaafi Axmed Cali Xubin
  4. Xubno Guddi
  5. Daahir Maxamed Nuur
  6. Xasan Cabdi Cilmi

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

SIDEE AYEY SOOMALIDU KU JOOGAAN BARAHA BULSHADA

Baraha bulshada waa goob ay kulmisay Soomalida isticmaasha baraha oo Ku Kala nool dalka iyo dibada.

Baraha bulshada bulshada Soomaliyeed ayaa sanadba sanadka kale isticmaal kooda  Ku soo badanaayey baraha bulshada kuwaas ay Ku wadaagaan xogo badan.

Dadka Soomaliyeed qaar ayaa baraha bulshada u adeegsada in ay Ku gudbiyaan arimo Wanaagsan oo bulshada muhiim u ah sidoo kalena waxa ay u isticmaalaaan in ay iskala xiriiraan.

Baraha bulshada umadda Soomaliyeed waxa uu u sahlay in ay iskula xiriiraan sida ugu ufudud haddii ay ahaan laheed Vedio call ama is aragga dhanka muqaalka ah Kaas oo fududeeyey dadkii Kala maqnaa sodonsano in ay sifudud ay isku arkaan ayna u wadada xiriiri karaan .

Sidoo kale baraha bulshada umadda Soomaliyeed waxa uu u sahlay in ay waxa Ka baran karaan ayaga oo dalka jooga una sahleysa xiisadahooda ay sifudu ay Ku qaadan karaan sidoo kalena ay Ka Heli karaan internetka cashiro badan oo Kala duwan oo maadi iyo diini naftoodana anfaceysa.

Dhankale  marka laga eego baraha bulshada ay isticmaasho Soomalida waxa ay u isticmaalaaan waxyaabo aanan hobooneen in bulshada la lawadaago qaar ayaa badan ayaa siyaabo qaldan u isticmaasho internet ayaga oo leh aad caan noqotaan.

HADABA QAAB NOO CEE AH AYEY KU KALA JOOGAAN SOMALIDA BARAHA BULSHADA AY ISTICAALAAN.

Facebook: waxaa Ku kulama bulsho badan oo Soomali ah Ku waas oo xogo badan isku dhaafsada haddii ay ahaan laheed warbixino xaqiiq ah , kuwa aan xaqiiq aheen , vedeo aanan habooneen sidaas oo ay tahay Facebook waxaa Ku badan dadka caamada ah oo isticmaala una maleeya waxa lagu qora in ay tahay wax sax ah oo saameen Ku yeelan karta nolasha aadanaha.

Twitter: intadan Twitter waxaa ku badan dad aqoon yahano ah oo iskugu jira dad siyaasiyiin, dad waryayaal iyo dad badan oo aqoonta u saaxiib ah kuwaas oo isku dhaafsada aaraahyo bulshada Soomaliyeed macno u saameen karta waxna kabadali karta.

YouTube: dadka adeegsada YouTubeka waxa ay u badan yihiin dad maalaayacni Ku faafiyo bulshada waxna aan Ku soo kordhinin kaliya fiirsada views ay kahelaan iyo lacagta oga soo xarooneysa.

Kuwa kale ayaa jira oo YouTube Ku faafiya waxyaabo bulshada u Wanaagsan oo mustaqbalkooda wax u taraaya balse bulshado intabadan waa dad aanan u diyaarsaneen in ay daawadaan waxyaabaha Wanaagsan balse badalkeeda aada waxyaabaha aanan u Wanaagsaneen.

Tiktok: Goobtaan waxaa iskugu imaada boqolkiiba sagaashan dad dhalin yaro u isticmaala waxyaabo aan Alle raali Ka aheen sida Heesaha, Gabdho aanan asturneen oo Ku dhex ciyaara tiktokga iyo waxyaaba badan oo Alle care galiya ayaa lagu isticmaalaa.

Ugu danbeyn sheekadan waxaan u soo qaatay in aan iftiiniyo waxyaabaha baraha bulshada Ka socda qeybahooda Kala duwan oo aan lawadaago bulshada Soomaliyeed si ay u ogaadaan waxa Ka socda internetka.

Dhamaan inta wax garadka ah aqoonta u saaxiibka ah iyo kuwa caqliga u saaxiibka waxaan Kula talinayaa in bulshada Soomaliyeed latuso wanaaga lagana reebo xumaanta si loo helo bulsho hagaagsan loona helo dal hagaagsan .

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka XFS oo kulan la qaadatay Wafdi ka socday Hay’adda Qatar Charity

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wafdi heer sare ah oo ka socday Hay’adda Qatar Charity ayaa soo booqday Isbitaalka Demartino si ay ugu kuur galaan adeegyada uu isbitaalka bixiyo gaar ahaan qeebta caruurta la il daran nafaqo darrida ba’an; Wafdiga ayaa boqoday qeybaha bukaan jiifka oo ay warbixin ka dhagaysteen howlwadeenada qeybtaas ee isbitaalka Demartino.

Agaasimaha guud ee isbitaalka Demartino ayaa uga warbixiyay wafdiga xaaladaha uu isbitaalka ku shaqeeyo iyo duruufaha bukaanada jiifa isbitaalka ee ka kala yidim magaalada muqdisho iyo qaybo ka mid ah gobollada dalka.

Wafdiga ayaa ugu danbeen la kulmay wasiir Dr. Fawziya Abiikar oo uga mahadcelisay booqashadooda sidoo kalena waxay warbixin guud ka siisay xaalada caafimaad ee dalka iyo saameynta abaaraha ay ku yeesheen caafimaadka caruurta Soomaliyeed .

Sidokale Masuuliyinta Hay’adda ayaa waxa booqdeyn isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka Banaadir waxa ayna halkaa kulla kulmeeym maamulka iyo howlwadeenada isbitaalka oo ay ka xog-wareysteen xaalada isbitaalka iyo qaabka uu u shaqeeyo

Wafdigii kasocday Hay’adda Qatar Charity ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee isbitaalka uu u hayo bulshada Soomaaliyeed waxay badlan qaadeen in ay Isbitaalka la shaqeyn doonaan.

 

Madaxweynaha JFS iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo kulamo la qaadan doono Madaxda Dalka Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayey oo soo gaaray dalka Turkiga ayaa waxaa si diirran u soo dhaweeyey Wasiirka Waxbarashada dalka Turkiga Mudane Mahmut Özer, Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Mudane Jaamac Cabdullahi Caydiid iyo qaar ka mid ah diblomaasiyiinta shisheeye ee dalkan ku sugan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo casuummad rasmi ah ka helay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa wadahadalladooda xoogga ku saari doona adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda inta uu ku guda jiro booqashada waxa uu la kulmi doonaa Bulshada kala duwan ee Soomaaliyeed sida Jaaliyadda Iyo ganacsatada si uu uga xog-wareysto xaaladdooda guud iyo horumarrada ay sameeyeen.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu booqan doonaa Dugsiga Tababbarada Kumaandoosta ee Isparta l, halkaas oo ay tababbar ku qaataan qaar ka mid ah Ciidamada Xoogga ee dalkeenna.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka XFS oo kulan la qaadatay Wafdi ka socday Hay’adda Qatar Charity

Wafdi heer sare ah oo ka socday Hay’adda Qatar Charity ayaa soo booqday Isbitaalka Demartino si ay ugu kuur galaan adeegyada uu isbitaalka bixiyo gaar ahaan qeebta caruurta la il daran nafaqo darrida ba’an; Wafdiga ayaa boqoday qeybaha bukaan jiifka oo ay warbixin ka dhagaysteen howlwadeenada qeybtaas ee isbitaalka Demartino.

Agaasimaha guud ee isbitaalka Demartino ayaa uga warbixiyay wafdiga xaaladaha uu isbitaalka ku shaqeeyo iyo duruufaha bukaanada jiifa isbitaalka ee ka kala yidim magaalada muqdisho iyo qaybo ka mid ah gobollada dalka.

Wafdiga ayaa ugu danbeen la kulmay wasiir Dr. Fawziya Abiikar oo uga mahadcelisay booqashadooda sidoo kalena waxay warbixin guud ka siisay xaalada caafimaad ee dalka iyo saameynta abaaraha ay ku yeesheen caafimaadka caruurta Soomaliyeed .

Sidokale Masuuliyinta Hay’adda ayaa waxa booqdeyn isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka Banaadir waxa ayna halkaa kulla kulmeeym maamulka iyo howlwadeenada isbitaalka oo ay ka xog-wareysteen xaalada isbitaalka iyo qaabka uu u shaqeeyo

Wafdigii kasocday Hay’adda Qatar Charity ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee isbitaalka uu u hayo bulshada Soomaaliyeed waxay badlan qaadeen in ay Isbitaalka la shaqeyn doonaan

Ra’iisul wasaaraha XFS oo kullan la qaatay Golaha Agaasimayaasha Hay’adda Istaatistikada Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta qaabilay qaar ka mid ah xubnaha Golaha Agaasimayaasha Hay’adda Istaatistikada Qaranka oo ay ka wadahadleen mudnaanta qabashada tirakoobka guud ee dadweynaha iyo sida ay Dowladda uga go’an tahay qabashada Tirokoobka Dadweyne, oo gundhig u noqda dejinta qorshe qaran oo wax ku ool ah.

   

Ra’iisul wasaare Xamse oo kullan la qaatay hoggaannada qeybaha uu ka kooban yahay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa la kulmay hoggaannada tiirarka uu ka kooban yahay qorshe xukuumadda iyo mas’uuliinta mashaariicda socda, kuwaas oo Ra’iisul Wasaaraha u soo bandhigay warbixin ku saabsan habsami u socodka howlaha kala duwan.

          

Madaxweynaha Dalka oo booqasho Rasmi ah ugu ambabaxay dalka Dalka Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdogan ayaa ka amba-baxay garoonka diyaaradaha caalamiga ah Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdogan ayaa ka wadahadli doona xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan.

Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya xiriir walaaltinimo oo qotodheer, iyada oo ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed xasuusan yihiin garab istaagga ay u muujiyeen walaalahooda dalka Turkiga xilliyaddii adkaa.

Madaxweynaha Jubaland oo kulan la qaatay Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ee Dhoobley ka hawlgala

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo maalmahan safar shaqo ku jooga degmada Dhoobleey ayaa maanta la kulmay saraakiisha ciidanka Amniga.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku weheliyey wasiirka Amniga Gen: Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal, Guddoomiyaha maxkamadda sare Cabdishakur Sheikh Maxamed Rashiid, Xeer ilaaliyaha guud Maxamed Sheekh Cusmaan, Guddoomiyaha degmada Dhoobley Siyaad Muxumed Xassan, Taliyaha guutada 11-aad qaybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka iyo saraakiisha ciidanka Jubbaland ee ka howlgala degmada Dhoobley.

Madaxweynaha ayaa sarakiisha ka dhagaystay warbixinta xaalada amniga Degmada iyo deegaanada ku xeeran.

Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa darajada labo xidigle u dalacsiiyay sargaalad Miski Maxamed Cali oo katirsan Ciidamada booliska Degmada kadib shaqo wanaageeda iyo sida hufan ee ay ugu adeegto bulshada.