

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, bahda fanka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday hoboladdii caanka ahayd ee marxuumad Khadra Daahir Cige.
Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdifataax Mahad Cabdiraxmaan ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ka Socday Hay,adda Unicef oo Maanta Baydhabo soo gaaray Islamarkaana ay hogaaminaysay Wakiilka Hay,adda Unicef Soomaaliya Madam Wafaa saeed.
Kulan Saacado qaatay oo ay Wada qaateen Wafdiga iyo Agaasimaha Madaxtooyada waxay kaga wada hadleen Xoojinta Kaalmada Haya’adda Unicef ay siiso Dadka Barakacayaasha iyo sidii Gar-gaar loo gaarsiin lahaa Dadka ay Abaartu Saamaysay ee ku Nool Guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed.
Dhul gariir xooggan oo ka dhacay dalka Iran ayaa sababay dhimashada saddex qof iyo 12 dhaawac ah,Dhulgariirkan ayaa ka dhacay Gobolka Hormozgan ee dalka Iraan iyadoo cabirkiisa lagu qiyaasay 6.1 sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Iraan,isagoo geystay burbur hantiyeed.
Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay in ka badan 12 kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii dhulgariir cabbirkiisu ahaa 6.1 uu ku dhuftay gobolka Hormozgan ee dalka Iiraan subaxnimadii Sabtida, sida ay sheegtay warbaahintu.
Shan iyo toban dhul gariir oo kale dhacay daqiiqado kadib dhulgariirkii ugu horeeyay, oo uu ku jiro mid cabirkiisu yahay 6.1 iyo mid kale oo cabirkiisu ahaa 6.3, ayay tiri wakaalada wararka ee Far
Cutubyo ka tirsan Ilaalada Kacaanka Iran ayaa loo diray gobollada uu dhulgariirka ku dhuftay si ay u xaqiijiyaan ammaanka oo ay u caawiyaan dadka deegaanka
munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu xusayey xuska maalmaha xoriyadda,Midowgii gobolada Waqooyi iyo Koonfur ayaa xalay lagu qabtay dalka Kuwait,xafladan oo ay iska kaashadeen Safaaradda JFS & Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kuwait, munaasabadan ayaa sidoo kale waxa ka soo qayb galay Safiiradda dalalka Djibouti, Kenya, Ethiopia, Sudan , South Sudan, Eriteria, Mali, Chad iyo Togo.
munaasabadda Xafladda ayaa waxa lagu soo bandhigay heeso waddani ah,ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka iyo Riwaayado goos goos ah.
ugu dambayn safiirka Soomaliya Danjire Dr. Cabdullahi Maxammed Odowa ayaa ka hadlay sooyaalkii hanaanka dawlad dhiska Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xariiqay caqabadihii mudadii 62 sanno ahayd soo marey dalka & dadka iyo fursadaha musqalbalka lagu hor marin karo dawladnimadda iyo wadajirka dadka.
Munaasabadan oo ay soo qaban qaabisay safarada somalia ee dalka kenya islamarkana ahayd mid loogu dabaal dagayay 62 sano guuradii kasoo wareegatay markii uu xornimada qaatay Dalkeena somaliya islamarkaana ay midoobeen gobolada waqooyi iyo kuwa koonfureed ayaa waxaa lagu qabtay safarada somaliya ee dalka kenya.
munaasabadan oo ay kasoo qayb galeen Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka somaliya Dr cabdiwali Maxmamed cali gaas, diblomaasiyiin ka kala socotay dalalka aduunka iyo sidoo kale qaybaha kala duwan ee jaaliyadda soomaaliyeed ee ku dhaqan Magalada nairobi dalka kenya Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Dr cabdiwali cali gaas islamrkaana soo noqday madaxwayihii hore ee dowlad goboleedka puntland ayaa dhankiisa ugu hambalyeeyay shacabka soomaliyed sanad guurada 62aad ee kasoo wareegatay markii uu xornimada qaatay dalkena.
Ugu danbeyna safiirka safarada somaliya ee dalka kenya amb Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo munaasabada soo xiray ayaa ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay midnimada umadda soomaaliyeed.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta dib ugu laabtay Caasimada Jowhar kadib safar uu dhawaanahaan ku joogay Caasimada Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Maxamed Dheere waxaa kusoo dhoweeyay Kusimaha Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna Guddoomiye Ku Xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Mahad Xasan Cusmaan xubnaha labada gole ee Dowladda, Maamulka Gobolka, iyo kan degmada, Saraakiisha amniga iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Muqdisho, Luulyo 1, 2022; Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xusaya sannad-guurada 62-aad ee xornimada iyo midnimada dalka, ayaa ubax dhigey taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha oo ay wehliyeen Madaxda goleyaasha dowladda, ayaa ubax-dhigga kaddib waxa uu ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed maalinta midnimada iyo xornimada, isagoo ugu baaqay in ay ilaashadaan qarannimadooda, xoojiyaanna midnmadooda bulsho.
“Waxaan mar kale hambalyo ku aaddan munaasabadda 1-da Luulyo u diraya dhammaan shacabka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan. Waxaa xaqiiq ah, in si aan horey ugu dhaqaaqno ay muhiim tahay in aan gacmaha is qabsano oo qabano shaqo qaran oo adag, taas oo horseedi doonta in aan dalkeenna horumarinno, dunidana wax la qeybsanno”.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaanay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee daafaha caalamka sida ay u xuseen maalmaha xoriyadda iyo midnimada dalkeenna, waxa uuna kula dardaarmay in ay xoojiyaan doorkooda ku aaddan dowlad dhiska dalka iyo gurmadka dadkeenna la tacaalaya xaaladaha binu-aadantinimo ee ka dhashay abaaraha ka jira qeybo ka mid ah dalka.
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed ugu duceeyay in fadliga maalmahan barakaysan awgeed uu Alle kaga dulqaado wax kasta oo dhib ku ah, sannadkan kiisa kalena ay ku gaaraan caafimaad, horumar, nabad iyo barwaaqo.

Ergeyga Joogtada ee Dowladda FS u fadhiya xarunta Ururka Iskaashiga Islaamka Ibraahim Adan Muusa ayaa la kulmay madaxa qunsulka Somaaliya ee magaalada Jiddah Dr. Amed Maxamuud Diiriye iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan ururkaasi.
Dhinacyadaasi waxa ay ka wadahadleen masuuliyadda laba xafiiis ka saran xoojinta xiriirka dalalka Islaamka iyo in waxqabadkooda lagu saleeyo istaraatiijiyadda qaranka dowladda Soomaaliya .
Ergeyga Joogtada ee Dowladda FS u fadhiya xarunta Ururka Iskaashiga Islaamka Ibraahim Adan Muusa ,waxaa kale oo uu la kulmay kaaliyaha xoghayaha biniaadnimada iyo dhaqanka ururka Iskaashiga Islaamka ,isagoo kala hadlay xaaladda abaaraha ee ka jirtaa dalka Soomaaliya iyo sida loogu gurman karo dadka .
Ergeyga Joogtada ,ah ee Soomaaliya.waxa uu horay ula kulmay xubnaha Dalalka Falastiin iyo Turkiga eek u jira ururkaasi.
Qaar ka mid ah Danjirayaasha Soomaaliya,madaxda gobolka Ontario iyo dadweyne kale ayaa ka qeybgalay xaflad lagu maamuusaayey maalinta xorriyada Soomaaliya oo ka dhaday beerta boqoradda queens Park ee Xarunra baarlamaanka gobolkaasi.
Xafladdaan oo ay soo qabanqaabiyeen ururka mideynta iyo Somali imigranta,waxaa ka qeybgalay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Baalle, Wasiirka socdaalka iyo isdhexgalka bulshadaOntariypo Maykal Ford, Afhayeenka baarlamaanka gobolka Ontaruyo Ted Orned iyo madax kale.
Xafladdaan waxaa sanad kasta lagu qabtaa beerta boqoradda queens Park ee Xarunra baarlamaanka gobolkaasi,marka laga reebo labadii sano ee u dambeysay oo la tilmaamay in ay xuskaasi xayireen cudurka Covid 19.