Wasiirka Qorsheynta oo daah furay mashruuca Kobciye oo ay ka faa’ideysanayaan sideed iyo tobban kun oo qof

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgshiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta daahfuray mashruuca iskaashiga Caalamiga  ee Kobciye  ee maalgalisay Midowga Yurub, iyada oo ka qeybgaleen madax ka kala socday wasaaradaha dowladd labadeeda heer ee mashaaruucda kobciye fulintiisa iyo kormeerka iyo qiimenta waajibaadkooda uu yahay.

Mashruucan Kobciye oo muhiimada gaar ah uga fadhiyo bulshada Beerleyda ah iyo xoola dhaqatada Soomaaliyeed ee ka faa’iideysanasanayo mashaariicda kobciye waxa ay gaarayaan sideed iyo tobban kun qof ee ( 18.000  people), kuwaas oo ku nool qaaar ka mid ah gobalada  dalkeenna ee la qorsheeyay in laga hirgaliyo Mashruucan qiimaha leh.

Madaxa Hay’adda Barnaajimka Cuntada Adduunka u qaabilsan QM ee Soomaaliya (WFP-Somalia). Waxa uu hoosta ka xariiqay natiijooyinka hordhaca ee laga gaaray mashruuca iyo fulinta meelaha goordhaw fulintiisa laga bilaabi doonno  in diirada sooro, yarenta Abaaraha, Sugnaanta Cuntada, Isbalka Cimilada, Wax soo saarka kobcintiisa

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa qeexay maraaxilada kala duwan ee soo maray Mashruuca kobciye iyo ka baaran degida dowladda Arrimaha Abaaraha soo lab-laabtay  in xal waara laga gaaro, iyada oo la horumarinayom beeraha iyo deeggnada saameynta ku yeelato abaaraha in la horumariyo muhiim ay tahay.

“Abaaraha la tacalayno, dalka oo dhan saameysay, wax uga qaban lahayn, dadka wax soorka u leh sidaan ugu diyaarin lahaa waxyaabaha ay u baahanaayeen, Biyaha In ay isku tiirsan lahaayn, mashruucan tijaabadiisa oo lagu guuleystay, waxaana rajaynaa in dalka oo dhan la gaarsiiyo si ay looga faa;iideyso, aqoontooda kor loogu qaadayo, mashaariicda ay noqdaan kuwa is wada qiimahaasa leh waaye, Wax badna ayaa laysku celiyay, WFP, Wasaaraddaha ay khuseeyay wax badan Ayaan ka wada hadlay, “ yari Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan.

Mashruucan ayaa socon doonno muddo labo sano iyo bar ( 2.5 years) , waxaana si wadajir ah u fulin doono dowladda Soomaaliya iyo WFP-Somalia.

Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha abaaraha oo daah furay lacag dhan 25 Milyan oo loogu talagalay Taakulaynta Abaaraha

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Abaaraha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa maanta daah-furay lacag dhan 25 Milyan oo Doollar oo loogu talagalay Taakulaynta Abaaraha, taas oo qayb ka ah Mashruuca Soo kabashada dhibaatoyinka Soomaaliya (SCRP). Mashruucan oo uu maalgelinayo Bangiga Adduunka ee lagu beegsanayo dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool dhulka miyiga ah ee Soomaaliya ayaa waxaa maamuli doona dowladda Soomaaliya.

Mashruucan ayaa ujeedadiisu tahay soo kabashada iyo soo celinta habnololeedyada iyo kaabayaasha abaaraha iyo meelaha ay fatahaaduhu saameeyeen taasoo gacan ka geysan doonta dhisidda adkeysiga ee masiibooyinka dabiiciga ah ee soo noqnoqda.

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan Abaaraha ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu leeyahay mashruuca SCRP, waxaanu yidhi, “Mashruucan waxa uu ku soo beegmay wakhti fiican oo ay dadkeenii, gaar ahaan kuwa reer miyiga ah ay la daalaa dhacayaan xaalad adag iyo roob-doon oo afar xilli oo xidhiidh ah.

Wasiirka Maaliyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya “Iyadoo beryahan dambe diiradda dowladdu ay saarneyd la tacaalidda cudurka COVID-19 iyo fatahaadaha xilliyeed, dowladdu waxay sii waddaa in ay mudnaanta siiso wax ka qabashada dadka dhibaateysan iyadoo la kaashaneysa hay’adaha horumarinta”.

Wasiirka Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha “Xaaladda abaareed ee jirta iyo hubanti la’aanta cuntada ayaa lama huraan ah in la soo dadajiyo sanduuqa SCRP si loo dardargeliyo dedaallada dawladda iyo sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha adag ee dalka. Waxaan ku boorrinayaa dhammaan bah-wadaagta la ah inay kordhiyaan dadaalkooda ku aaddan bixinta gargaarka naf-badbaadinta ah si looga hortago macluusha dalka ku soo fool leh”.

Soomaaliya waxaa ka jira mid ka mid ah abaarihii ugu darnaa ee ugu yaraan afartan sano gudahood. Ilaa 7.1  malyuun qof ayay soo wajahday gaajo, biyo la’aan iyo daaq la’aan ayaa sidoo kale dilay malaayiin xoolo ah, maciishada oo baaba’day, qoysaskuna ay caydhoobeen.

Ra’iisul wasaare Xamse oo si rasmi ah xafiiska ula wareegay ayaa kulamo la yeeshay Agaasimeyaasha waaxyaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo maanta si rasmi ah ugu shaqo bilaabay, ayaa kulammo la yeeshay maamulka, Agaasimeyaasha Waaxyaha kala duwan ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo hoggaannada tiirarka mudnaanta u leh qorshaha XFS.

Ra’iisul Wasaaaraha ayaa mas’uuliiyiinta Xafiiska ee uu kulammada la qaatay uga mahadceliyay shaqada wanaagsan ee ay qaranka u hayaan, isagoo ku boorriyay in ay sii laba jibbaaraan shaqadooda.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sidoo kale kormeeray qeybaha iyo waaxyaha kala duwan ee Xafiiska isagoo warbixinno ka dhageystay agaasimeyaasha iyo howl-wadeennada qaarkood.

Madaxweynaha Puntland oo shir guddoomiyay kulan looga hadlay xaaladda Abaaraha

Madaxweynaha dowladda goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shir looga hadlay xaaladda Abaaraha oo ay ka qeybgaleen madaxda Hay’adaha Caalamiga ah ee ka howlgala Puntland.

Shirka oo uu Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, sidoo kale waxaa ka qeybgalay Guddiga Abaaraha ee heer Wasiir iyo Hay’adaha Dowliga ah ee Puntland.

Waxaa Shirka ka warbixiyey wasiirka Gargaarka iyo maareynta Masiibooyinka ee Puntland Mudane Cabdullahi Cali Xirsi.

SIDEE LOOGA FAA’IIDEYSAN KARAA DAKHLIGA DALKEENA

Waxaa jira jihooyin fara badan ee looga faa’iideysan karo dakhliga dalkeena taas oo ay tahay in aan hormarino kana dhiidhino tabcashada beeraha, xoolaha iyo badda.

Annaga oo ka faa,iideysanayno dakhliga EEBBE SWC nagu galaday , tusaale Haddi aan xooggeena isugu geeyno ka faa,iideysiga dakhliga ka soo Burqaanaayo dhulkeena  hooyo,  waxaa si buuxda looga maarmi Doonaa dhaqaalaha shisheeye oo had iyo goor ay nagu curiyaamiyaan .

Hay’adaha shisheeye waxa ay doorkooda inta ugu badan ku bixiyaan curiyaaminta bulshada qaybaheeda kala duwan iyagoo u adeegsanaayo siyaabooyin kala duwan  oo ay ugu horeeyan xiliga abaaraha waqtigaas oo ay bulshdeeena  soomaaliyeed soo wajahdo xaalado bini’aadanimo tii ugu darneed.

Si looga kaaftoomo curiyaanitaas waxa laga maar-maan ah in la sameeyo feejignaan wayn oo ay ugu horeeyaan in lasameeyo keyd cunno  lana sameeyo mashaariicyo waaweyn ee looga hortagi karo  waqtiyadaas adag sidaasna ay noqoto talaabada koobaad ee looga kaaftoomo curiyaaminta loogana faa’iideysto dakhliga dalkeenna Hooyo..

Dhukleenna hoyo waxa uu leeyahay 33 boqolkiiba dhammaan ciida adduunka oo nabaad guur ku dhaaco.

Nabaad guur kaas o kordha markii si deg deg ah ay uga faa’iideystaan Awoodda ciidda si loo hormariyo wax soo saarka dalagga taasi oo ah furasaddo kale oo dheeraad ah tahay ne inaan uga faa’iideysanno dakhliga dalkeenna hooyo.

waxeynu u haysannaa furasaddo badan oo mudan mustaqbalka fog iyo kan dhawba ka faa’iideeysiga dakhliga dalkeenna soomaaliya xooggana isugu keeyno ka mira dhalinta ah ka faa’iideeysiga dakhliga dalkeenna innagoo ka fogaanayno kana taxatireeyno curiyaaminta hay’adaha shisheeye.

Dib umilicsiga dakhliga dalkeenna Hooyo waxaa ka mid kheyraadka aynu ka baahannahay taas oo xitaa inta badan aynu gelin waqti badan iyo maskax shiil tabcashada beeraha, xoolaha, kalluunka iyo kuwo kale oo fara badan oo uu hodon ku yahay dalkenna hooyo oo ALLE nagu nicaystay.

Dakhliga dalkeenna hooyo waxa uu ku saleeysan yahay Wax soo saarka qadiimiga ah iyo kan casiriga ah, Taasi oo meela badan ee dalkeenna hooyo ka mid ah ay si xoowliya ugu sii fideeyso

dakhliga dhaqaale ee beeraha ayaa ayaa ka mid ah laf dhabarta Nolosha iyo jiri taanka bulshada soomaaliyed, in ka badan 65 boqolkiiba iaa 70 boqolkiiba bulshada soomaaliyeed ayaa ku tiirsan dakhliga beeraha iyo wax soo saarkooda.

waxaa jira dalagyo dhowr ah oo inta badan uu dalkeenna u dhoofiyo dalalka kale annagoo ka maacsheeyno kana faa’iideeysaneyno wax soo saarka dakhliga dalkeenna Hooyo.

W/Q CABDULLAAHI ABUUKAR CAADLE

Xildhibaannada labada Aqal oo dood kayeeshay maanta markale akhrinta labaad ee Miisaaniyadda Qaranka

Kulanka wadajirka ah ee labada Gole Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo lagu dhamaystirayo dooda akhrinta labaad ee Miisaaniyadda Qaranka oo maalinkii labaad galay ayay Xildhibaannadu su’aalo waydiinayaan Wasiirka Maaliyadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa wadajir Guddoonka Golaha Shacabka ku wehliya Guddoominta kulanka Wadajirka ah.

 

     

Xoghayaha Guud ee NATO: Ruushka ayaa khatar toos ah nagu haya

Iyadoo uu maalintii labaad socdo shirwayne ay isku yimadeen Waddamada ku bahoobay NATO, ayuu Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg sheegay in Ruushka uu Khatar aan la yareeysan Karin ku hayo waddamada NATO.

Jens Stoltenberg, ayaa tilmaamay in NATO, ay wajahayso caqabadii ugu weyneed tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka, taasi oo kaga imaneeyso Ruushka.

“Waxaan si cad u adkeyn doonaa inta lagu jiro shir-madaxeedkan, dib u eegis ku saabsan qorshaha Isbaheysiga markii ugu horeysay, tan iyo 2010, madaama Ruushku uu khatar toos ah ku hayo NATO, taasi oo wiiqeeysa amnigeena,” ayuu yiri, Jens Stoltenberg, oo la hadlaayay Wakaaladda AFP.

Xoghayaha wuxuu sidoo kale shaaca ka qaaday inmaanta shirka laga soo saari doona go’aanno muhiim ah oo ku saabsan bariga iyo koonfurta NATO iyo sidkale la dagaalanka argagixisada.

Intii uu socday shirkan ayuu Turkiga soo jeediyay in dalaka Finland iyo Sweden, loo ogolaado in ay ku biraan isbaheysiga NATO, si wax looga badallo istiraatiijiyadda dagaalka Ruushka uu ku hayo danaha NATO.

Dowladda Soomaaliya oo deeq gaarsiisay degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo

Muqdisho(Wargeyska):-Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka XFS ayaa deeqo raashin gargaar ah oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka ay abaaraha saameeyeen gaarsiisay degamda Ceel-waaq ee ka tirsan Gobolka Gedo.

Wasaaradda ayaa maanta deeqadan gaarsiisay degmada Ceelwaaq, halkaa oo ay ka jirto xaalad bini’aadannimo oo ay sababtay abaarta ka jirta guud ahaan dalka, iyadoo Ceel-waaq ay ka mid tahay deegaannada sida ba’an ay u saameysay abaartu.

Deeqdaan gargaarka ah ayaa si toos ah loo geynayaa deegaanada ay ku nool yihiin dadka saameynta xooggan ay ku yeelatay abaarta ka jirta dalka, iyadoona horay deeqo kuwaan lamid ah la gaarsiiyay degmooyinka Xudur, Garawo, Ceel-waaq oo ay ku suganyihin qoysas badan oo ay abaartu sameeysay.

Madaxweynaha iyo Ray”iisul wasaaraha ayaa horay ugu amray Guddiga Maalmaha xoriyadda in ay isku wadaan u gurmashada dadka ay abaartu sameeysay iyo diyaarinta Todobaadka xoriyadda.

Wasaarada howlaha guud iyo dib udhisaka Galmudug oo qabtay tababar ku saabsanaa qorsheeynta & ka hortagga Masiibooyinka

Muqdisho(WargeyskaDalka):- Tababarkaan oo ay soo agaasintay wasaarada howlaha guud dib udhiska Dowlad goboleedka Galmudug ayaa ku saabsanaa u adkeysiga masiibooyinka iyo qorsheynta lagaga hortagi karo ayaa maanta lagu qabtay magaalada Gaalkacyo

Tababarkan oo socon doona muddo labo maalmood ah, ayaa waxaa ka qeyb galaya mudada uu socdo qaar kamid ah howlwadeennada dowladda hoose ee dagmada Gaalkacyo iyo isku duwayaasha wasaaradaha galmudug ee Gobalka mudug

Guddoomiye kuxigeenka dagmada Gaalkacyo Injineer Maxamed Cabdi Cilmi ayaa sheegay in tababarkaan uu yahay mid wax badan ay ka faa’iidi doonaan ka qeyb galayaasha ka socday qeybaha kala duwan ee wasaradaha Galmudug, isagoo kula dar-daarmay waxyaabaha ka korarsadaan ay noqdaan kuwa ay ugu adeegaan Bulshada.

Ciidamada Israa’iil oo markale maanta weerar ku qaaday magaalada Jeniin

Weerar ay maanta oo Arbaca ah ku qadeen Ciidamada Israa’iil, magaalada Jeniin ayay ku toogteen muwaaddin Falastiini ah oo halkaasi ku suganaa.

Wissaam Bakar, oo ah Agaasimaha Isbitaalka Khaliil Suleymaan ee magaalada Jeniin, ayaa sheegay in wiil dhalinyaro ah uu u dhintay Rasaas ay ku fureen ciidamada Yahuudda, intii uu socday iska horimaad subaxnimadii hore ee saakay ka dhacay waqooyga magaalada.

Goob joogayaal ayaa sidokale u sheegay wakaalada wararka ee Anadol in Ciidamada Israa’iil ay gudaha u galeen magaalada Jeniin, iyaga oo gudaha u galay dhowr Guri oo ay degenaayeen dad falastiiniyiin ah, taasi oo keentay inuu halkaasi ka qarxo iska horimaad ay la galeen tobanaan dhalinyaro Falastiiniyiin ah.