Jubbaland oo Hay’adaha samafalka kala hadashay u gurmashada Dadka ay Abaaraha saameeyeen

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad gobaleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa Kulan laqaatay masuuliyiinta Hay’adda Gift of the Givers, isagoo kala hadlay sidii wax loogu qaban lahaa dadka ay Abaaraha sameyeen.

Sidoo kale waxaana kulankaa qayb ka ahaa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland iyo Hay’adda qaabilsan daryeelka Qaxootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa ku baaqay in dhamaan Hey’adaha gargaarka bixiya ay si hagar la’aan ah wax ugu qabtaan dadka tabaleeysan ee ay sameeyeen Abaaraha ka jira qeyba kamid ah degaannada Jubbaland.

Degaannada Jubbaland ayaa waxaa ay kamid yihiin meelaha ugu daran ay Abaarta siweyn u saameysay dadka kunool.

Xildhibaannada labada Aqal oo markale Maanta kulan wadajir ah yeelanaya

Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ah Soomaaliya ayaa Maanta markale yeelanaya kulan wadajir ah, kaas oo ku saabsan sii wadidda Akhrinta 2aad ee Miisaaniyadda Qaranka 2022.

Xildhibaannada labada Aqal ayaa kulankooda shalay waxaa hortegay Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo xildhibaanadu su’aalo ay ka weydiiyeen miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2022

Su’aalaha Xildhibaannada waxaa ka jawaabayay wasiirka Maaliyadda, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo howlwadeeno kale oo la socday, waxaana dooda oo dheeraatay awgeed lagu ballamay in lasii anbaqaado maanta oo arbaco ah si ay u sii socoto ka doodidda Agendaha Miisaaniyadda 2022.

Ra’iisul wasaare Xamse oo xilka si rasmi ah ula wareegay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Barre oo 25kii Bishan ay ansixiyeen Xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xilka kala wareegay Ra’iisul Wasaarihii Hore ee dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Munaasabada xilwareejinta waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Golaha shacabka BJFS Sheikh Aadan madoobe, guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo mas’uuliyin kale oo ka tirsan dowladda.

                            

Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta akhrinta labaad mariyay miisaaniyadda Qaranka ee 2022-ka

Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan guud oo wadajir ah ayaa dood adag geliyay miisaaniyada Qaranka ee 2022.

Ajandaha kulanka oo ahaa akhrinta labaad ee miisaaniyadda Qaranka 2022 ayay Xildhibaannadu dood iyo su’aalo geliyeen xisaab xirkii miisaaniyadda Qaranka sanadihii la soo dhaafay iyo miisaniyadda hortaala oo ay ku jiraan odoros miisaaniyadeed iyo mashaariic u baahan is waafajin iyo faahfaahin meelaha qaar.

Su’aalaha Xildhibaannada waxaa ka jawaabayay wasiirka Maaliyadda, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo howlwadeena kale oo la socday, waxaana dooda oo dheeratay lagu ballamay maalinta berri ah si ay u sii socoto.

Ra’iisul wasaaraha XFS iyo Ra’iisul wasaaraha xilka Wareejinaya oo booqday Dhismaha Golaha Xukuummadda oo heer gabo gabo ah maraya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo Ra’iisul Wasaaraha xilka wareejinaya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehlinayaan wufuud kala duwan ayaa kormeeray xarunta cusub ee xukuumadda iyo Ra’iisul Wasaaraha oo oo heer gabo-gabo ah dhismaheedu marayo.

Xaruntan oo dhismaheedo heer gabo gabo ah marayo ayaa loo qorsheeyey inay ku shaqeeyaan Ra’iisul wasaaraha iyo Golaha wasiiradda XFS.

Mareykanka: meydadka 46-ruux oo laga helay gaari xamuul ah

    

Ugu yaraan 46 qof ayaa meydadkooda laga helay gaari xamuul ah oo looga tagay duleedka magaalada San Antonio ee gobolka Texas.

Sarkaal u hadlay dabdamiska ayaa sheegay in 16 qof oo ay ku jiraan afar caruur ah sidoo kale la geeyay isbitaalka.

Magaalada San Antonio ee gobolka  Texas, , ayaa ah marin weyn oo ay maraan dadka wax tahriibiya,waxayna xadka Mexico u jirtaa 250km .

Dadka wax tahriibiya ayaa inta badan adeegsada gawaarida xamuulka qaada si ay u daabulaan muhaajiriinta aan sharciyeysneyn ka dib markii ay kula kulmaan meelo fog fog .

“Waxay lahaayeen qoysas… waxayna u badan tahay inay isku dayayeen inay helaan nolol wanaagsan,” Duqa magaalada San Antonio Ron Nirenberg ayaa yidhi.

Wasiirka Qorshaynta oo uu wehliyo Agaasimaha guud ee wasaaradda qorshaynta ayaa kulan la qaatay Wakiilka Heya’adda UNICEF u qaabilsan Soomaliya

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Asad Yusuf Qanyare ayaa kullan la qaatay Wakiilka UNICEF u qaabilsan Soomaaliya, Wafaa ElFadil Saeed.

Kullanka ayaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin taagerida joogtada ah ay ee Hay’adda la garab taagantahay Soomaaliya iyo derdergalinta falcelinta xaaladaha Bani’aadanimada ee ku aaddan Abaaraha hada ka jira dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay qaar ka mid ah guddoomiyayaasha Baarlamaannada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe oo uu weheliyo guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka BJFS mudane Cabdullahi Cumar Abshirow ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah guddoomiyayaasha Baarlamaannada dowlad goboleedyada Hirshabelle,Galmudug iyo Xildhibaan Cali siciid Fiqi oo wakiil ka ahaa Gudoonka Golaha wakiilada dowlad goboleedka Koonfur galbeed.

Kulanka oo looga hadlaayey dardar-gelinta howlaha sharci dejinta iyo sida ugu haboon ay u wada shaqeyn karaan baarlamaannada dowlad goboleedyada dalka iyo kan Federaalka.

Guddoomiyaha golaha Shacabka ayaa bogaadiyey doorka muhiimka ah ee ay kaga jiraan golayaasha wakiiladda dowlad goboleedyada dalka waxaana uu sheegay in wada shaqeyn buuxda dhexmarto si loo helo aqoon kororsi ku aaddan shuruucda golaha Sharci dejinta dalka iyadoo loo ballan sanyahay Kulan wadajir ah oo laqaban doono maalmaha soo aaddan.

Madaxtooyadda Soomaliya oo war kasoo saartay xaaladda Caafimaad ee madaxweynaha

Shir jaraa’id oo uu goor dhowed qabtay Afhayeenka Madaxtooyadda Soomaliya mudane Cabdikariin Cali Kaar ayuu faahfaahin kaga bixiyey xaaladda Caafimaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, toddobaadka xorriyadda iyo halka uu marayo gurmadka gargaarka loogu fidinayo shacbiga Soomaaliyerd  abaaruhu saameeyeen.

Afhayeenka ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee madaxweynuhu tahay mid aad u fiican oo aan wax dhibaato ah aanu dareemaynin balse keliya laga helay caabuqa Covid-19,iyadoo isla beri madaxweynuhu mari doono baaritaan caafimaad,afhayeenka ayaa xusay in madaxweynugu shaqo maalmeedkiisa u gudanayo hab waafaqsan habraacyada loo dejiyey xakamaynta faafitaanka Covid-19.

Dhanka kale Afhayeenka ayaa waxaa uu intaa ku daray in dowladdu wax ka bedeshay habkii loo xusi jiray munaasabadaha toddobaadka Xoriyadda oo hore loo qaban jiray Xafladdo waaweyn balse sanadka loo bedelay in loo gurmado Shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen iyadoo la fulinayo amarka madaxweynaha JFS.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka XFS oo soo dhaweeyay wafdi ka socday xafiiska WHO ee Bariga iyo Bartamaha (EMRO)

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Agaasimayasha waaxaha Wasaaradda ayaa soo dhaweeyay wafdi ka  scoday xafsiika WHO ee Bariga iyo Bartamaha (EMRO).

Wafdiga yaa u yimid  Iskaashi labada dhinac ay ka yeelanayaan Arimaha Horumarinta hanaanka Isticmaalka Xogta Caafimaadka qaranka iyadoo lagu salaynayo u isticmaalka cilmi baarista iyo xoojinta  dadaaladda lagu horumarinayo siyaasaddaha iyo Nidaamka Macluumaadka Caafimaadka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cabdinaasir Mukhtaar Ibraahim ayaa warbixin kooban ka jeediyay kulanka taasoo la xariirta heerka Adeega Caafimaadka dalka ka jira iyo qorshayaasha Wasaaradda horyaala ee u baahan in la iska kaashado si loo hormariyo Nidaamka Xogta Caafimaadka Dalka, isagoo dhanka kalana ka warbixiyay dhibaatooyinka Caafimaad ee ka dhalan  kara abaaraha ka jira dalka kuwaas oo saamayn xoogan ku yeeshay bulshada ku nool meelaha ay ka jiraan abaaraha xoogan kuwaas oo u nugul in ay loo soo daristo xaalado Caafimaad xumo.

Dhanka kale, Wafdiga ayaa kulamo wadatashi iyo xog-wadaag ah oo ku aadan heerka horumarineed  ee siyaasadda iyo tayada Nidaamka Xogta Caafimaadka laqaatay qaar kamida farsamayaqaanada Xogta Caafimaadka, Sidoo kalana tala ka kabixindoona xoojinta nidaamka & maamulida xogta Caafimaadka guud ee Dalka.