Wasiirka Caafimaadka Galmudug oo daah furay shirka isku xirka Mashaariicda Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta si rasmi ah u daah furay shirka  isku xirka mashaariicda Caafimaadka deegaanada Galmudug, oo ay magaaladda Dhuusamareeb muddo sadax cisho ah kaga qeyb gali doonaann dhammaan hey’addaha ka shaqeeya Caafimaadka, iyo qaar kamid ah wasiirada Galmudug iyo maamulka Dhuusamareeb

Kulankan oo ka duwan kulamadii hore sida loo qaban jiray ayaa la filayaa In dib u eegis loogu sameeyo Mashaariicda Caafimadka Galmudug iyo ka jawaabidda Saameynta Abaaraha ee dhanka Caafimaadka. Si loogu  daro qorshaha seddaxda bilood ee nagu soo aadan wax ka qabashada saameyta jirta ee abaarta.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed ayaa xusey in u jeedada shirkani tahay wada diyaarinta qorshe wax looga qabanayo arrimaha Caafimaadka ee saameynta abaaraha jira.

Wasiirka Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdulahi Jaamac iyo Wasiirka Waxbarashada Maxamed Xaashi Dhoore ayaa ugu dambeyn la hadley hey’addaha Shirkan lagu Casuumey oo kor u dhaafayay 20-hey’addood.

Dowladda oo deeq gaarsiisay Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Wasiirka Wasaardda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka oo ay wehliyaan labada Agaasime Guud ee Wasaaradahaas ayaa maanta gargaar isugu jira adeegyada kala duwan ee nolosha aas-aasiga ah gaarsiiyay Magaaladda Xudur ee Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Magaaladaan oo ah goob ay go’doomiyeen kooxda nabdiidka Al-Shabaab ayaa xaalada beni’aadanimo oo daran ka jirta, waxaana magaalada ku soo gaaraya dad ka yimid baadiyaha ku hareereysan Xudur, kuwaas oo ay abaar ku dhuftay xoolahoodii ka dhamaadeen dantuna baday inay isaga soo hayaamaan halkii ay ku noolaan jireen si ay u raadsadaan baad iyo Biyo ay dhuunta mariyaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo hamblayo udiray dowladda & Shacabka Jabuuti June 27, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, mudane Sheekha Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo ku aaddan xuska 45 aad ee 27-ka Juun oo ku beegan xiligii xorrnimada Jamhuuriyadda Jabuuti ay ka qaateen gumeystihii Franciska, waxaana uu yiri,

“Waxaan hambalyo u dirayaa guud ahaan Walaalaha reer Jabuuti shacab iyo dowlad, anigoo ugu hambalyeynaya 45 sano guurada kasoo wareegtey munaasabadda maalinta xorriyadda Jamhuuriyadda Jabuuti oo ku beegan 27Juun1977”

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo mar kale Shacabka iyo dowladda walaaha Jamhuuriyadda Jabuuti ugu hambalyey is bedelka iyo horumarrada ay ka sameeyeen dalkooda, waxaana uu Ebbe uga baryey sanadkan kiisa kale barwaaqo iyo nabad.

 

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UGU HAMBALYEEYAY DOWLADDA IYO SHACABKA JABUUTI MUNAASABADDA XORNIMADA DALKAAS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u diray walaalkiis Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle dhambaal hambalyo ah oo ku aaddan sanad-guurada 45-aad ee xornimada dalkaas.

Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti munaasabaddan taariikhiga ah oo ka mid ah dhaxalka ay wadaagaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed, kana tarjumaysa halgankii mideysnaa ee dadka Soomaaliyeed ay iskaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga.

“Walaalaha Jabuuti, dowlad iyo shacabba, waxa ay maanta noo yihiin hiil aan ku tashanno. Waxaan idinla qeybsanaynaa munaasabaddan taariikhiga ah, anaga oo abaal idiin kaga hayna doorka walaalnimo ee aad ka qaadateen dib u dhiska dowladnimoda Soomaaliya.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyay shacabka reer Jabuuti iyo dowladdoodaba nabad waarta iyo horumar joogto ah.

Wariyeyaal ku dhaawacmay Qarax Miino oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Khaalid Maxamuud Cusmaan (Ilkacase) oo ah agaasimaha Idaacadda maamulka HirShabeelle ee Gobolka Hiiraan iyo Weriye Cabdikariin Shabeelow oo ka mid shaqaalaha Telefishinka HirShabeelle ayaa saakay lagu dhaawacay qarax miino oo ay la beegsatay argagixisada Al-Shabaab.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso, ayaa haleelay gaari ay la socdeen weriyaashaan, xilli uu marayey deegaan lagu magacaabo Qabno oo hoos tagta degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale weriyashaan waxay la socdeen kolonyo gaadiid ah oo uu hoggaaminayey guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte, waxaana dhawaacyadooda loo qaaday magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, si loo saaro diyaarad Muqdisho u qaada.

Jabuuti oo u dabbaal dageysa Xuska 27-ka June ee maalinta Xorriyadda

Dadka reer Jabuuti waxa ay ka mid yihiin shucuubta Soomaalida ee nasiibka u helay in ay ku noolaadaan geeska Afrika,gaar ahaan deegaanada Soomaalida ee la isku oran jiray dhulkii udugga, waxayna halgan adag u soo galeem sidii ay u noqon lahaayeen dad xor ah oo leh dowlad madax-bannaan.

 Taariikhda Halgankii Jabuuti 

Sanadki 1839-kii waa markii ugu horeysay ee gumeysiga Faransiiska uu sahan ku tagay dalka Jabuuti,isagoo ku andacoonaya in uu raadinayo goobo uu ka fushado danahiisa sida  Xeebaha badda Cas ,wuxuuna waqtigaasi Jabuuti ugu magac-daray dhulka Faransiiska  ee Somaliland.

Sanadihii 1869-1888-dii Faransiisku,wuxuu heshiis la galay odoyasha beelaha ,si ay ugu ogolaadaan  in gacankaTajura uu ku darsado magaalooyin uu horay u heystay sida Obokh,Dikhil iyo  kuwo kale.

Dhanka kale,Xilligaasi waxaa Gobolada Woqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya ka jiray gumeysi la mid ah kan Faransiiska,oo ay horkacayeen Ingiriiska iyo Talyaaniga, waxaana qabsashada dhulka Soomaalida ay  dhaliyeen in la mideeyo awoodda dadka, meelna looga soo wada jeesto quwadaha shisheeye ee geyiga u yimid in ay ka gurtaan kheyraadka dabiiciga ah ee dhaxalka umadda.

Dhaq-dhaqaaqyo xornimo doonka ah oo loogu magac daray xoreynta xeebaha jabuuti ,ayna horkacayaan dhallinyaro isku baheystay Ururka Somal Pan, ayaa bartamihii qarnigii 19-aad ka bilowday gudaha dalka Jabuut,,iyagoo taageero ka helay

Ururkii Dhallinyarada Soomaaliya ee SYL, tallaabadaasina waxa ay noqotay bilow wanaagsan oo loo qaaday raadinta xornimo taam ah oo dhameystiram.

Sanadihii1958-dii dowladda Faransiiska oo taageero ka heystay qaar ka mid ah odayaasha beelaha iyo kuwo daba-dhilif ah ,ayaa qabtay afti dadweyne oo ku saabsan in Jabuuti ay ku sii jirto maamulkii Fransiiska iyo in ay qaataan madaxbannaani,waxaana arintaasi ay ku dhamaatay in dadka Jabuti ay ku sii jiraan maamulkaasi.

Codeynta aftidaasi,oo lagu tilmaamay in ay ku dhacday qaab ku shubasho ah oo ay daneynaayeen Faransiiska,waxay kalliftay in shacbiga Jabuuti ay colaad iyo naceyb u qaadaan maamulkii Jabuuti ee taabacsanaa gumeysigii Faransiiska,

Siyaasiyiin badan oo uu kamid ahaa Maxamuud Xarbi ayaa dadaal u galay in Jabuuti ay la midowdo Soomaali,isagoo xilligaasi ahaa  ku xigeenkii golaha xukuumadda ee maamulka dhulka Faransiiska,wuxuuna  sanadkii 1960- ku dhintay shil diyaarad oo lagu micneeyay in uu ahaa shirqool ay maleegeen cadowgii shisheeye.

Maxamuud Xarbi oo ahaa siyaasi jeclaa midowga dadka Soomaaliyeed,kana horjeeday gumeysiigii Faransiiska ee qabsaday Jabuuri, waxa uu muteystay oo abaal ahaan uu u helay in lagu qoro diiwaanka halgamayaasha Soomaliya,isagoo si gaar ah  loogu magac daray dugsi ka mid ah kuwa ku yaalla Muqdisho .

Dhinaca kale,Cali Caarif Burhaan ayaa ka mid ahaa siyaasiyiintii ku caanbaxay naceybka midowgii dadka Soomaaliyeed,wuxuuna sanadihii u dhaxeeyay 1960-66-dii ,isagoo la safan maamulkii gumeysiga Faransiiska uu si cad u muujiyay sida uu uga horjeedo in lagu biro bahweyntii Soomaaliyeed.

Sanadkii 1967-dii, Faransiiska iyo maamulkii been abuurka ahaa ee loo sameeyay Jabuuti,waxaa,iyagoo raadinaya kalsoonida shacabka ay magacii dhulka Faransiska ee Soomaaliland ku baddaleen dhulka Faransiiska ee Canfarta iyo Ciisaha.

Toban sano ka dib,afti la qabtay 8-dii May 1977-dii  dadka reer Jabuuti,ayaa u codeeyay in ay doonayaan madax-bannaani,waxaana bil kadib 27-kii June 1977-dii loo dareeray doorashooyin uu ku soo baxay madaxweynihi i ugu horeeyay ee dalka Jabuuti Mudane Xasan Guuleed Abtidoon oo talada ka dagay sanadkii 1999-kii.

Wafdi ka socday Dowladii Mileteriga ee Soomaaliyeed oo uu hoggaaminaayey Xuseen Kulmiye Afrax Madaxweyne ku xigeenkii, ayaa ka qeybgalay xafladdii caleeemo saarka madaxweynaha cusub ee Jabuuti ,waxayna shacabka dalkaasi la qeybsadeen farxadda iyo dabbaaldegyada loo sameeyay maalinta xoriyadda iyo dhalashada dowladda cusub.

Inkastoo lagu guuleystay helitaanka xornimo taam ah iyo dowlad cusub oo ay heleen Jabuuti,haddana,waxaa halkaasi ku soo gabagabobay dadaal socday 1960-77-dii oo Dowladdii Rayidka iyo Dowladdii Mileteriga ee Soomaaliya ay u galeen sidii dadka Jabuuti ay wax ula qeybsan lahaayeen bulsh weynta Soomaaliya.

Dad badan ayaa  naftooda ku waayay intii uu socdayhalgankii reer Jabuuti ,kuwo kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo naafeeyay xubno kamid ah jirkooda,halka  sidoo kale ay jireen  kumanaan ruux oo laga masaafuriyay dalka Jabuuti iyo qaar kale oo laga buuxiyay xabsiyo gaar ah oo ay maamulayeen gumeysiga Faransiiska.

Xuskaan oo ah sanadguuradii 45-aad ee ka soo wareegatay markii dalka Jabuuti uu sandkii 1977-dii xoriyaddiisa ka qaatay Faransiiska,waxaa dabbaaldegyo iyo xaflado lagu maamuusaayo maalintaasi ay ka kala dhaceen gudaha Dalka Jabuuti Soomaaliya iyo dalal kale.

Xuskaan  oo ah mid sanadle ah waxaa lagu soo bandhigaa halgankii ay dadka Jabuuti u soo galeen xoriyadda iyo sida loo sii xoojin karo howlaha ku aadan horumarka socda ayaa xilligaan ku soo beegmay waqti uu talada dalkaasi haayo Ismaaciil Cumar Geelle.

Haddaba,anagoo ka faa’odeysaneyna xuska munaasabadda sanadguurada 45-aad ee ka soo wareegatay markii la helay xoriyadda dalka Jabuuti aawadeed,waxaan dhambaal hambalyo ah u direynaa shacbiga Soomaaliya,gaar ahaan dadka  reer Jabuuti ee ku kala nool gudaha dalka iyo dibadda.

Shire Xasan

Guddoomiyaha golaha shacabka oo Ubax dhigay Taalada Dhagaxtuur.

Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ka qeyb galay munaabadda Ubax dhiga xuska 26-ka Juun oo ka dhacday Taalada Dhagaxtuur ee degmada Waabari.

Ubax dhigaan ayaa qeyb ka ahaa maamuska Qaran ee maalmaha Xuriyada gaar ahaan 26-ka Juun oo ku asteesan xilligii ay Gobolada Waqooyi ka xaroobeen Gumeestihii Ingiriiska islamarkaana ah markii ugu horeysay oo dhul Soomaaliyeed laga taago Calanka JS.

Sidoo kale, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) iyo xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda ayaa ka qeyb galay munaabadda Ubax dhiga ee Taalada Dhagaxtuur ee degmada Waabari.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir (Cumar Filish) yaa ka qeyb galay munaabada Ubax dhiga xuska 26-ka Juun.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka qeyb galay munaabada Ubax dhiga xuska 26-ka Juun oo ka dhacday Taalada Dhagaxtuur ee degmada Waabari.
Ubax dhigaan ayaa qeyb ka ahaa maamuska Qaran ee maalmaha Xuriyada gaar ahaan 26-ka Juun oo ku asteesan xiligii ay Gobolada Waqooyi ka xaroobeen Gumeestihii Ingiriiska islamarkaana ah markii ugu horeysay oo dhul Soomaaliyeed laga taago Calanka JS.

Xuska maalinta xoriyadda ee Gobolada Woqooyi (26-ka june)

26-ka Juun waa maalin taariikh wayn ku leh Ummada Soomaaliyeed, islamarkaana ku daabacan qalbiga shacabka, kuna abuurtay dareen hiloow farxadeed leh,  waxayna qiimahaasi ku mutaysatay in ay tahay markii ugu horeysay ee laga dul qotomiyo ciid Soomaaliyeed calan xor ah.

Halgamayal badan ayaa u soo kifaaxay hanashada xoriyadda, gaar ahaan gobalada waqooyi,kuwaas oo isugu jiray qaar  halgan muddo badan socday oo qaraar la galay Saancadaalihii gumaysiga,waxaanna ka xusi karnaa oo ka mid ahaa Sayid Max’ed Cabdulle xasan, Shiikh Bashiir, Xaaji Faarax oomaar iyo  Xisbiyadii S.N.L IYO USP.

Dhanka kale waxaa kaalin tiir dhexaad ah ka qaatay halgankaas abwaanno Soomaaliyeed,kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Ismaaciil Maxamuud (Barkhadcas) iyo abwaan C/llaahi Suldaan(Timacadde).

Cabdillaahi Suldaan Maxamed (Timacadde),oo ku caanbaxay marinta gabayada dhiirigalinta ah iyo kuwa gumeysi diidka ah,wuxuu bartamihii kontameeyadii, ka qaybgalay halgankii gobanimadoonka ee ka hanaqaaday gudaha dalka, gaar ahaan gobollada waqooyi, isagoo markiiba ku biiray Xisbigii SNL oo ay xaruntiisu ahayd magaalada Hargeysa.

12-kii Saqdii dhexe ee 26-kii Juun 1960kii waa habeenkii guusha iyo markii ugu horaysay ee calan xor ah laga taago ciidda Soomaaliya, iyadoo munaasabaddii dabbaaldegga gobanimada ee ka dhacday beerta Xoriyadda magaalada Hargaysa uu halkaasi ka mariyay abwaan C/llaahi Suldaan Timacadde gabay ku qormay quluubta umadda Soomaaliyeed ,kaas oo ahaa Kaana siib Kanna saar

Xilligaasi guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed waxay daremayeen neecaaw xornimo oo ka curatay dhulkii Soomaaliyeed ee isticmaarku kala qaybiyay, waxaana bulshada ku nool goballada waqooyi ay muujiyeen dareen wadaniyadeed oo heerkiisu sareeyo, dabbaaldegyo iyo damaashaad ka dhacay beerta Xoriyadda hargeysana.

Waxaa marag ma doonta ah in Murtidii iyo hal abuurkii abwaanada Soomaaliyeed ku maamuuseen xornimadii gobollada waqooyi, iyo midawgii labada gobol ay ka soo maaxatay maskaxdii hal abuuradii Soomaaliyeed ee intooda badan ka soo jeeday gobolada waqooyi.

Abwaanadaasi maskaxdooda shiilay ee shacbiga dareensiiyay qiimaha xoriyadda waxaa ka mid ah Allaha u naxariistee Abwaanada kala ah C/llaahi Qarshe, Xuseen Aw faarax dibbad, Cali Sugulle oo ku magac dheeraa (Dun carbeed)  iyo Abwaan Axmed Suleyman Bidde, sidoo kale Fanaaniintii ku luuqeysay heesihii qiirada lahaa waxaa ka mid ahaa Max’ed Sulaymaan, Max’ed Axmed Kuluc iyo kuwa kale oo aan halkaan lagu soo koobi karin.

Sanad guurada 62-aad ee ka soo wareegatay xornimada gobolada woqooyi,waxay shacbiga soomaaliyeed ka baran karaan cashar ku saabsan sidii lagu keenay Calanka iyo siday lagama maarmaanka u tahay in loo adkeeyo midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya, loona xalliyo wixii tabasho ah ee jira.

26-ka June 1960-kii waa markii ugu horreysay ee Calan Soomaaliyeed laga taago Gobollada Waqooyi ee dalkeenna,loona diyaargaroobay in lala midoobo Gobolada Koonfureed oo si wadajir ah loo dhisto maamul dowladnimo oo ay u dhan yihiin dadka Soomaaliyeed.

Xuska 26-ka juun ayaa qeyb ka ah dabbaaldegyo loogu talagalay todobaadka xoriyadda oo ka socda gudaha dalka,waxaana habboon in dadka soomaaliyeed ay u istaagaan soo dhoweynta iyo xuska maalmaha qaran ee ku weyn dadka iyo dalka,isla markaana loo qumo hagaajinta muuqaalada ama bilicda deegaanka,iyadoo calanka Soomaaliyeed laga dultaagayo dhismayaasha ku yaalla hareeraha waddooyinka waaweyn.

Xuska iyo Weyneynta Maalmaha Qaranimada, waxay ku abuurayaan dhallinyarada dareen wadaniyadeed oo ay wax kaga baranayaan waayihii iyo duruufihii adkaa ee naf iyo maalba lahaa ee laga soo maray hanashadii Maandeeq oo curatay 26kii June isla markaana Mataanaysay 1dii July 1960kii.

Abuukar Gob-doon

Ra’iisul Wasaare Xamse oo hambalyo ku aadan 26-ka juun u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliye Mudane Xamse Cabdi Barre  oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay 62 guuradii ka soo wareegtay markii ay xorriyadda qaateen gobollada waqooyi ee Soomaaliya ayaa  hambalyo ku aadan u diray  dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dibada iyo gudaha dalka.

“Waxaan dhamaan Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyaynayaa munaasabada 26ka Juun oo ku beegan 62 guuradii kasoo wareegtey markii ay Gobolada Waqooyi Xorriyada ka qaateen Gumeystihii Ingiriiska islamarkaana ah markii u horeysey oo calankeena laga taagey dhul Soomaaliyeed oo xor ah. ” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in maalintani huwan tahay taariikh aad u dheer ayna tahay maalintii ummada Soomaaliyeed ay gumaysitii Ingiriiska ka xoroobeen. Waaxaana uu sidoo kale xusan halgankii dheeraa ee ummadda Soomaaliyeed u soo gashay madax-banaanideeda iyo inay noqoto ummad si xor ah aayeheeda uga tashata.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in Midowgii 2da gobal ee waqooyi iyo kuunfur reer waqooyi  la’aantood aysan suuragasheen.

Isagoo tilmaamay in maanta awlaadii halgamayaaashii xoriyada iyo midnimada keenay laga filaayo adkaynta midnimadii aabe yaashood horseedeen.

“Dadaalkaas dheer iyo halgankii xornimo doonka waxa xasuusin mudan in walaalaha reer waqooyi kaalin mug leh ay ku lahaayeen, waxay u hureen dhiigooda, libta 26ka juun, iyaga ayaana si gaar ah ugu suntan. Waxaan balan qaadayaa in aan dadaalkii ay ku baxsheen xormimada iyo midowga mid u dhigma aan ku baxsho xalinta tabashadooda.”

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay xaaldaha xiligan dalka ka jira ayaa sheegay in dadkeenu wajahayaan duruufo adag oo ay abaaruhu keeneen, una dheer yihiin arrimo amni iyo mid dhaqaale oo u baahan in wax laga qabto.

“Xukuumaddaydu waxay ahmiyad gaar ah siindoontaa sidii loo laba jibaari lahaa dadaalada loogu gurmanaayo dadkeena abaartu saameysay. Inagoo ka yeelan doonaa qorshayaal cad-cad oo lagu sameeynaayo xal waara iyo in dalka loogu diyaariyo inuu awood u yeesho ka jawaabista musiibooyinka qaran.”

Mudane Xamse ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed looga fadhiyo halgankii xornimo doonka ahaa mid la mid ah, taas oo ah waajib muwaadin kasta saaran sidii looga gudbi lahaa  kooxaha dadkeenii go’doomiyey ee u diidan in xitaa raashin gurmad ah iyo biyo loo geeyo shacabka gaajada iyo haraadka u dhimanaya.