Guddoomiye Aadan Madoobe” 26-ka Juun, waxay shacabka Soomaaliyeed u tahay maalin weyn,”

Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xalay ka qeyb galay munaasabadda xuska 26‐ ka Juun, oo ku beegan 62-sanno guuradii ka soo wareegatay  xiligii gobolada waqooyi ee dalkeenna ay xurnimadda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Khudbad dhan walba taabaneysa ka jeediyey munaasabadda ayaa waxaa uu sheegay in ay nasiib daro tahay in 62-sano ka dib aan walaalaheenna Gobolada waqooyi ay ka maqan yihiin dalka intiisa kale.

“Farxad weyn ayeey ii tahay inaan Ka qeyb galo munaasabadda loogu dabaaldagayey 62 sano guurada ka soo wareegtay xornimadii Gobollada Woqooyi ee 26-ka Juun,” ayuu yiri gudoomiyaha golaha shacabka.

62-sano ka hor 26-ka Juun1960 waxay shacbiga Soomaaliyeed u aheyd maalin weyn, maalin xorriyadeed, maalin farxadeed, maalintii ugu horreysay ee madaxbannaani helaan gobollada Waqooyi ee dalkeenna, isla markaana Calanka buluugga ah laga taagay gayiga dalkeena.

Ugu dambneyntii, wuxuu hambalyo u diray guud ahaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka ka joogaan, wuxuuna hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in dib loo milicsanno halgankii adkaa ee naf iyo maal lahaa ee lagu bixiyay xorriyadda aan maanta heysanno.

Fariinta madaxweyne Xasan Sheikh ee Xuska todobaadka Xorriyadda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aadan Xuska Todobaadka Xorriyadda.

Madaxda maamul goboleedyada dalka oo hambalyo ku aadan xuska 26-ka Juun u diray shacabka Soomaaliyeed

Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa si wadajir ah shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda xuska 26-ka Juun iyo guud ahaan xuska todobaadka xorriyadda dalka.

Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen, Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa ayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay 26-Juun xuska sannad-guurada 62-aad ee ka soo wareegtay markii ay xuroobeen Gobollada Waqooyi.

Dhanka kale, waxay si qoto dheer u tilmaameen ahmiyadda habeenkan ay u leedahay shacabka Soomaaliyeed, iyagoo shacabka ug u baaqay in ay u gurmadaan walaalaha ay saameysay abaarta dalka ka jirta.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka oo Kormeerey Xarunta Guud ee Dalada Isku xirka Dugsiyada lagu Barto Wadista Gaadiidka iyo Qeybta Imtixaanka Driver laysinka

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Ali Gaal Gabow iyo Taliyaha Qeybta Nabadgelyada Wadooyinka Ee Taraafiko Mudane Genaral Bishaar Abshir Geedi iyo Hawl wadeenada Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa Maanta kormeerey Xarunta Guud ee Dalada Isku xirka Dugsiyada lagu barto wadista Gaadiidka iyo Qeybta Imtixaanka Driver laysinka.

Mas’uuliyiintan ayaa qeyb qeyb u booqdey Xaruntan isla markaana u kuur galay hawlaha shaqo iyo Adeega Bulshada Soomaaliyeed loogu qabto waxayna ku booriyeen in Hawlaha shaqo ee Bulshada loo hayo lagu saleeyo Cadaalad iyo Sinaan isla markaana la ilaaliyo Shuruucda.
          

Aqalka sare oo ansixiyay guddiyada golaha

Golaha Aqalka sare oo maanta kulan isugu yimid ayaa ansixiyay xubnaha guddiyada Aqalka Sare oo ka kooban 8-guddi.

Guddoomiyaha golaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa faray in guddi kasta muddo 7-cisho uu ku soo diyaariyo Baarnaamijkiisa shaqo ee kalafadhiga golaha.

Guddiyada 8-da ah ee maanta la ansixiyay waxay kala yihiin:-

  1. Guddiga Xeerhoosaadka,Anshaxa,Xasaanadda iyo Daryeelka Sanatarrada.
  2. Guddiga Garsoorka,Arrimaha Diinta iyo Awqaafta,Xaquuqul Insaanka,Haweenka iyo Carruurta.
  3. Guddiga Arrimaha Gudaha,Dib u heshiisiinta iyo Xiriirka Dowlad Goboleedyada.
  4. Guddiga Difaaca iyo Amniga.
  5. Guddiga Arrimaha Dibadda,Qorshaynta,Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
  6. Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada,Arrimaha Bani’aadannimada,Warfaafinta iyo Dhaqanka.
  7. Guddiga Khayraadka Qaranka,Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka.
  8. Guddiga Dhaqaalaha,Maaliyadda,Ganacsiga,Warshadaha,Isgaarsiinta iyo Dalxiiska.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo ku bogaadiyay golaha shacabka ansixinta Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ansixinta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo 15-kii Bishan uu magacaabay Madaxweynuhu.

“Mahad ballaaran ayaan u jeedinayaa Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ila qaatay magacaabista Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, oo aan markii horeba ku soo xulay aqoonta iyo kartida hoggaamineed ee uu u leeyahay howlaha hortabinta u leh dalkeenna.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay rajada shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan dhismaha Xukuumad tayo leh oo ka shaqeysa samatabixinta dadka Soomaaliyeed iyo xaqiijinta yoolka Soomaali heshiis ah, Dunidana heshiis la ah.

“Waxaan kula dardaarmayaa Raiisul Wasaare Xamse Cabdi Barre in uu soo dhiso Xukuumad ka shaqeysa xoojinta amniga, gurmadka abaaraha, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada, dib u heshiisiinta, dhammeystirka dib u eegista dastuurka, xoojinta dowladnimada, iyo hagaajinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay la leedahay dunida.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka codsaday shacabka Soomaliyeed in ay ku garab istaagaan Raiisul Wasaaraha cusub gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee horyaalla, isagoo ugu duceeyey in uu ka soo dhalaalo masuuliyaddan culus.

Xuska munaasabadda maalmaha xorriyadda ee 26-ka juun iyo 1-da Luulyo oo dalka si weyn looga dareemayo

Todobaadka maalmaha Xorriyadda dalka Soomaaliya oo si weyn looga dareemayo guud ahaan gobolada dalka, iyada oo goobaha lagu dalxiis tago lagu xardhay Calanka.

Waxaa lagu arkayaa Goobaha loo damaashaadka tago iyo Suuqyada,dadka oo u diyaar garoobaya xuska munaasabada maalmaha xorriyada oo ugu soo horayso 26-Jun,halka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan wadamada dariska iyo caalamka kale ay baraha bulshada ku kulanto isugu hambalyeenayaan.

Caawa waxaa ay ku beegan tahay markii ay gobolada Waqooyi xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska,taasi oo aheyd 26-kii juun 1960-kii,waxaana dalka guud ahaan laga dareemayaa u diyaar-garow xooggan oo ku aadan munasabadaha xuska maalmaha xorriyadda.

Toddobaadka dambe ayaa gobolada Koonfureed waxaa looga diyaar garoobayaa in ay u dabaal dagaan xuska maalinta weyn ee 1-da Luulyo ee israacii labada gobol ee waqooyi iyo koonfurta ay ku midoobeen.

Xildhibaanada golaha shacabka oo codka kalsoonida siiyay Ra’iisal wasaaraha JFS

Xildhibaanada golaha shacabka Baarlaamanka Jamhuuridda Federaalka Soomaaliyaa oo maanta ku kulmay magaalada Muqdisho ayaa si rasmi ah u ansixyay ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre.

Sida uu ku dhawaaqay guddoomiye Shiikh Aadan Madoobe waxaa si aqlabiyad ah codka Kalsoonida u siiyay Ra’iisul Wasaare Xamse 220 Xildhibaan oo soo xaadiray kulanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa 15-kii bishan Juun Xamsa Cabdi Barre u magacaabay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Boqorka Jordan oo taageeray in bariga dhexe laga abuuro isbaheysiga NATO

Boqorka Jordan Boqor Cabdallaha Labaad, ayaa sheegay in dalkiisa uu ka mid noqon doono dalalka ugu horreeya ee taageeraya in bariga dhexe laga abuuro NATO, isaga oo intaa ku daray in ay suurtagal tahay si la mid ah Jordan in dalaka kale oo bariga dhexe ah ay soo dhaweeynayaan in bariga dhexe laga abuuro isbaheysiga NATO.

Wareysi ay shabakadda Mareykanka CNBC, la yeelatay Boqorka Jordan ayuu ku sheegay in baahi loo qabo howlgalka isbaheysiga in uu noqdo mid cad, si loo adkeeyo qeybo kamid ah xiriirka adduunka, loogana fogaado jahwareer Militir.

Waxa uu intaa ku daray in Jordan ay leedahay awood ciidan oo adag, isla markaana ay sanado badan xariir iyo gacan saar la lahayeen Ururka NATO.

QM oo war ka soo saartay abaaraha Soomaaliya ka jira

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini’aadantinimada ayaa sheegtay Jimcihii in ay raadinayso 993.3 milyan oo doolarka Maraykanka ah si ay u bixiso gargaar naf-badbaadin ah si looga hortago abaaraha soo food saaray Soomaaliya.

Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay (OCHA) ayaa sheegay in saameynta abaarta iyo cadaadiska dhaqaale ee dalka ka jira ay sii kordhinayaan in  dadbadan ay u nafwayaan macaluul.

Bayaan ka soo baxay OCHA ayaa lagu sheegay “Dadka gaaraya 7.7 milyan oo qof  ayaa ​​u baahan gargaar bini’aadannimo, kuwaas oo 7 milyan oo ka mid ah la sheegay inay abaartu ay saamaysay,”.

Hey’adda UN OCHA, ayaa sheegtay in ay ku hawlantahay waxqabadkeedii ugu dambeeyay ee abaaraha iyo ka hortagga macluusha.

Afar xilli oo is xigxigay oo aan si wanaagsan loo helin Roobabka, ayaa sababay abaarahii ugu darnaa ee dalka soo marta muddo 40 sano gudahood.