Golaha Shacabka oo berri Codka kalsoonida u qaadayo Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban.

Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in maalinta berri ah uu jiro Kulan-weynihii Golaha, kaasi oo ka qabsoomi doono xarunta Villa Hargeysa.

Ujendaha Kulankaan ayaa ah u codeynta kalsooni siinta Ra’iisul Wasaaraha magacaaban  Mudane Xamsa Cabdi Barre, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Golaha Shacabka.

“Beri oo Sabti ah 25 June waxaa jira kulan-weynihii Golaha Shacabka Baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Ajendaha kulanka u codeynta kalsooni siinta R/Wasaaraha magacaaban.”

Ciidanka Danab oo howlgal ku qabtay xubno ka tirsan Argagixisada

Ciidanka kumaandooska Danab XDS  Gaar ahaan Hurinta Gaadiidka Gaashaman ee MU ayaa Hawlgalo lagu Xaqiijinaayo Amaanka sameeyey  deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Hawlgalkan ayaa Ciidanku waxay ku soo qabteen laba ka mida Argagixisada Al-Shabaab halka ay ku burburiyeen Goob si Qarsoodiya Argagixisadu ugu kaydin jireen waxyaabaha ay ku marin habaabiyaan bulshada kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Cajalado DVD, Bugaag iyo kaydiyaal kale waxa sidoo kale goobta laga helay Baasabooro Farabadan.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta laga helay COVID-19.

Xaaladda caafimaad ee Madaxwaynaha JFS ayaa ah mid fiican isaga oo aan dareemayn wax qandho ah iyo dhammaan calaamadaha xanuunka tan iyo markii laga helay COVID-19.
Madaxwaynaha ayaa si nabad ah maanta dalka ugu soo laabtay waxa uuna sii wadan doonaa howlihiisa shaqo ee uu ugu adeegayo qaranka isaga oo raaci doona tilmaamaha caafimaad ee COVID-19.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib safar shaqo oo maalmihii la soo dhaafay ay ku joogeen dalka aan walaalaha nahay ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa dalkaas waxa uu kulamo la qaatay Madaxweyne Maxamed Bin Saayid oo ay ka wada hadleen kor u qaadidda xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeynta dal ku galka, isu socodka badeecadaha, kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha, horumarinta bangiyada iyo xoojinta maalgashiga dalkeenna.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan is-xog wareysi ah la qaatay jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, isagoo ka dhageystay warbixinno ku aaddan caqabadaha iyo tabashooyinka ay qabaan, waxa uu u sheegay in ay dowladdu dadaal ku bixineyso wax ka qabashada cabashooyinkooda.

Maxkamadda Ciidamada qeybta 27-aad oo dhageysatay dacwado loo heystay10-Eedeysaneyaal

Maamulka maxkamada darajada 1aad ee ciidanka Qalabka sida qeybta 27aad ayaa bilowday dhageysiga dacwad loo heystay 10 eedeysane oo lagu soo qabtay falal kala duwan.

Maxkamadda ayaa la horkeenay eedeysane dable ah Kamaal C/lle Maxamed iyo eedeysane dable Axmed Cali Qanyare,kuwaas oo lagu eedeeyay dilka marxuum Cabdi Rashiid Maxamed Cabdi Mahadalla.

Maxkamadda darajada 1-aad ayaa sidoo kale la horkeenay dambiilayaal ka tirsan ciidanka iyo kuwa kale oo isaga tagay ciidanka.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad Gaashaanle Maxamed Amiin C/lle  Aadan ayaa soo gabagabeeyay dhageysiga dacwadahaasi,waxaana  maxkamadda laga sugayaa go’aanka kama dambeysta ah.

Ergey ka socda Dowladda FS oo waraaqihii aqoonsiga u gudbiyay Xoghayaha Guud ee Ururka Islaamka.

Ergeyga Dowladda FS u qaabilsan ururka Iskashiga wadmada Islaamka(OIC) Dr.Ibraahin Aadan Muuse,ayaa waraaqihii aqoonsiga u gudbiyay Dr.Xuseen Ibraahin Taah oo ah Xoghayaha Guud ee ururkaasi.

Kulankii dhinacyadaasi oo ka dhacay magaalada Jiddah,waxaa laga wadahadlay baahida loo qabo xaqiijinta siyaasadda dunida ee dalalka islaamka.

Ergeyga Dowladda FS u qaabilsan ururka Iskashiga wadmada Islaamka(OIC),Waxa uu ka mahadceliyay sida ldiiran ee loo soo dhoweeyay,isagoo ballanqaaday in uu ku dadaali doono ballaarinta xiriirka iyo wax wada  qabsiga.

Ururka Iskashiga wadmada Islaamka(OIC), waxaa la aasaasay 1969- kii,waxaana ku bohoobay 57 dal oo islaam ah .

Madaxweynaha Puntland oo guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada

Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Mashaariicda lagu horumarinayo Biyaha iyo Korontada, wax ka bedel lagu sameeyay derejada qaar ka mid ah degmooyinka Puntland iyo xaaladda Abaaraha oo Guddi loo saaray.

Kulanku intuu socday waxaa laga hadlay xaaladda Abaarta, waxaana Madaxweynuhu uu magacaabay Guddi ka kooban Wasaaradaha si loo dardargeliyo wax ka qabashada saameynta Abaarta iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ay saameysay.

Golaha ayaa wax ka bedel ku sameeyay derejada qaar ka mid ah degmooyinka Puntland oo ay Golaha usoo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana degmooyinka kala ah Bareedo, Carmo, Boocame, Xiingalool iyo Xarfo oo awal ahaa heerka saddexaad (C) loo dalacsiiyey heerka labaad ee degmooyinka Puntland (B).

Golaha Wasiirada Jubbaland oo degmooyin u ansixiyay Dhoobley iyo Buurdhuubo

Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka golaha wasiiradda Jubbaland oo todobaadkan markiisii ugu horeysay lagu qabtay magaalada Dhoobley.

Kulanka waxaa qayb ka ahaa Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubbaland mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, xubno ka tirsan golaha wasiiradda iyo sidoo kale guddoomiyaha Degmada Dhoobley Siyaad Muxumed Xassan.

Ugu horeyntii Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa golaha wasiirada uga warbixiyey xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo gunaanadkii doorashooyinka qabsoomay, golaha ayuu u sheegay in loo baahan yahay in la dar dargaliyo howlaha hortebinta u leh Dowladda oo ay ugu horeeyaan bixinta adeegyada bulshada, taakuleynta dadka ay abuuruhu saameeyeen iyo qodobo kale.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Jubbaland mudane Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal ayaa golaha uga warbixiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee amniga, iyadoo dhiirigalin iyo bogaadin loo soo jeediyey ciidamada kale duwan ee Jubaland iyo kuwa Danab oo howlgalo guuleystay ka fuliyey deegaanada dhaca galbeedka Kismaayo.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Jubbaland mudane Maxamed Warsame Darwiish ayaa soo jeediyey qiimeynta degmooyin cusub iyo ansixinta labo degmo oo kala ah Buurdhuubo iyo Dhoobley kuwaas oo guddi wasiirro ah ay wadeen maalmihii lasoo dhaafay qiimeynta iyo naqshadeynta degmooyinkaas.

Golaha ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyey in magaalooyinka Dhoobley iyo Buurdhuubo ay si buuxda u noqdaan degmooyin ka tirsan Jubbaland.

Ugu dambeeyntii Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Jubbaland mudane Xuseen Xirsi Axmed ayaa golaha horkeenay wajiga labaad ee xeerka dhaqan galinta miisaaniyadda lixda bilood ee soo socota sanadkan 2022, iyadoo kharashka miisaaniyadda lixda bilood ee soo socota ay gaareyso US$ 42,322,030.94.

ku-simaha madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo shir gudoomiyey kulan looga hadlaayey Amniga guud ee dalka

ku-simaha madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir gudoomiyey kulan looga hadlaayey Amniga guud ee dalka iyo u diyaar garowga maalmaha xuriyada.

Kulanka oo diirada lagu saaray xaalada Amniga dalka gaar ahaan ka shaqeynta maalmaha xuriyadda iyo sidii ay ugu qabsoomi lahaayeen si nabad ah.
kulanka oo ay goob-joog ka ahaayeen saraakiisha Amniga qeybahooda kala duwan.ayaa
ku-simaha madaxweynaha dalka ahna Guddomiyaha Golaha Shacabka waxa uu laamaha Amaanka faray inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah inta lagu guda jiro maalmaha xurriyadda.

Madaxweynaha Turkiga iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga oo ka wada hadlay marxaladda cusub ee iskaashiga xiriirka labada dal

Madaxweynaha Turkiga iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa ka wada hadlay marxaladda cusub ee iskaashiga xiriirka labada dal, sida siyaasadda, dhaqaalaha, ciidamada, amniga, iyo xiriirka dhaqanka.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga ku soo dhoweeyay dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Sida lagu sheegay bayaan wadajir ah, madaxdu waxay ku nuux nuuxsadeen sida ay muhiim ugu tahay labada dal marxaladan cusub ee iskaashi iyo sida looga midho dhalin karo” Ankara iyo Riyaad waxay go’aansadeen inay sii qoto dheereeyaan wadatashiga iyo iskaashiga arrimaha gobolka si loo xoojiyo xasilloonida iyo nabadda,” ayaa lagu yiri warbixinta wadajirka ah.

Madaxweynaha Turkiga ayaa hore bishii Abriil,  waxa uu booqasho shaqo oo laba maalmood qaadatay ku tagay dalka  Sucuudiga, ujeeddadiisuna ahayd in kor loo qaado xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal,isagoo intii uu booqashada ku gudo jiray na kulan la qaatay Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin C/casiis Aala Sucuud iyo sidoo kale Dhaxal sugaha Boqortooyada, waxa ayna ka wada hadleen arrimo kala duwan oo caalami ah.