Ciidanka Danab iyo Nabad Sugidda Jubaland oo jab xooggan gaarsiiyey Argagixisadda Al-shabaab

Ciidanka kamandooska Danab ururka 5-aad ee guutada 16-aad oo ay is kaashanayaan Ciidanka Nabad sugidda Jubaland ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyey deegamada galbeedka magaalada kismaanyo.
saraakiisha Ciidanka ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyey inay hawlgalka ku dileen laba xubnood oo ka tirsanaa Ururka Argagixisadda ah ee Al-shabaab,sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen afar maxbuus oo ka mid ahaa Ururka Al-shabaab.
dhinaca kale Ciidanka ayaa hawlgalkoodan ku furtay hubkii ay ko hawlgelayeen kooxaha Argagixisaddu iyo hal Gaari oo nooca Raaxadda ah sidoo kale Ciidanka ayaa gubay laba Gaari oo kooxdu ku hawlgeli jirtay,ciidanka ayaa sidoo kale fashiliyey Qaraxyo ay diyaarisay kooxda Argagixisadda Al-shabaab,saraakiisha Ciidanka ayaa soo bandhigay qaraxyada ay fashiliyeen.
Deegaanada kala ah Beerxaani, Qudus, Dharkeyn-urur iyo Barjella oo galbeed ka xiga magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa laga fuliyey howlgalladaan oo ay ka qeyb qaateen ciidanka Nabad sugidda Jubbaland.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO KULAN LA QAATAY DHIGGIISA DALKA ISU-TAGGA IMAARAADKA CARABTA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweynaha dalka Isu-Tagga Imaaraadka Carabta Mudane Sheekh Maxamed Binu Saayid.

Kulanka Labada Madaxweyne ayaa lagu lafa guray hagaajinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, fududeynta dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, isu-socdka muwaadiniinta iyo bixinta dal ku galka.

Madaxweyne Maxamed Bin Saayid ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa uga mahad-celiyey ajiibidda marti-qaadkii ay u fidiyeen, waxa uuna soo bandhigay doorka ay dowladdiisu ka qaadanayso gurmadka abaaraha ka jira dalkeenna iyo dib u soo celinta  taageeradooda ku aaddan ammaanka iyo adeegyada bulshada ee dowladda Imaaraatku ay ka fulin jirtay dalkeenna.

Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Imaaraatka, garab istaagga ay u muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, isagoo sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siineyso xoojinta xiriirka kala dhaxeeya caalamka.

    

Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia oo Safaaradda JFS ee Addis Ababa ku Casumay Daah furka mashruuca Dhir Beerista Geeska Africa

Addis Ababa- Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Ethiopia Dr Abiy Ahmed ayaa si rasmi ah ugu casumay safaaradda JFS ee Addis Ababa munaasabad lagu daah-furayey ama lagu soo bandhigayey mashruuca Dhir Beerista dalalka Geeska Africa, oo sidoo kalena lagu casumay diplomaasiyiinta safaaradaha caalamka ee degan caasimadda Addis Ababa, mashruucaas oo socon doona muddo 4sano ah oo ka bilaabanaya sanadkan 2022, kuna ekaan doona 2026.

Munaasabaddan waxaa Safaaradda JFS ee Addis Ababa uga qayb galay qunsulka ahna ku simaha safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Ethiopia Mudane Cali Maxamed Xuseen “Cali Atam”, isagoo bandhigaas ku metelayay Dawladda Soomaaliya.

Ambasaador Cali Atam ayaa warbaahinta Qaranka uga waramay faa’iidooyinka laga dhaxli karo mashruucan, isagoo hoosta ka xariiqay in barnaamijkan uu fududayn doono beeritaanka 6 Bilyan oo geed, sidoo kale wuxuu caddeeyey in ay muhiim tahay in Soomaaliya ay mashruucan oo kale qaadato si aan uga hortagno dhibaatooyinka ka dhasha cimilada, deegaanka iyo dhirta.

Mashruucan ayaa la qorsheeyey inuu gaaro dalalka Geeska Africa, si looga hor tago dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada, waxaa dhab ah haddii si rasmi ah loo hirgeliyo mashruucan inuu noqon karo mid wax weyn ka tara bed-qabka deegaanka iyo ka hortagga khataraha ka dhasha isbeddelka cimilada.

                

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga oo furay shir wadatashi ah oo looga hadlaayey Wadahadalka Dawladda iyo Ganacsatada

Baydhabo- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aada, ayaa maanta furay kulan wada-tashi ah oo loogga hadlaayey Wada-hadalka Dawladda iyo Ganacsiyada Gaarka ah ee iskaashatooyinka iyo Qeybaha Ururada Ganacsiga kaas oo ka qabsoomay magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Dawlad Goballeedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Waxaana halkaas lagu soo bandhigay xor uruurin hore loogga sameeyey ganacsiyada yar-yar ee ka shaqeeya gudaha Baydhabo kuwaas oo diirada lagu saaray siyaabaha loo horumarin karo, caqabadaha jira iyo siddii ay u la jaan-qaadi lahaayeen iskaashatooyinka iyo ganacsiyada yar-yar ee ka jira caalamka.

Barnaamijkan oo ay ka wada-shaqeynayaan Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya iyo hay’adda DAI sidoo kalena uu maal-gelinaayo Midowga Yurub, ayaa ujeedkiisu yahay siddii kor looggu qaadi lahaa iskaashiga u dhaxeeya dhinacyada dawladda iyo ganacsiyada gaarka ah taas oo ahmiyad weyn u leh horumarka dhaqaale ee dalka iyo siddii ganacsatadu ay uga faa’idaysan lahayd awoodooda wax-soo-saar isla-mar-ahaantaana ay qeyb uga noqon lahaayeen suuqyada ganacsi ee caalamka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan oo kulanka furay, ayaa waxaa uu si faah-faahsan uga xog waramay ahmiyadda uu lee yahay barnamaijkani iyo weli ba sidoo kale sida ay ka dawlad ahaan mudnaanta u siinayaan dawladaha xubnaha ka ah dawladda dhexe si loo heli siyaasado iyo shuruuc lagu horumarin karo iskaashatooyinka iyo guud ahaan ganacsiyada gaarka ah si ganacsatadu ay qeyb uga noqon karaan suuqyada caalamka.

           

Madaxweynaha Puntland oo kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidanka Asluubta

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidanka Asluubta ee Maamulka  Puntland.

Madaxweynaha ayaa ka dhegaystay Saraakiisha warbixin ku saabsan shaqada socota, gaar ahaan xaaladda Xabsiyada, iyo maxaabiista, wuxuuna faray in ay sii dardargeliyaan shaqada ay bulshada u hayaan.

Wasaaradda Waxabarshada Soomaaliya oo soo gaba-gabeeysay Imtixaanka Shahaadiga ee Sanad-dugsiyeedka 2021-2022

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee dalka ayaa maanta soo gaba-gabeysay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalada 12-aad oo si Siman loogu qaaday xarumaha waxbarashada ee maamulada dalka, kaasi oo ahaa mid mideysan oo dhamaan Dugsiyada Sare laga qaaday.

Imtixaanka oo galay sanadkii 8-aad oo xariir ayaa lagu kala galay magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka, iyada oo Wasaaraddu ku guuleystay in sanad dugsiyeedkaan 2021-2022 ay si nabad ah ugu soo gaba-gaboobeyso.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare Cabdullaahi Abukar oo soo xiray Imtixaanka ayaa yiri “ waxaa aan ku guuleysanay in sanadkaan uu Ixtiraanku  si nabad ah inoogu soo gabagaboobo, waxaana uu ahaa mid ka duwanaa kuwii hore, waalidiinta dhalay ardada, waasadaha maamulada, ciidamada booliska iyo barayaashii ka qeyb qaatayne waa u mahadcelineynaa”.

Goobaha lagu galayey Imtixaanka ayaa waxa amniga xaqiijinayay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ,Sarakiisha ciidamada ay sheegen in inta Imtixaanku u socday aysan wax amniga lidi ku ah aysan dhicin.

Ardayda u fadhiistay sanadkaan Imtixaanka ayaa Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare sheegtay in ay gaarayeen 35,000 (Sodon iyo shan kun) oo Arday in ay gaarayeen, waxaana Wasaaraddu ay u rajeysay guul iyo natiija fiican oo ay ku baasaan.

QM oo War kasoo saartay Abaaraha kajira qeybo kamid ah Sooomaaliya

Warbixin uu soo saaray isku duwaha arrimaha bini’aadantinimada Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Adam Abdelmoula ayuu ku baaqay in si deg deg ah loo xoojiyo sidii gurmad loo garsiin lahaa dadka ay saameeysay abaarta kajira meelo kamid ah dalka Soomaaliya.

Adam Abdelmoula oo kamid ahaa Mas’uuliyiin booqday xerooyin barakac oo kuyaalla Gobolka Gedo ayaa sheegay in uu indhihiisa kusoo arkay dhibaatada ka dhalatay abaarta, isla markaana loo baahan yahay in dadkaas loo gurmado.

“Xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya si degdeg ah ayay uga sii xumaanaysaa. Durba 1.5 milyan oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shan sano ayaa la il daran nafaqo-xumo, waxaana fileynaa in 356,000 oo carruurtan ka mid ah aysan sii noolaan ilaa dhammaadka bisha Sebtembar ee sanadkan,” ayuu Abdelmoula ku yiri bayaan uu soo saaray.

Sidoo kale Adam Abdelmoula ayaa ka digay in nafaqo-xumada ba’an ay sii kordheyso haddii aan qorshaha wax-ka-qabashada abaaraha si weyn kor loogu qaadin, maadaama dad badan ay saameysay abaarta kajirta dalka Soomaaliya.

Meelo badan oo kamid ah koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa xilligan kajira abaar aad u adarn, iyadoo dowladda Soomaaliya iyo Hey’adaha Sama falka ay ku hawlanyahiin wax u qabashada dadka ay saameeysay abaarta.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka XFS oo kulan la qaatay wafdi ka Scoday Dowladda Sacuudiga

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Dr. Cabdinaasir Mukhtaar Ibraahim iyo Agaasimaha Isbitaal Banaadir Fartuun Shariif Maxamed ayaa kulan la qaatay wafdi ka Scoday Dalka Sacuudi Carabiya iyagoo kala hadlay dardargelinta iyo dhameystirka xaruunta Kelyo-Dhaqista ee Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir Oo ay baahi weyn u qabaan bulshada Soomaaliyeed

Masuuliyiinta iyo Wafdiga ka socday Sacuudiga ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee xaruunta waxeyna isla qaateen inay muhiim tahay in xooga la saaro Qorshaha lagu dhameystirayo xaruuntan.

Dhinaca kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa kormeeray Xaruunta Bangiga Dhiigga ee laga hirgalinayo Banaadir Hospital Wuxuuna xog wareysi la yeeshay Injineerada u dhashay Dalka China ee hogaaminaya dhismaha xaruuntan oo la filayo in dhawaan lasoo gabagabeeyo.

Ugu dambehn Dr. Cabdinaasir Mukhtaar Ibraahim Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo gabagabada kormeerka Kadib Warbaahinta Qaranka la hadlay Ayaa xusay inay ka wasaarad ahaan muhiimad weyn u leedahay Dhameystirka Xaruunta Kelyo-Dhaqista iyo hirgelinta xaruunta Bangiga dhiigga ee Isbitaal Banaadir oo lagu wado in dhawaan la dhameystiro.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo dalka dib ugu soo laabtay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Sheikh Sheikh Aadan Maxamed Nur Madoobe oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar qaatay dhowr maalmood uu ugu maqnaa magalada Nairobi ee dalka Kenya.

Guddoomiyaha ayaa inta uu ku sugnaa Kenya kulamo gooni gooni ah la qaatay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Safaarada iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqanka dalkaas.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo uga mahadnaqay dhammaan intii soo dhoweysay waxaana uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu Muqdisho dib ugu soo laabto.

Wasiirka Wasaaradda gar-gaarka Hirshabelle oo kormeeray Xeryaha Barakacayaasha Gobolka Hiiraan

Wasiirka Wasaaradda gar-gaarka iyo Mareynta Musiibooyinka Dowlad gobaleedka Hirshabelle, Cabdi Mahad Qoorgaab oo ay wehliyaan Xildhibaano iyo Saraakiisha Hay’adaha ka howlgala Gobalka Hiiraan ayaa kormeeray qaar kamid ah Xeryaha ay ku noolyahiin qoysaska Barakacayaasha, kuwaasi oo ay sameyn ku yeelatay Abaaraha ka jira Gobolka Hiiraan.

Qoysas kasoo barakacay degaanno kala duwan oo kamid ah Gobolka Hiiraan ayaa ku sugan Magaalada Bedweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Wasiirka ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka ah iyo Hay’adaha Caalamiga ah inay gurmad deg-deg ah la soo gaaraan dadkaasi Barakacayaasha ah oo xilligaan ay heystaan dhibaatooyin kala duwan.