Dhul-Gariir Dhimasho iyo Dhaawac sababay oo ka dhacay Afgaanistaan

Inta la xaqiijiyey 155 qof ayaa ku dhimatay in ka badan 200 oo kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii dhulgariir xooggan uu ku dhuftay koonfur bari ee Afgaanistaan, sida laga soo xigtay maamulka masiibooyinka ee dalka Afgaanistaan.

Gobolada Khost iyo Nangarhar, ayaa ugu badan meelaha uu Dhul-gariirka sida aadka ah u sameeyay, wararka ayaa intaa ku daraya in ay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo jiritaanka khasaare intaas ka badan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

Nairobi- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa maanta booqday Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya.

Guddoomiyaha ayaa Safaarada waxaa ku soo dhoweeyey Safiirka dalkenna u jooga Kenya Amb. Maxamed Axmeed Nuur Tarsan, ku xigeenka Safiirka iyo howl-wadeennada Safaarada, waxaana uu bogaadiyey shaqada adag ee shacabka Soomaaliyeed ku nool Kenya ay u hayaan. waxaana uu ku dhiira-geliyey in aan marnaba laga caajisin u adeegida muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Danjire Tarsan oo ka mahadceliyey booqashada Guddoomiya ayaa sheegay in dhiira-gelin u tahay imaanshaha Guddoomiye Aadan Madoobe.

       

Agasimaha Wasaaradda Gadiidka iyo Gudomiyaha Gudiga Shaqaalaha Rayidka oo ka wada hadlay xoojinta shaqada

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada ee XFS Cali Gacal Gaabow ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Gudomiyaha Gudiga Shaqaalaha (Rayidka) Dawlada Xasan Abshirow Maxamed.

Mas’uuliyiinta ayaa ka wada hadlay fulinta nidaamka shaqaalaha oo ay ugu horayso isla xisaabtan iyo dhammaan in shaqaaluhu soo xaadiraan wakhtiga loo qorsheeey shaqada sida subaxdii iyo Galabkii ay maraan suul saarka oo ah nidaam Electronic ah oo lagu ogaanayo qofkii gutay wajibaadkiisa shaqo iyo kii aan gudan intaba.

Agasime Cali Gacal Gaabow ayaa uga warbixiyey Gudomiye Abshirow inay dhammaan shaqalaha la socod siiyeen ku soo noqoshada Shaqada madaama uu dhamaaday xanuunkii Covid:19 oo isaga awgii ay shaqaale badan ugu maqnaayeen shaqada, Gudomiyaha ayaa dhankiisa uga mahad celeyey Madaxda Wasaaradda Gadiidka iyo shaqaalaha qaadashada iyo ku dhaqanka awaamiirta Gudiga shaqaalaha.

   

Ra’iisul wasaare rooble oo kormeeray dekadda Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday dekadda Muqdisho, isagoo u kuurgalayay habsami u socodka howlaha dekadda, waxaana uu warbixin ka dhageystay wasiirka dekadaha iyo gadiidka badda iyo mas’uuliyiinta dekadda oo uga warrammay sida ay u socdaan howlaha dekadda oo ka mid ah ilaha dhaqaalaha ee dalka ugu muhiimsan.

Ra’iisul wasaare Rooble oo u mahad celiyey Golihiisa wasiiradda iyo hawlwadeenadda Xafiiska Ra’iisul wasaaraha

Ra’iisul Wasaaraha Xafiiska ka sii tagaya ee XGS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyay Golahiisa Wasiirrada iyo howl wadeennada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha sidii wanaagsaneyd ee ay ula shaqeeyeen iyo howlihii baaxadda lahaa ee ay dalka u soo qabteen.

Ra’iis Wasaare Rooble ayaa wasiirrada u rajeeyay mustaqbal siyaasadeed wanaagsan, isagoo kula dardaarmay in ay qof waliba intii karaankiisa ah dalka ugu adeego.

Dhanka kale Xubnihii Golaha Wasiirrada ee kulanka ka hadlay ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay sidii uu u soo hogaamiyay xukuumadda iyo si gaar ah howlihii doorashooyinka dalka oo si guul iyo nabad ah ku soo dhamaaday.

Ra’isul Wasaaraha ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay qaar ka mid ah howlwadeennada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Puntland oo dil toogasho ah ku xukuntay 4 kamid Amniyaadka Argagaxisada Alshabaab.

Maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada qalabka Sida ee shanta Gobol iyo dambiyada culus ee Puntland ayaa ugu danbeyn maanta dil toogasho ah ku xukuntey 4 kamid Amniyaadka Argagaxisada Alshabaab kuwaas oo ahaa Shabakaddi dilalka madax jabinta iyo qaraxyada ka geysan jirey magaalada Boosaaso.

MAGACYADOODA
Jaamac aadan tusbaxle
Ayuub Cumar shire
Abdulahi salaad boos
Maxamuud abshir muuse olyo

waxaa iska kaashaday sooqabashada dambiilayaashaan Ciidanka Booliska, Gobalka Bari iyo Ciidanka PISF ee uu xukumo general aamiin Xaaji khayr.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta guddoomiyay shirkii ugu dambeeyay Golaha Wasiirrada, kaas oo dib loogu eegay howlihii u qabsoomay Xukuumaddiisa muddadii ay shaqeyneysay

Ra’iisul Wasaaraha XFS ee shaqada ka sii tagaya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddoomiyay shirkii ugu dambeeyay Golaha Wasiirrada, kaas oo dib loogu eegay howlihii u qabsoomay Xukuumaddiisa muddadii ay shaqeyneysay.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xubnaha Golaha Wasiirrada ugu mahadceliyay sidii wanaagsaneyd ee ay ula soo shaqeeyeen, isagoo kula dardaarmay sii wadista howlaha qaranka iyo gacan siinta Ra’iisul Wasaaraha magacaaban iyo dowladda cusub

Roobab khasaare xooggan geystay oo ka da’ay dalka Bangaladesh

Malaayiin ruux ayuu saameeyay roob daad wata oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ay qeybo kamid ah dalka Bangaladesh, sida ay sheegeen saraakiisha Gargaarka deg dega ah.

Daadadka ayaa sii xoogeystay ka dib markii biyo badan ay ka yimaadeen Buuraha xuduudka Bangaladesh ay la wadaagto wadanka Hindiya.

Dhammaan adeegyada Bulshada ayaa istaagay sida Korontada, Gaaska, waxaana dadka ku dhaqan goobaha ay uu roobku ka da’ay soo wajahay dhibaatooyin dhinacyada, Cuntada, Biyaha iyo Nadaafadda.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maareynta Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Bangaladesh, Md. Enamur Rahman oo shir jara’id qabtay Sabtidii ayaa sheegay in ilaa 10 degmo dadka Roobka ay saameyn xoog leh u geysteen.

Wasiirka oo cabirayay saameynta daadadka ayaa sheegay in taariikhda Bangaladesh 100 sano ee la soo dhaafay aysan la kulmin roob dhibaatada intaasi le’eg geysta.

In ka badan 5 milyan oo qof oo ku nool degmooyinkaas ayay saamaysay iyadoo kumannaan qof ay weli ku go’doonsan yihiin, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Sii hayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Wakiilka cusub ee UNFPA ee Soomaaliya

Sii hayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan , ayaa maanta oo Isniin ah xafiiskiisa Wasaaradda kaga guddoomay waraaqaha aqoonsiga Wakiilka cusub ee Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Dadweynaha (UNFPA) u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Niyi Ojuolape.

Intii lagu guda-jiray kulanka qaabilaadda, waxaa lagaga wadahadlay dhowr arrimood, oo ay ku jirto xoojinta wadashaqaynta u dhexeysa Soomaaliya iyo Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Dadweynaha iyo horumarinta xiriir adag oo togan iyadoo la kordhinayo waxqabadka howlaha ay hay’adda UNFPA ka waddo dalka, taasoo qeyb ka qaadaneysa in la gaaro yoolalka ka baxsan gargaarka bani’aadanimo oo ah hagaajinta nolosha muwaadiniinta iyo joogtaynta shaqada ee dhinacyada daryeelka caafimaadka iyo taageerada bulshada.

Kulanka qaabilaadda ee Wakiilka cusub ee UNFPA waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha guud ee habmaamuuska ee Wasaaradda, Avv. Xirsi Xaaji Culusow iyo Agaasimaha Waaxda Ururrada Adduunka, Mudane Xasan Maxamed Cali.

Shirarkii u socday Wasaaradda Gadiidka iyo Taliska ciidanka ilaalada wadooyinka oo galay maalinkii 3-aad Sadexaad.

Shirarkii u socday Wasaaradda Gadiidka iyo Taliska ciidanka ilaalada wadooyinka oo galay maalinkii 3 Sadexaad.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada XFS mudane Cali Ga’al Gabow
Iyo Taliyaha Ciidanka Ilaalada wadooyinka Genaral Bishaar abshir geedi iyo Madax ka socotay Maamulka Gobolka Banaadir iyo dhamaan hay’adaha madaxa banaan ee Wadashaqaynta la leh Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada
Saraakiil ka socotay kulankan oo maal mahan ka socday Xarunta Taliska ilaalada wadooyinka Muqdisho.

Shirkan ayaa maanta looga hadlay iskaashi iyo in wada shaqayn dhaw laga yeesho waxyaabaha hortabinta leh iyo ku dhaqanka sharciga wada marista iyo in lala shaqeeyo Cidanka Nabad galiyada wadooyinka iyadoo lagu soo qaaday kulanka in isgaysyada Muqdisho laga hirgaliyo samaafaraha oo mihiim u ah Gadiidka Tasoo yarayn doonta shilalka iyo saxmada wadoonyinka.