SHIRKA GUDDIGA QARAN EE QABANQAABADA XUSKA SANAD GUURADA 62 AAD EE 26KA JUUN IYO 1DA LUULIYO
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Serbia ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaa doona dalka Serbia Maxamed Cabdullahi Axmed.
GUDIGA WARBAAHINTA IYO GUDIGA QABAN QAABADA MAALMAHA XURRIYADDA OO KULAN-KOODII LABAAD KU YEESHAY WASAARADDA WARFAAFINTA.





GUDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR AYAA SHIR GUDOOMIYEY KULAN LOOGA HADLAAYEY MAALMAHA XORIYADA.


Natiijada Doorashada Baarlamaaniga Faransiiska oo lagu dhawaaqay
Doorashadii Baarlamanka ee Axadii ka dhacday dalka Faransiiska ayaa lagu dhowaaqay Natiijada, waxaana looga adkaaday Madaxweyne Emanual Macron iyo Xisbigiisa.
Xisbiga Madaxweyne Macron ayaa helay 245 xubnood oo kamid ah tirada guud ee kuraasta Baarlamaanka oo ka kooban 577 kursi.
Xisbiga NUPLES ee bidixda fog ayaa helay 133 kursi, halka Xisbiga kale ee Midigta fog isna uu helay 89 kamid ah kuraasta Baarlamaanka Faransiiska.
Madaxweyne Macron oo bishii April dib guuldaran Doorashada Baarlamaanka waxaa ay ku keeneysa in uusan awood u yeelan meel marinta Shuruucda ay soo diyaariso Xukumaddiisa.
Al-Shabaab oo Xoog Kula wareegay Cisbitaalka Dagmada Ceelbuur kadib markii la seexiyay maleeshiyaad kusoo dhaawacmay Baxdo
Kooxada argagixsada Al-Shabaab oo jab xooggan ka soo gaaray Baxdo ayaa si xoog ah kula wareegtay isbitaalka guud ee degmada Ceelbuur, halkaas oo ay dhigeen dhaawacyo aad u farabadan badan oo si dirqi ah kaga soo baxsaday dagaalkii dadka deegaanka Baxdo isaga caabiyeen dhagartii argagixisadu ay soo maleegtay.
Bukaanadii horay isbitaalka loogu daaweynayay ayay gabi ahaanba argagixisada Al-shabaab ka sareen, waxayna dadka degaanka u diideen Aaga isbitaalka madamaa ay dhigteen dhaawacyada askar iyo horjoogayaan Soomaali iyo Ajaanib katirsan Xagjirka Al Shabaab.
Sidoo kale dadka ku sugan Ceelbuur ayaa SONNA u xaqiijiyey in degmadaas la geeyey meydadka 37 dhagarqabe oo Baxdo lagu dilay, taas oo tirada dhimashada Al-Shabaab ee lagu dilay dagaalkii Baxdo kor u qaaday waxayna tirade laxaqiijinayo ka dhigeysaa100 xubnood.
Argagixisada ayaa sidoo kale xoola baad ah oo isugu jira shidaal iyo sahay kale ka qaatay ganacsatada deegaanka Ceelbuur, isbitaalka waxaa dib u howl-geliyey dadka deegaanka oo isku tashaday, balse hadda waxaa kala wareegtay argagixisada oo ku soo jabtay dagaalkii ay Jimcihii ku qaadeen degaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud
Maamulka Gobolka Mudug oo gacanta ku dhigay ehelada dad loo heysto dil ka dhacay degaan hoostaga Bandiiradleey
Maamulka Gobalka Mudug oo gacan ka helaya ciidamada nabad sugida iyo Booliiska gobalka Mudug oo maal-mahaanba waday dadaalo la xariira sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa shaqsiyaad ku eedeeysnaa dil dhawaan ka dhacay deegaano hoostaga dagmada Bandiiradleey ayaa soo xir xiray ku dhawaad 10 ruux kuwaas ah ehelada eedeeysanayaasha loo heysto dilka kadib markii ay baxsadeen eedeeysanayaashii Falkaas geystay.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Ahmed Bukhaari oo isagu horkacayay howlgalkaan ayaa ku amaanay ciidanka amniga dadaalka ay muujiyeen isagoo sidoo kalana sheegay in maamulka gobalku uusan marnaba ka hari doonin cid kasta oo ku lug leh falkaan iyo wixii la mid ah .
Gudoomiyaha ayaa ugu danbeyna ugu baaqay shacabka gobalku ineey kala shaqeeyaan maamulka iyo hay’adaha Amniga sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa eedeeysanayaasha.
Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha oo gaaray degmada Doolow Gobolka Gedo
Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo wafdi uu hoggaaminyo ayaa goordhaw gaaray degmada Doolow ee Gobolka Gedo
Ergayga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee Doolow ku soodhaweeyay xubna katirsan maamulka degmad.waxana inta uu joogo halkaasi kormeer ku tagi doonaa xerooyinka ay ku jiraan qoysaska barakacayaasha ah,isagoona sidokale warbixino ka dhageeysan doon maamulka degmada taa oo la xiriirto xaalada abaaraha ka jira Gobolka Gedo
Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa horay u booqaday degmada Buulo Burde ee Goblkaa Hiiraan halkaa oo uu kula kulamay maamulka degmada iyo sidokale dadka barakacayasha ah eek u jira kaamamka degmadaasi
Argagixisada Al-Shabaab oo isbitaalka degmada Ceelbuur ka saaray bukaano lagu daaweynayay
Kooxada argagixsada Al-Shabaab oo jab xooggan ka soo gaaray dagaalkii Degmada Baxdo ayaa si xoog ah kula wareegtay isbitaalka guud ee degmada Ceelbuur,halkaas oo ay dhigeen dhaawacyo aad u badan oo dhagarqabayaashooda ka soo gaaray dagaalkii Baxdo.
Bukaanada horay isbitaalka loogu daaweynayay ayay gabi ahaanba argagixisada Al-shabaab ka sareen dadka degaanka ayay u diideen Aaga isbitaalka madamaa ay dhigteen dhaawacyadii ka soo gaaray dagaalkii ka dhacay degmada Baxdo.
Sidoo kale dadka ku sugan Ceelbuur oo la hadalay Warbaahinta dowladda ayaa xaqiijiyey in degmadaas la geeyey meydadka 37 dhagarqabe oo Baxdo lagu dilay, taas oo tirada meydadka Al-Shabaab ee dagaalkii Baxdo kor u dhaafineysa 100 xubnood.
Argagixisada ayaa sidoo kale xoola baad ah oo isugu jira shidaal iyo sahay kale ka qaatay ganacsatada deegaanka Ceelbuur,isbitaalka waxaa dib u howl-geliyey dadka deegaanka oo isku tashaday, balse hadda waxaa kala wareegtay argagixisada oo ku soo jabtay dagaalkii ay Jimcihii ku qaadeen degaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud.
Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Wakiilka cusub ee UNICEF ee Soomaaliya
:-Siihayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan , ayaa xafiiskiisa Wasaaradda kaga guddoomay waraaqaha aqoonsiga Wakiilka cusub ee Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Daryeelka Caruurta (UNICEF) u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Wafaa ElFadil Saeed Abdelatef.
Intii lagu guda-jiray kulanka qaabilaadda, ayaa waxaa lagaga wadahadlay dhowr qodob oo muhiim u ah labada dhinac oo ay ka mid yihiin sare u qaadidda iskaashiga mira-dhalka ah iyo xoojinta wadashaqaynta xooggan ee Soomaaliya kala dhexeeya Qaramada Midoobey iyo hay’adaheeda gaarka ah si loo gaaro ujeeddada la hiigsanayo oo macno wax ku ool ah ku leh dano wadaagga.











