Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo qaabilay Wafdi ka socda Hay’adaha QM

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, ahna kusimaha madaxweynaha Mudane  Cali Daahir Ciid, Ayaa Aqalka madaxtooyada Galmudug ku qaabilay wafdi ka socday hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub,(UN, IOM & EU) kuwaas oo maanta soo gaaray Caasimadda Galmudug ee Dhuusamarreeb.

Kulanka ayaa looga wada hadlay dardargelinta mashaariicda ka socota deegaanada Galmudug, iyo sidoo kale mashaariic kale oo la doonayo in laga fuliyo dhawaan.

Kulanka ayaa waxaa madaxweyne ku xigeenka ku wehlinayay gudoomiye kuxigeenka labaad ee Barlamanka Galmudug marwo Faadumo Abdi Ali wasiiro katirsan xukuumadda Galmudug iyo agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Galmudug mudane Osman Macalin Xasan.

Madaxweynaha Dalka oo gaaray magaalada Abu Dhabi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi ee caasimadda dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha oo martiqaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Isu-tagga Imaaraatka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid ayaa kala hadli doona madaxda dalkaas xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatku ay u xoojin lahaayeen iskaashiga miro-dhalka ah ee dhinacyada maalgashiga, diblumaasiyadda iyo dhaqaalaha.

Duqa Muqdisho oo faray maamulada degmooyinka inay u diyaar garoobaan maalmaha Xuriyadda Dalka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud ayaa faray maamulada degmooyinka iyo dadweynaha caasimadda u diyaar garowga maalmaha xorriyadda.

Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji oo markii ugu horeysay ku-sime madaxweyne ka noqotay Soomaaliya

Markii ugu horeysay taariikhda dalka Soomaaliya, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa noqotay haweeneydii  ugu horreysay ee ku sime madaxweyne noqota ka dib markii, madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud uu maanta u amba-baxay isu-tagga Imaaraadka Carabta, sidoo kalena, guddoomiyaha golaha shacabkana uu dalka ka maqan yahay.

Xildhibaanada golaha shacabka Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa Aprill, 28, 2022, guddoomiye ku-xigeenka koobaad u doortay xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Safarka Madaxweynaha oo labo maalmood qaadan doona ayaa ku qotoma xoojinta xiriirka  diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeynta isu-socodka, ganacsiga iyo sare u qaadidda iskaashiga labada waddan.

Duqa Muqdisho oo xafiiskiisa kula kulmay Madaxda hey’adda I.O.M

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda hey’adda I.O.M ee Soomaaliya, kulankaas oo uu goob joog ka ahaa xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir iyo Xiririiyaha Arrimaha Baniaadanimada ee Xafiska Xalka Waara ee Gobolka Banaadir.

Ujeedka kulankan ayaa ahaa sidii loo dardargalin lahaa dhismaha dhul baaxad leh oo ku yaala degmada Hiliwaa kaas oo ay Dowlada Hoose ee Mogadishu bixisay dhul ay ugu talagashay in lagu deegaameeyo ama Dib-udajin loogu sameeyo dadka Barakacyaasha ah ee kunool Caasimadda.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish ayaa tilmaamay in dhismaha dhulkaas u qeyb ka qaadan doono daryeelka dadka Barakacayaasha ah, Bilicda Caasimadda iyo Nabadgalyada.

    

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun ku riday xubin ka tirsan argagixisada

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun 15-sano xabsi ah ku riday Maxamed Cusmaan Dhagaxow Haaruun oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Ninka oo argagixisada u qaabilsanaa agabka gawaarida iyo Qaraxyada ayaa la qabtay xilli uu doonayay inuu Muqdisho soo geliyo mooto Bajaaj ay ka buuxaan walxaha qarxa oo uu ka soo qaaday tabeelaha Sheikh ibraahim, oo markii dambe Bajaajta la qarxday.

Dambiilahan oo maxkamadeyntiisa soo bilaabatay horaanta bishan Juun ayaa in muddo ah waxaa ku socday baaritaan oo ay ku hayeen nabad sugidda.

Maxamed Cusmaan Dhagaxow Haaruun, Al-Shabaab kaga soo biiray magaalada Baladweyne sanadkii 2019.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo Booqasho rasmi ah ugu amba-baxay isu-tagga Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo martiqaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid ayaa ka ambabaxay magaalada Muqdisho.

Safarka Madaxweynaha oo labo maalmood qaadan doona ayaa ku qotoma xoojinta xiriirka
diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeynta isu-socodka, ganacsiga iyo sare u qaadidda iskaashiga labada waddan.

Golaha Aqalka sare oo ka dooday dhismaha guddiyada golaha

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo ku-xigeennadiisa ayaa shir guddoomiyay Kalfadhiga 1-aad kulankiisa 6-aad, kaasoo lagu qabtay xarunta golaha.

Kulanka oo ay soo xaadireen 48 Sanatar, ayaa diirada lagu saaray Dhismaha guddiyada golaha Aqalka Sare, waxayna mudanayaasha qaar ka aragti dhiibteen dood sharci oo ku saabsan hannaanka doorashada guddiyadda iyo guddoonkooda.

Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada XFS oo kormeeray tababar u socda shaqaalaha.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cali Gacal ayaa maanta kormeeray tababar u socda qayb ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda.

Tababarka oo la xariira kor u qaadista aqoonta shaqaalaha wasaaradda ayaa waxaa fulinaya Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Gaadiidka, waxaana uu kusoo beegmay xili baahi weyn loo qabay.

Agaasimaha Guud ee Waaaaradda Gaadiidka Md. Cali Gacal aya kula dardaarmay Shaqaalaha inay ka faa’iiidaystaan Aqoon iswaydaarsiga,

Wuxuu sheegay Agaasimuhu in aqoonta ay korarsadaan Shaqalaha ay uga Faa’iideeyaan Shaqalaaha kale ayna si huffan ugu adeegaan Shacabka Soomaaliyeed ee adeegyada usoo doonanaya Wasaaradda Gaadiidka.

Roobab khasaare xooggan geystay oo ka da’ay dalka Bangaladesh

Malaayiin ruux ayuu saameeyay roob daad wata oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ay qeybo kamid ah dalka Bangaladesh, sida ay sheegeen saraakiisha Gargaarka deg dega ah.

Daadadka ayaa sii xoogeystay ka dib markii biyo badan ay ka yimaadeen Buuraha xuduudka Bangaladesh ay la wadaagto wadanka Hindiya.

Dhammaan adeegyada Bulshada ayaa istaagay sida Korontada, Gaaska, waxaana dadka ku dhaqan goobaha ay uu roobku ka da’ay soo wajahay dhibaatooyin dhinacyada, Cuntada, Biyaha iyo Nadaafadda.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maareynta Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Bangaladesh, Md. Enamur Rahman oo shir jara’id qabtay Sabtidii ayaa sheegay in ilaa 10 degmo dadka Roobka ay saameyn xoog leh u geysteen.

Wasiirka oo cabirayay saameynta daadadka ayaa sheegay in taariikhda Bangaladesh 100 sano ee la soo dhaafay aysan la kulmin roob dhibaatada intaasi le’eg geysta.

In ka badan 5 milyan oo qof oo ku nool degmooyinkaas ayay saamaysay iyadoo kumannaan qof ay weli ku go’doonsan yihiin, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.