Maalintii labaad iyo Imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare oo si habsami leh u socda

Waxaa maalintii labaad si habsami leh u socda imtixaanka mideysan ee dugsiga sare, kaas oo ardayda kaga qeyb galayaan goobo kala duwan oo ku yaalla magaalada Muqdisho iyo gobalada dalka, waxaana aad loo adkeeyay ammaanka goobaha imtixaanka ka socdo.

Imtixaanka Fasalka 12-aad oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa ah midkiisii 8-aad oo xiriir ah laga soo bilaabo sanad dugsiyeedkii 2014/2015, waxaa sanadkan u fariistay imtixaanka 35,000 oo arday oo ku kala sugan Gobalda Dalka iyo Caasimada Muqdisho.

Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo shalay daahfuray imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare ayaa si gaar ah ula dardaarmay ardayda Imtixaanka shahaadiga u fariisanaysa guud ahaanba dalka, waxaa uuna xasuusiyey inuu mustaqbalkoodu gacantooda ku jiro, loogana baahan yahay inay maanta sii diyaarsadaan sida uu mustaqbalkoodu u ekaan doono iyo kaalinta ay nolosha ka geli doonaan.

Ugu dambeyntii, Madaxda wasaaradda waxbarashada ayaa ardayga ka qeyb galeysa imtixaanka u rajeeyay Guul iyo natiijo wanaagsan.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo la kulmay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Tiina Intelmann.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada Midowga Yurub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo sidii loo dardar gelin lahaa howlgalka ATMIS, Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Difaaca XFS, ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada hagar la’aanta ay siiyaan Soomaaliya.

Kulanka, waxaa sidoo kale, goob-joog ahaa taliyaha ciidamada xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda gaashaandiga Xasan Maxamed Siciid Gacaliye.

Hay’adda Duulists Rayidka Soomaaliyeed oo sheegtay in aysan jirin ax khatar ku ah badqabka duulimaadyada dalka gudahiisa

– Hay’adda Duulists Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) waxay masuul ka tahay badqabka dhamaan duulimaadyada iyo Garoomada Dalka, iyadoo ka duulaysa qaanuunada caalamiga ah (ICAO) iyo kuwa dalkaba ( SOMCARS).

HDRS waxa ay halkaan ku cadeyneysaa in aysan jirin wax khatar ku ah badqabka duulimaadyada dalka gudahiisa ah.
Hay’addu waxba kama oga warqada lagu baahiyay baraha bulshada ayna sumadeedunu tahay Ref: AOA/008/6/2022 kuna taariikhaysan 18th June 2022 Iyo khatarta ay kahadlayso.

Wafdi uu hogaaminayo Taliyaha Booliiska oo gaaray Adis Ababa

Wafdi Saraakiil ah oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa gaaray Magaaladda Adis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu kaga qeybgalayo Shirweynaha Booliiska Adduunka ee Interpol qeybta Bartamaha iyo Bariga Afrika kaas oo ka dhici doona Magaaladda Adis Ababa.

Gen. Xijaar ayaa kulan gaar ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Booliska Itoobiya Mr Demelash Gebremicheal maadaama Itoobiya ay la wareegeyso hoggaanka (EAPCO) East Africa Police Chiefs Organization.
     

.

Danjiraha Soomaaliya Midowga Yurub oo ka qeyb galay Xafladda abaal-marinta ee The King Baudouin African Development

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya waddamada Benelux & Midowga Yurub Danjire Yoonis Yaasiin Xaashi [Ooga-cadde] ayaa ka warbixiyay xaflad ka dhacday Aqalka Boqortooyadda “Palais Royal de Bruxxelles” laguna guddoonsiiyay abaalmarin caalami ah Almaas Elman oo ka mid ah howl-wadeenada Xarunta Nabadda & Xuquuqda Aadanaha Elman.

“Xafladdaasi waxaa lagu soo bandhigayay Abaalmarinta [The King Baudouin African Development] oo la siiyo hay’adaha ama shaqsiyaadka loo aqoonsado in ay kaalin weyn ka qaateen horumarinta bulshadooda,waxaanna abaalmarinta 2020-2021 la guddoonsiiyay Hay’adda Soomaaliyeed ee loo yaqaan Xarunta Nabadda & Xuquuqda Aadanaha Elman [Elman Peace and Human Rights Center] kaddib markii hay’addaasi loo aqoonsaday mid door firfircoon kaga jirta horumarinta arrimaha dhalinyarada, saameyn weynna ku yeelatay arrimaha bulshada,sida caddaalada, xoojinta & horumarinta xirfadaha hogaamineed ee haweenka & dhalinyarada Soomaaliyeed”.
Ayuu yiri Danjire Yoonis, wuxuuna intaasi raaciyay in abaalmarintaasi ay wax weyn kaga dhigan tahay hay’adda Elman.
  

Xubin ka tirsan argagixisada Alshabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxa Argagixisada u qaabilsanaa cunta karinta Gobolka Baay Cali Madkeer Mad-muumin oo nabad-diidka Gobolka Baay ay uyaqaanaan Dheere Cali Qumunu ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga ee ku sugan deegaanka Makuudo oo duleedka Baydhabo ah.

Taliska Qeybta 60-aad ee Xoogga Dalka oo Cali soo bandhigay ayaa si wanaagsan usoo dhaweeyay markii uu isku soo dhiibay gacanta dowladda.

Maamulka degmada Baxdo oo soo bandhigay Khasaaraha weerarkii shalay iyo Hubkii laga furtay Alshabab

Maamulka degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud iyo taliska ciidamada ayaa faa faahin dheeraad ha ka bixiyay dagaalkii shalay kooxda argagixisada ay ku soo qaadeen degmadaas, halkaas oo jab xooggan lagu gaarsiiyay.

Dadka deegaanka oo kaashanaya ciidamada daraawiishta Galmudug ayaa iska caabin xooggan kala hortagay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo la soo qalday, halkaasina ku gaarsiiyay khasaaro xooggan, waxaana weerarkaas maleeshiyada looga dilay ku dhowaad 70-maleeshiyaad.

Taliye ku-xigeenka ciidamada madaxtooyada oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay in ay sii laba jibaarayaan dagaalka ka dhanka ah kooxda nabad-diidka Al-Shabaab.

Sidoo kale, guddoomiyaha degmada Baxdo Maxamed Cabdullaahi Muuse ayaa dhankiisa sheegay in ay hayaan meydadka dad ajaaniib, kuwaas oo qeyb ka ahaa weerarka, wuxuuna ugu baaqay madaxweynaa JFS Mudane Xasan Sheik Maxamuud in shacabka reer Baxdo laga garabsiiyo dagaalka ka dhanka a argagixisada Al-Shabaab.

Khasaaraa soo gaaray kooxda Al-Shabaab ayaa ah kii ugu badnaa ee la gaarsiiyo intii lagu dagaalamayay gobolada dhexe ee dalka.

Maamulka Degmada Baxdo iyo Taliska Ciidanka oo xog dheeraad ah ka bixiyay weerarkii shalay

Maamulka Degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud iyo taliska ciidamada ayaa faa faahin dheeraad ha ka bixiyay dagaalkii shalay kooxda argagixisada ay ku soo qaadeen degmadaas, halkaas oo jab xooggan lagu gaarsiiyay.

Dadka deegaanka oo kaashanaya ciidamada daraawiishta Galmudug ayaa iska caabin xooggan kala hortagay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo la soo qalday, halkaasina ku gaarsiiyay khasaaro xooggan, waxaana weerarkaas maleeshiyada looga dilay ku dhowaad 70-maleeshiyaad.

Taliye ku-xigeenka ciidamada madaxtooyada oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay in ay sii laba jibaarayaan dagaalka ka dhanka ah kooxda nabad-diidka Al-Shabaab.

Sidoo kale, guddoomiyaha degmada Baxdo Maxamed Cabdullaahi Muuse ayaa dhankiisa sheegay in ay hayaan meydadka dad ajaaniib, kuwaas oo qeyb ka ahaa weerarka, wuxuuna ugu baaqay madaxweynaa JFS Mudane Xasan Sheik Maxamuud in shacabka reer Baxdo laga garabsiiyo dagaalka ka dhanka a argagixisada Al-Shabaab.

Khasaaraa soo gaaray kooxda Al-Shabaab ayaa ah kii ugu badnaa ee la gaarsiiyo intii lagu dagaalamayay gobolada dhexe ee dalka.

    

 

Imtixaanka shahaadiga oo si habsami leh uga socda dalka

Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare ee dowladda ay qaadeyso ayaa maanta si rasmi ah uga bilowday dalka gaar ahaan, waxaana u fariistay arday tiradooda gaareys 35,000 (Soddon iyo Shan kun) oo arday.

Agaasimaha Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada XFS, ayaa sheegay in afar Dowlad goboleed, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Jubbaland iyo gobolka Banaadir lagu galayo imtixaanka.

2,254 Arday kana mid ah ardayda imtixaanka shahaadiga dugsiga sare, waxna ka barta Dugsiyada Hirshabelle  ayaa maanta ufariisray imtixaanka Kama dambeyska ee dugsiga sare, kaasoo ay qaadeyso wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya.

16-arday ayaa sanadkan dugsiyeedka 2021-2022 gobolka Bakool uga qeyb gashay imtixaanka shahaadiga ee fasalka 12-aad kumanaankun arday ee maanta u fariisatay guud ahaan dalka.

Waxaana Sababaha keeney in tirada ardada imtixaanka fasalka 12-aad gobolka Bakool  ay aad ugu yartahay marka loo fiiriyo gobolada kale ee dalka ayaa lagu sheegay in ay tahay go’doonka gobolka oo waxyaabo badan oo waxbarashada ka kaabaya ardayda aan heli karin iyo abaarta gobolka ka jirta.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare oo si rasmi ah uga bilaabmay gobollada dalka.

RIYOOYINKA HADDII AAD KA DHABEYSO WAXAAD NOQONEYSAA RUUX GUULEYSTA

Maanta waxaa marayaa interfiyuugii (qaabilaad) ugu horeeyey noloshayda, si aan oga helo shaqo heer sare ah mid kamida shirkadaha waaweyn, hadii aan ku guulaysto waxaa iskaga tegi doonaa gurigan dhibka badan waxaan ka nasan doonaa canaanta joogtada ah ee Aabahay.

Subaxdii waqti hore ayaan soo kacay waan qubaystay waxaan ku lebistay wixii ugu qurxoonaa een heli karay, barafuuna waan isku buufiyey, markaan damcay inaan albaabka ka baxo, ayaa waxaa garabka iga taabatay gacan, gadaal ayaan u jaleecey mise waa Aabahay oo dhoola cadeynaya, inkastoo ilgo’a jiradu si cad oga muuqatey wejigiisa.

Wuxuu ii dhiibay xoogaa lacag ah wuxuuna igu yiri: waxaan kaa doonayaa inaad noqoto qof dhinaca san wax ka eega (iijaabi), naftaadana ku kal soonoow, suaal kastoo lagu waydiiyo ha khalkhalin.

Waan dhegaystay taladii Aabahay anigoo qalbiga ka dhibsanaya, oo isle ilaa hada ma wuxuu ila dabo taagan yahay waano, waxaanba moodaa inuu u danleeyahay inuu I dhibo wakhtigii ugu farxda badnayd noloshayda.
Guriga ayaan dhaqso oga soo baxay waxaan ijaartey taksi waxaan aadey meeshii shirkadu ku qabanaysey inter fiyuuga (qaabilaada).

Markaan ka soo galay albaabka shirkadda waxaan layaabey!!!
Waardiye ma joogo albaabka, shaqaale wax soo dhoweeya ma laha keliya tabeelayaal ayaa ku hagaya ilaa meesha interfiyuuga laga gaaro.

Markaan albaabka ka soogalay waxaan arkey gacankii albaabka oo albaabka ka laalaada qarkana u saran inuu jabo hadii qof ku dhaco.

Waxaan soo xusuustay waanadii Aabahay ee markaan guriga ka soo baxay uu igu soo sagootiyey (noqoto qof dhinaca san wax ka eega (iijaabi)).

Isla makiiba gacankii albaabka ayaan halkiisii ku celiyey, waana hagaajiyey oon ku adkeeyey booskiisii.

Kadibna tilmaamihii tabeelayaasha ayaan raacay waxaan soo gaaray beertii (jardiinkii) shirkadda, waxaan arkey marinkii oo biyihii ku soo faafeen, waxayna u muuqatey in ninkii ka shaqaynayey uu ka mashquulay.

Waxaan soo xusuustey canaantii Aabahay uu igu canaanan jiray inaanan biyaha beerdareeyn.

Isla markiiba tuubadii ayaa ka bixiyey oo waxaan ku duwey meel qalalan, biyaha socodkoodana waan yareeyey si ayna durba u buuxsamin ilaa uu ka soo laabto jardiino yeerigii ( ninka beerta ka shaqeeya).

Kadibna waxaan horey u galay dhismihii anigoo raacaya tilmaanta tabeelaha, markaan sii fuulayey jaranjarada waxaan arkey tiro aad u badan oo nalal ah oo shidan waxaan joognaa dharaar cad, si degdeg ah ayaan u demiyey anigoo ka baqaya qayladii Aabahay uu igu qaylin jirey mar walba oo uu arko wax khaldan.

Waan socdey ilaa aan ka soo gaarey dabaqa ugu sareeya waxaan arkey dad aad u badan oo shaqadan soo doontay, waxaan isku qoray liiska codsadeyaasha kadibna waan fariistey anigoo sugaaya markayga, dadkii ayaan isha la raacey anigoo fiirinaya wejiyadooda iyo lebiskooda waxaan dib u milicsadey muuqaalkeyga iyo lebiskeyga waxaan dareemey inaan ka hooseeyo.

Qaarbaa waxay ku faanayeen shahaadooyinkooda ay ka soo qaateen jaamacado maraykanka ku yaal.
Waxaan arkey qof walba oo gala qolka qaabilaada daqiiqad ka yar ayuu oga soo baxayaa.
Waxaan is iri ragan sidan u qurxoon oo shahaadooyinka waawey wata ayaa la soo diidee ma anigaa la I qaadan.

Waxaan ku hamiyey inaan iskaga baxo tartankan guuldarada ku dhamaanaya intaa la I dhihin naga raali ahaaw kuma qaadan karno.
Waxaan soo xusuustey taladii aabahay oo ahayd (noqoto qof dhinaca san wax ka eega (iijaabi) oo isku kalsoon) waxaad moodaa in dardaarankii aabay isiiyey kalsooni qayrulcaadi ah .

waxaan go’aansadey inaan iska joogo oo aan sugu kaalintayda.
Daqiiqado kadib waxaa ii yeerey ninkii qaabilsanaa soo gudbinta codsadayaasha.
Waxaan galay qolkii qaabilaada, waxaan ku fariistay kurigii qaabilaada, waxaa iga soo horjeeda sadex qof way isoo fiiriyeen wayna dhoola cadeeyeen, midbaa wuxuu igu yiri: goorma ayaad jeceshahay inaad shaqada bilawdo?

Su’aashii ayaan la yaabey!! waxaan moodey inay igu ciyaarayaan, ama in su’aalihii qaabilaadu ka danbeeyaan su’aashan.
Waxaan soo xusuustay dardaarankii aabahay (ha khalkhali marwalbana naftaada ku kalsoonoow).

Anigoo isku kalsoon ayaan ku iri: markaa imtixaanka ka gudbo inshaa’a allaah.
Midkalaa igu yiri imtixaankii waad ku baastay arintuna waa dhamaatay.
Waxaan ku iri midkiina hal su’aal ima weydiin !!!
Kii sadexaad baa wuxuu yiri: su’aalaha oo keliya kuma qiimayn karno qofka na soo codsadey dadnimadiisa iyo xirfadiisa, sidaa daradeed waxaan go’aansanay in qiimaynteenu noqoto baratiko ama waxqabad muuqda.

Waxaan diyaarinay koox tijaabooyin ah oon ku ogaan karno codsadaha dadnimadiisa, xirfadiisa, sida uu u yahay qof dhinaca san wax ka eega (iijaabi) ama boosatif oo isku kalsoon, iyo sida uu ugu dadaalayo ilaalinta hantida shirkadda, waxaad noqotay qofka keliya ee hagaajiyey ceeb walba oon si ogaal ah u dhignay marinkii cosadayaasha, waxaan kala soconay habdhaqanka codsadayaasha kaamirooyin qarsoon.
Halkaa markey mareyso waxaa iga qarsoomey ragii ihor fadhiyey shaqadii aan soo doontay iyo wax walba waxaa ii muuqda oo keliya sawirka Aabahay!!!
Waxaan xoog u dareemay doonid xoogan oo ah inaan unoqodo guriga oo aan Aabe ka dhunkado madaxa gacmaha iyo lugaha.

Ugu danbeyn dhalinyarooy ha dhibsanina waanada iyo talada Aabihiina waxaa ka danbeeya jacayl baaxadweyn, waxaad ogaan doontaan maalin uun iyo markaa aad gaartaan booskooda.

Ilaahayoow u naxariiso hooyooyinkeena iyo Aabayaasheena sida ay inoo soo barbaariyeen anagoo yar yar.

WD: Abdinaasir Yuusuf Aadan