WIIL IYO HOOYADIISA OO LABADUBA BAQIILO AH.

Waxaa jira sheeko Ku saabsan wiil iyo hooyadii oo labadooduba ahaayeen kuwa baqiilo ah.
Wiilka iyo hooyadiisa ayaa waxa ay ku noolaa yeen tuulo oo ay ku haysteen beero iyo sidoo kalena waxa ay tuulada ku haysteen xayn yar oo Ari ah , tuuladana waxa ay u dhow magaalada oo ay u soo adeegdoontaan.

maalinka ay wax oga baahdaan.

maalin maal maha kamid ah ayaa waxaa dhacaday willkii iyo hooyadii oo labadooduba baqiilo ahaayeen in ay soo martiyaan dad ay yihiin qaraabo dhow oo u gu yimid meel aad oga fog waxayna yimaadeen guriga ayaga oo daalan.

markii ay martidii yimaadeen Hooyadii ayaa wiilkeedii waxa ay u dirsatay hilib Martida loo kariyo laguna martisooro .

Wiilkii ayaa baxay oo hilibkii raadiyey waxaana uu tagay kawaanka lagu iibiyo hilibka waxaana uu wiilkii Ku Yiri kawaan lihii waxaan rabaa ?

Kawaankihii Wuxuu ugu jawaabay waxaan haayaa hilib u macaan sidii malabka wiilkii ayaa Yiri haddii uu hilibka u macaan yahay sida malabka waxaan raadsanayaa malabka.

Wiilkii ayaa bilaabay in uu raadiyo malabka raadin dheer kadib waxa uu arkay goob lagu iibinaayo malabka wuxuuna Yiri malabaan rabaa .

Ninkii wax iibinaayey ayaa ugu jawaabay waxaan haayaa malab saafi u ah sida baiyaha oo kale, ninkii malabka iibinaayey marka uu sidaas Yiri wiilkii waxa uu ugu jawaabay Biyaha waxa ay nooyaalaan xaafada.

Wiilkii ayaa dib guriga ugu soo noqday waxa uu hooyadiisa oga waramay waxa uu suuqa Kala soo kulamay wuxuuna Ku Yiri markii aan tagay goobtii hilibka lagu iibinaayey waxaan iri hilibka Hala iga iibiyo , ninkii hilibka gadaayey ayaa igu yiri waxaan haayaa hilib u macaan sida malabka , markii uu sidaas Yiri hiliblihii ayaa waxaan bilaabay in aan raadiyo malabkii raadin dheer kadib ayaa tagay goob lagu iibiyo malabka waxaan Ku ibri malabka iga iibi, ninkii malabka iibinaayey ayaa wiilkii Ku Yiri waxaan haayaa malab saafi u ah sida biyaha ayuu u sheegay wiilkii hooyadiisa oo baqiil aheed intii uu suuqa Kala suu kulamay.

Hooyadii ayaa wiilkeedii isna baqiil ahaa ugu jawaabtay wiiilkeygiyow waad mahadsantahay waad soo dadaashay wax badan baad socotay amee kaa dhamaadeen kabihii markaa buuu

Ku Yiri hooyadiisii, hooyo kabihii waxaa qabatay martidii waxba ha kawal Walwalin.

WQ: Abdishakuur Yuusuf Aadan

SAAMEYTA UU ABAARAHA KU YEESHAY BULSHADA SOOMALIYEED.

Sanadihii lasoo dhaafay Soomaliya waxaa Ka jira abaaro baahsan taasi oo sababtay in kumanaan kun oo dad soomali ah ay Ku barakacaan abaraha ba`an ee Ka jiro Soomaliya sidoo kalena abaaraha ayaa saameen xoogan Ku yeelatay xoolaha nool oo ay ugu horgeeyaan Lo`da oo ah mid aan u adkeysan Karin abaarta sababtoo ah Lo`da ayaa intabadan Ku nool Cowska dhulka kasoo baxo iyo biyaha labaduba hadda lamawada Heli Karo sababtoo cowskii dhulka waa Ka dhamaaday biyihiina waraha waa Ka guray wabaiyadiina waa gureyn oo biyaha Ku jira waa biyo cagaaran oo looga cabsi qabo in ay cudur Ka dilaaco.

Sidoo kale abaarta ayaa sameysay Beerihii ay abuuranaayeen bulshada Soomaliyeed waxaana ay Kala yihiin labo beerood oo Kala ah .

1. Beer Ku baxda roobka , beertaan waa beero ay bulshada Soomaliyeed ay intabadan ay abuurtaan marka lagaaro xiliyada roobaadka balse nasiib wanaag roobabka oo soo daahay aawgeed ayey bulshada ay wax u abuuran waayeen taasi oo sababtay in dhulka uu noqdo mid abaar ah oo kuleyl daran kasoo baxaayo sidoo kalena wato dabeylo kuleyl wata taasi oo sabata in jirka bini aadamka ay waxyeeleyn u geysata.

2 . Beeraha Ku baxa biyaha wabiga , beerahaan ayaa intabadan Ku tiirsan biyaha wabiyada mara dalka soo maaliya oo lakala yiraahdo wabiga jubba, iyo wabiga shabeelle labadaas wabiya ayaa intabadan ay beeraha Ku tiirsanyihiin taasi oo bulshada Soomaliyeed u Sahli jirtay dalag raqiis ah balse nasiib wanaag markii ay daba dheeraadeen abaaraha baahsan ee dalka Ka jira ayaa waxaa dhacday in ay wabiyadii biyaha ay guraan , qudaartii ay qaaliyoobaan oo ay awoodi weysay bulshada danta yar in ay wax iibsadaan.

Bulshada Soomaliyeed waxa ay u baahan yihiin labo gargaar oo Kala ah .

1. Gargaar Alle, gargaarkan waxa uu u baahan yahay in Alle la baryo oo loo tukado Laba rakac oo salaadood ah kadibna sinayad ah in Alle loo baryo si uu abaaraha noogu dulqaado Alle kaligiisa ayaa Abaarta iyo kurbada naheysata Naga qaadi Karo.

2. In bulshada Soomaliyeed ay iscaawiyaan sababtoo bulshada muslimiinta waxaa looga baahan yahay meelkasto ay joogaan cidda wax haysta walaalohooda ay saameysay abaarta in ay caawiyaan wixii ay u awoodaan si aaan oga bad baadno masiibo Qatar ah .

Alle ayaa inoo sheegay Umaddeeda hayday isku gargaaraan Anna waan u gar gaari.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

SIDEE LOO HORMARIN KARAA BEERAHA SOOMALIYA.

Soomaliya waa Dal uu Alle SWT uu Ku maneystay nicmooyin badan oo uu ugu talagalay umaddiisa in ay Ku munaafacoodaan si ay naftooda iyo aayahooda mustaqbalka ah ay Ku noolaadaan .

Beeraha waxa ay kamid yihiin nicmooyinka uu Alle SWT inagu maneystay oo u madda Soomaliyeed ay Ka faa`iideystaan ay Ku hormariyaan nolashooda oo ay kaga guul gaaraan .
Beeraha waxa ay Aas Aas u yihiin nolasha aadanaha waxayna tiir dhexaad aad u weyn u yihiin nolasha malaayiin dad ah oo Ku tiirsan beeraha waxa kasoo go `a oo ay dadka Ku noolyihiin.

Beeraha sidoo kale waa tiirka labaad ee nolasha aadanaha waxaana Ka horeeya tiirka koowaad oo ah biyaha biyaha waa waxa kaliya ee insaanka uusan la aantiisa noolaan Karin waxaana labaad soo galayaa beeraha oo ah tiirka labaad ee nolasha aadanaha adduunka Ku nool .

Haddaba sidee lagu hormarin karaa beeraha sababtoo ah dadka beeraha abuurta intabadan waxaa laga dhigay dad barakac ah oo sugaya kaliya lacagaha hay adaha laga keeno taasi oo sababtay in kumanaan beeralay Soomaliyeed ay beerahoodii ay katageen ayna Ka doorbideen in ay qoxiiti noqdaan.

Waxaa lagu hormarin karaa sadax arimood oo ay muhiim ay u tahay dadka beeraha abuurta oo ay u baahan yihiin in lagula taliyo in ay sameeyaan.

1. Dhiira galin: dadka beeraleyda waxa ay u baahan yihiin in lagu dhiiri galiyo tacabka beeraha sababtoo ah dadka beeraleyda haddii ay helaan cidd Ku dhiiri gelisa si ay beeraha u beertaan wax badan ayaa nolashooda Iska badalaya.

2. Qalabka Beeraha: dadka beeraleyda waxa ay u baahan yihiin in laga saacido qalabka Beeraha taasi oo u sahleysa in beeraleyda ay beertaan kumaan hegtar ah taasi oo wax weyn nolaha aadanaha waxa badan Ka badaleyso.

Dowladda , hay`adaha iyo ganacsatada waxa looga baahan yahan in ay bulshada Soomaliyeed ay Ka saacidaan helida qalabka Beeraha sida Makiinadaha , Caga Cagafta, Matoorada iyo qalabyo badan oo ay awoodin bulshada Soomaliyeed ay u baahan yihiin in laga saacido si ay waxbadan u soo saari lahaayeen.

3. Suuq loo iib geeyo: bulshada Soomaliyeed waxa ay u baahan yihiin tacabka ay soo gurteen suuqyo waaweyn ay u iib geen lahaayeen balse soomalidu waxaa haysata caqabada badan taasi oo sababta in ay beeraleyda ay nacaan in ay beeraha abuurta an.

Caqabada jira waxaa kamid ah in beeraleyda laga qaado lacago canshuuro xad dhaaf ah oo ay Ka qaadaan maleyshiyaadka shabaab, daacisha iyo dowladda oo canshuur Ka qaado intaas waxaa u dheer isbaarooyin isbar baryaala oo looga qaato lacago tiro beel ah taasi oo Ku qasbeysa beeraleyda in ay Ka niyad jabaan tacabka beeraha.
Tala soo jeedin Ku socota dowladda iyo ganacsatada.

Dowladda waxaa looga baahan yahan In ay bulshada la socoto baahiyaha ay qabaan ayna kasaacido waxyahaabaha as aasiga ah loona fududeeyo helidda wax kasta oo ay u baahan yihiin bulshada kana ilaaliso lacagaha baadda laga qaado oo ay Ka qaadaan kooxaha Kala duwan ee dalka Ka jira cashuurtana laga dhimo bulshada Soomaliyeed si ay u hormariyaan nolashooda iyo midda bulsho ay Ku dhexnoolyihiin.

Ganacsatada waxa looga baahan yahan In ay bulshada Soomaliyeed ay garab istaagaan oo suuqyada loocamiro dadka beeraleyda ah oo dalag yadooda Kala duwan looga iibsada qiima raali galiya si ay bulsho badan ay oga dhiiradaan oo ay hormar nolasha ah ay sameystaan oo shaqa la`aanta dalka oga baxdo.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan.

Madaxweynaha Galmudug oo ku bogaadiyay ciidamada iyo shacabka Baxdo sida geesinimada leh ay isaga difaaceen weerarkii argagixisada

Madaxweynaha maamulka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ku bogaadiyay maamulka, shacabka iyo culimada degmada Baxdo, ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa qalabka sida, sida geesinimada leh oo ay iskaga difaaceen weerarkii ay argagaxisadu kusoo qaaday degmada Baxdo.

Maamulka Galmudug ayaa ku ammaanay Ciidamada qalabka sida, maamulka iyo shacabka degmada Baxdo sida feejignaanta leh oo ay uga hortageen dhagar qabayaasha oo xogtooda la sii hayay, halkaasna ay kala kulmeen dharbaaxo, kagana carareen maydad gaaraya 70 oo ay kamid yihiin sedex ajaanib ah, hub iyo saanad fara badan iyo gaari ay ku diyaariyeen walxaha qarxa oo lala damacsanaa in lagu wax yeeleeyo shacabka degmada Baxdo.

Galmudug waxa ay xaqiijinaysaa in weerarka kadib, Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa qalabka sida ay ka howlgaleen deeganada hoos taga degmada Baxdo oo ay ku baacsadeen haraadiga kooxdii argagaxisada ahaa ee weerarka soo qaaday,  iyagoona halkaas ugu dhigay cashar lama ilaawaan ah.

Maamulka Galmudug waxa ay ku tilmaamtay dagaalkii shalay aroornimadii hre lagu jabiyay kooxda argagixisada, mid taariikhi ah, ayna mudantahay in geesinimada ay muujiyeen reer Baxdo in ay kaga tusaale qaataan shacabka Galmudug iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii,  madaxweynaha Galmudug, waxa uu Eebbe uga baryey in uu caafimaad degdeg ah siiyo intii ku dhaawacantay, janadii Firdowsana ka waraabiyo intii ku shahiiday dagaalkii saaka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare oo maanta si rasmi ah uga bilaabmay gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare oo maanta si rasmi ah uga bilaabmay gobollada dalka.
Imtixaankan oo ay u fariisteen arday tiradoodu gaarayso 35,000 (Soddon iyo Shan kun) oo arday, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka daah-furay Muqdisho, waxana uu Ardayda Imtixaanka gelaysa, bahda waxbarashada iyo cid kasta oo imtixaanka gacanta ku haysaba kula dardaarmay inay u hoggaansamaan shuruucda Imtixaanka oo waqti badan la galiyey.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa si gaar ah ula dardaarmay ardayda Imtixaanka shahaadiga u fariisanaysa guud ahaanba dalka, waxaa uuna xasuusiyey inuu mustaqbalkoodu gacantooda ku jiro, loogana baahan yahay inay maanta sii diyaarsadaan sida uu mustaqbalkoodu u ekaan doono iyo kaalinta ay nolosha ka geli doonaan, waxa uuna ardayda u rajeeyay guul iyo in Eebbe u fududeeyo imtixaanka.

Ruushka oo soo bandhigay muwaadiniin Mareykan ah oo lagu la’aa dalka Ukraine

Mid ka mid ah TV-yada Ruushka ayaa Jimcihii shalay baahiyay muuqaallo ku saabsan muwaadiniin Mareykan ah oo lagu la’aa dalka Ukraine, dadkan ayaa la sheegay in halkaasi ay u tageen si ay ugu dhinac dagaallamaan ciidamada Ukraine.

Warbaahinta Mareykanka ayaa horay u sheegtay in la la’yahay muwaadiniintan, sidoo kale ehelada dadkan ayaa dhankooda sheegay inaysan ogeen halka ay ku danbeyeen.

Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in ay jiraan xog ku saabsan saddexdan muwaaddin oo sheegeysa in lagu lagu la’yahay gudaha Ukraine.

Howlgalo lagu ciribtirayo haraadiga nabad-diidka oo ka socda Gobolka Hiiraan

Howlgalo lagu ciribtirayo haraadiga maleeshiyada Alshabaab ayaa ka socda deegaanno u dhaxeeya degmooyinka Beledweyne, Matabaan iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Howlgaladani Ciidanka Xoogga dalka ay ka wadaan qaybo  kamida gobolka Hiiraan, isla markaana ay si wadajir ah u hoggaaminayaan guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cusmaan iyo Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ayaa ujeedkoodu waxa uu yahay ciribtirka maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab iyo burburinta meelaha ay kasoo maleegaan dhagaraha ay u gaystaan Shacabka Soomaaliyeed

Ciidnka xoogga dalka ayaa horay ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Jiracle oo fariisin u ahayd argagixisada, isla markaana dadka iyo gaadiidka ay ku baadi jireen.

Sidoo kale, ciidamada oo kaashaanaya dadka deegaanka ayaa Al-Shabaab ka riixay deegaanka Bacda oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Matabaan ee gobolkaas.

Howlgaladan ka bilowday deegaanadaas oo ah kuwo qorsheysan ayaa khasaaro xooggan lagu gaarsiiyay maleeshiyada Al-Shabaab, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan.

Waxaa xoogeysanaya fahamka shacabka iyo tallaabooyinka ka dhanka ah dhagarta argagixisada ay qaadayaan, waxaana xusid mudan jabkii nabad-diidka ka soo gaaray dagaalkii degmada Baxdo.

Imtixaanka Shahaadiga ee Fasalka 12-aad oo saakay Dalka ka bilaabanaya

Waxaa saaka dalka ka bilaabanaya Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare, kaas oo ay qaaddo wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda Federaalka.

Xafiiska Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare JFS, ayaa horay u shaaciyay in 18-ka bishan oo maanta ku beegan ardayda Soomaaliyeed u fariiisanayaan Imtixaanka sanad dugsiyeedkaan 2021/22 jadwalka imtixaanka fasalka 12aad.

Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya waxay guul urajeynaysaa ardayda Soomaaliyeed ee maanta Imtixaanka galaya.

Madaxweyne Xasan Sheekh “Reer Baxdo waxaad cashar lama ilaawaan ah u dhigteen argagixisada idin soo weerartay”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey shacabka deegaanka Baxdo ee Gobolka Galguduud sida naf-hurnimada leh oo ay isaga difaaceen argagixisada Alshabaab oo saaka weerar bahalnimo ah ku soo qaaday deegaankaas.
.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in khasaaraha xooggan ee Bulshada Baxdo iyo Ciidanka Xoogga Dalka ay gaarsiiyeen argagixisada soo weerartay ay muujinayso sida Shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in si geesinimo iyo nafhurnimo leh iskaga dulqaadaan dhibaatada argagixisadu ay ku hayaan.
“Reer Baxdo, waxaad saaka cashar lama ilaawaan ah u dhigteen argagixisada idin soo weerartay. Waxaad dirteen farriin xambaarsan geesinimo oo muujinaysa in ay gabaabsi marayaan maalmihii argagixisda ku dhuumaaleysanayeen gudaha dalkeenna, si ay u dhibaateeyaan dadkeenna birma-geeydada ah.”
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle Jannatul Firdowsa uga baryey muwaadiniintii ku shahiiday weerarkan iyagoo difaacaya dhulkooda iyo dadkooda, sidoo kalena waxa uu caafimaad degdeg ah u rajeeyey dadka deegaanka ee ay waxyeeladu soo gaartay.

Al-shabaab oo dharbaaxo adag kala kulmay Baxdo iyo Ciidamada Danab iyo Daraawiishta Galmudug oo Gurmaday.

Dadka deegaanka Baxdo oo iskaashanaya ayaa iska caabiyay weerar ay maleeshiyada Alshabaab kusoo qaadeen deegaankaasi, waxaana ay argagixisada gaarsiiyeen khasaaro aad u xooggan.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Oodowaa Yusuf Ragge oo la hadlay wakaaladda wararka SONNA ayaa sheegay in ay ciidamada Daraawiihta Galmudug iyo kuwa Danab ay u gurmadeen dadka deegaanka oo iska caabiyay maleeshiyaadka saaka weerarka ku soo qaaday magaalada Baxdo oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Odowaa ayaa inta ku daray in ay firxadkooda uga dabatageen meel u jirta qiyaas ahaan magaalada Baxdo 27-KM oo lagu magacabo Xanaan halkaas oo ay ku dileen 25 ka mid ah firxadka maleeshiyada argagixisada Al-shabaab ee weerarka soo qaaday,sidoo kale  ciidamada Daraawiishta iyo Danab ayaa gacanta ku dhigay gaari laga soo buuxshay waxyaabaha qarax oo aan wali qarxin iyo darawalkii waday gaariga.

Taliyaha Oodowaa ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay marin habaabinta argagxisiada Al-shabaab ay ku hayaan dhalinyarada aan garaneyn sababta ay u dagaalamayaan oo ay ugu dhimaanyaan.