Howlgalo lagu ciribtirayo haraadiga nabad-diidka oo ka socda Gobolka Hiiraan

Howlgalo lagu ciribtirayo haraadiga maleeshiyada Alshabaab ayaa ka socda deegaanno u dhaxeeya degmooyinka Beledweyne, Matabaan iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Howlgaladani Ciidanka Xoogga dalka ay ka wadaan qaybo  kamida gobolka Hiiraan, isla markaana ay si wadajir ah u hoggaaminayaan guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cusmaan iyo Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ayaa ujeedkoodu waxa uu yahay ciribtirka maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab iyo burburinta meelaha ay kasoo maleegaan dhagaraha ay u gaystaan Shacabka Soomaaliyeed

Ciidnka xoogga dalka ayaa horay ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Jiracle oo fariisin u ahayd argagixisada, isla markaana dadka iyo gaadiidka ay ku baadi jireen.

Sidoo kale, ciidamada oo kaashaanaya dadka deegaanka ayaa Al-Shabaab ka riixay deegaanka Bacda oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Matabaan ee gobolkaas.

Howlgaladan ka bilowday deegaanadaas oo ah kuwo qorsheysan ayaa khasaaro xooggan lagu gaarsiiyay maleeshiyada Al-Shabaab, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan.

Waxaa xoogeysanaya fahamka shacabka iyo tallaabooyinka ka dhanka ah dhagarta argagixisada ay qaadayaan, waxaana xusid mudan jabkii nabad-diidka ka soo gaaray dagaalkii degmada Baxdo.