Wasiirka Beeraha XFS oo daah-furay Masrax loogu talagalay Horumarinta Beeraha

Wasiirka Wasaaradda Beeraha XFS Siciid Xuseen Ciid ayaa manta  daah-furay Masraxa Horumarinta Beeraha oo muddo 30 sano kadib lagu sameeyay dib u dhis.

Kulankii daahfurka waxaa ka qetbgalay madaxda wasaaradda,khuburo ka socotay beeraha,iskaashatooyinka beeraha  iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay kulankaasi.

Masraxaan ayaa shaqadiisu noqoneysaa halka lagu soo bandhigo awooda aqooneed iyo xirfadda lama huraanka u ah beeraleyda.

 

ERGEYGA GAARKA AH EE MADAXWEYNAHA JFS U QAABILSAN ABAARAHA OO KULAN LA QAATAY MADAXDA SAFAARADDA KANADA

Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha jfs u qaabilsan arrimaha abaaraha C/raxamaan C/SDhakuur Warsame ,ayaa la kulmay xubno ka socda safaaradda Kanada oo uu hoggaaminaayay  xoghaya koowaad ee safaaraddaasi.

Dhianacyadaasi ayaa ka wadahadlay xaaladda dadka Soomaaliya,dhibatooyinka jira iyo sida wax loogu qaban karo dhibaattooyinka baahsan ee ay sababeen abaaraha  iyo kaalinta dalka Kanada uu ka qaatay taageerada Soomaaliya.

Ergeyga ayaa dhankiisa uga mahadceliyay dowladda Kanada sida ay u garab qabanayaan Soomaaliya ,isagoo dhinaca kale ergeyga marka laga tago kordhinta deeqda kala hadlay haddii qeyb ka mid ah dhaqaalaha horumarinta loo weecin karo howlaha gargaarka bini’aadannimo iyo abaaraha.

Sidoo kale,waxaa labada dhinac ay ka wada hadleen siyaalaha kala duwan ee ay Safaaraddu gacan uga geysan karto sare u qaadidda wacyiga iyo muujinta sawirada dhabta ah ee heerka Abaarta iyo sidoo kale saameynta guud ee Kanada ku yeelan karto hayadaha iyo waddama laga filan karo in ay gacan ka geystaan Abaarta.

Dalka Kanada waa deeqbixiyaha afaraad ee dhaqaalaha ugu badan ugu deeqay Soomaaliya sanadkaan 2022.

Safiirada XFS iyo jaaliyadaha Soomaaliya oo u hambalyeeyay R/wasaaraha cusub

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub danjire Yoonis Yaasiin Xaashi (oogacadde)  ayaa dhambaal Hambalyo ah u diray Ra’iisal wasaaraha cusub ee JFS.

Safiirka ayaa dhinaciisa sheegay in uu diyaar u yahay in uu r/wasaaraha cusub kala shaqeyneyo waajibaadka qaran ee loo haayo umadda Soomaaliya.

Danjire Yoonis Yaasiin Xaashi (oogacadde),waxa uu u rajeeyay r/wasaare Xamsa Cabdi Barre in uu alle ku guuleeyo howsha culus ee loo idmaday

Dhinacakale,Jaaliyadaha Soomaaliya ee ku dhaqan dalka Yugandha ayaa Hambalyo u diray Ra’iisal Wasaaraha cudub.

Sidoo kale, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koofur Afrika ayaa dhambaal Hambalyo ah u diray Ra’iisal Wasaaraha JFS.

Xaalado adag oo soo wajahay barakacayaasha ku dhaqan Gallinsoor

Barakacayaasha ku jira Kaamamka Magaalada Galiinsoor ayaa lagu soo waramay in ay wajahayaan xaalad adag oo dhanka noolasha ah iyo cuduro kala duwan oo la soo gudboonaaday bulshada halkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka Magaalada Galiinsoor Farxaan Cismaan Maxamed ayaa qeexay in dadka deegaankaasi oo u badan kuwo danyar ah ay mudo 6 sano ah ku noolaayeen duruufo adag,sidaa aawgeedna ay iminka kusoo biireen dad badan kadib markii abaaraha jira ay dileen  xoolihii .

Guddoomiyaha Kaamka Kulmiye, foodeey Xasan ayaa Warbaahinta Qaranka Soomaliyeed u sheegtay in dadka ku jira kaamkaasi ay aad u liidato xaaladooda nololeed.

ciidamada Galmudug iyo dadka deegaanka Baxdo oo waxyeello u geystay Al-Shabaab

Wararka ka imaanaya magaaladda Baxdo ayaa sheegaya in dadka deegaanka iyo ciidamada maamulka Galmudug ay iska caabiyay weerar ay kooxda argagixisada Al-shabaab ku soo qaadeen dadka deegaankaasi.

In ka badan 16 maleeshiyaad ah oo ka mid ah kuwii soo qaaday ama soo weeraray deegaanka Baxdo ayaa lagu soo warmaya in lagu dilay halkaasi ,iyadoo kooxdaasi la tilmaamay in ay fursad u waateen in ay qaataan meydadkooda .

wararka ayaa inta ku daray in ay jiraan dhawacayo soo gaaray dadka deegaanka ,inkastoo aan la cadeyn tiradooda.

Ma ahan markii koobaad ee kooxaha argagixisada ay soo weeraraan deegaanka Baxdo, waxeyna mar walba iska caabin kala kulmaan dadka deegaanka iyo culimada Ahlu sunna oo halkaas ku leh madaaris waaweyn oo lagu aqristo duruusta iyo kitaabada diiniga ah.

Ciidamada xooga oo howlgal ka fuliyay inta u dhaxeysa Matabaan iyo Beled weyn

Ciidamada xooga dalka ayaa saakay howgalo ka dhan ah Argagixisada Al-shabaab ka bilaabay inta u dhaxeysa degmooyinka Matabaan iyo Beledweyn ee gobolka Hiiraan.

Saraakiisha hogaamineyso howl-galka ayaa sheegay in dhowr aag laga weeraray maleeshiyad ka tirsan Al-shabaab oo ku dhumaaleysanaya deegaanno hostaga degmada Matabaan.

Howl-galka ayaa waxaa qayb ka ah ciidamada maamulka gobolka Hiiraan.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO BANGIGA ADDUUNKA KALA HADLAY XOOJINTA TAAGEERADA SOOMAALIYA.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo qaabilay Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Marwo Kristina Svensson ayaa kala hadlay xoojinta wadashaqeynta Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Marwo Kristina Svensson ayaa tilmaantay in Bangiga Adduunka uu dowladda Soomaaliya ku taageerayo 100 malyan oo doolar 12-ka bilood ee soo socda, si wax looga qabto qorsheyaasha hortebinta u leh dowladda, iyadoo ku ammaantay Madaxweynaha sida ay uga go’an tahay dib u habeynta hannaanka maaliyadeed ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad u siineyso kor u qaadidda adeegyada bulshada iyo shaqo abuurka dhallinyarada, waxa uuna Bangiga Adduunka ugu baaqay in uu kala shaqeynayo Dowladda casriyeynta hannaanka shaqada iyo adeegyada dowladda Federaalka.

Agaasimaha Guud ee warfaafinta XFS oo soo xiray tababar ku saabsan hal abuurka wax soo saarka Warbaahinta

Soddon iyo lix suxufiyiin ah oo kala socday Warbaahinta gaarka ah, Warbaahinta dowlad goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Warbaahinta Qaranka ayaa loo soo xiray tababar ku saabsanaa hal abuurka wax soo saarka Warbaahinta Bulshada, waxaana tababarka uu socday muddo afar maalmood ah.

Tababarkan oo ay qabatay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS ayaa waxaa taageerayey xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Agaasimaha Warbaahinta Cusub ee Wasaaradda warfaafinta XFS Cabdishakuur Cali Axmed ayaa sheegay in Hey’adaha Warbaahinta iyo wariyayaasha looga baahan yahay la qabsiga Warbaahinta casriga oo wax badan ka badashay habkii hore ay u shaqaynayeen Warbaahinta.

Agaasimaha Shaqaalaha iyo Tababarrada Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxiin Ciise Caddoow ayaa tilmaamay in Wasaaraddu kordhin doonto tababarrada muhiimka ah ee la xiriira Warbaahinta casriga ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale oo soo xeray tababarka ayaa ku dhiira galiyay suxufiyiinta ka qeyb gashay in ay hirgaliyaan casharadii ay barteen, waxaana uu u mahad celiyay macalimiintii bixisay tababarkan iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee taageeray in uu qabsoomo.

Ugu dambeyn Ka qeyb galayaasha tababarkan ayaa waxaa la guddoonsiiyay shahaadoyin caddeynaya tababarka ay qaateen waxaana ay u mahad celiyeen Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo macalimiintii bixisay casharadii ay qaateen.

 

          

R/wasaare Xamse oo khadka teleefonka kula hadlay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida

Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban Mudane Xamse Cabdi Barre oo khadka telefonka kula hadlay Madaxweyneynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafa Maxamed Cagjar ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo xaaladda dalka ku saabsan, isagoo ka guddoomay Hambalyo ku aadan magacaabistiisa.

Qoraal kooban oo uu Mudane Xamse Cabdi Barre ku daabacay bogiisa ayaa u qornaa sidan.

“Waxaan qadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya Mudane Mustafa Maxamed Cagjar isaga oo igu hambalyeeyay Xilka la ii magacabay.

Madaxweynaha waxaan ka wada hadalnay xaaladda Soomaalida dowlad deeganka Itoobiya iyo sida ay dowladda Soomaaliya ugu gaabisay mashaaricda Hormarinta Soomaalida kunool Jigjiga, Madaxweynaha Waxaan la wadagay in dowladda cusub ay garab tagan tahay walaalaheed JIGJIGA.

Ugu Dambeyntii waxaan ku heshiinay sidii Soomaalida Deegaanka u yahay Itoobiya ay qeyb ugu noqon lahaayeen Dowlad dhiska Soomaaliya.

Kulanka Maaliyadda ee Labad gole ee BFD oo kulan la yeeshay Wasiirka Maaliyadda XFS

Guddiga KMG Maaliyadda ee Labada Gole ee BFS ayaa maanta waxay kulan Kula yeesheen xarunta Aqalka Sare Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Kulankaan ayaa Ajandihiisu waxuu ahaa Su’aalo weydiin ku saabsan miisaaniyadda 2022 iyo xisaab xiradii 4 sano ee u danbeysay.
Kulanka Waxaa Shir-gudoominaayey Guddoomiyaha Guddiga KMG Maaliyadda Mudane Xildh. Maxamed Farax Nuux.