Maxkamadda Ciidanka qalabka sida oo maanta xukuntay laba xubnood oo ka tirsanaa Daacish

Dayib Macallim Maxamed Xasan iyo Xaliimo Cabdi Mursal Ibraahim  ayaa lagu xukumay min 15-sano oo Xabsi Ciidan ah, kadib markii ay Maxkamadda Ciidamada ku heshay dambiga ah kamid ahaanshiyaha Kooxda Daacish.

Magacyada Mustaf iyo Xaawo ayay isku guursadeen sida uu faray horjoogahooda, waxa ay si gaar ah u qaabbilsanaayeen samaynta qaraxyada iyo kaydintooda.

Bishii March ee sanadkan ayay Ciidamada Amniga soo xireen labadan qof, hab raac maxkamadeed kadib maanta ayay Maxkamaddu xukuntay.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo la kulmay guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee JFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa booqasho iyo salaan ugu tagay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ugu hambalyeeyay xilka qaran ee loo magacaabay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Guddoonka Golaha Shacabka ka codsaday in ay ku gacan siiyaan sidii uu heli lahaa kalsoonida Golaha, si uu usoo dhiso xukuumad cusub.

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha shacabka Cabdullaahi Cumar Abshiroow ayaa qayb ka ahaa kulanka.

  

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo u hambalyeeyay Ra’iisul wasaaraha cusub

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa booqasho ugu tagay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS, kaas oo ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay una rajeeyay in Eebbe ku guuleeyo.

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Ra’iisulwasaaraha cusub Alle ugu baryay inuu ku asturo xilka culus ee uu qaaday.

   

Madaxweynaha Maraykanka oo ku dhawaaqay in Maraykanku Ukraine ku taageerayo hal Bilyan oo dollar.

-Madaxweynaha maraykanka ayaa ku dhawaaqay in ay Dalka ukraine ku taageerayaan dhaqaale gaaraya $1 bilyan dollar,oo lagu taakulaynayo dhinacyadda amaanka iyo arrimaha bini’aadanimadda sida biyo nadiif ah oo la cabbo, sahayda caafimaad ee muhiimka ah iyo daryeelka caafimaadka, cunto, hoy, iyo lacag caddaan ah qoysaska si ay u iibsadaan alaabta muhiimka ah, ayuu yidhi Biden.

Ku dhawaaqista ayaa ku soo beegantay xilli uu talefoon kula xiriiray madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy si ay uga wadahadlaan dagaalka, iyadoo madaxweynaha Maraykanku uu sheegay in uu dib u xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay in Washington ay la garab istaagto Kyiv oo ka dhan ah duullaanka Moscow.

In ka badan 6.98 milyan oo qof ayaa u qaxay dalal kale, halka 7.7 milyan ay ku barakaceen gudaha dalka Ukraine.

Howlgalka midowga Yurub oo qalab ciidan guddoonsiiyay Wasaaradda difaaca Soomaaliya

Muqdisho-Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska ciidanka xoogga ayaa agab ciidan oo casri ah kala wareegay howlgalka Midowga Yurub.

Taliyaha ciidanka Lugta ee Soomaaliya Janaraal, Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in qalabkan uu muhiimad gaar ah u leeyahay howlaglka ciidanka xoogga, wuxuuna xusay in guulaha ciidanka ay qayb ka tahay adeegsiga qalabka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda gaashaandhigga Xasan Maxamed Siciid Samatar ayaa midoga Yurub ugu mahad celiyay tababarrada iyo qalabaynta ciidanka xoogga, wuxuuna ciidanku faray inay sidii loogu tala galay u adeegsadaan.

       

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeeray xarumaha Ciidanka ka howlgala degaanka Bariirre

Awdheegle- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Odowaa Yuusuf Raage ayaa kulan la qaatay bulshada rayidka ah ee ku dhaqan degaanka Bariirre.

Ujeedka taliya uu halkaasi u tagay ayaa ahaa inuu u kuurgalo xaaladda guud ee bulshada iyo ciidanka ka howlgala tuulada Bariirre oo ka tirsan degmada Awdheegle ee gobolka Sh/hoose iyo inuu ku dhiirri geliyo dagaalka ay kula jiraan Argagixisada Al-shabaab.

Ciidanka ayuu ku boorriyay inay ka feejignaadaan dhagarta cadwoga, wuxuuna ku boorriyay inay gacan adag kula dagaallamaan kooxda nabad-diidka ah, wuxuuna sheegay inay waajib ku tahay difaaca shacabka iyo dowladnimada.

Sidoo kale taliyaha ayaa kulan la qaatay bulshada ku dhaqan degaanka Bariirre, isagoo ku boorriyay inay la shaqeeyaan ciidanka xoogga dalka maaddaama ay Carruurtooda iyo guryahooda ugu soo tageen inay naftooda iyo hantidooda ka badbaadiyaan cadowga.

    

Madaxweynaha Puntland oo u hambalyeeyay Ra’iisal Wasaaraha Cusub ee JFS

Garoowe- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hambalyo u diray Xamze Cabdi Barre oo loo magacaabay Ra’iisal Wasaaraha 21-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

“Waxaan hambalyo iyo boggaadin u diraya Xildhibaan Xamze Cabdi Barre oo Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, u magacaabay Ra’iisal Wasaaraaha Xukuumadda JFS”  Ayuu yiri Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha Jubbaland oo dhambaal hamlyo ah u diray Ra’iisul Wasaaraha cusub ee XFS

Kismaayo- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Hambalyo u diray Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xamze Cabdi Barre oo xalay uu xilkaas u magacaabay Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Mudane Axmed Madoobe ayaa ku tilmaamay Mudane Xamze Cabdi Barre in uu yahay shaqsi hufnaan iyo karti u leh gudashada xilka Cusub ee loo magaacay, isla markana lagu xusuusto shaqooyinka wanaagsanaa ee uu dalka kasoo qabtay, isagoo wakhtigiisa iyo naftiisa u huray shaqooyinka waa weyn oo uu ugu adeegayay bulshada Soomaaliyeed wakhtiyo kala duwan.

Guddoomiyaha Golaha shacabka oo qaabilay safiirka Norway ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa maanta hoygiisa kulan kula qaatay danjiraha dalka Norway, Amb. Haakon Svane.

Safiirka dalka Norway ayaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka lawadaagay sii amba-qaadida taageerada dhanka sharciga oo dowladda Norwey horay u siin jirtay Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Kulankan maanta ay yeesheen mas’uuliyiinta oo daba socday kulan hore ayaa lagu soo hadal qaaday Awoodsiinta Haweenka Soomaaliyeed kuwooda ku jira siyaasada.

Guddoomiyaha ayaa bogaadiyey shacabka iyo dowladda Norweyn oo taageera buuxda ay la garab taagan yihiin Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxaana uu sheegay in ay iska kaashan doonaan wada shaqeeynta Baarlamaanada labada dal.

    

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xamsa Cabdi u magacabay Ra’iisul wasaaraha Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ra’iisul Wasaaraha Dalka u magacaabay Dr Xamsa Cabdi Barre.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay Ra’iisul Wasaaraha cusub inuu Alle u fududeeyo xilka loo igmaday, waxaana uuu Xildhibaannada Golaha Shacabka ka codsaday inay meel mariyaan si uu u soo dhiso Gole Wasiiro oo tayo leh.