Ra’iisul wasaaraha XFS oo qaabilay guddoomiyaha ururka ONLF

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay Guddoomiyaha ururka ONLF Cabdiraxmaan Maxamed Mahdi iyo xubno ka tirsan ururka, kuwaas oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay go’aankii ay xukuumaddiisu ONLF uga saartay liiska argagixisada oo horay si aan sharci ahayn loogu daray.

dhanka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay fannaanka Iidle Cabdullaahi Nuune (Iidle Yare) ayaa u rajeeyay caafimaad deg deg ah, una ballan qaaday in uu gacan ka geysan doono sidii uu u heli lahaa daryeel caafimaad.

       

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY WAKIILLADA BEESHA CAALAMKA EE SOOMAALIYA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya oo ay ka wada hadleen xoojinta taageerada muhiimka ah ee ay siiyaan Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay xaaladda binu aadannimo ee ka dhalatay abaaraha ka jira dalka, isagoo xusay dadaalka iyo abaabulka gurmad ee dowladdu ay ku bixinayso la tacaalidda xaaladdaas adag, waxa uuna ka codsaday beesha Caalamka in ay doorkooda ka qaataan samatabixinta dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey Wakiillada Beesha Caalamka muhiimadda safarkii uu dhawaan ku tagay qaar ka mid ah dowlad Goboleedyada dalka, kaas oo ka tarjumaya dadaalkiisa ku aaddan xaqiijinta Soomaali heshiis ah iyo xoojinta wada-shaqeynta heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed.

Dhankooda, Wakiillada Beesha Caalamka oo bogaadiyey dadaallada dib u heshiisiinta iyo gurmadka abaaraha ayaa soo dhaweeyey qabsoomidda Shirkii Wadatashiga Qaran ee dhawaan ku soo gaba-gaboobay Villa Soomaaliya iyo warmurtiyeedkii ka soo baxay oo dhaqan-gelkiisu uu muhiim u yahay dowlad dhiska iyo horumarka dalka.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa sheegay in ay kordhinayaan taageerada ay dowladda Soomaaliya la garab taagan yihiin, gaar ahaan ammaanka, arrimaha binu aadannimada, dib u heshiisiinta iyo dhismaha hay’adaha dowladnimada.

     

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha oo gaaray Buulo Burde

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa safar shaqo maanta ku tagay magaalada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

U-jeedka socdaalka Ergeyga oo ay wehiliyaan xubno ka socda Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP iyo UNHCR, ayaa ku qotoma u-kuur-galidda xaaladdaha abaaraha iyo nolosha danyarta abaaruhu saameeyeen, isagoo kormeer iyo indha-indheyn ku tagay, xeryo barakac oo ku yaalla magaaada.

Ergeygu Kaamamka aadka u daran ee uu kormeerka ku tagay waxaa ka mid ah, MADIINO & WADAJIR, kuwaasoo ay ku jiraan in ka badan 9,000 oo barakacayaal ah, sidoo kale wuxuu tagay ceelka ‘Bashiir Xaaji’ oo barakacayaashu biyaha ka cabaan, kaas oo hadda qarka u saaran inuu xirmo, sababo la xarrira inuu iska bixi la’yahay shidaalkii matoorka.

Buulo-burde waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ay ku qulqulayaan dadka abaaraha ku ceyrtoobay, kadib afar xilli roobaad oo baaqday, isla-markaana ay yar tahay rajada laga qabo in ay si buuxda u hoorto Deyrta (Autumn) la sugayo bilaha September, October iyo November.

Barakacayaasha ku jira xerooyinka uu booqday ergayga ayaa u badan carruur, haween iyo dad da’ ah, wuxuuna Dowladda Federaalka, deeq-bixiyayaasha caalamiga ah, kuwa aan caalimiga ahayn iyo umadda Soomaaliyeed ee wax heysata ugu baaqay in gargaar iyo gurmad degdeg ah lala soo gaaro dadkaas.

Ergayga ayaa sidaan oo kale, dhamaadkii bishii hore socdaal indha-indheyn ku tagay xerooyin barakac oo ku yaalla magaalada Baydhabo, halkaasoo si daran looga baahan yahay nafaqeynta haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya, carruurta da’doodu ka yar tahay shan sano, iyo dadka da’da ah.

Kulanka Golaha Shacabka oo goordhow furmay

Waxaa goordhow Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa ka furmay Kalfadhiga 1-aad kulankiisa 11-aad ee Golaha Shacabka, kaas oo uu shir gudoominayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madowe..

Kulanaka xildhibaanada ee Maanta ayaa waxaa xaadiray 150 Xildhibaan, sida uu sheegay Guddoomiyaha, waxaana Ajandaha a uu yahay dhameystirka Xeer hoosaadka Golaha Shacabka

Xildhibaannada ayaa lagu wadaa in dood ka yeeshaan xeer hoosaadka Golaha uu ku shaqeyn doono kal fadhiyada soo socdo ee Baarlamaanka JFS

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo daahfurtay kulanka wadatashiga Istaraatiijiyadda ka qayb gelinta haweenka ee dowladdaha hoose.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka & Dib u Heshisiinta XFS ayaa maanta ka daahfurtay Magaalada Muqdisho kulanka wadatashiga Istaraatiijiyadda ka qayb gelinta haweenka ee dowladdaha hoose.

Kulanka ayaa waxa kasoo qayb galay Wasaaradda haweenka Dowlada Soomaaliya , Wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo Haweenka ee Dowlad Goboleeyada Dalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo xubno ka socda ururada Bulshada rayidka.

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha oo gaaray Buulo Burde

Waxaa Maanta degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan gaaray wafdi uu hoggaaminayo Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Socdaalka Ergeyga waxaa ku weheliyay xubna ka socda hay’adda WFP, waxaana ujeedka safarkooda yahay u kuur gelidda xaaladda dadka ay abaaraha saameeyeen.

Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa muddo godoonsan, waxaana go’doonka ka dhashay dhibaatooyin saameyn ku yeeshay dadka Shacabka ah ee halkaas ku nool.

Qorshahii dib u celintii Qaxootiga Britain ku sugan oo la hakiyay

Duullimaadyo la damacsanaa in lagu daad gureeyo qaxoonti Britain ku sugan ee horay loogu heshiiyay in la geeyo dalka Rwanda ayaa la baajiyay kabib go’aan ka soo baxay Maxkamadda Xuquuqda Aadanaha ee Europe.

Arrinkan ayaa qayb ka ahaa qorshe ay dawladda Britain horay u ansixisay si loo dhimo qulqulka muhaajiriinta ee dalkooda soo galaya.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda UK ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka AP, in arrinkan ay soo faragalisay Maxkamadda Xuquuqda Aadanaha ee Europe, ka hor inta aanay bilaaban daadgureeynta Muhaajiriinta ku sugan halkaas.

Warka soo baxay saakay Wasaaradda arrimaha gudaha Britain ayaa lagu sheegay in ay aad uga xunyahiin in caqabada dhanka sharciga ah ay baajiyaan duulimaadyadii maanta la damacsanaa in tiro kamid ah Qaxootiga dalkooda ku sugan la geeyo Rwanda.

Maxkamadda sare ee Britain ayaa horay u taageertay qorshaha dowladda ee ah in dadka magangalyo doonka ah ee ku sugan UK, loo masaafuriyo Rwanda, iyadoo Qaramada Midoobay ay tallaabadan horay ugu digtay.

Taliyihii Booliska Magaalada Qardho oo la dilay

Taliyihii saldhiga Booliska magaalada Qardho ee Puntland Cumar Hiiraad Kaatuun ayaa u geeriyooday rasaas ay ku fureen kooxo lagu sheegay inay yihiin kuwa ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya.

Taliye Cumar Hiraad Kaatun ayaa saakay u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaas ay Ciidamada ammaanka kala hortimid kooxdaas.

Waxaana haatan gudaha iyo daafaha magaalada Qardho ka socda howlagllo lagu baacsanayo kooxdaas oo laamaha amniga Puntland ay wadaan.

 

Guddoomiyaha golaha shacabka oo kulan la yeeshay safiirka dowladda Jabuuti ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa maanta gelinkii dambe gurigiisa ku qaabiley danjiraha dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Amb. Maxamed Rashiid.

Safiirka ayaa Guddoomiyaha ugu yimid salaan isagoo la wadaagey xariirka walaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti iyo sidii ay uwada shaqeyn lahaayeen labada Baarlamaan ee Labada Dal.

Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Madoobe oo uga mahadceliyey booqashada danjiraha ayaa ku amaanay xirirka walaaltino ee labada dal  iskaashiga iyo  wax-wada qabsiga shacabka iyo dowladba.

    

Duqa Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socda hay’adda caafimaadka Adduunka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday hey’adda Caafimaadka aduunka ee WHO iyo Hey’adda UNICEF oo uu hogaaminayay Madaxa hey’adda u qaabilsan Barig iyo Bartamaha Afric Mr; Xasan Qumural.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish iyo madaxda Hey’adda WHO ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa horumarinta  adeegyada Caafimaadka gobolka Banaadir oo haatan ay si buuxda ula wareegtay Dowlada hoose ee Xamar.

Kulanka ayaa waxaa  joog ka ahaa Agaasimaha waaxda Caafimaadka ee gobolka Banaadir iyo Agaasimaha guud ee arrimaha bulshada maamulka gobolka Banaadir.