Ra’iisulwasaare Rooble oo booqday dhismaha xarunta Xukumadda

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kormeeray dhismaha xarunta Xukumadda iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo heer gabogebo ah maraya.

Ra’iisulWasaare Rooble ayaa la kulmay Injineerrada gacanka ku haya howlaha dhismo iyo dib u dayactirka ka socda xaruntii hore ee xisbiga, si ay ugu shaqayso xukuumadda Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya mudane, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-caddaala) ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ahmiyad gaar ah u leedahay in ay xukuumaddu ku shaqayso xarun ku taalla bartamaha Muqdisho oo si casri ah loo dhisay.

Ra’iisulwasaaraha XFS , Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray Xafiiska wasiirka koobaad iyo xukuumadda ay ku shaqayn doonaan, hoolka shirarka iyo kulamada, hoyga iyo deegaanka Ra’iisulwasaaraha, guriga martida, masjid iyo dhismayaal kale.

Galmudug oo saddex Ceel biyood ku wareejisay bulshada ku nool degaano hoos taga Cadaado

Cadaado- Wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha ee Galmudug iyo maamulka degmada Cadaado ayaa maanta saddex Ceel biyood oo ku shaqeeya habka Sollar-ka ku wareejiyay dadka ku dhaqan degaanno hoostaga degmada Cadaado.

Xasan Cabdi Cusmaan oo xubin ka ah hay’adda IRC ayaa sheegay inay dayactir ku sameeyeen ceelasha kala ah Harqaboobe, Farjanno iyo Carmooleey, iyagoo ka jawaabaya farriin kaga timi wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha kadib cabasho biyo yari oo ay bulshadu u gudbisay maamulka Galmudug.

Xoghayaha degmada Cadaado Durraan Goodir ayaa Wasaaradda Tamarta Galmudug iyo hay’adda IRC ugu mahad celiyay ceelasha ay dib dayactirka ku sameeyeen, wuxuuna dadka gacanta ku haya ka codsaday inay dhimaan qiimaha iminka lagu iibsado biyaha maaddaama laga baxay biyo yarida halkaasi ka taagnayd.

Ceelashan ku shaqeeya Sollar-ka oo ay dayac tir ku samaysay hay’adda IRC ayaa howlgab ahaa muddoonkii u dambeeyay kadib markii uu sare u kac xooggan ku yimid shidaalkii loo isticmaalayay matoorrada.

         

duqaymo ka dhacay gobolka Donetsk oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Shan qof oo rayid ah ayaa lagu dilay 39 kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeymo ay ciidamada Ukraine ka geysteen gobolka Donetsk. 

Wararka ayaa intaa ku daraya in dadka dhintay isugu jiraan caruur sida lagu faafiyey Telegramka,ciidamada Ukraine ayaa maalmihii u dambeeyey duqaymo ka geysanayey gobolka Donetsk iyo deegaamada ku hareeraysan.

Guddiga loo xilsaaray miisaaniyadda Qaranka oo yeeshay kulankoodii ugu horreeyay

Guddiga KMG ah ee loo xilsaaray diyaarinaya Sharciga Miisaaniyadda Qaranka 2022 ayaa maanta fadhigoodii koowaad yeeshay, iyagoo iska dhex doortay Guddoonka Guddiga,

Guddigan oo ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay guddoon ka kooban saddex xubnood oo kala ah.

  1. Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux Guddoomiye
  2. Senator Xassan Iidoow Maxamed (Kobac) Guddoomiye ku xigeen
  3. Xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur Xoghaye.

Madaxweyne Deni iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo ka wada hadlay abaaraha ka jira Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, Larry André Jr.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Abaaraha ee ka jira Puntland iyo sidii gargaar loogu fidin lahaa dadka ay waxyeelladu soo gaadhay.

Guddoomiyaha Aqalka sare oo maanta furay kulan aqoon is-weydaarsi ah

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Senator, Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeennada Golaha ayaa furay kulan Aqoon is-weydaarsi iyo daraasayn ah.

Kulanka aqoon kororsiga ah ee maanta loo qabtay Sanatarrada Aqalka Sare ayaa waxa uu ku saabsanaa Xeerhoosaadka Golaha Aqalka Sare.

Kulankan ayaa waxaa fuliyay hay’adda MaxPlanck Foundation (MPFPR).

Ciidanka xoogga dalka oo dilay horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha hoose waxay ku dileen , Xasan Suleymaan Cali  oo katirsanaa horjoogayaasha argagixisada Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ururka 4-aad, guutada 16-aad ee Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed DANAB ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay inuu howlgalkaasi ahaa mid qorsheysan haatanna ay ku raadjoogaan xubno kale.

Xasan suleymaan ayaa ahaa horjoogihii kooxda nabad-diidka  Argagixisada Al-Shabaab uqaabbilsanaa Sahanka iyo sirdoonka degmada Wanlaweyn iyo degaannada hoostaga.

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo gaaray Gelinsoor

Wafdi ballaaran oo ay ka mid yihiin Wasiir ku xigeenka wasaaradda Caddaaladda,Maxamuud Guure Guuleed, wasiiru dowlaha Caafimaadka, Axmed Mire Faafaale, Guddoomiyaha gobolka Galgaduud, Cilmi Cali Cabdi iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Galmudug ayaa maanta gaaray degmada Gelinsoor ee gobolka Galgaduud.

Guddoomiya Gelinsoor, Xersi Muuse iyo wax garadka degmada ayaa ka mahadceliyay socdaalka wafdigan, waxanay sheegeen inay u baahan yihiin dhammaan adeegyada kala duwan ee bulshada iyo kuwa dowliga ah sida degmooyinka kale ee Galmudug.

Wasiiru dowlaha Caafimaadka Galmudug, Axmed Mire Faafaale ayaa sheegay inay u taagan yihiin in shacabka loo adeego, wuxuuna xusay in Gelinsoor ay u baahan tahay in laga xoojiyo dowladaha hoose si shacabku ay u gaaraan adeegyada ay u baahan yihiin.

Guddoomiyaha gobolka Galgaduud, Cilmi Cali Cabdi ayaa ugu dambayn sheegay inuu safarkoodu ahaa wax u qabashada degmooyinka lagu soo kordhiyay Galmudug iyo sidii loogu dhammaystiri lahaa adeegyada kala duwan ee ay u baahan yihiin.

Wasiir Beyle oo la kulmay madax ka socota hay’adda Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS mudane, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa xafiiskiisa kula kulmay wakiilka Xafiiska Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya Dr; Mamunur Rahman iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xafiiska howlgalka WHO.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin maalgelinta horumarinta caafimaadka iyo taageerada joogtada ah ee lagu bixinayo daryeelka caafimaadka guud ee bulshada Soomaaliyeed.

Si la mid ah dadaalka Dowladda ee dib-u-habaynta dhaqaalaha, waxaa kale oo aan  ku dadaali doonnaa in aan maalgelin ku sameyno adeegyada lagu Horumarinayo caafimaadka dalkeenna.

 

Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay qaar ka mid ah danjireyaasha Soomaaliya u fadhiya dalalka caalamka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah danjireyaasha Soomaaliya u fadhiya dalalka caalamka, isagoo ku adkeeyey in ay sida ugu wanaagsan ugu adeegaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay matalaan.

Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha warbixin ka siiyey xaaladaha ay ku shaqeeyaan Safaaradaha Soomaaliya ee dibadda iyo Jaaliyadaheenna ku dhaqan daafaha caalamka, waxayna xoojiyeen hiigsiga Madaxweynaha ee ku aaddan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

Kulankan waxaa goob joog ka ahaa Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Balal Maxamed Cismaan iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane Maxamed Cali Nuur.