MADAXWEYNAHA JFS XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO LA KULMAY KU-XIGEENKA ARRIMAHA SIYAASADDA EE XOGHAYAHA ARRIMAHA DIBEDDA MARAYKANKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay wafdi ay hoggaamineyso Ku-xigeenka Arrimaha Siyaasadda ee Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Marwo Victoria Nuland oo uu weheliyo Danjiraha Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Mudane Larry André.

Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Arrimaha Siyaasadda ee Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ee ka dhaxeeya labada dal, sii amba-qaadidda taageerada dowladda Maraykanka ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan gurmadka abaaraha, dowlad dhiska, horumarinta adeegyada bulshada, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo la dagaallanka argagixisada.

Danjire Victoria Nuland oo ugu horreyn madaxweynaha ugu hambalyeeysay xilka loo doortay ayaa sheegtay in dowladda Maraykanka ay door weyn ka qaadan doonto gurmadka abaaraha dalka, iyada oo muujisay sida ay uga go’an tahay adkeynta taageerada saaxiibtinimo iyo xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uga mahadceliyey dowladda Maraykanka taageerada joogtada ah ee ay ku bixiyaan Soomaaliya ayaa xusay muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah, isaga oo tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoogga saareyso gurmadka abaaraha, maalgashiga, deyn cafiska iyo xoojinta xiriirka diblamaasayeed ee dalalka caalamka.

Ra’iisul wasaaraha XFS oo magacaabay Guddiga qaban qaabada Toddobaadka xorriyadda

Ra’iisul wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Gudidda qaban qaabada munaasabadaha toddobaadka xoriyadda.

Maalmaha toddobaadka xoriyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya ayaa u astaysan 26-ka June iyo 1 bisha Julay.

Xusaskan ayaa sanad walba la qabtaa iyadoo guud ahaan Dalka oo dhan laga sameeyo dabaal degyo waaweyn iyo munaasabado farxadeed oo shacabku ugu dabaal degayaan Toddobaadka Xoriyadda.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha oo la kulmay ku-xigeenka wasiirka arrimaha dibedda Maraykanka

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha Md C/raxmaan C/shakuur ayaa maanta kulan la yeeshay ku xigeenka wasiirka arrimaha dibedda Maraykanka Victoria Nuland oo booqasho ku timid Soomaaliya.
Kulanka oo looga hadlayey gurmadka abaaraha iyo badqabka cunto ee dadku abaarta samaaysay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka dawladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya ambassador Lary Andre , madaxa USAID, ku xigeenka ergeyaga gaarka ah ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka bani’aadannimida iyo madaxda hay’adaha WFP, UNICEF, FAO.
Kulanka ayaa ka isku waydaarsaday xog iyo tallooyin ku aaddan sidii degdeg wax looga qaban lahaa dadka abaaruhu saameeyeen, loona heli lahaa gurmad iyo taageero caalami ah.
Ugu danbeyn, Ergeyga ayaa uga mahadceliyey Dawlada Maraykanka taageerada joogtada ah ee la garab taaganyihiin shacabka Soomaaliyeed, Waxa uu sidoo kale Ergeygu ballan qaaday in dawladda Soomaaliya ay daddaal kasta ku bixinayso sidii loo gargaari lahaa dadka abaaruhu ku dhufteen iyo in la fududeynayo hawlaha gurmadka.
    

Wasiirka caafimaadka oo qaabishay Wafdi ka socday xafiiska heya’adda caafimaadka aduunka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Agaasimaha Guud iyo Qeybaha Wasaaradda ayaa qaabilay Wafdi ballaaran oo ka socday Xafiiska Hay’adda Caafimaadka Aduunka (WHO) ee Bariga iyo Bartamaha oo uu Hogaaminayay Madaxa Xafiiska Soomaaliya ee Hay’adda Caafimaadka Aduunka.

Ujeedada booqashada Wafdiga ayaa ku aadanayd sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan xoojinta Hanaanka Adeega Caafimaadka Asaasiga ah ee dalka iyo sida ugu habaoon ee looga faa’iidaysan karo horumarka tiknoolajiyada casriga ah ee la xiriirta Caafimaadka taasoo kor usii qaadi karta awooda adeegyada Caafimaaadka ee bulshada.
Wafdiga ayaa ka kooban 2 qeybood oo kala ah qeybta iskaashiga hawlaha Tallaalka Covid-19 (COVID-19 Vaccine Delivery Partnership) iyo Xarunta WHO ee hal-abuurka (Innovation Hub).
Khubarada wafdiga la socotay ayaa boooqday Shaybaarka dhexe ee qaranka, Isbitaalka DeMartini iyo Xarunta Caafimaadka ee Dagmada Wabari halkaasi oo ay ugu kuur galayeen qaabka adeegyada Caafimaadka ay usocdaan iyo Caqabadaha jira ee u baahan in lawada wajaho xiligaan.
Wafidiga ayaa kulamo shaqo oo gaar gaar ah laqaadanaya qeyba kamida Wasaaradda gaar ahaan qeybta Tallaalka Guud iyo Shaybaarka Qaranka, waxeyna diirada saari doonaan arimaha la xiriira sidii looga faa’iidaysan lahaa Isticmaalka hananaka tamarta waarta ee laga dhaliyo soolarka.

Ra’iisul wasaare Rooble oo qaabilay safiirka Dowladda Boqortooyada Sacuudiga Carabiya u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay safiirka Dowladda Boqortooyada Sacuudiga Carabiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Muwalad oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Dowladda Sacuudiga uga mahadceliyay garab istaaggeeda Soomaaliya ee dhinacyada kala duwan hadda iyo xilliyadii adkaa ee dalku soo maray, isagoo rajeeyay in xiriirka labada dal uu sii wanaagsanaado ka dib doorashadii madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo mudnaan gaar ah siinaya sara u qaadista xiriirka walaalnimo iyo iskaashi ee Soomaaliya la leedahay Sacuudi Carabiya.
Dhanka kale Safiir Axmed Bin Maxmed Almuwalad ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo guud ahaan dowladda Soomaaliya uga mahadceliyay sidii wanaagsaneyd ee dalka loogu soo dhaweeyay iyo wadad shaqeyntii wanaagsaneyd, isagoo sheegay in Boqortooyada Sacuudiga iyo hoggaankeedu diyaar u yihiin in ay Soomaaliya ka gacan siiyaan dhinac kasta, si gaar ah gurmadka dadka abaartu hayso, dhaqaalaha, amniga, la dagaallanka argagixisada iyo wax kasta oo lagama maarmaan u ah horumarka iyo xasilloonida Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa safiirka guddoonsiiyay billaddo sharaf uu ugu talo galay safiirkii hore ee Sacuudiga u qaabilsanaa Soomaaliya mudane Maxamed Khayaad, sidoo kale waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu billad sharaf guddoonsiiyay xarunta Boqor Salmaan ee gargaarka iyo arrimaha bani’aadminimada oo kaalin weyn ka qaadaneysa gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo la kulmay Wafdi ka socday Hey`adda Caafimaadka Adduunka (WHO)

Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Xumudda Soomaaliya Dr. Abdirahman Beileh ayaa maanta xaunta Wasaradda Maaliyadda ku qaabilay Wafdi balaaran oo ka socday Hey`adda Caafimaadka Adduunka (WHO)

Wasiirka iyo wafdiga ayaa ka wada hadleen arrimo badan oo qeyb ka ah sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen, oo carruur badi ay qeyb ka yihiin.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo tababar u furay qaar kamid wariyayaasha ka howlgalo Warbaahinta dowladda

Wasiirka wasaaradda warfaafinta XFS Cusmaan Abukar Dubbe ayaa manta tababar ku saabsan wax soo saarka warbaahinta Bulshada u furay qaar ka mid wariyayaasha ka howlgala warbaahinta dowlada iyo kuwa gaarka loo leeyahay,waxana soo agaasimay tababarka waaxada Shaqaalah& tababarada iyo warbaahinta cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Tababarka oo socon doona muddo shan maalmood ah ayaa lagu baranaya cashiro la xariiro habka loogu shaqeeyo Baraha bulshada waxaana ka faa’iideysanaya qaar ka mid ah shaqaalaha warbaahinta Qaranka iyo xubno ka socda warbaahinta gaarka loo leeyahay.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Senator Cusmaan Abokor Dubbe oo tababarkaan furay ayaa tilmaamay in warbaahinta bulshada ee Social Media-ha ay hadda yeelatay muhiimadda koowaad ee xog gaarsiinta dadweynaha, iyadoo qofka la gaarsiinayo wax kasta goorta ay dhacayaan.

Ciidamada xoogga Dalka oo howlgal ku dilay Xubna katirsan argagixisada Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheeysan ka sameeyay degaanka Qabdho oo hoostaga degmada matabaan ee gobolka hiiraan halkaas oo ay khasaare xoogan ku gaarsiiyeen argagixisada

Ciidanka xoogga ayaa argagixisada ka dilay ku dhawaad 10 maleeshiyaad ah iyagoo bur-buriyay bartii ay shacabka kaga qaadayeen lacagaha baada ah.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Odowaa Yuusuf Raage ayaa Warabaahinta dowladda  Sida u sheegay in ujeedka howlgalka uu yahay sidii looga hortagi lahaa dhagarta argagixisada islamarkaasna shacabka looga dul qaadi lahaa dhibaatada ay ku hayaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daahfuray qaadista Imtixaanaadka Shahaadiga ee Fasalka 8-aad

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa si rasmi ah u daahfuray qaadista Imtixaanaadka shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Dugsiyada gobolka Banaadir oo ay maanta u fadhiisteen in ka badan 27-kun oo Arday.

Gudoomiye Cumar Filish ayaa warqadaha imtixaanka mid mid ugu qeybiyay Ardaydii soo xaadirtay xarunta Jaamacada Ummada oo kamid ah goobaha lagu qaadayo imtixaanadka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee dugsiyada gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu dambeyn guul u wada rajeeyay dhamaan ardayda maanta Imtixaanaadka u fadhiistay.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga oo daah-furay shirka wada-hadalka dawladda iyo ganacsiga gaarka ah ee Soomaaliya

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, ayaa maanta furay shirka wada-hadalka dawladda iyo ganacsiga gaarka ah ee Soomaaliya oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaraddu kaas oo ay iska kaashanayeen hay’adda DAI sidoo kale uu taageeray Midowga Yurub, waxaana diiradda lagu saaray siyaadaha la xidhiidha Ganacsiga, Siyaasadda Ganacsiga yar-yar iyo kuwa dhaxe iyo weli ba siyaasadda horumarinta Warshadaha kuwaasi oo muhiim u ah dedaalada lagu doonayo inay Soomaaliya kaga qeyb-qaadato suuqyada ganacsi ee gobalka iyo kuwa Afrika.

Shirkan oo sidoo kale uu ka soo qeyb-galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kaluumaysiga, Guddoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda, Ururada Bulshada, Ganacsato iyo Marti-sharaf kale oo tiro badan.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay hadafka shirkani uu yahay sidii loo dar-dar-galin lahaa isfahamka ka dhaxeeya Dowladda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed si loo horumariyo Ganacsiga dalka.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheryraadka Badda XFS Mudane Maxamuud iyo Gudoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Cabdirixmaan Galaambi oo iyagu na halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay dhankooda ku faraxsan yihiin inay Wasaaraddu Ganacsigu hoggaamiso barnaamijka oo ay xuseen inuu ahmiyad weyn u lee yahay guud ahaan dhaqaalaha dalka.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Cabduqaadir Shariif Shiikhuna Maye oo ugu dambayn shirka furay ayaa xusay In barnaamijkan uu qeyb ka yahay dib u habeynta ganacsiga Soomaaliyeed oo ay wasaaradu waday mudooyinkii dambe, waxaana uu carabka ku dhuftay in ujeedkiisu yahay ganacsiga Soomaaliya la lee dahay qaaradda Afrika isla-mar-ahaantaana loogga qeyb-qaadan lahaa dedaalada socda ee is-dhex-galka dhaqaale iyo weli ba Aaga Ganacsiga Xorta ee Afrika.