Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Abaaraha oo kulan la qaatay dhallinyaro mutadawiciin ah

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa caawa kulan la qaatay dhallinyaro u dhaqdhaqaaqda gurmadka abaaraha iyo maaraynta masiibooyinka dabiiciga ah.

Ergayga ayaa dhallinyarada ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah oo la xariira wayaa aragnimadooda ku aaddan xaaladda abaaraha iyo masiibooyinka dabiiciga ah.

Ergaygu wuxuu dhallinyarada uga mahadceliyay howlaha ay dadka danta yar u hayaan oo gurmadka abaaruhu ugu horreeyaan, wuxuuna ku boorriyay in ay dadaalkooda sii wadaan.

Ugu danbeyn, ergaygu wuxuu dhallinyarada ka codsaday in ay xoojiyaan wacyi-galinta bulshada ee ku aaddan marxaladda abaaraha, si loogu wada baraarugo khatarta abaarta.

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Talyaaniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Talyaaniga Mudane Luigi Di Maio, iyaga oo ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada muhiimka ah ee dowladda Talyaanigu ay siiso Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa xusay saaxiibtinimada taariikhiga ah ee ka dhaxaysa labada shacab ee Soomaaliya iyo Talyaaniga, isaga oo uga mahadceliyey doorka ay ka qaadanayaan dowlad dhiska Soomaaliya iyo in codka ay ku dhex leeyihiin Midowga Yurub ay ku kabaan horumarinta Soomaaliya.
Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga ayaa Madaxweynaha ugu hambalyeey xilka loo doortay, waxa uuna soo bandhigay sida dowladda Talyaanigu ay ugu garab taagan tahay qorsheyaashiisa hormarineed ee ku qotoma Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.
Dowladda Talyaaniga ayaa kala shaqeynaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida, gurmadka abaaraha, deyn cafinta iyo in la xoojiyo maalgashiga caalamiga ah ee khayraadka dalkeenna.
    

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga oo daah-furay shirka wada-hadalka dawladda iyo ganacsiga gaarka ah ee Soomaaliya

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, ayaa maanta furay shirka wada-hadalka dawladda iyo ganacsiga gaarka ah ee Soomaaliya oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaraddu kaas oo ay iska kaashanayeen hay’adda DAI sidoo kale uu taageeray Midowga Yurub, waxaana diiradda lagu saaray siyaadaha la xidhiidha Ganacsiga, Siyaasadda Ganacsiga yar-yar iyo kuwa dhaxe iyo weli ba siyaasadda horumarinta Warshadaha kuwaasi oo muhiim u ah dedaalada lagu doonayo inay Soomaaliya kaga qeyb-qaadato suuqyada ganacsi ee gobalka iyo kuwa Afrika.

Shirkan oo sidoo kale uu ka soo qeyb-galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kaluumaysiga, Guddoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda, Ururada Bulshada, Ganacsato iyo Marti-sharaf kale oo tiro badan.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay hadafka shirkani uu yahay sidii loo dar-dar-galin lahaa isfahamka ka dhaxeeya Dowladda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed si loo horumariyo Ganacsiga dalka.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheryraadka Badda XFS Mudane Maxamuud iyo Gudoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Cabdirixmaan Galaambi oo iyagu na halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay dhankooda ku faraxsan yihiin inay Wasaaraddu Ganacsigu hoggaamiso barnaamijka oo ay xuseen inuu ahmiyad weyn u lee yahay guud ahaan dhaqaalaha dalka.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Cabduqaadir Shariif Shiikhuna Maye oo ugu dambayn shirka furay ayaa xusay In barnaamijkan uu qeyb ka yahay dib u habeynta ganacsiga Soomaaliyeed oo ay wasaaradu waday mudooyinkii dambe, waxaana uu carabka ku dhuftay in ujeedkiisu yahay ganacsiga Soomaaliya la lee dahay qaaradda Afrika isla-mar-ahaantaana loogga qeyb-qaadan lahaa dedaalada socda ee is-dhex-galka dhaqaale iyo weli ba Aaga Ganacsiga Xorta ee Afrika.
                       

Tababar Khariidadayn loogu sameyn lahaa dadka barakacayaasha oo Muqdisho lagu qabtay

Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Horumarinta Dhaqaalaha XFS oo kaashanaya, Wasaaradda Gargaarka,Maareynta iyo Masiibooyinka iyo Urur gobaleedka IGAD ayaa maantay si wada jira ah u daah-furay tababar ku saabsan, habka Khariidadayn loogu sameyn lahaa, Adeegyada Aas-aasiga ah ee dhaqan dhaqaale ay u baahan yihiin, dadka barakacayaasha ah iyo qaxootiga soo guryo-noqday ee ku sugan qaar ka mid ah Maamul Goboleedyada dalka iyo Gobalka Banaadir.

Tababarkan oo socon doono, muddo shan maalmood waxaa ka faa’iideysanaaya, ku dhowaad 30 shaqaale sare oo la barayo, habka khariidadaynta loogu sameyn lahaa, dhulka ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah iyo qaxootiga soo gurya noqday, adeegyada ay haystaan iyo kuwa aysan awooddin xiligan, dadka nugal ee ku nool xeryaha barakaca ah.

Agaasimaha Xalka Waara, Kormeerka iyo Qiimeynta ee Wasaarada Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Zahra Cabdi Maxamed oo furtay Tababarka ayaa ka warbixisay, muhiimada Nidaamaka macluumadka Khariidadayn (GIS).
“Ujeedadda xogtan Nidaamka macluumadka khariidaynta (GIS) waxey tahay xaqiiqooyinka ay ku sugan yahiin dadka barakaca ah iyo qaxootiga in aan ogaano adeegyada ay haystaan sida Biyaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Caddaalada, Tamarta iyo Waddooyinka.Iyada oo tallabaadan marka laga gun-gaaro, waxay fududeeyn doontaa in Maalgashiga iyo mashaariic wax gal ah la-helo, si wax looga qabto ama maalgelin loo raadiyo” ayey tiri Marwo Zahra Cabdi.
Istaraajiyadda Qaran ee Xalka Waara oo laf-dhabar u ah, wax ka qabashada mushaakilaadka barakaca iyo qaxootiga soo guryo-noqday ay ku cad yahiin mudnanta kala duwan ee xal-u-helida arrimahan kor ku xusan.
    

Kullankii labada Aqal ee BFS oo maanta qabsoomay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Aqalka sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi oo ay weheliyaan ku-xigeenadda labada Aqal ayaa maanta shir gudoomiyey Kulan guud oo Labada Gole ee baarlamaanka wada la haayeen, kulankaas oo Ajandihiisu ahaa qaybinta miisaaniyada sanadka 2022.

Gudoomiyaha golaha Shacabka ayaa sheegey in beri la shaacin doono guddi ku meel gaar ah oo Labada gole ka kooban kaas oo miisaaniyadda ka soo shaqeeya, Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa ku nuux nuuxsadey in beri uu jiri doono kulanka guud ee golaha Shacabka.
Dhanka kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo dhowaan madaxweynaha JFS u magacaabay Ergeyga gaarka ah ee arrimaha Abaaraha ayaa waxbixin ku aaddan xaalada Abaaraha dalka looga dhageystay gaar ahaan isaga oo sheegay gobolada ugu badan ay saameeysay Bay iyo Bokool iyo Gobolka Gedo waxaana uu xildhibaanada ka codsaday in mushaharaadkooda qeyb ugu deeqaan gurmadka Abaaraha, waxaana uu Guddoonka la wadaagay in lacagihii la qaaday Musharaxiintii Guddoonka labada aqal iyo tan madaxweynaha.
Dhanka kale Wasiirka maaliyada XFS mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo isna warbixin ku aaddan miisaaniyada sanadkan looga dhageystay ayaa waxaa uu sheegay in diyaarinta miisaaniyada sanadka 2022 ay saameysay dib u dhac ku yimid dhameystirka hannaanka doorashada Federaalka, taas oo qasabtay in la diyaariyo miisaaniyad ku-meelgaar ah taas loo yaqaano Miisaaniyada sedex biloolaha.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS mudane Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka soo xiray ayaa ugu dambeyn kulanka ka sheegay in waqtiga aad loo ilaaliyo si xildhibaanada waqti fican ugu helaan ka doodida Ajendeyaasha markaa taagan.
             

Ergayga gaarka ah ee madaxweynaa JFS ee arrimaha gurmadka abaaraha oo ka qeyb galay shirka golaha wadatashiga Qaranka

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka qayb galay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee uu hoggaaminayo Madaxweynaha JFS Md. Xasan Sheekh Maxamuud.

Ergeyga ayaa Golaha hordhigay warbixinta la xariirta baaxada iyo samaaynta abaaraha iyo sidii loogu gargaari lahaa dadka tabaalaysan.

Waxaa kale oo uu Ergeygu hordhigay Golaha sida gurmad degdeg ah loogu fidin karo dadka tabaalaysan iyo sida qaylo dhaan caalami ah dunida iyo shacabka Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa iyo sida hawlaha gurmadka loo fududayn lahaa, islamarkaana loo suulin lahaa caqabadaha hortaagan gargaarka.

Shir ku saabsan Amniga oo Garowe lagu qabtay

Guddoomiyaha gobolka Nugaal ayaa guddoomiyay shir looga hadlayay xaaladda amni ee gobolkaas, kaasi oo lagu qabtay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Shirkan oo diiradda lagu saaray adkeynta amniga caasimadda Puntland ee Garowe ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Booliska Puntland Sareeye Guuto Maxamed Cali Xaashi,Taliyaha ciidamada Madaxtooyad, G/Sare Cabdinasir Shaati,Wasiir Ku-xigeenka Arimaha Gudaha Puntland,Wasiir Ku Xigeenka Amniga,Sarakiisha Hay’adda Nabad Sugida,Duqa Degmadda Garowe Iyo Saraakiil Kale.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud oo ka hadlay madasha shirka ayaa qiray in amniga Garowe uu yahay mid hagaagsan,islamarkaana loo baaan yahay in laamaha amniga sii laba jibaaraan adkeynta xasilloonida,isagoona u mahadceliyay bulshada qayba-heeda kala duwan.

 

Shirka wadatashiga Qaranka oo maalintii labaad galay

Waxaa maalintii labaad kasocda magaalada Muqdisho shirka wadatashiga Qaranka oo uu shir-guddoominayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud.

Shirkan ayaa ku qotoma siyaasadda Madaxweynaha ee lagu gaarayo Soomaali heshiis ah, waxaana diiradda lagu saarayaa qorsheyaasha hortabinta u leh dowladda oo ay ugu horreyso xoojinta wada-shaqeynta heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed iyo dib u heshiisiinta.

Sidoo kale, shirkan ayaa diirada lagu saarayaa dhammeystirka dastuurka, xoojinta nidaamka federaalka, adkeynta amniga dalka, dhisidda garsoor sal adag leh, xal u helidda arrimaha abaaraha iyo diyaarinta hannaanka doorashooyinka dalka.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Deni, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Dadka Mareykanka oo doonaya in la adkeeyo sharciga hubka

Tobanaan kun oo mudaaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay guud ahaan dalka Mareykanka si ay ugu baaqaan dowladda in la adkeeyo sharciga hubka, kadib markii dad badan ay ku dhinteen laba weerar toogasho oo ka dhacay gudaha dalkaasi.

Dadkii ka qeyb galayay mudaaharaadyadaasi ,ayaa watey boorar ay ku qoran yihiin halku dhigyo ay ka mid ahaayeen “Waxaan rabnaa in aan xorriyadda la toogan”.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa taageeray mudaaharaadyada, isagoo ugu baaqay Congress-ka inay “meel mariyaan sharciga badbaadada hubka ee caqliga saliimka ah”.

Inkastoo ay socdaan bannaanbaxyada looga horjeedo hubka,haddana,si loo helo isbadal sharci,waxaa loo baahan yahay in kalsooni looga helo xisbiga Jamhuuriga.

Qaar ka mid ah dadkii ka badbaaday weeraradii toogasha, ayaa horkacaya bannaanbaxyadaasi,waxayna sheegeen in la qaban doono isusoo baxyo guud ahaan ka dhaca dalka, oo ay ku jiraan Washington DC, New York, Los Angeles iyo Chicago.

Weeraradii u dambeeyay ayaa ka dhacay dugsiga Parkland ee Florida , magaalada New York gaar ahaan Buffalo Iyo Dugsiga Hoose ee Robb ee Uvalde, Gobolka Texas,halkaas oo lagu dilay 19 caruur ah iyo laba qof oo kale.

 

Horjoogihii Al-Shabaab ee farsameynta Miinada oo gacanta lagu dhigay

Ciidanka sida gaarka u tababaran ee Kumaandooska Danab gaar ahaan Ururka 4-aad Guutada 16-aad, oo hawlgal qorshaysan ka sameeyey degaanka Baleey oo qiyaastii 6-km u jirta Caliyoow Barow ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxay gacanta kusoo dhigeen horjooge ka tirsan Alshabaab una qaabilsanaa farsameynta Miinooyinka ee deegaanadaas.

Hawlgalka oo ahaa mid qorshaysan isla markaasna lagu baacsanayo Argagixisada arxanka daran ee Al-Shabaab ayaa ciidanka waxaa u suurta-gashay in ay gacanta kusoo dhigaan ninkan horjoogaha u ahaa kooxda.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Macalin Yaxye ayaa Al-shabaab u qaabilsanaa farsamada Miinooyinka ee Ddeegaanada Caliyoow Baaroow ee gobolkaas.