Hanti dhawraha Guud ee Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali ayaa maanta kulan la yeeshay masuuliyiinta Hay’adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed (SICPA).

Hanti dhawraha Guud ee Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali ayaa maanta kulan la yeeshay masuuliyiinta Hay’adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed (SICPA).

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la yeeshay Wasiirrada Gargaarka ee Dowlad Gobolleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
Kulankan ayaa u jeedkiisu ahaa sidii looga wada-tashan lahaa wajihidda xaaladda abaaraha ee ka jirta dhammaan gobollada dalka iyo u gurmadka dadka sida daran abaaruhu u saameeyeen, kuwaas oo u baahan gargaar bini’aadanimo oo degdeg ah.
Ergeyga ayaa sidoo kale warbixino ku saabsan xaaladda abaareed ee ka jirta Dowlad Goboleedyada ay kala matalayeen ka dhageystay Wasiirrada, waxaana si weyn looga dooday fursadaha jira iyo caqabadaha ood-qaadka u baahan.
Ugu danbeyn, Wasiirrada Gargaarka ee Dowlad Goboleedyada, waxa ay ballan qaadeen in ay si wadajir ah u dardar geliyaan una fududeeyaan howlaha gurmadka Abaaraha iyo in ay si dhow ula shaqeyn doonaan Ergeyga.
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu guddoominayo madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayna ka qayb galayaan Ra’iisul wasaaraha dalka, madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada iyo guddoomiyaha Gobolka Benaadir ayaa goordhow ka furmay xarunta Madaxtooyada Qaranka.
Shirka ayaa diirada lagu saari doonaa xaaladda guud ee dalka iyo isla meel dhigidda howlaha hortebinta leh ee u yaalo golaha wadatashiga Qaran.
Wasiirka Gaashandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa xalay magaalada Muqdisho kula kulmay dhiggiisa dalka Ugansda H.E Hon Vincent B. Ssempijja, taliyaha Ciidanka Uganda (UPDF) Gen. Wilson Mbadi iyo iyo xubno kale oo la socday.
Labada wasiir ayaa ka wada hadlay adkeynta xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhaxeeysa labada dal.
Sidoo kale, kulanka waxaa goobjoog ahaa, taliyaha ciidanka xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga, taliyaha ciidanka cirka iyo saraakiil kale.
Taliska Booliska Maamulka Puntland si gaar ah kuwa Gobolka Bari ayaa faah-faahin ka bixiyey rag ajaaniib ah oo ah kuwa Dadka tahriibiya oo ciidamada Badda Puntland ay ku qabteen xeebaha Gobolka Bari.
Ciidamada Ammaanka Gobolka Bari ayaa soo qabtay raggaan ajaaniibta ah oo watay Saxiimad ay dadka ku tahriibin jireen,waxayna dhalasho ahaan ka soo jeedaan dalka Yeman.
Taliyaha Booliska Gobolka Bari Abdulkhadir Jaamaac Dirir ayaa warbaahinta uga warbixiyey Ajaanibtaan ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen, isla markaana ay sharciga hor geynayaan.
Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Guutada 5-aad qeybta 27-ayaa maalintii labaad howlgalo ka dhan ah maleeshiyada Al-shabaab ka wada wadada dheer ee xiriirisa magaalada Baladweyne, iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan.
Ujeedka howlgalkan ayaa wuxuu yahay sidii dhibaatada argagixisada looga dul qaadi lahaa shacabka isticmaala wadadaas oo dhibaato xooggan ku qaba.
Howlgalkaan oo ay si wadajir ah u hoggaaminayaan guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan iyo saraakiisha Ciidanka xoogga ayaa gaaray dhowr deegaano oo dhulka buuraleyda ah, halkaas oo ay Al-Shabaab gaadiidka dadweynaha lacago baad ah kaga qaadi jireen.
“ Waxaan ka codsaneynaa madaxweynaha JFS iyo Wasaaradda Gaashaandhiga in shacabka laga dulqaado nimanka dhiigyo cabka ah ee caadeystay in ay dhiigga shacabka baneystaan,” ayuu yiri guddoomiye Jeyte.
Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa wuxuu sheegay in ay doonayaan in shabaabka laga xorreeyo deegaanada ay joogaan iyo sidii dib soo celin lahaa xasiloonidii iyo kala dambeynta dadka.
Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa bilaabay in ay ka cararaan deegaanada ku dhow Baladweyne iyo Matabaan ka dib markii ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka oo is-abaabulay dagaal adag kala hortageen.
Madaxweynaha Dowladd goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo Muqdisho ku sugan ayaa xalay hoygiisa ku booqday guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS Mudane Cabdi xaashi Cabdullahi.
Madaxweynaha iyo guddoomiyaha oo qaatay kulan saacado badan qaatay ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka iyo in ay yeeshaan wada shaqeyn dhow.
Kulankaan waxaa goobjoog ka ahaa Sanataro katirsan Baarlamaanka JFS iyo masuuliyin kale oo katirsan Maamulka Jubbaland.
Taliska ciidanka Nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka ee gobolka Gedo ayaa magaalada Garbahaarey ku soo bandhigay Cabdicasiis Maxamuud Diiriye oo 12-kii sano ee lasoo dhaafay ka tirsanaa Argagixisada Al-Shabaab.
Cabdicasiis ayaa ka soo goostay kooxda Alshabaab, kadib markii uu u adkeysan waayey xaalada ay ku suganyihiin, wuxuuna isku soo dhiibay gacanta dowladda, gaar ahaan ciidanka qaranka ee ka howlgala gobolka Gedo.
Ninkaan oo ka mid ahaa dhalinyarada markii hore la marin-habaabiyey ayaa sheegay inuu ku baraarugay fikirka gurracan ee kooxdaas Nabadiidka ah ay ku qaldaan bulshada.


Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa qadka fogaan aragga ah kaga qeybgalay kulan ay soo qaban qaabisay safaaradda Jarmalka oo sidoo kale ay goob joogayaal ka ahaayeen deeq bixiyeyaasha caalamka ee fadhigoodu yahay Nairobi.
Safiir ku xigeenka Jarmalka Sascha oo hadalkiisa ku billaabay in uu bogaadinayo mas’uuliyadda hoggaanka cusub ee Soomaaliya ay iska saarayaan arrimaha bini’aadannimada iyo sida firfircoon ee Xafiiska ergeygu u dhaqaajiyay howlahaan ayaa caddeeyay in Jarmalku xil iska saarayo gacan siinta Soomaaliya isaga oo sheegay in ay sanadkaan ku bixiyeen Soomaaliya ilaa 45 Milyan oo Yuuro
Ergay Cabdiraxmaan oo Dowladda Jarmalka iyo hayadaha kaleba uga mahadceliyay sida ay ugu heellanyihiin mar walba gacan siinta dadkiisa ayaa dhinaca kale, uga warramay xaaladda daran ee abaaraha iyo sida looga baqsan karo in xaaladda hadda jirta ay isu badasho macluul