ERGEYGA GAARKA AH EE BANI’AADANNIMADA IYO GURMADKA ABAARAHA OO KULAN LA QAATAY MAAMULKA SAFAARADDA JARMALKA

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa qadka fogaan aragga ah kaga  qeybgalay kulan ay soo qaban qaabisay safaaradda Jarmalka oo sidoo kale ay goob joogayaal ka ahaayeen deeq bixiyeyaasha caalamka ee fadhigoodu yahay Nairobi.

Safiir ku xigeenka Jarmalka Sascha oo hadalkiisa ku billaabay in uu bogaadinayo mas’uuliyadda hoggaanka cusub ee Soomaaliya ay iska saarayaan arrimaha bini’aadannimada iyo sida firfircoon ee Xafiiska ergeygu u dhaqaajiyay howlahaan ayaa caddeeyay in Jarmalku xil iska saarayo gacan siinta Soomaaliya isaga oo sheegay in ay sanadkaan ku bixiyeen Soomaaliya ilaa 45 Milyan oo Yuuro

Ergay Cabdiraxmaan oo Dowladda Jarmalka iyo hayadaha kaleba uga mahadceliyay sida ay ugu heellanyihiin mar walba gacan siinta dadkiisa ayaa dhinaca kale,    uga warramay xaaladda daran ee abaaraha iyo sida looga baqsan karo in xaaladda hadda jirta ay isu badasho  macluul