Guddoomiyaha Gobolka Mudug oo maanta booqday Magaalada Wisil

Guddoomiyaha Gobolka mudug Axmed Xuseen shire (Bukhaari)  iyo xubno kale oo la socday ayaa ayaa maanta lagu soo dhoweeyay magaalada Wasil iyo Saldhigga Ciidamada Daraawiishta ee fadhigoodu yahay Koonfurta Gobolka mudug .

Booqashada Guddoomiyaha ,ayaa la xiriirtay  u kuurgalida Xaaladaha Amni iyo tan Bulsho ee magaaladaasi,waxaana ha;lkaasi ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha wisil Cali Xasan iyo Xoghayaha magaaladaasi Yoonis Abshir Daleel.

Axmed Xuseen shire (Bukhaari) Guddoomiyaha Gobolka mudug ayaa sheegay in socdaalkiisa uu ku saabsanaa la socodka xaaladda nololeed iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka jira.

Ruushka oo xukun dil ah ku riday 3 ajanabi oo lagu qabtay dagaalka ka socda Ukraine

Maxkamad ku taal bariga Ukraine oo ay maamulaan Ruushka ayaa dil dil toogasho ah ku xukuntay nin u dhashay dalka Marooko iyo laba British ah,kadib maarkii la qabtay iyagoo ka dagaalamaya gudaha Ukraine .

Brahim Saaudun oo Marookaan ah iyo Aiden Aslin iyo Shaun Pinner oo British ah ayaa lagu eedeeyay inay calooshood u shaqeystayaal ahaayeen, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Ruushka.

Maxkamadda, oo aan si caalami ah loo aqoonsan, ayaa ku taal Jamhuuriyadda Donetsk ee taageersan Ruushka.

Ingiriiska iyo Ukraine ayaa cambaareeyay xukunnada ku saabsan jebinta shuruucda caalamiga ah ee lagu ilaalinayo maxaabiista dagaalka.

Maamulka Galmudug oo Dhagax dhigay Mashruuca Beerta tijaabada Iyo Tababarka beeraleyda

Wasiirka wasaradda beeraha dhirta iyo daaqa ee Galmudug Axmed nuur cisman xaaji,xil dhibaan Cabdullahi cumar geseey, xildhibaan Cabdi Takiye,Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug Cisman Macalin, Gudoomiyaha Degmada Cadaado Cabdulahi cabdirahman ”Tootoole” Iyo Agaasimaha Mashruuca Biyoole ee Galmudug,ayaa ka qeybgalay xaflad lagu maamuusaayey dhagaxdhigga dhismaha beerta tijaabada Iyo tababarka beraleyda,taas oo laga hirgaliyay magaalada Cadaado.

Xafladdaan oo sidoo kale ay ka qeybgaleen qaar ka mid ah ururada bulshada,waxaa ka hadlay,Gudoomiyaha Dagmada Cadaado Cabdulahi cabdirahman ”Tootoole” kaas oo ugu horeeyn ka warbixiyay dhulka uu ku wareejiyay Wasaarrada Beeraha Galmudug.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay,Xildhimaan Cabdi Takiye oo katirsan Barlamaanka Galmudug ,isagoo dhankiisa soo dhaweeyay dhagax dhiga Beerta Tijaabada Iyo Tababarka beeraleyda Galmudug.

Ugu dambeyn Wasiirka wasarada beeraha dhirta iyo daaqa galmudug Axmed nuur cisman xaaji ayaa ka warbixiyay qorshaha loo dhisayo Beerta iyo muhiimadda ay u leedahay beeraleyda iyo guud ahaan gobolka.

Dhulka loogu talagalay beerta tijaabada oo  cabir ahaan gaaraya 2-km ayaa waxaa bixiyay maamulka Degmada Cadaado waxaana loogu talagalay In laga dhiso Beerta tijaabada Iyo Tababarka beraleyda Galmudug .

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo la qaatay Madaxdii ka qeyb gashay Caleema saarka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulammo guud iyo kuwa gaar gaar ahba la qaatay Madaxweyneyaasha dalalka Jabuuti iyo Kenya, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Mudane Uhuru Kenyatta, Ra’iisul Wasaareyaasha dalalka Itoobiya iyo Masar, Mudane Abiy Axmed iyo Mudane Mustafa Madbuuli.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo dowladaha ka soo qeyb galay Munaasabadda Caleemo-Saarka, waxa uuna u xaqiijiyey in dowladda Soomaaliya ay xoogga saari doonto iskaashiga dhaqaale iyo diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeya dalalka Caalamka, iyadoo lagu saleynaayo danta iyo ilaalinta dowladnimada Soomaaliya.

Madaxdan ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Caleemo-Saarka Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ku qabsoomtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka.

 

Madaxweynaha JFS oo Qodobbo muhiim ah uga hadlay Khudbaddii Caleema saarkiisa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, Mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey munaasabaddii caleema saarkiisa ayaa soo bandhigay qaar ka mid ah qodobada aas aasiga u ah dowladdiisa, sida xasillinta dalka, horumarinta nidaamka federalka, xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee u dhexeeya dowladda Federalka iyo dowlad goboleedyada iyo sare u qaadidda iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ah.
Madaxweynaha waxa uu tilmaamay sida ay ahmiyad weyn ugu leedahay dowladnimada Soomaaliya wada shaqeyn iyo wadatashi uu dastuurka sal u yahay oo dhexmara Dowladda Federalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.
“Xasillooni siyaasadeed oo lagu gaaro wadatashi, wada ogol iyo wadajir ka dhexeeya hoggaanka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Dowladda Federalka iyo Dowlad Goboleedyada, iyada oo markasta la tixgalinayo, dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaala .”
Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu hoosta ka xarriiqay in xiriirka ugu muhiimsan ee ay Soomaaliya aduunka la yeelan karto uu yahay mid ku qotoma ganacsi iyo iskaashi dhaqaale isaga oo tilmaamay in dadka Soomaaliyeed lagu yaqaan in ay yihiin kuwo dhinaca hal abuurka ganacsi ku wanaagsan.
“Dadka Soomaaliyeed waa kuwo lagu yaqaan in ay aad ugu fiican yihiin baayac-muushtarka, iyaga oo dalal badan oo Afrika, Bariga Dhexe iyo kuwa Galbeedkaba ku leh ganacsiyo waa weyn oo qeyb libaax leh ka qaata kobcinta dhaqaalaha dalalkaas.”
Dhinaca amniga, Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu sheegay in iskaashi lala yeesho dunida inteeda kale, gaar ahaan kuwa Geeska Afrika ay wax weyn ka tari doonto.
“Dalalka Geeska Africa, maanta waxaa haysta culeysyo amni oo ka imanaya kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, sidaas daraadeed, waxaa lagama maarmaan ah in aan isku garabsanno si aan cadawga uga badbaadinno shacabkeenna.”
Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu xusay in Geeska Afrika iyo gaar ahaan Soomaaliya ay abaar ba’an oo isu bedeli karta macaluul ay ka jirto, taas oo saameysay boqolaal milyan oo dad ah, maadama ay abaartu noqotay mid dalka sanad walba ku soo noq noqota, sababna ay u yohiin arrimo badan oo isu tagay, waxa uu ballan qaaday in dowladdiisu ay ahmiyad weyn siin doonto si wax looga qabto.
“Waxaa arrimahaas (Abaaraha) sabab u ah dhibaatooyin is biirsaday, sida, is bedelka cimilada, burburka kaabeyaasha dhaqaalaha iyo nuglaanta dowladnimo. Sidaas daraadeed, dowladeydu waxa ay dhisi doontaa xukuumad u xilsaaran arrimaha bay’ada.”
Madaxweynaha Jamhuuradda, Mudane Xassane Sheekh waxa uu sidoo kale bidhaanshay in dowlada ay ku shaqeyn doonto siyaasad arrimo dibadeed oo dhex dhexaad ah, ku saleysan in saaxiib lala noqdo dal walba oo ixtiraama madax bannaanida iyo wadajirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
“Waxaa mabd’a aas aasi ah noo noqon doona siyaasad arrimo dibedeed oo dhex dhexaad ah, isla markaana aan ku dhex milmin loolanka caalamka ka jira, waxa aan saaxiibo la ahaan doonnaa dal walba oo diyaar u ah in uu ixtiraamo madax bannaanida dalkeena iyo mid ahaanshaha gayyigeeda.”
  
      
 
        

Madaxweyne Xasan Sheekh oo loo Caleemo-saaray Madaxweynaha 10-aad ee JFS.

Waxaa goor dhow soo gaba gaboowday xafladii caleemasaarka madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya oo maanta oo khamiis ah ka dhacday teendhada afisiyooni ee magaalada Muqdisho.

Caleemasaarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka soo qeyb galay wafuud heer caalami ah iyo madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dalka ku soo dhaweeyay Madaxda iyo wufuudda caalamiga ah ee ka qeyb galey munaasabadda caleemosaarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugana mahadceliyay ka soo qaybgalkooda caleemosaarka madaxweynaha JFS.

Sidookale madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ka soo qeyb galay xafladda caleemasaarka madaxweynaha ayaa tilmaamay in uu ku faraxsanyahay dowladda cusub uuna dhanwalba si walaalnimo ah uga taageeri doono.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna tilmaamay in dowladdiisu ay wax badan ka qabandoonto arrimaha abaaraha dalka, kana shaqeyndoonto wanaajinta cidkasta oo jecel madaxbanaanida wadankeena.

Ra’iisulwasaare Rooble oo Muqdisho ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jabuuti

Ra’iisul Waaaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo soo gaaray Muqdisho.

Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdigiisa ayaa ka qayb galaya munaasabadda caleemosaarka madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud.

       

Uhuru Kenyatta oo lagu soo dhoweeyay Muqdisho

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo madaxweynaha dalka Kenya mudane, Uhuru Muigai Kenyatta ayaa haatan kazoo degey garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Madaxweyne Kenyatta iyo wafdigiisa ayaa ka qayb galaya munaasadda caleema saarka madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul wasaare Rooble oo Muqdisho ku soo dhoweeyay dhiggiisa dalka Masar

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Masar Mudane, Mustafa Madbuuli oo ka mid ah madaxda caalamka ee ka qeyb galeysa caleemosaarka Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud.

Ra’iisulwasaaraha dalka Masar ayaa qayb ka ah wufuud heer caalami ah oo goobjoog ka noqon doonta munaasabadda caleemasaarka Madaxweynaha JDS mudane, Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Shirweynaha 8-aad ee Madasha La-dagaalanka Musuqmaasuqa ee Afrika iyo Hey’adaha Isku-dhafka ah ee (FIGE) oo galay maalintii Saddexaad

Shirweynaha 8-aad ee Madasha La-dagaalanka Musuqmaasuqa ee Afrika iyo Hey’adaha Isku-dhafka ah ee (FIGE) ayaa galay maalintiisa saddexaad ee ugu dambeysay. Waxaa madasha hadal-jeedin ka sameeyay Komishaneer Khadar Axmed Diiriye.

Mudane Khadar, ayaa umahad celiyay dowladda Jabuuti oo martigelisay shirkaan sida heerka sare loo soo agaasimay, waxa uuna kasoo qeyb galayaasha la wadaagay siyaasadda Guddiga Madaxa Bannaan Ee La-dagaalanka Musuqmaasuqa ee ku aaddan la-dagaalanka iyo ciribtirka noocyada kala duwan ee musuqmaasuqa.

Shirkan oo labadii sanaba mar la qabto ayaa ujeedkiisu daaranyahay in la horumariyo is-weydaarsiga iyo wadaagga aqoonta iyo waayo-aragnimada ku aadan nidaamka macluumaadka ee hay’adaha baarista, hanti-dhowrka, kormeerka iyo ka hortagga musuqmaasuqa.

Soomaaliya ayaa shirkan ka heli doonta isbaheysiyo iyo xiriiro caalami ah oo ka taageeri doona la-dagaalanka musuqa iyo ku takrifalka hantida.