R/wasaare Rooble oo dalka ku soo dhoweeyey Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibadda Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibadda Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Mudane Shakhbout Bin Nahyaan oo soo gaaray Muqdisho si uu uga qeyb galo caleemosaarka Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, isagoo ka wakiil ah Madaxweynaha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayed Aala Nabyaan.

Dowladda Imaaraadka ayaa ka mid ah Dowladdaha Sida weyn uga soo jawaabay Baaqii gurmadka Abaaraha ee Ra’iisul wasaare dunida u diray.

   

Munaasabadda Xafladda Caleemo-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh oo goor dhow ka furmaysa Muqdisho

Munaasibadda caleemo saarka Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si Rasmi ah uga dhacaysa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Munaasibadan taariikhiga ah ayaa kulmin doonta Madaxweyneyaal iyo Ra’iisul wasaareyaal ay ka mid yihiin Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul Wasaaraha Masar, Wafuud ka socota dowladaha Turkey, Sacuudiga, Qatar, UAE, Malaysia iyo dalal kale.

Sidoo kale Munaasibada ayaa waxa ka qayb gelaya Ergo mataleysa Ururada heer Gobol, heer Qaaradeed, kuwa Caalamka iyo Marti sharaf kale, taasi oo ka turjumaysa aragtida siyaasadeed ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee “Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah”.

Diyaargarowgii ugu dambeeyay ee Caleemo saarka madaxweyne Xasan Sheekh oo ka socda Muqdisho

Waxaa Magaalada Muqdisho ka soconaya diyaar garowgii ugu dambeeyay ee munaasibadda caleemo saarka Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka dhacaysa xarunta madaxtooyada dalka.

Dhacdadaan taariikhiga ah ayaa kulmindoonta Madaxweyneyaal, hoggaamiyeyaal, mas’uuliyiin sare oo ka socda dowladaha caalamka, Ergo mataleysa Ururrada heer Gobol, heer Qaaradeed iyo kuwa Caalamka iyo Marti sharaf kale.

Ka qaybgalka baaxadda leh ee munaasabadda Caleema saarka Madaxweynha ayaa ka turjumaysa aragtida siyaasadeed ee Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ee ah “Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah”.

Ciidanka xoogga dalka oo burburiyay fariisimo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

Ciidanka Dana bee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa bur-buriyay fariisimo ay Argagixisada Al-Shabaab ka joogeen Gobolka Shabeellada hoose.

Guutada 16-aad ee Kumaandooska Xoogga Dalka Danab ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen degaannada Nuur Garre iyo Yimbis oo ka tirsan Shabeellad hoose, halkaas oo ay sidoo kale ku gubeen gaadiid ay lahaayeen nabad-diidka Al-Shabaab.

Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa degaannadaasi ku dhibaatayn jiray dadka shacabka ah ee halkaasi ku dhaqan iyo dadka socotada ah.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa labalaabay baacsiga kooxaha nabad-diidka ah ee ku dhuumaalaysanaya degaanno kooban oo ka tirsan Shabeellada hoose.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO MAGACAABAY LA-TALIYEYAAL CUSUB

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay  La-Taliyeyaasha arrimaha Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka.
1. Dr. Cabduraxmaan Cabdullaahi Baadiyow La-Taliyaha Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Dastuurka.

2. Mudane Axmed Cabbaas Axmed La-Taliyaha Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Federaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Alle uga baryey La-Taliyeyaasha cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, waxa uuna kula dardaarmay in ay si hufan oo daacadnimo leh ugu adeegaan dalka.
Mas’uuliyiinta la magacaabay ayaa ka soo shaqeeyay hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’ado kale oo muhiim ah, waxa ayna khibrad wanaagsan iyo aqoon u leeyihiin howlaha uu Madaxweynuhu u igmaday ee Arrimaha Dastuurka iyo Federaalka.

 

Ergeyga gaarka ah gurmadka abaaraha oo kulan la qaatay safiirka Sweden ee Soomaaliya

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Sweden ee Soomaaliya Ambassador Per Lindgarde.

Danjire Lindgarde, ayaa muujiyay sida dowladda Sweden ugu heellanyahay garab istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliya, gaar ahaan gacan-ka-geysiga gurmadka arrimaha bini’aadminimada ee xilligaan baahida daran loo qabo.

Safiirka ayaa sheegay in dhaqaalo ka badan 250 milyan oo sanadle ah ay Sweden ku bixiso taageerada kala duwan ee Soomaaliya isagoo tilmaamay, baahida loo qabo muuqashada dowrka hoggaamineed ee Dowladda Soomaaliyeed looga baahanyahay marka laga hadlaayo jiheynta, fududeynta iyo guud ahaan kala shaqeynta Midowga Yurub iyo hay’adaha kaleba, howlaha dib u dhiska iyo gargaarka.

Sweden oo ka mid shanta dowladood ee deeqda ugu badan siiya Soomaaliya, ayuu Ergaygu uga mahad celiyay tageeradaas baaxadda leh, isaga oo sidoo kale ka codsaday in xaaladda adag ee abaaraha ay kaga qeyb qaataan u qareemidda iyo u baaqa dowladda iyo shacabka Sweden iyo sidoo kale waddamada kale ee Midowga Yurub.

Danjire Per Lindgarde, oo ka warramayay xiriirka Soomaaliya iyo Sweden ayaa sheegay in Stockholm ay garab taagantahay Muqdisho isagoo sidoo kale sheegay in Soomaalida-Iswiidhan oo gaaraysa 100,000 ( boqol kun) ay ka qeyb qaadan doonaan gurmadka abaaraha.

    

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda ee XFS oo soo dhaweeyay wafdi ka socda Kenya

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaali Duraan Axmed Faarax ayaa maanta garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cabdulle ku soo dhaweeyay Wafdi ka socda Kenya.

Wafdiga ayaa waxaa Hoggaaminayay Xildhibaan Yuusuf Xasan oo laga soo doorto degmada Kaama kuunji, waxaana wafdigaan ay ka koobnaayeen Diblamaasiyiin iyo Ganacsato Soomaaliyeed, iyadoona Muqdisho ay u yimaadeen ka qaybgalka Xaflada Caleemo saarka Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Fedraalka ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo ku guulaystay doorashadii dalka ka dhacday 15 May 2022.

Ugu horrayn Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Duraan Axmed Faarax ayaa ku soo dhaweeyay wafdiga Muqdusho, waxaana uu Ganacsatada Soomaaliyeed ee wafdiga qaybta ka ahaa uu ugu baaqay in dalka ay maal gashadaan.

Xildhibaan Yusuf Xasan ayaa ka mahad celiyay sida diiran ee Muqdisho loogu soo dhaweeyay, waxaana uu sheegay in uu ku faraxsan yahay hana qaadka dawladnimada Soomaaliya.

           

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta XFS oo ka hadashay lacagaha Xajka

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Cumar Cali Rooble iyo shirkadaha duulimaadyada ee sanadkaan ka shaqeynaya arrimaha Xajka ayaa kulan ay maanta yeesheen waxaa ay faahfaahin ka bixiyeen lacagta Xajka lagu aadayo sanadkaan oo bulshada qeyb ka mid ah ay sheegeen inay qaali tahay.

Bahda wasaaradda oo wasiirku hoggaaminayo iyo shirkadaha ayaa isla qiray in lacagta sarakac ku yimid, iyaga oo xaaladahaas ku sababeeyay marxalada maanta ay aduunyado ku jirto ee ah qiima kororka shidaalka, COVID-19 19 iyo xujayda oo la dajinayo Hoteelo qaali ah.

Wasiirka ayaa dhanka kale canbaareeyay falkii Nabiga SCW loogu gafay oo uu ku kacay masuul ka tirsan Dowladda India.

Ra’iisul wasaare Rooble oo faray Taliska Booliska inay diyaariyaan Gaadiid lagu qaado Dadka aan awoodin inay lugeeyaan inta Jidadku xiran yihiin

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shacabka Muqdisho ka codsaday inay u dulqaataan xirnaanshaha jidadka caasimadda inta ay socoto munaasabadda caleemasaarka madaxweynaha maadaama ay dalka imaanayaan madax iyo wufuud heer sare ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Taliska Booliska in ay diyaariyaan gaadiid goobaha caafimaadka lagu geeyo dadka ay la soo darsaan xaaladaha caafimaad inta ay jidadku xiran yihiin.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo soo bandhigay Xubin ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab

Taliska Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ku soo Bandhigey Xubnin ka tirsanaa argagixisada Al-Shabaab oo lagu magacaabo Mustaf isxaaq Ali (Boorow ), kaas oo isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Mustaf Boorow ayaa Al-Shabaab u qaabilsanaa Jabhada, wuxuuna ku jirey Mudo 2-Sano ah isagoona dagaalo Dhowr oo ka dhacay Gobalada Baay iyo Galgaduud ka qeyb qaatey.

Wuxuuna Sheegey in Sababta ku kaliftey in uu Alshabab isaga soo baxay ay tahay Dhibaatooyinka Noolasha iyo mida ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Mustaf Boorow ayaa saaxibadiisa kale ku jira Nabad diika AL-shabaab ugu baaqay in ay isaga soo baxaan oo ay isku soodhiban ciidamada dowladda oo is wanaagsan u soodhaweeyay.