Wafuud ka qeyb-geli doonto Caleema saarka Madaxweynaha JFS oo Muqdisho soo gaaraya

Wufuud ka socota dalalka Afrika iyo dalalka kale ee dunida oo doonaya in ay ka qeybgalaan caleema saarka madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaraya magaaladda Muqdisho ee caasimadda dalka.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa ka jira saxmad xooggan oo ku aadan soo dhaweynta Wufuuda sida isdaba joogga ah u soo gaaraya Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweynayaya Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu hor kacayo wasiirka amniga XFS,

Wadiga maanta ka soo dagay  garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde  waxaa kamid ahaa Xildhibaan Yuusuf Xasan oo katirsan Baarlamaanka Kenya, Madaxweyne ku xigeenka Koonfurta Sudan Riek Machar iyo Xubno kale

 

  

Hogaamiyaha Hir-Shabeelle oo soo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta dib ugu soo laabatay dalka, kadib howlo shaqo oo uu dibada ugu maqnaa.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade kusoo dhaweeyay xubno kamid ah labada gole ee DFS, Qaar kamid ah Wasiirada iyo Xildhibaanada Hirshabeelle, Saraakiil iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa Magaalada Muqdisho uga qeybgalaya caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamada Ukraine oo laga yaabo in ay ka baxaan magaalada Severodonetsk

Guddoomiyaha gobolka Lugansk ayaa maanta oo Arbaca ah sheegay in ciidamada Ukraine laga yaabo inay isaga baxaan magaalada istiraatiijiga ah ee Severodonetsk ee dhacda bariga Ukraine.

Sergei Gaidai oo ah Guddoomiyaha gobolka Lugansk ayaa u sheegay Warbaahinta in laga yaabo inay lagama maarmaan noqoto in ciidamada Ukraine ay ka baxaan gabi ahaanba magaalada tasoo Ciidamada Ruushka qayb ahaan ay la wareegeen gacan ku haynteeda maalmo ka hor.

Shirweynaha 8-aad ee Madasha la-dagaalanka Musuqmaasuqa ee Afrika oo maalintii labaad galay

Waxaa maalintii labaad galay shirweynaha 8-aad ee Madasha La-dagaalanka Musuqmaasuqa ee Afrika iyo Hey’adaha Isku-dhafka ah ee (FIGE) kaas oo ka dhacaya caasimadda magaalada DJabuuti ee dalka Jabuuti.

Guddiga Madaxa Bannnaan Ee La-dagaalanka Musuqmaasuqa Soomaaliya oo sanadkaan xubin firfircoon ka ah madasha ayaa ka qeyb gali doonta kulamada iyo dood-cilmiyeedyada shirka, kuwaas oo diiradda lagu saarayo kor uqaadista dowlad-wanaagga iyo la-dagaalanka musuqa.

Lafta-gareen oo Maamul cusub u Magacaabay Gobollada Baay iyo Bakool

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Maamul cusub u magacaabay Goboladda Baay iyo Bakool ee Maamulka koonfur galbeed Soomaaliya

Guddoomiyaha gobolka Baay ayaa loo magacaabay Mudane Abdifitaax Mohamed Ibrahim.

Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa xilalkii ka qaaday Guddoomiyihii gobolka Bakool Shiine Macalin Nuurow iyo ku Xigeenkiisa dhanka Amniga iyo Siyaasada isaga oo magacaabay maamul Cusub.

Gudoomiyaha Gobolka Bakool ayaa loo Magacaabay Mudane Mohamed Abdi Mohamed Tall ,halka ku xigeenkiisa Amniga loo magacaabay Abdullahi Mohamed Nuur.

Dad ku waxyelloobay shil Tareen oo ka dhacay Iiraan

Telefeshinka ku hadla Afka Dowladda Iiraan ayaa sheegay in 10 qof ay dhinteen, ku dhawaad ​​50 kalena ay dhaawacyo soo gaareen kadib Shil Tareen oo aroornimadii hore ee saaka oo Arbaco ah ka dhacay bariga dalkaasi Iiraan.

Wararka ayaa intaas ku daray in khasaarahan uu ka dhashay Saddex tareen oo jidkoodi ka leexday inta u dhaxaysa magaalooyinka Mashhad iyo Yasdi ee bariga dalkaas Iiraan.

Ganacsato Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa Allaha u Naxariistee waxaa ay xalay Gudaha wadanka Koonfur Afrika ku dileen laba Dhalinyaro Soomaali ah, kuwaas oo kamid ahaa Dhalinyarada ka Shaqeysan jirtay dalkaas.

Labada dhalinyarada ah oo lagu kala Magacaabi jiray Yaasin Cumar iyo Yuusuf Jowhar ayaa Kooxaha Burcadda ah waxaa ay kudileen Agagaarka Goobo Ganacsi oo kuyaalla Xaafada Kalija ee magaalada Cape Town ee dalkaasi Koofur Afrika, iyaga oo dilka kadib Goobta ka baxsaday.

Qaramada Midoobay oo shaacisay tirada dadka ka barakacay Abaaraha kajira Soomaaliya

Qoraal uu soo saaray Adam Abdelmoula oo ah xiriiraya hawlaha bini’aadanimo ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa sheegay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay inay ka dillaacaan gaajo iyo macaluul baahsan oo gallaafata nolosha boqollaal kun oo qof. Isaga oo sheegay in xaalada abaarta ee Soomaaliya ay ka sii darayso marba marka ka dambeeya.

Adam Abdelmoula ayaa sheegay in sababaha ugu weyn ee abaarta uga sii daray ay ka mid tahay, iyada oo aanay Soomaaliya si fiican u helin roobabkii la filayey muddo afar xilli ah oo isku xigay, taasoo keentay inay Soomaaliya ka dhacdo abaartii ugu darnayd ee soo marta muddo 40 sano ah. Waxaa sidoo kale walaac badan laga muujinayaa qiimaha cuntada oo Iyana cirka isku shareeray, halka ay xadidan tahay kaalmada bini’aadanimo ee loo fidiyey dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Xiriiriyaha hawalaha bini’aadanimada ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in qiimaynta ay sameeyeen ay muujinayso in illaa 850,000 oo qof in ay guryahooda ka barakaceen, si ay noloshooda iyo xoolahooda ugu raadsadaan waxay cunaan ama cabbaan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in xogaha ay hayaan ay muujinayaan in illaa 8 deegaan oo Soomaaliya ka mid ah, inay abaaruhu si daran u saameeyeen kuwaas oo halis ugu jira inay ka dillaacdo macaluuli, goobahaas ayaa badankoodu waxay ku yaallaan Koonfurta dalka, gaar ahaan gobollada ay ka jiraan xasilooni darrada iyo colaadaha kale oo keenay inay adkaato in gargaarka la gaarsiiyo dadka tabaalaysan.

Adam Abdelmoula ayaa sheegay in xilliga uu warbaahinta la hadlayey in illaa 7.1 million oo qof oo Soomaali ahi inay abaaruhu saameeyeen, tiradaas oo ku dhow kala bar shacabka Soomaaliya. Halka 213,000 oo ka mid ah ay qarka u saaran yihiin xaalad gaajo iyo macaluuleed, taasoo muujinaysa in tiradaasi 60% ay kor u kacday tan iyo bishii April ee sannadkan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in haweenka, caruurta iyo dadka waayeelka ahi inay yihiin kuwa ay abaaruhu sida ugu daran u saameeyeen. Illaa 1.5 milion oo caruur ah oo da’doodu ka hoosayso 5 sano ayaa waajahaya xaalad nafaqo darro.

Warbixinta Qaramada Midoobay waxaa lagu sheegay in tan iyo bartamihii sannadkii 2021 in xoolo gaaraya illaa 3 million oo neef inay u dhinteen abaaraha daran ee ka jira Soomaaliya, waxaana taasi ay saamayn xooggan ku yeelanaysaa noloshii dadka reer baadiyaha ahaa, iyo weliba hoos u dhac ku yimaadda waxsoosaarkii hilibka iyo caanaha xoolaha.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in duruufaha ka dhashay abaaruhu inay keeneen xaalado caafimaad darro, iyaga oo sheegay in tan iyo bishii January ee sannadkan in la diiwaangeliyey in ka badan 4,880 xaaladood oo looga shakisan yahay inay yihiin shuban biyood ama daacuun. Sidoo kale waxaa la soo weriyey illaa 8,700 oo xaaladood oo looga shakisan yahay inay yihiin xanuunka jadeecada.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in hay’adaha gargaarku inay caawiyeen illaa 2.8 million oo qof, intii u dhexeysay January illaa April 2022. Qaramada Midoobay ayaa intaas ku dartay inay haatan durbaanka u garaacayaan sidii dunidu u fahmi lahayd xaaladda adag ee abaareed ee ka jirta Soomaalia, iyaga oo ugu baaqay beesha caalamku inay dedejiyaan taageerada ay u fidinayaan dadka abaaruhu saameeyeen.

 

Madaxweynaha Galmudug oo Munaasabad soodhaweyn ah loogu sameeyey Magaalada Cadaado

Madaxweynaha Dowladd goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi kaariye iyo wafdiga uu hogaaminayay oo kusugan degmada Cadaado ayaa ka qeyb galay Munaasabad soodhaweyn ah oo habeenkii xalay ka dhacday Magaalada Cadaado, taasoo lagu maamusayey Madaxweynaha iyo wafdigiisa.
Shacabka iyo maamulka degmada Cadaado ayaa munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay maamulka degmada Cadaado kusoo dhaweenayeen madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye oo maalmo kooban oo shaqo ah ku jooga degmada Cadaado ku maamusay madaxweynahooda.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay xubno kamid ah labada gole ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Gamudug, labada gole ee Dowladda Galmudug, maamulka degmada Cadaado, odayaasha dhaqanka, salaadiinta iyo shacabka degmada Cadaado.

Wafuud caalami ah oo ka qeyb galaysa Caleemo Saarka Madaxweynaha JFS oo soo gaartay Muqdisho

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay soo gaaray magaalada Muqdisho wufuud caalami ah, kuwaas oo doonaya inay ka qeyb galaan xafladda caleema saarka madaxweynaha Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud.

Wafdiga maanta yimid Muqdisho oo isugu jira xubo horudhac u ah madaxda sare e dalalkooda iyo wakiillo dowladeed.

Xubnahan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka difaaca ee dalka Uganda  Vicent Bamulangaki oo ay wehliyaan saddex ka mid ah saraakiisha daljaasi,Lataliyaha Xafiiska Madaxweynaha dalka Yemen, Yaasiin Cumar Axmed iyo Feysal Yaasiin oo ah Iskuduwaha Guud ee Xafiiska Madaxweynaha Yemen.

Dhinaca dalka Masar waxaa ka mid ah illaaliyaha Guud R/wasaaraha Masar Major Maxamed Xasani. Iyo Major Ahmed Ibrahim Anwar oo hour dhac u ah madaxda sare ee dalkaasi.

Waxaa sidoo kale soo gaaray muqdisho wakiillo ka tirsan dowladaha Kenya iyo Baxrayn Ururka Isutagga Islaamka oo uu ka socdo Ibrahim Taha oo ah ergay ka tirsan OIC.

Soo dhoweynta Wafuudda caalamiga ah ee ka qeyb galaya Xafladda Caleemo Saarka Madaxweynaha JFS oo ka socota Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa horkacaya Wasiirka Amniga XFS Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur, Danjire Maxamed Cali Nuur Xaaji oo ah Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya, saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyo Mas’uuliyiin ka socota Protocol-ka Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Xafladda caleema saarka madaxweynaha JFS mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inay ka qabsoonto Muqdisho 9-ka Bishan Juun oo ku beegan maalinta Khamiista ah.