Wafuud caalami ah oo ka qeyb galaysa Caleemo Saarka Madaxweynaha JFS oo soo gaartay Muqdisho

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay soo gaaray magaalada Muqdisho wufuud caalami ah, kuwaas oo doonaya inay ka qeyb galaan xafladda caleema saarka madaxweynaha Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud.

Wafdiga maanta yimid Muqdisho oo isugu jira xubo horudhac u ah madaxda sare e dalalkooda iyo wakiillo dowladeed.

Xubnahan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka difaaca ee dalka Uganda  Vicent Bamulangaki oo ay wehliyaan saddex ka mid ah saraakiisha daljaasi,Lataliyaha Xafiiska Madaxweynaha dalka Yemen, Yaasiin Cumar Axmed iyo Feysal Yaasiin oo ah Iskuduwaha Guud ee Xafiiska Madaxweynaha Yemen.

Dhinaca dalka Masar waxaa ka mid ah illaaliyaha Guud R/wasaaraha Masar Major Maxamed Xasani. Iyo Major Ahmed Ibrahim Anwar oo hour dhac u ah madaxda sare ee dalkaasi.

Waxaa sidoo kale soo gaaray muqdisho wakiillo ka tirsan dowladaha Kenya iyo Baxrayn Ururka Isutagga Islaamka oo uu ka socdo Ibrahim Taha oo ah ergay ka tirsan OIC.

Soo dhoweynta Wafuudda caalamiga ah ee ka qeyb galaya Xafladda Caleemo Saarka Madaxweynaha JFS oo ka socota Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa horkacaya Wasiirka Amniga XFS Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur, Danjire Maxamed Cali Nuur Xaaji oo ah Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya, saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyo Mas’uuliyiin ka socota Protocol-ka Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Xafladda caleema saarka madaxweynaha JFS mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inay ka qabsoonto Muqdisho 9-ka Bishan Juun oo ku beegan maalinta Khamiista ah.

ERGEYGA GAARKA AH EE ARRIMAHA BANI’AADANNIMADA IYO GURMADKA ABAARAHA, OO KULAN LA QAATAY, AMBASSADOR TIINA INTELMANN IYO WAAXYO GARGAAR OO WEHLIYAY.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaliya Tiina Intelmann.

Marwo Tiina, oo ay shirka ku wehliyeen waaxaha gargaarka bini’aadminada iyo horumarinta ayaa ka warbixisay howlaha kala duwan ee midowga Yurub ka gacansiiyo dowladda Soomaaliya.

Danjire Tiina Intelmann, oo ku dheeraatay sida midowga Yurub ugu heellanyahay garabsiinta Soomaaliya ayaa sheegtay in dhaqaalo ka badan 250 milyan oo sanadle ah ku bixiyaan taageerada kala duwan ee Soomaaliya iyadoo sidoo kalana tilmantay baahida loo qabo muuqashada dowrka hoggaamineed ee Dowladda Soomaaliyeed looga baahanyahay marka laga hadlaayo jiheynta, fududeynta iyo guud ahaan kala shaqeynta midowga yurub iyo heyadaha kaleba howlaha dib u dhiska iyo gargaarka.

Ergeyga oo horreyn uga mahad celiyay Midowga sida ay mar walba u garab taaganyihiin Soomaaliya ayaa gaar ahaan xusay qayb ka qaadashada abaabulkii shirkii Geneva, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay dhammeystirka bixinta ballanqaadkaa.

Waxa uu sidoo kale ka warramay sida hoggaanka cusub ee Soomaaliya ay mudnaan ugu leedahay howsha arrimaha bini’aadminimada ayaa tibaaxay in xafiiskiisu dedaal ku bixin doono isu duwista iyo fududeynta howlaha gargaarka.

Gebogabadii waxa ergayga iyo danjirahu ku ballameen in xiriir dheeri ah laga yeesho dardargelinta deeqraadin hor leh iyo sidoo kale xoojinta howlaha gudaha ee la xiriira abaaraha iyo ka hortagga macluusha.

Kulan looga hadlayay amniga caasimadda ee maalinta caleema saarka madaxweynaha oo lagu qabtay Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaar-garowga sugida Caasimada Maalinta Caleema Saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Wasaarada Amniga DFS, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska iyo Nabadsugida, dhamaan Saraakiisha Saldhigyada iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa la iskula dar-daarmay in ahmiyad guud la siiyo maalinta 9-ka june 2022 oo ku beegan Khamiis, maalintaasi oo ay dhici doonto Caleema Saarka Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale Bulshada Caasimadda ayaa laga codsaday in ay dulqaad iyo adkeesi  muujiyaan labada maalin ee foodda nagu soo heyso, taasi oo Caasimadda ay ka dhici doonto xaflad aad muhiim ugu ah Dowladnimada, isla markaana ay kasoo qeybgeli doonaan wufuud heer caalami oo Madaxweyneyaal leh. Isla markaana ay dhici karto culeesyo dhanka Amni in laga dareemo Caasimadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray Wasaaradda Gaashaandhigga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saakay kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Ujeedka kormeerka ayaa ah u kuurgelidda hannaanka shaqo ee Wasaaradda iyo Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa kulamo la leh haatan, taliyeyaasha iyo saraakiisha hoggaannada Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Maxkamadda derejada koobaad ee koofur Galbeed oo dil ku fulisay nin gacan ku dhiigle ahaa

Gacan ku dhiigle Maxamed Xasan Maxamed “Goomey”oo horay u dilay marxuumad Aamina Maxamuud Malaaq ayaa saakay lagu toogtay magaalada Baydhabo.

Marxuumad Aamina ayaa lacag ku lahayd Gacan ku dhiiglaha maanta la qisaasay, isagoo ku ballamiyay gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Buulo Jameeco ee magaalada Baydhabo,sida u usheegay Booliska maamulka koofur-galbeed.

Marxuumad Aamina Maxamuud Malaaq ayaa Axaddii todobaadkan meydkeeda laga helay Boostaneer ku yaalla guriga gacan ku dhiigle Maxamed Goomeey,iyadoo baaris ka dib ku caddaaday dilka AUN Aamina Maxamuud.

Muwaaddin Soomaaliyed oo lagu dilay Koofur Afrika

Magaalada Cape Town ee dalka koofur Afrika ayaa xalay lagu dilay Allaha u naxariistee Marxuum Cali Maxamed Xasan oo ku magac dheeraa (Balaakii), ka dib markii ay soo weerartay koox burcad ah.

Burcadda ayaa marxuumkaan si bareer ah u toogatay, isagoo ku dhex jiray Gaarigiisa uu Rootiga ku wareejin jiray, iyagoo intaa ka dibna goobta isaga baxsaday, mana jirin wax dhac ah oo ay u gaysteen.

Maalmo ka hor ayeey aheed markii Kooxo Hubeesan oo burcad Konfur africaan ah ay Isla Magaalada Cape Town Xafad katirsan ay ku dileen Labo Muwaadin oo Soomaliyed.

Galmudug oo hay’adaha samafalka ka cosatay inay wax u qabtaan barakacayaasha degmada Gelinsoor

Axmed Maxamed Shire (Qoodaar) guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Mudug ayaa hay’adaha samafalka iyo maamulka Galmudug ka codsaday in ay gargaar bini’aadannimo u fidiyaad dadka barakacaaysha ah ee ku nool duleedka Gelinsoor.

Guddoomiye Qoodaar oo hoggaaminayay wafdi ka socday dowlad goboleedka Galmudug iyo xubno ka tirsan hay’adda IRC ayaa kormeer ku sameeyay ceelasha biyaha, Isbitaalka iyo xerada barakacayaasha Gelinsoor, iyagoo ka waraysatay baahiyaha  xagga nolosha.

Xubno ka mid ah barakacayaasha Gelinsoor ayaa wafdiga u sheegay inaysan hay’adaha samafalku waxba u qaban marka laga reebo IRC oo muddo ka hor u samaysay biyo gelin, una qodday Suuliyaal.

Axmed Maxamed Shire (Qoodaar) guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Mudug ayaa ugu dambayn maamulka Galgaduud iyo hay’adaha samafalkuba ugu baaqay inay kormeer ku yimmaadaan Gelinsoor kana jawaabaan baahiyaha ay qabaan.

ERGEYGA GAARKA AH EE ARRIMAHA BANI’AADANNIMADA IYO GURMADKA ABAARAHA OO KULAN LA QAATAY DANJIRAHA SHIINAHA EE SOOMAALIYA

Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la yeeshay Safiirka dowladda Shiinaha ee Soomaliya, Ambassador FEI Shengchao.

Ergeyga iyo Safiirka, ayaa ka wada hadlay, sida dowladda China qeyb kaga qaadan lahayd gurmadka ay sida degdegga ah ugu baahan yihiin malaayiinta Soomaaliyeed ee abaaraha daran aafeeyeen iyo ka wada-shaqeynta sidii looga hor tagi lahaa in xaaladdu isku baddeshu macluul.

Danjire FEI Shengchao, ayaa Ergeyga u ballan qaaday wada shaqeyn buuxda iyo in dowladdiisu u istaagi doonto, dardar galinta wax ka qabashada abaaraha, si loo samatabixiyo, dadka gargaarka u baahan ee abaaruhu waxyeelleeyeen.

Ugu danbeyn, Ergayga ayaa ka mahad celiyay xiriirka qaddiimiga ah ee ka dheexa labada waddan, kaasoo ah midka ugu waqtiga dheer ee dal ku yaalla Afrikada Bari la leeyahay Shiinaha.

ERGEYGA GAARKA AH EE ARRIMAHA BANI’AADANNIMADA IYO GURMADKA ABAARAHA OO KULAN LA QAATAY MADAXDA UGU SARAYSA HEY’ADAHA QARAMADA MIDOOBAY EE SOOMAALIYA KA HAWL-GALA.

ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan fogaan arag ah la yeeshay madaxda ugu saraysa ha’yadaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ka hawl-gala oo ay ka mid yihiin; WFP, UNICEF, UNHCR, IOM, OCHA iyo kuwa kale.

Waxay labada dhinac ka wada hadleen sidii degdeg loogu gurman lahaa dadka abaaruhu waxyeelleeyeen, isla-markaana loogu diyaar diyaar garoobi lahaa xaaladda bani’aadannimo ee dalka ku soo wajahan.

Ergaygu wuxuu kaloo kulan la yeeshay Madaxa Baanka Adduunka ee Soomaaliya oo ay ka wada hadleen sidii uu Bankiga u gacan sii lahaa xalka waara ee dadka abaaruhu waxyeelleeyeen, loona dardar gelin laahaa taageerada Bangiga ee mashruucyada degdega ah.

Madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Baanka adduunka ayaa ballan qaaday in ay dadaalkooda laban-laabayaan, degdegna ugu istaagayaan wax ka qabashada abaaraha. Ergeyga waxaa masuuliyadihiisa ka mid ah, dardar gelinta iyo raadinta taageero loo fidiyo dadka abaaruhu waxyeeleeyeen.

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan la yeeshay danjiraha dalka isu-tagga Imaaraadka carabta u jooga Soomaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maanta kulan la yeeshay danjiraha dalka isu-tagga Imaaraadka carabta Amb. Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi, kulankoodi waxaa uu ku sabsanaa adkeynta iyo soo celinta xiriirka walaltinimo ee labada dal.

Safiirka dowladda Imaaraadka ayaa xusay dowladoodi in ay diyaar u tahay Golaha shacabka JFS ay kala shaqeyn doonaan tayeynta iyo horumarinta shaqaalaha.

Guddoomiyaha Golaha shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Madoobe oo bogaadiyey taageerada dowladda Imaaraadka carabta u heyso shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in la xoojin doono xiriirka Baarlamaanka JFS iyo kan Imaaraadka carabta.