Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Magacaabay Gole Wasiiro Cusub

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa waxaa uu Magacaabay Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada oo banaanaa, kuwaas oo xubnihii awal hayay ay kamid noqdeen xildhibaannada Golaha Shacabka .

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu Magacaabay Wasiirada kala ah.

1: Dr Cali AlCabdi Macalin oo loo magacaabey Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Koonfur Galbeed.

2: Cabdullaahi Xaaji Xasan oo loo Magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed.

3: Maxamed Isaaq Cabdi oo loo Magacaabay Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed.

4: Xasan Cabdinuur Aadan oo loo Magacaabay Wasiirka Gaadiidka cir & Dhulka Koonfur Galbeed.

5: Sandheere Maxamed Iftin oo loo Magacaabay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiiradan cusub ee la magacabay ayaa badalayo wasiiradii hore kuwaa oo xilkooda kuwaayay kamid noqoshada Baarlamaanka Soomaaliya.

Dalalka Islaamka oo dhaleeceeyay hadallo ka soo yeeray Hindiya oo ka dhan ah Islaamka

Waxaa sii sii kordhaya dhaleeceyn loo jeedinaayo maamulka Hindiya, ka dib markii saraakiil ka tirsan xisbiga talada haya ay jeediyeen hadallo Islaam nacayb ah xilli ay socotay dood laga baahiyay telefishinka dalkaasi.

Ugu yaraan shan waddan oo Carab ah ayaa dhigay mudaaharaadyo rasmi ah oo ka dhan ah Hindiya,iyagoo ka jawaabaya hadallo ka soo yeeray laba xubnood oo ka tirsan xisbiga Bharatiya Janata,kuwaas oo aflagaado u geystay nabi Muxamed (NNKH) iyo xaaskiisa Caaisha.

Pakistaan,Afganistaan iyo kuwo kale ayaa ka mid ah dowladaha dhaleeceeyay Hindiya,waxaana baraha bulshada ku sii baahaya carada,iyadoo ay soo baxayaan  baaqyo ku aadan in la qaadaco badeecooyinka ka yimaada dalka Hindiya.

Dhaleecayntaan oo sidoo kale ka timid muslimiinta Hindiya ayaa ah mid aad u daran, taasoo tusinaysa in cayda Nebi Muxamed ay tahay khalad weyn oo la galay.

Maxkamada Ciidamada qalabka sida Qeybta 27aad oo xukun ku riday askar katirsan Ciidamada Dowladda

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qeybta 27aad ayaa Maanta xukuno kala duwan ku riday Afar Askari oo katirsan Ciidamada xoogga iyo Nabadsugida Soomaaliya, kuwaas oo lagu helay dil iyo inay dhac ka geysteen degmada Doolow ee Gobolka gedo.

Bukhaari Axmed Maxamuud  oo kartirsan Nisa iyo Dable Xooga Salmaan ibraahim Shire ayay Maxkamadu ku xukuntay dil toogasho ah halka Axmed Xuseen Cilmi lagu xakumay seddex sano oo Xarig ah & Sharmaake Muxumed Cali oo lagu xukumey hal sano oo xabsi ah

Guddoomiyaha Maxkamada qeybta 27-Aad  ee ciidamada qalabka sida Gashaanle  Maxamed Amiin Cabdule Aadan ayaa ku dhawaaqay xukunka,isagoona sheegay in maxakamada markey dhageysatay kadib edeynta iyo cadeymaha la horkeynay MaxKamadu ay ku riday xukunada isugu jira dilka xabsiga ah,islmarkana ay heystaan Muddo30-Cisho ah inay racfaan ka qaataan xukunka.

Taliska Ciidanka xoogga oo soo bandhigay Xubin katirsan argagixisada Al-Shabaab

Taliska Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Maanta Magaalada Baydhabo kusoo Bandhigey Mid ka Mid Ah Kooxda Nabadiidka Alshabab oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Baraka Xasan oo Magaciisa Afgarashadiisu ay tahay(Lagooye) ayaa isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,

Cabdiraxmaan ayaa Kooxda Nabadiidka Alshabab u qaabilsanaa Jabhada,Wuxuuna ku jirey Mudo 3-Sano ah isagoona Dagaalo Dhowr ka dhacay Deeganadaa Gobolka Baay uu ka qeyb qaatey,Wuxuuna Sheegey in Sababta ku kaliftey in uu Alshabab isaga soo baxay ay tahay Dhibaatooyinka Noolasha iyo mida ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Cabdiraxmaan ayaa Saaxibadiisa kale ku jira Nabadiidka Alshabab ugu baaqey in ay isaga soo baxaan Kooxda Nabadiidka Alshabab ay isku soodhiibaan Ciidanka Dowladda.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo la kulmay Madax ka Socotay Safaarada dowladda Libya

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta la kulmay safiirka wadanka  Libya ee Somaaliya Yusuf Katim Al Kaylaani iyo Cali Madkuur Maxamed ahna uqaabilsanaha dhinaca Maaliyadda Safaarada Libya, waxa ayna kawada hadleeyn arrimha dhaqaalaha iyo Deyn Cafinta Soomaaliya madama Libya ay kamid tahay wadamada Carabta ee deynta kuleh Soomaaliya.

“Waxaan maanta la kulmey safiirka wadanka Libya Yusuf Katim Al Kaylaani iyo Cali Madkuur Maxamed ahna uqaabilsanaha dhinaca Maaliyadda Safaarada Libya, waxaan ka wada hadalney arrimaha dhaqaalaha iyo Deyn cafinta oo Libya ka mid tahay wadamada Carabta ee nagu leh deynta”Ayuu yiri Wasiir Beileh.

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgal ku qabtay Xubno katrisan Al-shabaab

Ururka 4aad Guutada16 Ee Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa howlgal Qorsheysan oo ka dhan ahaa argagixisada Al-Shabaab ka sameeyay deegaannada Tooratoorow & Caliyoow Baaroow oo dhamantood kawada tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Saraakiisha Ciidanka DANAB ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa burburin barkontarool oo ay ku lahaayeen degaannadaas Argagixisada Al-Shabaab, isla markaana dadka ay lacago uga qaadi jireen.

Ciidamada ayaa inta uu howlgalka socda gacanta ku soo dhigay lix xubnood oo katirsan Maleeshiyada Al-shabaab kuna sugnaa degaannada Tooratooro& Caliyoow Baarow islamarka ay ciidamadula waregeen Barta-koontarool oo ay lacagta baada ku qaadi jiren.

Ugu dambeyn Saraakiisha Ciidamada DANAB waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Maleeshiyada Al-Shabaab si degaannada Gobolka Shabeellaha Hoose ay kaga sugan yihiin ay uga saaraan.

Labo sharci oo lagu ansixiyey shir ay isugu yimaadeen golaha wasiirrada Galmudug

Madaxweynaha Dowladd goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa shir gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Galmudug, iyadoona Wasaaradda Arimaha Guduaha, Federaalka iyo Dib uheshiisiinta Galmudug ayaa soo jeedisay laba hindise sharciyeed si golaha ay uga doodaan, una ansixiyaan.

Golaha Wasiirada oo ka dooday hindise sharciyeedyada lasoo jeediyay ayaa cod gacan taag aqlabiyad ah ku ansixiyay labo hindise sharciyeed ee hoos ku xusan, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadan doona hannaanka doorashooyinka Galmudug.

Labada hindise sharciyeed ee ay Golaha Wasiirada ansixiyeen ayaa kala ah:-

1 – Sharciga Guddiga Doorashooyinka ee dowladda Galmudug.

2 – Shirciga ururada iyo xisbiyada siyaasadeed ee Dowladda Galmudug.

Sharciyadaan ayaa si rasmi ah wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta u gudbin doontaa Golaha Baarlamaanka Galmudug si loo sharciyeeyo kadibna uu u saxiixo madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo kormeeray dhismaha xarunta weyn ee golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maanta kormeer indha indheyn ah ku tagay xarunta weyn ee Baarlamaanka JFS, taas oo guddoomiyuhu sheegay in dib u dhis lagu sameyn doono.

Guddoomiyaha ayaa guud ahaan kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay dhismaha weyn ee xarunta golaha Shacabka waxaana uu horay u ballan qaaday in dib u dhis balaadhan uu ku sameyn doono mustaqbalka dhow.

Sidoo kale, Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoosta ka xariiqay in dhismaha lagu soo kordhin doono qayb Machad aqoon kororsi ah.

Wafdi ka socda Itoobiya oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Mogamed Rafie Abaraya ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho oo ay ku soo dhoweeyeen Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Cismaan, Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur, Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya C/fataax C/llaahi Xasan iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka qaranka.

Wafdigan soo gaaray Muqdisho ayaa hordhac u ah wafuud kala duwan oo lagu wado in ay soo gaarayaan dalka, kuwaas oo ka qeyb galaya xafladda caleema saarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo dhaceysa 9-ka bishan.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan magacaabay guddiga qaban qaabada caleema saarka Madaxweynaha, kuwaasoo ka shaqeynaya sidii xafladda caleemo-saarka madaxweynaha ugu qabsoomi laheyd si habsami leh oo heerkeedu sarreeyo.
Xafladda ayaa la filayaa inay kasoo qeyb galaan wufuud heer caalami ah oo isugu jira Madaxweynayaal, Ra’iisul wasaarayaal, Wasiiro Arrimo dibedeed, danjireyaal iyo mas’uuliyiin ka kala imaaneysa dowladaha caalamka.

Wafdi ka socda Itoobiya oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Mogamed Rafie Abaraya ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho oo ay ku soo dhoweeyeen Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Cismaan, Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur, Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya C/fataax C/llaahi Xasan iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka qaranka.

Wafdigan soo gaaray Muqdisho ayaa hordhac u ah wafuud kala duwan oo lagu wado in ay soo gaarayaan dalka, kuwaas oo ka qeyb galaya xafladda caleema saarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo dhaceysa 9-ka bishan.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan magacaabay guddiga qaban qaabada caleema saarka Madaxweynaha, kuwaasoo ka shaqeynaya habsami u socodka xafladda oo ay ka soo qeyb galayaan Madaxweynayaal, Wasiiro Arrimo dibedeed, danjireyaal iyo mas’uuliyiin ka kala imaaneysa dowladaha caalamka.