Olollaha tallaalka cudurka dabeysha oo Baydhabo ka bilowday

Wasaaradda Caafimaadka maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo si rasmi ah uga daah-furtay wareegii saddexaad ee tallaalka Dabeysha (mOPV3).

Munaasabadda lagu daahfurayay waxaa ka soo qeyb galay ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo qaar ka mid ah Agaasime waxeedyada, shaqaalaha kale ee Wasaaradda iyo wakiilo ka kala socdey Hay-adaha UNICEF iyo WHO.

Qaar kamid ah Masuuliyiintii ku sugnaa madasha ayaa shaqaalaha fulinaya tallaalka waxaa ay kula dardaarmeen in ay ku dadaalaan sidii talaalka ay u gaarsiin lahaayeen tiro badan oo carruur ah si looga hortago Cudurka Dabeysha.

Mas’uuliyiinta wasaaradda caafimaadka koonfur Galbeed ayaa waalidiinta ku baraarujiyay in ay carruurtood siiyaan tallaalka cudurka dabesha si looga badbaadiyo dhibaatada uu leeyahay, waxayna balan qaadeen kan wasaarad ahaan in ay sii wadi doonaan dadaalkooda ku aadan ciribtirka cudurka dabeysha oo dhibaato weyn ku haya carruurta.

Guddoomiyaha Aqalka sare oo la kulmay danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha golaha Aqalka sare ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya Soomaaliya Danjire Xasan bin Xamze Haashim.

Guddoomiyaha iyo Danjiruhu ayaa ka wada hadlay adkaynta xiriirka labada Dal, in Dowladda Qadar kaalin mug leh ka qaadato gurmadka abaaraha ba’an ee haatan ka jira dalka iyo sidoo kale, in la dhiso xiriir wax-tar leh oo wada shaqayneed oo ay wada yeeshaan golayaasha sharci dejinta ee labada dal.

Sidoo kale, Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare Mudane Cali Maxamed Jaamac.

Ciidamo hab deegaan u abaabulan oo loo diyaarinayay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan dadka deegaanka Wasil, kuwaas oo loo diyaariyay in ay maleeshiyada Al-Shabaab ka xoreeyaan koonfurta gobolka Mudug.

Tababarkan waxaa bixinayay saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka iyo daraawiishta Galmudug, waxaana ciidanka hab deegaanka u abaabulan lagu baray tababarka xirfado kala duwan oo ciidanka ku saabsan.

Geedi Qalabxoor, oo ka tirsan saraakiisha ciidamada tababarka bixinayay ayaa kula dardaarmay in ay xoogga saaraan sidii dhibaatada Al-Shabaab looga dulqaadi lahaa shacabka loogan sifeyn lahaa deegaanada Galmudug.

ciidamo hab deegaan u abaabulan oo loo diyaarinayay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan dadka deegaanka Wasil, kuwaas oo loo diyaariyay in ay maleeshiyada Al-Shabaab ka xoreeyaan koonfurta gobolka Mudug.

Tababarkan waxaa bixinayay saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka iyo daraawiishta Galmudug, waxaana ciidanka hab deegaanka u abaabulan lagu baray tababarka xirfado kala duwan oo ciidanka ku saabsan.

Geedi Qalabxoor, oo ka tirsan saraakiisha ciidamada tababarka bixinayay ayaa kula dardaarmay in ay xoogga saaraan sidii dhibaatada Al-Shabaab looga dulqaadi lahaa shacabka loogan sifeyn lahaa deegaanada Galmudug.

Wasiiru dowlaha maaliyadda XFS oo dalka Masar kaga qeyb galay shir muhiim ah

Wasiiru-Dowlaha Maaliyadda Xukuumadda Federaalka iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb galay shirka Sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Islaamka oo lagu qabtay magaalada Sharma El-Sheikh ee dalka  Masar.

Mudane Maxamuud Xayir Ibrahim, Wasiiru-Dowlaha Maaliyadda oo hadal kooban ka jeediyay Shirka loo dhan yahay ee Wasiirada Maaliyadda dalalka xubnaha ka ah Bangiga ayaa diiradda saaray sidii wax looga qaban lahaa abaaraha Soomaaliya iyo taageerada maaliyadeed ee deeq bixiyeyaasha caalamka.

Dhinaca kale, wasiirku waxa uu kulamo gaar ah la qaatay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta iyo ku-xigeenkiisa oo uu kala hadlay sidii Bangigu uu usii wadi lahaa taageerada Soomaaliya iyo mashaariicaha horumarineed ee dalka ka socda.

    

Guddoomiyaha Aqalka sare iyo danjiraa Imaaraadka carabta oo ka wada hadlay adkeynta xiriirka labad dal

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maxamed Axmed Alcusmaan.

Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Danjire Maxamed Axmed Alcusmaan ayaa ka wada hadlay adkaynta xiriirka labada dal, sidii ay owladda Isutagga Imaaraatka Carabta uga qayb qaadan lahayd gurmadka abaaraha ee haatan ka socda dalka, iyo waliba in la dhiso xiriir wax tar leh oo wada shaqayneed oo dhax mara golayaasha Sharci dejin ee labada Dal.

Kulanka waxaa kale oo goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare iyo Senator Saynab Ismaaciil Maxamed.

    

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Jaamacada carabta u fadhiya dalkeenna Amb. Salah Elguneid.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Jaamacada carabta u fadhiya dalkeenna Amb. Salah Elguneid.
Danjiraha oo Guddoomiyaha ugu mahadceliyey soo dhoweynta loo samaayey ayaa xusay in Baarlamaanka JFS kaalin muuqato uu ku yeesho Jaamacada carabta.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa Jamaacada carabta ku amaanay in doorka muhiimka ah ay ku leedahay iskaashiga dhanka horumarada iyo tayeynta howl-wadeenadda Golaha Shacabka.

Agaasimaha Tacliinta Sare Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ismail Yusuf Osman ayaa maanta furay kulanka bandhigga natiijada cilmi-baaristii lagu sameeyay waxbarashada aas-aasiga ah ee degdegga ah (WAD) heerarkiisa 1aad iyo 2aad.

Agaasimaha Tacliinta Sare Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ismail Yusuf Osman ayaa maanta furay kulanka bandhigga natiijada cilmi-baaristii lagu sameeyay waxbarashada aas-aasiga ah ee degdegga ah (WAD) heerarkiisa 1aad iyo 2aad.
Kulankaan oo socon doonaa muddo 3 maalmood ah ayaa lagu soo bandhigi doonaa natiijadii kasoo baxday cilmi-baaristii lagu sameeyay buugaagta manhajka WAD ee dhawaan dalka laga hirgeliyay, bandhigga keddib, khuburada ka qeyb-galaya kulanka ayaa doodo ka yeelan doona natiijadii kasoo baxday cilmi-baarista si loo meelmariyo loona ansixiyo.
Madasha Waxaa kasoo qeyb-galay, Agaasimayaasha Manaahijta iyo Taya-dhowrka, Lataliyeyaasha Wasaaradda Waxbarashadda, masuuliyiin ka socday Wasaaradaha Waxbarashada Dawlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banadir, macallimiintii qortay manhajka iyo martisharaf ka socotay mashruuca Bar ama Baro ee Hay’adda USAID Soomaaliya.

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare XFS oo Shaacisay Xilliga la qaadaayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2021-2022.

Wasaaradda Waxbarashadda Hiddaha iyo Tacliinta Sare XFS ayaa uga mahad celinaysay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan sheekh Maxamuud dadaalka uu Ku bixiyay qabsoomidda Imtixaanka Fasalka Shahaadiga 12,aad ee Dugsiga Sare.
ku simaha agaasimaha Guud ee Wsaaradda Waxbarashada Cismaanciil Yuusuf Cismaan ahna agaasimaha waaxda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa sidookale u mahadceliyey Iskuulada qaatay kaararka aqoonsiga Imtixaanka sanad Dugsiyeedka 2021-2022.
Agaasimaha ayaa ku war-galiyey Iskuulada aan wali qaadan kaararka aqoonsiga imtixaanka in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u qaataan kama danbeys 04/06/2022, waxuuna shaaciyey in Imtixaanka loo fariisan doono 18/6/2022.
Laga soo bilaabo sanad dugsiyeedka 2014-2015 Wasaaradda Waxbarashda ayaa qaadaysay Imtixaan Midaysan, Imtixaanka Wasaaradda ayaa waxaa u fariisanaayey dhamaan iskuulada ku yaalo gobolada dalka, marka laga reebo maamulda Puntland iyo Somaliland.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Senator Abdi Hashi Abdullahi wuxuu maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maxamed Axmed Alcusmaan.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Senator Abdi Hashi Abdullahi wuxuu maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maxamed Axmed Alcusmaan.
Danjiruhu wuxuu Guddomiyaha soo gaarsiiyay salaan sharafeed iyo dhambaal hambalyo ah oo ku aadan dib u doorashada Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi, taas oo uu uga siday Guddoomiyaha Golaha Midnimada Qaranka ee Imaaraatka Carabta Mudane Saqar Gabaash.
Guddoomiyaha iyo Danjiruhu waxaa kale oo ay ka wada hadleen adkaynta xiriirka labada Dal, sidii ay Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta uga qayb qaadan lahayd gurmadka abaaraha ee haatan ka socda dalka, iyo waliba in la dhiso xiriir wax tar leh oo wada shaqayneed oo dhax mara Golayaasha Sharci dejin ee labada Dal.