Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha ayaa u kuur galay xaaladda dad kusoo barakay magaalada Muqdisho, balse hadda wajahaya xaalad nafaqo darro ah.

Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha ayaa u kuur galay xaaladda dad kusoo barakay magaalada Muqdisho, balse hadda wajahaya xaalad nafaqo darro ah.
Nafaqo darradan oo ka dhalatay xaaladda abaaraha ka jira dalka, ayaa carruurtan loo keenay Isbitaalkaa, iyada oo badankooda laga keenay Gobollada dalka kuwaasi oo ay abaaro baahsan ka jiraan.
Agaasimaha Isbitaalka Banaadir Dr. Fartuun Shariif Maxamed, ayaa uga war bixisay Ergeyga baahida xooggan ee ka jirta Isbitaalka ee la xariirta la tacaalidda carruurta ay saamaysay nafaqo darrada ka dhalatay abaaraha ka jira dalka, waxay ay sidoo kale Agaasime Fartuun sheegtey in aad loogu baahan yahay in si deg deg ah arrintaan wax looga qabto.
Dadka abaarta ka soo barakacay ayaa ah kuwo nolol ahaan aad u hooseeya oo ay duruuf xooggani ka muuqato, keliya maahan nafaqo darro waxa haya ubadkaasi balse waxaa u wehliya xannuunada faafa, sida jadeecada IWM.
Sababaha ugu badan ee arrintan ayey ku sheegeen dadkaan in aysan helin cunto fiican taas oo sababtay in ay dhaqaale ahaan noloshooda dabbari karayn, oo ay yihiin dad danyar ah oo aan awood u lahayn maaraynta noloshooda iyo ubadkooda.
Agaasime Fartuun ayaa sheegtay in ay hadda Isbitaalka ku sugan yihiin 220 carruur ah oo ay soo ridatay xaaladda nafaqo darrada ee dalka ka jirta, sidoo kalena ay buuxsameen sariirihii loogu tala galay in la jiifiyo bukaannada waajahaya xaaladda nafaqo darrada ah.
Ugu danbayn, Ergeyga ayaa ugu baaqay hay’addaha Qaramada Midoobay iyo kuwa kale ee gargaarka bani’aadanimo ka shaqeeya in ay gurmad degdeg ah u fidiyaan caruurta nafaqo darradu hayso iyo waalidiintooda abaartu saamaysay.

Kanada oo laga helay kiisas cusub oo busbus Daayeerada ah

Xanuunkan ayaa la xaqiijiyey in uu ka dilacay dalalka Kanada, Faransiiska iyo Mareykanka, saraakiil caafimaad  ayaa sheegay in Xanuunkan uu isu beddelo cudur faafo oo aan ku ekaan doonin dal qur ah.

Mas’uuliyiinta Canada ayaa Jimcihii shalay xaqiijiyay in baaritaano kala duwan oo laga sameeyay gobalada dalkaas laga helay kiisas gaaraya 149, kiis oo cudurka Busbus Daayeerada ah.

Sargaal ka tirsan Wakaaladda Caafimaadka Canada, ayaa shir jaraa’id uu qabtay Jimcihii shalay ku sheegay in ay ka walaacsan yihiin soo bixitaanka kiisaskan cusub ee ku saabsan xanuunka Busbus Daayeerada.

Wakaaladda Caafimaadka Canada ayaa xaqiijiyay in faafitaanka cudurkan uusan ku koobnaan doonin Dal ama deegaan gaar ah.

Sidokale, mas’uuliyiinta caafimaadka Faransiiska ayaa ku dhawaaqay shalay helitaanka 51 xaaladood oo Busbuska Daayeer ah.

Ciidamada xoogga dalka oo baacsanaya firxadka maleeshiyada Al-Shabaab

Ciidamada kumaandooska Danab gaar ahaan hurinta gaadiidka Gaashaaman ayaa howlgalo lagu xaqiijinayo amniga ka sameeyay deegaanada Maracadde, Galka Salimo iyo tuulooyin kale oo dhammaan ka wada tirsan gobolka Shabeellaha hoose.

Ujeedka howlgalka ayaa ahaa mid lagu baacsanayay firxadka maleeshiyada Al-Shabaab oo bilaabay in ay shacabka ku dhex milmaan.

Saraakiisha ciidamada ee howlgalkan hoggaaminayay ayaa ka dalbaday shacabka deegaanadaas howlgalka laga sameeyay in ay la shaqeeyaan ciidanka si looga itaal roonaado argagixisada oo dhibaato xooggan ku hayo shacabka.

    

Duqeyn ka dhacday gobolka Jubadda hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

Duqeyn ka dhacday gobolka Jubadda hoose ayaa lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

3-Juun 2022 dowladda Soomaaliya iyo Taliska Mareykanka ee Afrika oo iska kaashanaya ayaa howlgal dhanka cirka wax ay ka fuliyeen deegaanka Beer-xaani ee gobolka Jubbada hoose.

Duqeynta ayaa lagu dilay Shan ka mid ah Argagixisada Al-shabaab, iyadoo aysan jirin wax Khasaare ah oo gaaray dad shacab ah.

Howlgalkan ayaa looga goleeyahay sidii looga hortagi la’haa qatarta argagisixda Al-shabaab.

Ciidanka Danab oo gobolka Jubbada Hoose ku dilay horjooge iyo maleeshiyaad kale

Ciidamada ururka 5aad ee guutada16  ee kumaandooska  danab ayaa howlgal qorsheeysan oo ay ka sameeyay deegaanka yaaqxaluul ee gobolka jubbada hoose ku dilay horjoogihii argagixisada Al-Shabaab u qabilsanaa dhibatayta dadka shacabka ah,kaas oo oo lagu magcaabi jiray yaasiin carab.

Howlgalkaan oo ka dhacay qiyaastii meel 55-km  u jira magaalada kismaanyo ,ayaa warku intaa ku daray in lagu dilay 10 dhagarqabe oo ka mida maleeshiyada arxanka daran ee al shabaab.

waxa kaloo maleeshiyaadkaasi laga soo furtay 2 qori oo nuucoodu yahay Ak-47 iyo hal qori BKM ah, sida uu warbaahinta qaranka u xaqiijiyey  taliye Carab Dheeg Axmed oo ah taliyaha ururka 5-aad guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka somaliyeed ee danab.

Ciidanka kumaandooska danab oo ka warhaley dhibatada kooxdaasi ay ka wadeen deegaankaasi ayaa halkaasi jawaab kulul ku siiyay kooxdaasi nabad-diidka ah.

   

Wasiiru-dowlaha amniga oo kormeeray xarunta dhaqan celinta maleeshiyaadka ee Galmudug

Wasiiru-dowlaha amniga Qaranka Amb. Farxaan Cali Axmed oo safar shaqo ku jooga Magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta dhaqancelinta Galmudug (DRP) ee loogu talo galay in lagu soo dhaweeyo dhalinyarada kasoo baxda kooxda Alshabaab si loogu sameeyo nolol,isla markaana loo fahamsiiyo dowladnimada.

Wasiir dowlaha oo uu la socday gudoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada ee Magaalada Dhuusamareeb,waxa ay halkaasi warbixin kaga dhageysteen maamulka xarunta ,taaasoo la xiriirtay xaaladda dhallinyarada iyo baahiyaha xarunta maadaama ay qayb ka tahay xarumaha ku yaala dowlad goboleedyada dalka ee hoostaga wasaradda amniga Qaranka.

Agasimaha barnaamijka dhaqan celinta Galmudug Abdirahman Mohamed Ali iyo gudoomiye kuxigeenka amniga iyo Siyaasada Dhuusamareeb Cabdi Xaashi Caroole ayaa dhankooda tilmaamey in xaruntani ay ka qayb qaadato amniga guud maadaama ay kujiraan isisoo dhiibayaal ka faa’iideystay fursadan.

Wasiiru-dowlaaha amniga Qaranka Amb. Farxaan Cali Axmed ayaa ugu dambeyn u ballan qaaday maamulka xaruntan in ay heli doonaan garab istaag balaaran.

Xaruntan dhaqan celinta Galmudug waxaa si rasmi ah loo furay 29-Dec 2021 ,waxaana haatan ku jira dhallinyaro doortay in ay dib ula midoobaan qoysaskooda,kadib marka ay soo dhameystaan fursad lagu barayo xirfado ay ku maareeyaan noloshooda .

 

R/Wasaare Rooble oo saaka booqday xeebta Liido

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo xubno kale oo la socday ayaa saaka booqday deegaanka xeebta Liido oo ah goob ay u dalxiis tagaan dad badan oo Soomaali ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaas kula kulmay dadweyne fara badan oo ay ku jireen dhallinyaro isxilqaantay oo ka shaqeysa soo celinta bilicda iyo nadaafadda xeebta Liido.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ,waxa uu dhallinyarada isxilqaan iyo kuwa kale ku dhiirrigeliyay howsha wanaagsan ee ay u hayaan umadda,isagoo dalbaday in ay halkaasi ka sii wadaan shaqada wax ku oolka ah ee ka mid ah adeegyada loo qabanaayo bulshada.

  

Biden oo soo jeediyay in la meel mariyo sharci lagu xakameynayo hubka

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku baaqay  sharci-dajiyayaasha dalkaasi inay soo saaraan sharci lagu xakameynayo rabshadaha ka dhasha hubka , toddobaad kaddib markii 19 carruur ah uu nin hubeysan ku toogtay goob waxbarasho.

Khudbad qiiro leh oo si toos ah looga sii daayay Telefishinka Qaranka, ayuu ku yiri “Waa waqtigii wax la qaban lahaa”,isagoo dhinaca kalena soo jeediyay sharciyo dhowr ah oo ay ku jiraan mamnuucida nuuncyada hubka.

Madaxweynaha Mareykanka, wuxuu sheegay in meelo badan oo Mareykanka ah ay noqdeen goobaha dilka, wuxuuna ku booriyay  golaha guurtida ee Republikaaka inay taageeraan isbedelada sharciga ka dhigaya dalka mid qof walba ammaan u ah.

Saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay, waxa dalka Mareykanka ka dhacay toogasho wadareedyo xiriir ah ,kuwaas oo rag hubeysan ay ku dileen dad Madow ah, arday iskuul iyo dhakhaatiir.

MADAXWEYNAHA JFS XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO XAFLAD SOO DHAWEYN AH LOOGU SAMEEYAY DHUUSAMAREEB

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey munaasabad soo dhaweyn ah oo ay ku maamuuseen madaxda iyo bulshada Galmudug ayaa ka warbixiyey mudnaanta uu siinayo daadejinta adeegyada dowladda, adkeynta dimuqraadiyadda dalka iyo dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee dib u dhigtay nolasha shacabka Soomaaliyeed ay tahay amni darrada iyo falalka arxan darrada ah ee ay soo maleegaan argagixisada Alshabaab, isagoo soo bandhigay sida shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooduba ay maanta ugu taagan yihiin in ay wadajir uga xoreeyaan dalka.

“Muwaadinka Soomaaliyeed caawa gurigiisa in uu nabad ku gam’o ayaan rabnaa, marka uu safrayo oo uu wadada marayo, goormaa miino kula qarxeysaa in aanu is dhihin baan rabnaa, saaka hooyo waa baxdaye, nabad maku soo noqoneysaa carruurtu in aysan is dhihin baan rabnaa”ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ,ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladdu bilaabi doonto guluf ka dhan ah kooxda nabad diidka ah ee Al-Shabaab, si dadka Soomaaliyeed looga xorreeyo, sidaas daraaadeed, waxa uu Galmudug ugu baaqay in ay hormuud ka noqoto qorshahaas.

“Waxaan rabnaa Galmudug in ay bilowdo mashruuca nabadiidka la’isaga xorreynayo, kaddibna dadka kale ay ku daydaan”,sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay madaxda dowladda iyo dadka Galmudug in ay ka digtoonaadaan khilaafaadka, quluubtana isu furaan oo ay gacmaha is-qabsadaan si ay horumar buuxa uga hirgeliyaan deegaankooda, nolol wanaagsanna ugu abuuraan ubadkooda.

“Walaalihii iyo saaxiibadii ay wax ku soo kala gaareen waddadii la soo maray, waxaan leeyahay cayaarta wey soo dhammaatay, caadi iska dhiga. Haddii ay dadku dhihi jireen, bus-ku waa buuxaa, meel laga fuulo ma leh, tareen aan dhammaaneyn baa taagan, aan tareenka wada raacno, nabadda iyo aayahana aan aadno.”

   

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka qeybgalay Xuska Maalinta Qaran ee Talyaaniga

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliso Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa ka qeyb galay munaasabad loogu dabaal dagaayey maalinta Qaran ee dalka Taliyaaniga oo ku beegan 2-da Juun.

Maalintan oo loogu magacdaray ( Italian Festa della Repubblica) waxay calaamad u tahay aftidii 1946, loo qaaday dhismihii Jamhuuriyadda Talyaaniga, taas oo laga guuray nidaamka Boqortooyadda xiligaasi uu lahaa dalkaasi, munaasabada ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay wasiiro ka tirsan XFS, diblomaasiyiin sare iyo qeybaha kala duwan ee dowladda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ku hadlaayey magaciisa iyo kan madaxweynaha JFS ayaa dhambaal hambalyo ku aaddan maalintan la wadaagay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Taliyaaniga, asaga oo u rajeeyey in sanadkan kiisa kale uu noqdo mid wanagsan, iskuna xira midnimada iyo wada-jirka labada dal.