



Waxaa goor dhaw Magaalada dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug siweyn loogu soo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo maalmahii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Baydhabo ee xarunta Dowlad gobaleedka Koonfur galbeed.
Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), Xubno kamid ah Maamulka galmudug, Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan dowladda Federaalka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo kala gooni gooni la yeelan doona Madaxda Sare ee dowlad Goboleedka Galmudug, Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida iyo Odayaasha Dhaqanka Magaalada.

Madaxweynaha dalka Tunuusiya ayaa shaqada ka cayriyey 57 Garsoore isagoo ku eedeeyay musuqmaasuq iyo inay gabaad u ahaayeen kooxa argagixisada waa sida uu hadalka u dhigayee.
Madaxweynaha oo ka hadlayey intii lagu guda jiray shirkii Golaha Wasiirada Arbacadii ayaa wuxuu soo qaatay carqaladeynta baaritaanka kiisaska argagixisada,tuhmaneyaasha argagixisada iyo musuqmaasuqa maaliyadeed ee ay faraha kula jiraan bahda Garsoorku.
Wax yar ka dib hadalka madaxweynaha wareegto madaxweyne oo lagu daabacay faafinta rasmiga ah ayaa lagu shaaciyay in shaqada laga eryay 57 garsoore. Dadka shaqada laga eryay waxaa ka mid ah Youssef Bouzaker, oo ahaa madaxii hore ee golaha sare ee garsoorka,sidoo kale waxa ka mid ah Garsoore Bachir Akremi oo caan ka ah Garsoorka Tunuusiya.
Dalka Tunuusiya ayaa waxa hareeyey qalalaase siyaasadeed oo qoto dheer tan iyo July 25, 2021, markaas oo madaxweynuhu uu shaqada ka cayriyay Golihii Xukuummadda sidoo kalena shaqadii ka joojiyay baarlamaanka, oo uu la wareegay maamulka fulinta, tallaabadaas oo ay mucaaradku ku tilmaameen “afgambi”.
Xisbiga talada haya ee Kuuriyada Koonfureed ayaa ku guuleystay inta badan kuraasta doorashadii deegaanka ee ka dhacday Dalka,kuraasta uu ku guulaystay ayaa waxa ka mid ah kursiga duqa muhiimka ah ee magaalada caasimadda ah ee Soul.
Xisbiga Awoodda Dadweynaha (PPP) ayaa 12 ka mid ah 17 ka mid ah kuraasta duqa magaalada iyo guddoomiyeyaasha gobollada helay halka mucaaradka ugu weyn ee Dimuqraadiga (DP) uu ku guuleystay shan tartan oo muhiim ah, oo uu ku jiro guddoomiyaha Gyeonggi, oo ah gobolka uu ku jiro Seoul, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Yonhap.
Musharaxii hore ee madaxweynaha DP Lee Jae-myung iyo Ahn Cheol-soo oo ka tirsan xisbiga PPP ayaa sidoo kale ku guuleystay doorashooyinkii ku celiska ahaa ee kuraasta baarlamaanka qaranka.
Intii lagu guda jiray doorashooyinkii deegaanka in ka badan 3,600 oo wakiillo maxalli ah waxaa doortay Kuuriyada Koonfureed, oo ay ku jiraan 17 duq magaalo iyo guddoomiye gobol, 226 madax golaha hoose ah, 779 xubnood oo ka tirsan golayaasha gobollada iyo magaalooyinka waaweyn, iyo 2,602 xubnood oo ah golayaasha deegaanka ee hoose.
Sida laga soo xigtay maamulka doorashada, dadka u soo baxay doorashadii deegaanka ee Arbacadii ayaa ahayd 50.9% iyadoo 22.5 milyan oo ka mid ah 44.3 milyan oo codbixiyeyaal ah ay codkooda dhiibteen.
Doorashadii deegaanka ee 2018, tirada dadka u soo baxay ayaa ahayd 60%.
Qabanqaabada soo dhaweynta Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku wajahan Galmudug ayaa laga dareemayaa magaalada Dhuusamareeb.
Amniga magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay, qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku jira diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee ay kusoo dhoweynayaan madaxweynaha JFS.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socda gaaro magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna kulamo la yeelan doonaa madaxda Galmudug iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Sacuudi Carabiya, Saalim Macoow Xaaji oo uu weheliyo qunsulka guud ee Soomaaliya u jooga magaalada Jiddah ayaa booqasho ku tagay Xarunta Jaamacadda Islaamiga ee Madiina Al Munawara.
Danjire; Saalim Macoow Xaaji ayaa guddoomiyaha Jaamacadda Islaamiga ee Madiina Al Munawara ugu mahad celiyay deeqaha waxbarsho ee ay u fidiyaan Ardayda Soomaaliyeed.
Safiirka ayaa codsaday in la kordhiyo Ardayda Soomaaliyeed ee halkaasi wax ka barata gaar ahaan Ardayda diyaarineysa waxbarashada heerka labaad ee Master-ka iyo kuwa PhD degree-ga.
Jaamacadda Islaamiga ah ee Madiina Al Munawara oo ay haatan dhigtaan todobaatameeyo Arday oo Soomaali ah ayaa waxaa xilliyo kala duwan ka Aflaxay culimaa’udiin Soomaaliyeed oo caan ka ah Caalamka.
Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabad soo dhoweyn ah oo loogu sameeyey Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa bogaadiyay doorka ay ka qaateen xasilinta dalka iyo dowlad dhiska.
Madaxweynaha ayaa shacabka Koonfur Galbeed iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed u diray farriin ku aaddan dib-u-heshiisiinta iyo nabadaynta bulshada.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka warbixiyay waxyaabihii uu kusoo arkay booqashadii uu ku tagay xeryaha barakacayaasha magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ay aad ugu xanuunsadeen ugana damqadeen dhibaatooyinka ba’aan ee haysta dadka hasoo hayaamay abaarta.
Wuxuu madaxweynuhu intaa ku daray inay dhibaatada inteeda badani sababtay kooxda Al-shabaab, wuxuuna ku nuux-nuuxsaday inaysan ka dowlad ahaan iyo shacab ahaanba tabar u waayin balse ay jiraan qaladdaad isla markaana la sixi doono si loo helo Soomaali heshiis ah.
Wafdi horudhac u ah booqashada uu madaxweynaha JFS mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ku tagayo Galmudug ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb.
Wafdigaan oo uu hoggaaminayay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane, Cali Daahir Ciid oo ay qayb ka ahayeen Xildhibaanno heer Fadaraal ah iyo Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada Soomaalia ayaa gaaray Dhuusamareeb.
Wafdigaan waxaa Magaalada Dhusamareeb kusoo dhoweeyay Wasiirro ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug Xildhibaano, Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud iyo Duqa Caasimadda Dhuusamareeb.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu maanta booqasho ku tago Galmudug, isagoo kulamo la qaadan doona maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Baydhabo- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye guuto Odowa Yuusuf Raage iyo Saraakiil kale ayaa maanta safar howlo shaqo ah ku tagay Deegganka Goofgaduud Buurey ee Gobolka Baay,
Deegaankaasi waxaa fariisin ku leh ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Ururka 45-aad ee guutada 8-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Gen Odowa Yuusuf Raage ayaa Ciidanka halkaasi ku sugan ku dhiirageliyey shaqada adag ay qaranka u hayaan, waxaana uu ku booriyey in ay sii laba jibaaran howlgalada ka dhanka ah kooxda Nabadiidka Alshabab ee dalka looga sifeyneyo.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la yeeshay Safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaliya Larry Andre iyo madaxa hay’adda USAID Patrick Diskin.
Ergeyga iyo Safiirka, ayaa ka wada hadlay, sida Dowladda Mareykanka ay gacan uga geysan karaan Gurmadka Abaaraaha daran ee ka jira dalka.
Maraykanka waa dawladda deeqda gargaarka bani’aadanimo ee ugu badan siisa Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Danjire Larry Andre ayaa Ergeyga u ballan qaaday wada shaqeyn buuxda, si loo samatabixiyo malaayiinta qof ee abaaruhu saameeyeen.
