Madaxweynaha waxa ku wehlinayay kormeerka Wasiirka gargaarka,Maareynta iyo musiibooyinka Xildhibaan Khadiijo Diiriye, Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo masuliyiin kale.


Madaxweynaha waxa ku wehlinayay kormeerka Wasiirka gargaarka,Maareynta iyo musiibooyinka Xildhibaan Khadiijo Diiriye, Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo masuliyiin kale.


Ciidamada Amniga Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir ayaa xalay Howlgallo dad badan lagu soo qabtay Waxa ay ka sameyeen dhammaan xaafadaha Degmadaas.
Howlgalka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha cusub ee dhawaan degmadaas loo Magacaabay Abdishakuur Abuukar Macalin iyo Taliyaasha Amniga Degmadaas,waxa una ujeedku ahaa xaqiijinta Amniga Degmada
Baaritaanada Ciidamada ay sameyeen waxaa lagu soo qabtay Dad isticmaalayey Maandooriyaal iyo Ciyaalweero kuwaas oo qayb weyn ka ahaa amni darada mararka qaar ka dhacda Degmadaas.
Gudoomiyaha Degmada Deyniile ayaa yiri”Waxaan Bulshada ku nool Degmada Deyniile kula dardaarmaynaa in ay nalaga shaqeeyaan sugida amniga iyo xasiloonida,Waxaan si gaar ah uga codsanaynaa waalidiinta dhalay dhalinyarada ku howlan falalka amniga lidi ku ah in ay caruurtooda kawarqabaan”.
Gudoomiyaha oo sii hadlayey ayaa sheegay in ay la dagaalami doona wax walba oo Amniga Degmada wax u dhibaya sida:
Xildhibaanadda Golaha Shacabka BFS ayaa Maanta oo Arbaco ah waxa ay yeelanayaan kulankoodii caadiga ahaa, kaas oo ka qabsoomaya Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Ajendaha Kulanka Maanta ee Xildhibaannada ayaa waxaa uu yahay Akhrinta Xeer hoosaadka Golaha Shacabka, iyada oo Xildhibaannada xalay loo diray farriin ah inay kulanka soo xaadiraan.
Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Dalka ayaan kulmin tan iyo markii ay qabsoontay doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya ee 15-kii Bishii May.
Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab iyo Nabad sugidda Jubaland ayaa soo qabtay Horjoogihii Argagixisada Al-Shabaab u qaabilsanaa deegaano badan oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.
Maxamed Cabdi Mukhtaar oo magaciisa afgarashada ah ee kooxda looga dhex yaqaano uu ahaa Sakhraawi, ayaa lagu qabtay howlgallo balaaran oo ciidamadaan huwanta ah ay ka fuliyeen deegaano dhaca galbeedka magaalada Kismaayo, waxayna ciidanku dileen 4-dhagarqabe oo ilaalo u ahaa Horjoogahaan la qabtay.
Ciidanka Qaranka ayaa cagta mariyey goobihii ay nabadiidku baada uga aruursa jireen dadka shacabka ah, waxayna saraakiishu warbaahinta Qaranka u sheegeen in howlgalkani uu qeyb ka yahay halgan bilowday oo lagu baacsanayo argagixisada Al-Shabaab.

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab iyo Nabad sugidda Jubaland ayaa soo qabtay Horjoogihii Argagixisada Al-Shabaab u qaabilsanaa deegaano badan oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.
Maxamed Cabdi Mukhtaar oo magaciisa afgarashada ah ee kooxda looga dhex yaqaano uu ahaa Sakhraawi, ayaa lagu qabtay howlgallo balaaran oo ciidamadaan huwanta ah ay ka fuliyeen deegaano dhaca galbeedka magaalada Kismaayo, waxayna ciidanku dileen 4-dhagarqabe oo ilaalo u ahaa Horjoogahaan la qabtay.
Ciidanka Qaranka ayaa cagta mariyey goobihii ay nabadiidku baada uga aruursa jireen dadka shacabka ah, waxayna saraakiishu warbaahinta Qaranka u sheegeen in howlgalkani uu qeyb ka yahay halgan bilowday oo lagu baacsanayo argagixisada Al-Shabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa kulan is-xogwaraysi ah kula qaatay magaalada Baydhabo odayaasha iyo duubabka dhaqanka ee deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa odayaasha dhaqanka ku boorriyey dardar gelinta kaalintooda ku aaddan nabadaynta, dib-u-heshiisiinta, xallinta khilaafaadka iyo isu soo dhoweynta bulshada Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in duubabka dhaqanku ay udub-dhexaad u yihiin geeddi-socodka dowlad-dhiska dalkeenna.
“Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay qiraysaa doorka wanaagsan ee aad ku leedihiin dowlad-dhiska dalkeenna, nabadaynta iyo hoggaaminta bulshada. Waxaan mar walba soo dhoweynanaa talooyinkiinna wax-ku-oolka ah ee ku aaddan horumarinta dalka iyo dadka. Waxaan idinka codsanaynaa in aad nagu garabsiisaan xaqiijinta himilada shacabka Soomaaliyeed ee ah dal nabad ah, xasilloon oo horumarsan.”
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha hortebinta u leh Dowladda ee ku saabsan horumarinta arrimaha bulshada, dib-u-heshiisiinta, la dagaallanka argagixisada iyo wax-ka-qabashada xaaladaha bini’aadannimo ee ka dhashay abaaraha saameeyey guud ahaan dalka.
Dhankooda, odayaasha iyo duubabka dhaqanka ee deegaannada Koonfur Galbeed oo Madaxweynaha ugu hambalyeeyey mas’uuliyadda loo doortay, ayaa hoosta ka xarriiqay la shaqaynta dowladda iyo garab istaagga dadaalladiisa ku aaddan horumarinta dalka, iyaga oo tilmaamay in ay ku kalsoon yihiin odaynimada Madaxweynaha, waayo aragnimada iyo fulinta ballanqaadyadiisa hortebinta u leh horumarinta dalka iyo dib-u-heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddiga Amniga ee Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo dhawaan lagu qaban doono Muqdisho.
Wareegta magacaabista ayaa guddiga lagu faray inay gutaan shaqadooda ku aadan amniga munaasabadda caleema saarka madaxweynaha dhawaan la doortay ee mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Baydhabo- Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa safarkiisi ugu horreeyay tan iyo markii xilkaas loo igmaday maanta ku tagay magaalada Baydhabo.
Ergeyga waxaa safarka ku wehliyey ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Adam Abdelmoula.
Ujeedka socdaalka ergeyga iyo ku xigeenla Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay, ayaa ku qotoma u-kuur-galidda xaaladdaha abaaraha iyo nolosha danyarta abaaruhu saameeyeen, isagoo kormeer iyo indha-indheyn ku tagay, xeryo barakac oo ku yaalla magaalo madaxda gobolka Bay ee Baydhabo.
Xarunta KMG ah ee Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed, ayaa ka mid ah magaalooyinka ay ku soo barakaceen dadka ugu badan ee ay xoolihii iyo beerihii noloshoodu ku tiirsanayd abaaruhu waxyeeleeyeen.
Ergeyga ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ugu baaqay in ay gargaar iyo gurmad degdeg ah lala soo gaaro dadkaas.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Shaati Guduud soo dhoweyn diirran ugu sameeyey, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, masuuliyiin ka kala socday Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweynaha oo ka warbixiyey ujeeddada safarkiisa Koonfur Galbeed ayaa tilmaamay in uu ku qotomo dib-u-heshiisinta bulshada, nabadaynta iyo xallinta khilaafaadka dalka, isaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay hirgelinta qorshe qaran oo ku aaddan dhab-u-heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.
“Ujeedka aannu halkan u nimid waxa uu ahaa in aannu idin la wadaagno qorsheyaasheenna ku aaddan in shacabka Soomaaliyeed ay heshiiyaan oo walaaloobaan; Soomaali heshiis ah, dunnida na heshiis la ah. Deegaankani waxa uu caan ku yahay nabadda, wada noolaanshaha, soo dhoweynta iyo dib-u-heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed, waana sababta aannu halkan uga bilownay safarkeennii koowaad. Baaqaygu waxa weeye qalbiga aan ka midowno, qalbiga aan ka heshiinno, quluubteenna aan isu furno, si aan cadowga isaga celinno.”
Madaxweynaha jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Baydhabo waxaa uu u kuur-galayaa xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaannada Koonfur Galbeed, si wax looga qabto xaaladaha binu’aadannimo ee ka dhashay abaaraha ka jira guud ahaan dalka.
“Dalka duruufo adag ayaa ka jira oo ay abaaruhu sababeen, Waxaannu si dhow ugu kuur-geli doonnaa duruufaha ay ku jiraan dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo guud ahaan xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin shacabkeenna, si aannu farriintooda u gaarsiinno Soomaalida inteeda kale iyo caalamka ba.”
Ugu dambayn Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray Xarunta cusub ee Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana Madaxweynuhu uu halkaas kulamo kula qaadan doonaa Madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Garoowe- Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hoggaaminaya ayaa loogu soo dhoweeyay maanta magaalada Garoowe.
Madaxweynaha ayaa ka hadlay guud ahaan xaaladda dalka gaar ahaan doorashadii Madaxweynaha JFS ee dhawaan ka dhacday Muqdisho, isagoo sheegay in Puntland ay ku faraxsan tahay Doorashada iyo sida ay u dhacday ee nabada ugu soo dhamaatay
Madaxweyne Deni ayaa xusay in markasta oo doorasho dhacdo dadku is qoonsado, Balse reer Puntland sidii lagu yaqaanay waa inay hore uga socdaan, laysna cafiyaa oo aan dib la eegin.
Soo dhaweynta Madaxweynaha waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoonka Golaha Wakiillada Puntland, Xildhibaano, Wasiiro, Saraakiisha Ciidamada, Maamulka Gobolka Nugaal, Kan Degmada Garoowe iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe.
