Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay Baydhabo

Madaxweyne JFS mudane,  Xasan Sheekh  Maxamuud oo safarkiisii ugu horreeyey ugu ambabaxay maanta Dowlad goboleedka Koonfur-galbeed.

Soo dhowaynta wafdiga madaxweynaha ayaa laga dareemayaa Magaalada Baydhabo oo ah xarunta ku-meel gaar ah ee Caasimadda Maamulka Koonfur-galbeed.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa goordhoweyd ka ambabaxay magaalo madaxda dalka ee Muqdisho, iyadoo qorshuhu yahay inay saacadaha soo socda gaaraan Baydhabo.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku guda jiro safarkiisa waxa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda Maamulka Koonfur-galbeed iyo qaybaha kala duwan ee Bulshadda.

Wadamada Midowga Yurub oo ku heshiiyey in 90% la dhimo xadiga saliida ee laga soo iibsado Ruushka dhamaadka sanadkan

Guddoomiyaha midowga Yurub Ursula von der Leyen ayaa ku dhawaaqday in wadamada Midowga Yurub ay ku heshiiyeen shir madaxeedka Midowga Yurub ee Brussels in cuno qabatayn dhanka saliida ah lagu soo rogo Ruushka, sababo la xiriira dagaalka uu ku hayo dalka Ukraine.

“Waxaan soo dhaweynayaa heshiiska #EUCO ee ku saabsan cunaqabateynta shidaalka ee ka dhanka ah Ruushka. Tani waxay si wax ku ool ah u dhimi doontaa qiyaastii 90% saliidda laga keeno Ruushka ee la keeno EU dhamaadka sanadka, ”von der Leyen ayaa ku tiri barteeda  Twitter-ka.

Guddoomiyaha golaha midowga Yurub Charles Michel ayaa sidoo kale dhankiisa ka hadlay tallaabadan.

“Heshiiska lagu mamnuucay dhoofinta saliidda Ruushka ee Midowga Yurub. Tani waxay isla markiiba dabooshaa in ka badan 2/3 ee saliidda laga keeno Ruushka, iyada oo jaraysa ilo dhaqaale oo weyn oo loogu talagalay mishiinkeeda dagaalka. Cadaadiska ugu badan ee Ruushka lagu saarayo inuu joojiyo dagaalka,” ayuu ku yiri bartiisa twitter-ka.

Hindisaha oo ay soo diyaariyeen komishanka Yurub muddo bil laga joogo ayaa waxaa ka mid ahaa in muddo lix bilood ah lagu joojiyo saliida ceyriinka ah ee ka imanaysa Ruushka iyo keenista badeecooyinka sifaysan dhamaadka sanadka.

Wasiirka Awqaafta XFS oo la kulamay Wasiirka Xajka ee Boqortooyada Sacuudiga

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta XFS Mudane, Sheekh Cumar Cali Rooble ayaa ka kulmay Wasiirka Xajka iyo Cumrada ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya Dr. Towfiiq Bin Fowzan Al-Rabiicah.

Wasiirka ayaa warbixin ku saabsan heerka diyaargarowga howlaha Xajka ka dhageystay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga iyo waxa uu Xajka sanadkan kaga duwan yahay sanadadii hore.

Wasiir Sh.Cumar Cali Rooble ayaa isagana la wadaagay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Dowladda Sacuudi Carabiya warbixin ku saabsan heerka diyaar garowga ay dowladda Soomaaliya sameysay iyo in dhawaan Xujeyda Soomaaliyeed ay soo gaari doonaan Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Wasiir Sh. Cumar Cali Rooble ayaa la wadaagay Wasiir Dr. Towfiiq caqabado ugaar ah Xujeyda Soomaaliyeed, isagoona ka codsay in wax laga qabto caqabadahaas, isagoo dul istaagay Caqabadaha xaga deegaanada la dejiyo Xujeyda Soomaliyeed (Mina) xilliyada gudashada acmaasha Xajka.

Wasiir Dr. Towfiiq ayaa balanqaaday in wax laga qabanayo caqabadaha uu tilmaamay Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta XFS Mudane, Sheekh Cumar Cali Rooble.

AGAASIMAHA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA WARBAAHINTA MADAXTOOYADA OO XILKA KALA WAREEGAY AGAASIMIHII HORE

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdulqaadir Cali Dige ayaa munaasabad ka dhacday Villa Soomaaliya xilka kagala wareegay Agaasimihii hore ee Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdirishiid Maxamed Xaashi.

Agaasimihii hore ee Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdirishiid Maxamed Xaashi ayaa ka warbixiyey shaqooyinka muhiimka ah ee Waaxdu ay u qabato Qaranka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ka mid tahay haqabtirka baahiyaha xogeed ee Shacabka Soomaaliyeed ee dhanka dowladda, waxa uuna Eebbe uga baryey Agaasimaha cusub in uu u fududeeyo gudashada Mas’uuliyadda Qaran ee loo igmaday.

Dhankiisa,Agaasime Cabdulqaadir Cali Dige ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan horumarinta Warfaafinta iyo Xiriirika Warbaahinta Madaxtooyada, isaga oo uga mahadceliyey Agaasime Cabdirishiid Maxamed Xaashi shaqadii uu ka soo qabtay Madaxtooyada muddadii uu hayey xilkaas.

Agaasimaha guud ee Heya’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida qaranka oo Taliyaha Nabad Sugida Gobolka Banaadir u magacaabay Muxiyadiin Warbac shadoor

Agaasimaha guud ee Heya’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa Taliyaha Heya’adda Sirdoonka Gobolka Banaadir u magacaabay Muxiyadiin Warbac shadoor.

Muxiyadiin Warbac Shadoor ayaa ka mid ahaa saraakiisha Heya’adda muddada dheer ka tirsanaa kaas oo Khibrad dheer u leh dhinaca amniga ah.

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u Qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha oo soo saaray Baaq ku aadan Xaaladda Abaaraha Dalka

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u Qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, wuxuu warbaahinta la wadaagayaa xaaladda haslista ah ee abaaraha iyo arrimaha bani-aadannimada dalku marayo.

Ergeyga ayaa maalmihii ugu danbeeyay tan iyo markii la magacaabay ku howllanaa xog ururin iyo kulamo wada-tashi ah oo uu la yeelanayay hey’adaha kala duwan ee horay ugu lug lahaa arrimaha bani-aadamnimada, horumarinta iyo gurmadka abaaruha sida; Wasaaradaha dalka, hey’adaha dowliga iyo kuwa aan dowliga ahayn ee ka shaqeeya arimaha musiibooyinka iyo gargaarka, xafiiska Qarmada Midoobay ee Muqdisho, safaaradaha, ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ujeeddada xog-ururinta horudhaca ah iyo kulamadaa ayaa ahayd in si hufan oo degdeg ah loola tacaalo saameynta abaaraha dalka oo iminka maraya xaalad laga naxo oo u baahan tallaabo deg deg ah.

Natiijooyinka horudhaca ah ee kasoo baxay kulamadaa iyo xog ururintaa waxaa kamid ah in:-

1. 6.1 milyan oo qof oo Soomaali ah ay halis ku sugan yihiin
2. Wacyigelin la’aan baahsan ay ka dhex jirto bulshada
3. Gurmad iyo birmad degdeg oo loo baahan yahay
4. Deeqaha howlaha gargaarka dalka oo aad u ugu yar baahida jirta
5. Wadajir iyo wadashaqeyn dhanka siyaasadda ah in ay lagama maarmaan tahay.

Si wax looga qabto qodobada kore, waxaa degdeg loogu baahan yahay in baaqyo kala duwan loo gudbiyo deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah iyo dawladaha Soomaaliya la saaxiibka ah, isla-markaana la fududeeyo qabashada howlaha hey’adaha kala duwan ee ka howl-gala arrimaha gargaarka, taas oo lagama maarmaaan u ah ka hortagga in abaartu ay macluul isku beddesho.

Ergaygu wuxuu bilaabayaa dhaqdhaqaayo ku aaddan u kuur galida xaalada abaaraha iyo u qareemista kaalmada dhaqaale ee dibadda.

Ugu danbeyn, Soomaalidu waxa ay tiraahdaa biyo gacmahaaga ayaa looga dhergaa, kaalmada caalamka aan ka heli karno oo waqti qaadan karta waxaa ka dhow in dadka Soomaaliyeed oo dhaqan soo jireen ah u leh in ay is gacan qabtaan ay xilligan xasaasiga ah isku gurmadaan.

Marka aan innaga isku tashanno oo aan wadaagno inta aan haysanno ayay caalamka iyo dadka kalana na taakulayn karaan. Fadlan badaabi walaalkaa iyo walaashaa inta aan la bud-dhigin.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha oo kulan la yeeshay Safiirka dowladda Turkey ee Soomaliya

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la yeeshay Safiirka dowladda Turkey ee Soomaliya Amb. Mehmet Yilmaz

Ergeyga iyo Safiirka, ayaa ka wada hadlay, sida Dowladda Turkey-ga ay gacan uga geysan karaan, Gurmadka Abaaraaha daran ee ka jira dalka.

Ugu dambeyn, Danjire Mehmet Yilmaz ayaa Ergeyga u ballan qaaday wada shaqeyn buuxda, si loo samatabixiyo malaayiinta qof ee abaaruhu saameeyeen.

     

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha oo kulan la qaatay Guddiga Gurmadka Abaaraha ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha, Md. Cabbdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la qaatay Guddiga Gurmadka Abaaraha ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Md. Mahdi Maxamed Guuleed.

Kulanka oo ay qayb ka ahaayeen, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka XFS, caafimaadka, tamarta iyo biyaha, wasiirul dawladaha xafiiska Raysalwasaaraha, agaasamiyaal iyo howlwadeenno kale oo ka tirsan Wasaaradaha, ayaa warbixin la xariirta xaaladda abaaraha, caqabadaha, iyo gargaarka la qaybiyey iyo hawlaha taagan laga siiyey Ergayga.

Inta uu shirka socday Guddiga Gurmadka Abaaraha, ayaa soo bandhigay xogta la xariirta abaaraha, saamaynta taban ee ay ku yeesheen dalka iyo gurmadka ilaa iyo hadda la gaarsiiyay dadka ay sida daran abaaruhu u wax-yeelleeyeen.

Raysalwasaare ku xigeenka ayaa gunnaanadkii shirka ku boorriyey Guddiga Gurmadka Abaaraha dhammaantiis in gacan lagu siiyo Ergayga gudashada xilkiisa, wada shaqayn buuxda ay yeeshaan xubnaha guddiga.

 

Wafdi uu hoggaaminayey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka oo Gaaray Magaalada Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Caasimada Gobolka Baay Maanta waxaa gaaray Wafdi uu hoggaaminayey Agaasimaha Guud Madaxtooyada Qaranka Mudane Xuseen Shekh Maxamuud .

Wafdigaan waxaa qeyb ka ah Xildhibaano katirsan golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaliya  iyo Saraakiil ka socta  Madaxtooyada Qaranka.

Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdifatax Mahad Cabdiraxmaan ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo kuso dhoweyey Wafdi gaan uu Hogaaminayey Agaasimaha Guud Madaxtooyada Qaranka Mudane Xuseen Shekh Maxamuud

Wafdigaan maanta soo gaaray Magaalada Baydhabo ayaa Hordhac u  ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shekh Maxamuud oo lagu wado in Maalinta Beri ah uu so gaaro Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka oo ka qaybgalay Xarig jarka Xarunta Cusub ee Taraafikada

Munaasabada kooban oo ka dhacday xarunta ciidanka ilaalada wadooyinka ee(Taraafikada) aya ahayd xarig jarka dhisma cusub oo xarunta lagu soo kordhiyay,waxana ka qayb galay Wasiirka Amniga Gudaha, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadidka iyo Duulista Hawadda, Saraakiil ka socda laamaha Taliska Ciidanka Ilaalada Wadooyinka iyo Marti Sharaf kale.

Masuuliyiintii ka qaybgalay Munaasabada ayaa ku amaanay Taliska Ilaalada Wadooyinka shaqada ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan, waxaana ay sheegeen in furista Xaruntaan ay wax badan ka badali doonto habkii ay u socon jirtay shaqooyinka Bulshada loo hayo.

Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Khadar Cabdullaahi Aden ayaa Bogaadiyay Wada shaqaynta Ciidanka Ilaalada wadooyinka iyo Wasaarada Gaadiidka wuxuuna intaas ku daray inay sii xoojinayaan Shaqooyinka ay u hayaan Shacabka Soomaaliyeed.