Ergeyga gaarka ah ee arrimaha Gurmadka Abaaraha oo kulan la yeeshay safiirka Dowladda imaaraadka Carabta ee Soomaaliya

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan la yeeshay Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, Amb. Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi.

Danjire Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi, waxuu muujiyay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo intaas kaddib Ergeyga u ballan qaaday wada shaqeyn buuxda, si loo samatabixiyo malaayiinta qof ee abaaruhu saameeyeen.

Ugu dambayn, Ergeyga ayaa uga mahadceliyay Safiirka iyo Dowladda Imaaraadka Carabta taageerada ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed ee ay halakeeyeen abaaraha, gaar ahaan deeqdii lacageed ee maalmo kahor ay ku wareejiyeen Dowladda Federaalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya JFS Amb. Mehmet Yilmaz.

Safiirka ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ka guddoomay Salaan iyo Hambalyo ku aaddan dooraashadii 15 May ee ka dhacday Teendhada Afasiyooni laguna doortay Madaxweynaha JFS, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana uu sheegay in dowladda Turkiga ay ballan qaadeyso dhismaha xarunta Baarlaanka, tayeeynta shaqaalihiisa iyo tababarada ay siiyaan ciidanka Qalabka sida ee JFS.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo geba-gebada kulanka dhankiisa ka hadlay ayaa dowladda Turkiga ku boggaadiyay teegeeradda joogtada ah ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,

   

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT oo aqbalay kala diristii Ra’iisul wasare Rooble.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT waxa uu uga mahad celinaynaa Ra’iisul waasaraha JFS Mudane Eng. Maxamed Xuseen Rooble magacaabistiisii guddiyo aqoon durugsan u leh maamulka doorashada, si dhabar adayg leh oo hufnaani ku dheehantahay ku maamulay doorashadu intii ay socotay. Sidoo kale hagistiisii iyo iyo garab istaaggii uu muujiyey waqtiyadii adkaa ee doorashada oo aan la’aantiis la dhaqaajin kareen laga gudbi kareen culeysyo badan oo soo food saaray doorashada Dalka.

Guddigu wuxuu sidoo kale uga mahadnaqayaa Bulshada Soomaaliyeed iyo dhammaan daneeyeyaashii doorashada sidii wanagaasaneyd ee ay u garab istaageen una dhiirrigeliyeen mudadii ay doorashadu socotay.

Guddigu wuxuu ugu danbeyn u mahadcelinayaa dhammaan guddiyada doorashada Heerarkooda kala-geddisan sidii kartida lahayd ee ay ugu hagar baxeen shaqadii loo igmaday ee caqabadaha kala duwan huwanayd oo isugu jiray mid dhaqaale, mid mid siyaasadeed, kuwo amni intaba.

Waxaan u rajeynayaa Madaxweynaha la doortay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Golayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumaddaba in Alle u fududeeyo waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday, dalkana ku hoggaamiyaan si hufan oo keeni karta xasillooni, horumar iyo barwaaqo, si nidaamkeenna dowladnimo u noqdo mid hana qaada.

 

Gabogabadii waxaan Soomaaliya u rajeynaynaa inay abuurto hannaan doorasho uu shacabka u dhaweynaya dhabbaha rasmiga ah ee ay ku dooran karaan cidda ku metalaysa golashaasha dowladda heerarkeeda kala duwan.

Ra’iisul wasaare Rooble oo kala diray Guddiyadii doorashada dadban

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kala diray Guddiyaddii doorashada dadban , isagoo uga mahadcelyay sidii wanaagsanayd ee ay u gudteen Waajibaadkoodii.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS oo la kulmay Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska iyo Saraakiil Sare oo ka socda Hawlgalka ATMIS.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Duran Axmed Faarax ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska iyo Saraakiil sare oo ka socda Hawlgalka Midiwga Afrika ee ATMIS.

Kulankan ayaa diirada lagu saaray habkii loo qurxin lahaa Garoonka Aden Cabdulle iyo Nawaaxigiisa,iyadoona Hay’addaha kala duwan ee dagan gudaha Garoonka laga codsaday inay Hay’ad walba qurxiso wajahadeeda oo aysan ku koobnaan gudaha Xarumahooda.
Sidoo kale waxaa la isla soo qaaday Xaflada Caleemo saarka Madaxwaynaha Jamhuuriyadda oo ka dhacaysa Xayndaabka Garoonka Aden Cabdulle iyo sidii si habsami leh ay ugu qabsoomi lahayd.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda ayaa hay’adaha kale duwan ku bogaadiyay habka wada shaqayntooda.
    

Guddiga Maaliyadda oo soo saaray Warbixinta Maaliyadda sanadkii la soo dhaafay

Guddiga Maamulka Maaliyadda (FGC) ayaa soo saaray warbixinta Maamulka Maaliyadda ee sanaddii la soo dhaafay, iyada oo Warbixintu ku caddahay Horumarka ay Dowladdu ka gaartay dib-u-habaynta Maaliyadda.

Wasiir Beyle:- “Had iyo Jeer, waxaa naga go’an in aan wax badan ka qabano hagaajinta maamul-wanaagga maaliyadda taasoo qayb ka ah barnaamijka isbeddelka dhaqaalaha guud ee Soomaaliya.” ayuu yiri Wasiirka.

Ra’iisul wasaare Rooble oo ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegay Taliyaha cusub ee Hay’adda NISA

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad, taas oo ka dhacday xarunta hay’adda.

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha abaaraha oo la kulmay Safiirka Qatar

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la yeeshay Safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya, Amb. Hassan bin Hamza Hashem.

Ergeyga iyo Safiirka, ayaa ka wada hadlay, sida guud ahaan dowladdaha Khaliijka, gaar ahaan dowladda Qatar ay gacan uga geysan karaan Gurmadka Abaaraaha daran ee ka jira dalka.

Danjire Hassan bin Hamza, waxuu muujiyay sida ay dowladdiisa ugu go’an tahay, garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo intaas kaddib Ergeyga u ballan qaaday wada shaqeyn buuxda, si loo samatabixiyo malaayiinta qof ee abaaruhu saameeyeen.

Madaxda Qaranka oo Masjidka isbaheysiga salaadda Janaasada kula tukaday marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Ra’iisul Wasaaraha XFS, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Mas’uuliyiin iyo dadweyne ayaa masjidka Isbahaysiga salaadda Janaasada kula tukaday Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo xalay ku geeriyooday Muqdisho.

Waxayna Alle uga baryeen in uu jannadii Firdows ugu deeqo Shirwac oo ka mid ahaa dadkii sida weyn uga soo shaqeeyay nabadeynta dalka iyo u adeegidda  bulshada xilliyadii adkaa ee dalku soo maray.

Shil Baabuur oo ka dhacay dalka Bangaladhesh oo sababay dhimashada 10 qof

Shil Baabuur oo ka dhacay koonfurta dalka Bangaladesh ayaa sababay dhimashada 10 qof iyo 25 dhaawac ah sida ay xaqiijiyeen Booliska,shilkan ayaa waxa sababay ka dib markii Baska siday dadka uu ku dhacay geed ku yaal wadada dhinaceeda.

Shilalka wadooyinka ayaa halis weyn ku haya dalka Bangaladesh iyadoo loo sababaynayo maaraynta taraafikada oo liidata, ku xadgudubka sharciyada wadooyinka, iyo darawalada oo aan xirfad lahayn, sida ay qabaan kooxaha xuquuqda rakaabka.

Ugu yaraan 543 qof ayaa ku dhintay 612 kalena way ku dhaawacmeen ilaa 427 shil baabuur oo ka dhacay guud ahaan Bangladesh bishii Abriil oo keliya, sida ay sheegtay Hay’adda Badbaadada Waddooyinka, NGO-ga fadhigiisu yahay Dhaka.