Dad cudurka shuban biyoodka ugu geeriyooday gobolka Shabeellaha dhexe

Waxaa laga deyrinayaa xaaladda bini-adanimo dad ku nool Tuulooyin hoostag degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe, halkaas oo uu ka dilaacay xanuunka shuban biyoodka.

In ku dhow 50-ruux ayaa ilaa iyo muddo saddex bil ah ugu geeriyootay cudurka shuban biyoodka deeganada kala Kulmis, shiidle-bari, Buurfuule iyo Diin-laawe oo dhammaan ka wada tirsan gobolka Shabeellaha dhexe.

Deegaanadan waxaa si daran u saameeyay abaaraha ka jira guud ahaan dalka.

Sidoo kale, waxaa jira dad cudurka soo riday kuwaas oo la gaarsiiyay Cisbitaalka magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle, halkaas oo lagu baxnaaninayo xaaladooda caafimaad.

Guddoomiyaha degmada Mahadaay Axmed Xuseen Afrax oo la hadlay SONNA ayaa xaqiijiyay in ay xaalado bini-adanimo oo daran oo sababtay abaartu ay ka jiraan deegaanada hoostaga degmadaas,islamarkaana ku dhowaad dad gaaraya 50-qof ay cudurka shuban biyoodka iyo cuduro kale ugu geeriyoodeen deegaanada hoostaga degmada Mahadaay.

Dhanka kale, guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in biyo yari ka jirta darteed ay dadka isticmaalaan biyo wasaqeysan gaar ahaan dadka ku nool jiinka wabiga, taas oo sababtay in cudurka shuban biyoodku si xoog ah ugu faafo iyo cuduro kale deegaanadaas, dadkana la geynayo xarumo caafimaadka oo deegaanka ka fog si loogu helo daryeel caafimaad.

Madaxda Qaranka oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalkan Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa si wadajir ah tacsi tiiranyo leh ugu diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac uu ahaa Halyeey waqti badan soo galiyay samafalka, isku xirka, dib u heshiisiinta iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed, isaga oo si gaar ah u xusay doorkii wanaagsanaa ee uu kulahaa nabadaynta caasimadda Muqdisho.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariisto Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo ahaa aqoonyahan iyo samafale naftiisa iyo waqtigiisaba u huray u khidmeynta shacabka Soomaaliyeed isaga oo kaalin mugleh kulahaa  dadaalladii dib loogu dhisayay dowladnimada Soomaaliya dib u heshiisiinta iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.”

Sidoo kale, Ra’iisal wasaare Rooble ayaa ayaa ku tilmaamay marxuumka halyeeyey ka baxay qaranka Soomaaliyeed, wakhtigiisana u huray u adeeggidda dadkiisa, isagoo xusay in Soomaaliya ay ka baxeen labo shakhsi oo kala ahaa Sheekh Cali Warsame iyo Cabdullaahi Shirwac oo ku kala suntanaa farista wanaagga iyo samafalka bulshada, ilaahay dhammaantood ha u naxariisto.

“Alle waxaan samir iyo iimaan u weydiinayaa qoyskiisa iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay, isagana in uu Hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa.”

Dhinaca kale, Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Prof. C/llaahi Maxamad Shirwac.

Ergeyga ayaa ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geerida Allaha u naxariistee Prof. Shirwac, isagoo ku tilmaamay, halgamaa waqtigiisa iyo waayihiisa u huray, u dhaqdhaqaaqidda bulshada, gaar ahaan kuwa nugul, wuxuu kaloo ku sifeeyay, inuu ahaa maddaale har iyo habeen u taaganaa dib u heshiisiinta ummadda, dadaale danta guud tiisa ka horreysiiya, gurmade gacansiiya dadka ay argagexisada, abaaraha iyo daadadku dhibaateeyaan, u doode xuquuqda dulmanayaasha iyo daljire u taagan dawlad dhiska.

Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka oo xilka la wareegay

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud iyo Ku-xigeenkiisa Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan oo dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyaddu u magacaabay xilkaas ayaa munaasabad ka dhacday Villa Soomaaliya xilka kagala  wareegay Agaasimihii hore Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise iyo Ku-xigeennadiisa Cabdinuur Maxamed Axmed iyo Cabdullaahi Sheekh Cabdikariin Daddoon.

Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise ayaa tilmaamay in Agaasimaha cusub ay ku wareejiyeen deyn lagu leeyahay Madaxtooyada, Galal ay ku qoran yihiin hantida ma guurtada ah, howlwadeennada, iyo hannaanka shaqo ee Madaxtooyada qaranka, waxa uuna Madaxda cusub Eebbe uga baryey in uu u fududeeyo gudashada Mas’uuliyadda Qaran ee loo igmaday.

Dhankiisa,Agaasime Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan horumarinta howlaha hortabinta u leh Madaxtooyada Dalka, isaga oo uga mahadceliyey Agaasime Maxamed Cabdullaahi Ciise shaqadii wanaagsanayd ee uu ka soo qabtay Madaxtooyada muddadii uu hayey xilkaas.

Ugu danbeyn, Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xarriiqay in aan qofna lagu dulmin doonin shaqada, waxa uuna xusay in howlwadeennadu ay abaalmarinno ku muteysan doonaan dadaalkooda. Munaasabadda xil wareejinta waxaa goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin ka socday Xafiiska Hanti-dhowraha Guud ee Dalka.

Guddoomiyaha G/Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Safiirka Qadar ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaakulan la qaatay Safiirka dowladda Qatar u fadhiya dalkeenna Amb. Hassan bin Hamza Hashem.

Danjiraha ayaa marka hore u yimid dhambaal salaan ah, oo uga siday Guddoomiyaha Golaha Shuuradda Baarlamaanka dowladda Qatar mudane Hassan bin Abdulla Al-Ghanim, taas oo ku aaddan doorashadii uu Gudoomiyaha ku soo baxay iyo Sidoo kale sidii wanagsaneyd uu ku soo geba gabeeyay doorashadii lagu doortay Madaxweynaha JFS, mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa dhankiisa dowladda Qatar ku dhiiro geliyey inay sii laba laabto taageerada joogtada ee ay la garab taagan yihiin Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.
 
Ergayga Arimaha Bini’aadamtinimada Soomaaliya oo kulamo la qaatay Hay’adaha Gargaarka

Ergayga gaarka ah ee Arimaha Bini’aadantinimada Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulamo kala duwan la qaatay masuuliyiinta Wasaarada Qorsheynta, Xafiiska Qaramada Midoobe iyo Hay’adda Gargaarka ee UKaid.

Qoraal uu soo dhigay ergayga Bartiisa Facebook ayuu ku yiri “Waxaan maanta kulamo kala duwan oo xog waraysi ah la yeeshay wasiirka Qorshaynta Md Jamaal Xasan, Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan iyo ku xigeenkiisa ahna xariiriyaha gargaarka bani-aadannimada Adam Abdelmoula, safiirada Soomaaliya ku fadhisa dawlada Ingiriiska oo ka mid ah dalalka deeqaha ugu badan siiya dalkeena, ahna qalinhaya arrimaha Soomaaliya.

Waxaan isla qirnay in xadiga abaaruhu ay aad u waynyihiin, mudnaanta koowaadna ay noqoto gaargaarka dadka abaaraha ku waxyeeloobay iyo in aysan u gudbin heer macluul.” ayuu yiri.

Madaxweynaha Dalka oo ka tacsiyeeyay Geerida Marxuum Cabdi Garuun iyo Marxuum Jawaahir Axmed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee, Marxuum Cabdullaahi Cabdi Garruun iyo Marxuumad Jawaahir Axmed Cilmi oo labaduba soo noqday Sanataro hore oo ka tirsanaa Aqalka Sare ee Baarlamaank JFS.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in labada Marxuum ay muddo dheer u soo adeegayeen Qaranka Soomaaliyeed. Marxuum Cabdullaahi Cabdi Garruun ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii dhexe, isaga oo markii danbe door weyn ka soo qaatay dadaalladii dowlad-dhiska Soomaaliya. Sidoo kale Marxuumad Jawaahir Axmed Cilmi ayaa kaalin mug leh ku lahayd horumarinta bulshada, dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed iyo hirgelinta hannaanka federaalka dalka.
“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Geerida ku timi Alle ha u naxariistee Sanator Jawaahir Axmed Cilmi iyo Sanator Cabdullaahi Cabdi Garruun waa geeri xanuun badan oo taabatay qalbiyada dadka Soomaaliyeed, waxa ayna kaalin mug leh ka soo qaateen horumarinta dowladnimada iyo dib u heshiisiinta dadkeenna.”
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labada Marxuum Alle uga baryey in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoysaska, ehellada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen.

Ciidamada Ukraine oo ku dhow in ay ka baxaan magaalada Severodonetsk

Ciidamada Ukraine ayaa laga yaabaa inay ka baxaan magaalada Severodonetsk, ee dhacda bariga dalkaasi Ukraine, taasoo ciidamada Ruushka ay ku dhow yihiin in ay hareereyaan, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Ciidamada Ruushka.

Ruushka ayaa qabsashada gobolka Donbas oo dhan ka dhigay ujeedo dagaal oo muhiim ah.

Jimcihii shalay Ra’iisul wasaaraha UK Boris Johnson ayaa sheegay in Ukraine ay u baahan tahay hababka Gantaallada riddada dheer.

Sidoo kale sacadahii la soo dhaafay, ciidamo taageersan Ruushka ayaa qabsaday magaalada Lyman oo ku taal galbeedka magaalada Severodonetska.

Galmudug: Imtixaanka shahaadiga ee dugsiga dhexe oo si rasmi ah uga furmay.

Ardayda Galmudug ayaa maanta u fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee Dugsiga dhexe sanad dugsiyeedka 2021-2022, oo ay qaadeyso wasaaradda waxbarashada.

Madaxda wasaaradda waxbarashada Galmudug ayaa magaalada Dhuusa-mareeb ka daah-furay imtixaanka, waxaana u fariistay arday dhan 3,382.

Dhammaan mas’uuliyiinta madasha furitaanka imtixaanka ka hadlay ayaa ujeediyay ardayda in ay si niyadsami ah ku galaan imtixaanka iskana ilaaliyaan wax kasta oo carqalad ku ah habsami u socodka imtixaanka.