Abaar ba’an oo ka jirta deegaanada koonfurta Soomaaliya

Abaar ba’an ayaa laga soo sheegayaa deegaannada Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Gedo, Baay iyo Bakool.

Abaartan ayaa saameysay dadka iyo duunyada, waxaana ku xoola beelay boqolaal qof oo maalmihii u dambeeyay gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Roob la’aan deegaannadaasi ka dhacday sanadihii lasoo dhaafay ayaa keentay in dadka iyo duunyadaba ay si weyn u taabato abaarta, waxaana taas ay uga sii dartay abaarta jirtay.

Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa waxaa ay sheegeen in Abaarta jirta ay si ba’an u sameeysay 66 degmo oo ka tirsan degmooyinka kala duwan ee Gobolada dalka Soomaaliya oo ay kunool yihiin qoysas farabadan.

Sidoo kale, UN-ta iyo Hay’adaha ee gargaarka dalka ayaa calaamadeeyay in 7.7-milyan dad ah sanadka 2022 u baahan yihiin gargaar bini-adanimo, balse la caawinayo 5.5-milyan oo ah kuwa nugul.

Iiraan oo Gacanta ku dhigtay Marakiib Shidaal

Ciidamada Ilaalada Kacaanka ee dalka Iiraan oo adeegsanaya diyaaradaha sida qumaatiga ah u kaca ayaa gacanta ku dhigay laba markab oo laga leeyahay dalka Giriiga oo shidaal siday.

Masuuliyiinta dalka Iiraan ayaa sheegay inay hawlgalkan ka fuliyeen gacanka istaraatejiga ah ee Faaris.

Tallaabadan ayaa u muuqata in dalka Iiraan uu kaga aargudanayo dalka Giriiga, taageeradii uu u fidiyey dalka Maraykanka si ay gacan ugu dhigaan Markab siday saliidh cayriin ah oo ku safrayay calanka dalka Iiraan, kaas oo toddobaadkan ay gacanta ku dhigeen Maraykanka isaga oo maraya biyaha badda Mediterranean-ka, ka dib markii lagu eedeeyey inuu ku xadgudbay cunaqabatayntii ay Washington ku soo rogtay dalka Jamhuuriyadda Iiraan.

Hawlgalkan ay Ciidamada Iiraan kula wareegeen labada markab ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee ka dhaca gacankan muddo bilo ah, iyadoo ay weli taagan tahay xiisadda u dhexeysa Iiraan iyo reer galbeedka ee ku aaddan heshiiskii Nukliyeerka ee ay la gashay qaar kamid ah quwadaha adduunka, Maaddaama Dehraan ay kobcinayso uranium badan oo ku dhow heer u sahlaya inay soo saarto hubka wax gumaada ee Nukliyeerka.

Sheikh Cali Warsame oo ku geeriyooday dalka Urdun

Allah ha unaxariistee Sheikh Cali Warsame oo kamid ahaa culimadda Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ayaa ku geeriyooday dalka Urdun.

Sheikh Cali Warsame Xasan ayaa u geeriyooday xanuun muddooyinkii dambe hayay.

Wasiirka warfaafinta, Wasiir ku-xigeenka iyo agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa si isku mid ah uga tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee Sheikh Cali Warsame, waxayna Alle uga baryeen inuu janadii fardowso ka waraabiyo, ehelkii iyo asxaabtii ka tagayna samir iyo iimaan Alle ka siiyo.

Sheekh Cali, waxaa uu si weyn uga soo horjeeday fikirka qaloocan ee Alshabaab ku banaysatay dhiiga dadka muslimiinta ah ee Soomaaliyeed, isagoo kamid ahaa guddigii culimada ee 2009 Axmed Cabdi Godane kala dooday afkaartooda ku saleysan gaaleysiinta muslimiinta.

Abaar ba’an oo ka jirta deegaanada koonfurta Soomaaliya

baar ba’an ayaa laga soo sheegayaa deegaannada Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Gedo, Baay iyo Bakool.

Abaartan ayaa saameysay dadka iyo duunyada, waxaana ku xoola beelay boqolaal qof oo maalmihii u dambeeyay gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Roob la’aan deegaannadaasi ka dhacday sanadihii lasoo dhaafay ayaa keentay in dadka iyo duunyadaba ay si weyn u taabato abaarta, waxaana taas ay uga sii dartay abaarta jirtay.

Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa waxaa ay sheegeen in Abaarta jirta ay si ba’an u sameeysay 66 degmo oo ka tirsan degmooyinka kala duwan ee Gobolada dalka Soomaaliya oo ay kunool yihiin qoysas farabadan.

Sidoo kale, UN-ta iyo Hay’adaha ee gargaarka dalka ayaa calaamadeeyay in 7.7-milyan dad ah sanadka 2022 u baahan yihiin gargaar bini-adanimo, balse la caawinayo 5.5-milyan oo ah kuwa nugul.

Galmudug: Imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare oo si rasmi ah uga furmay

Ardayda Galmudug ayaa maanta u fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee Dugsiga dhexe sanad dugsiyeedka 2021-2022, oo ay qaadeyso wasaaradda waxbarashada.

Madaxda wasaaradda waxbarashada Galmudug ayaa magaalada Dhuusa-mareeb ka daah-furay imtixaanka, waxaana u fariistay arday dhan 3,382.

Dhammaan mas’uuliyiinta madasha furitaanka imtixaanka ka hadlay ayaa ujeediyay ardayda in ay si niyadsami ah ku galaan imtixaanka iskana ilaaliyaan wax kasta oo carqalad ku ah habsami u socodka imtixaanka.

Iiraan oo Gacanta ku dhigtay Marakiib Shidaal

Ciidamada Ilaalada Kacaanka ee dalka Iiraan oo adeegsanaya diyaaradaha sida qumaatiga ah u kaca ayaa gacanta ku dhigay laba markab oo laga leeyahay dalka Giriiga oo shidaal siday.

Masuuliyiinta dalka Iiraan ayaa sheegay inay hawlgalkan ka fuliyeen gacanka istaraatejiga ah ee Faaris.

Tallaabadan ayaa u muuqata in dalka Iiraan uu kaga aargudanayo dalka Giriiga, taageeradii uu u fidiyey dalka Maraykanka si ay gacan ugu dhigaan Markab siday saliidh cayriin ah oo ku safrayay calanka dalka Iiraan, kaas oo toddobaadkan ay gacanta ku dhigeen Maraykanka isaga oo maraya biyaha badda Mediterranean-ka, ka dib markii lagu eedeeyey inuu ku xadgudbay cunaqabatayntii ay Washington ku soo rogtay dalka Jamhuuriyadda Iiraan.

Hawlgalkan ay Ciidamada Iiraan kula wareegeen labada markab ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee ka dhaca gacankan muddo bilo ah, iyadoo ay weli taagan tahay xiisadda u dhexeysa Iiraan iyo reer galbeedka ee ku aaddan heshiiskii Nukliyeerka ee ay la gashay qaar kamid ah quwadaha adduunka, Maaddaama Dehraan ay kobcinayso uranium badan oo ku dhow heer u sahlaya inay soo saarto hubka wax gumaada ee Nukliyeerka.

Sheikh Cali Warsame oo ku geeriyooday dalka Urdun

Allah ha unaxariistee Sheikh Cali Warsame oo kamid ahaa culimadda Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ayaa ku geeriyooday dalka Urdun.

Sheikh Cali Warsame Xasan ayaa u geeriyooday xanuun muddooyinkii dambe hayay.

Wasiirka warfaafinta, Wasiir ku-xigeenka iyo agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa si isku mid ah uga tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee Sheikh Cali Warsame, waxayna Alle uga baryeen inuu janadii fardowso ka waraabiyo, ehelkii iyo asxaabtii ka tagayna samir iyo iimaan Alle ka siiyo.

Sheekh Cali, waxaa uu si weyn uga soo horjeeday fikirka qaloocan ee Alshabaab ku banaysatay dhiiga dadka muslimiinta ah ee Soomaaliyeed, isagoo kamid ahaa guddigii culimada ee 2009 Axmed Cabdi Godane kala dooday afkaartooda ku saleysan gaaleysiinta muslimiinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku Dhawaaqay Hindisaha shaqo abuur Qaranka iyo Hindisaha qaran ee Dhalinyaradda Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa shaaciyey qorshihiisa horumarinta dhallinyarada, kaasoo xoogga saaraya abuuridda fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo dowladda.

Madaxweynaha ayaa xusay in dowladdu ay siindoonto hortebinta koowaad Hindisaha Shaqo Abuurka Qaran, si dhallinyaradu ay door weyn uga qaataan qorsheyaasha Qaran ee dib-u-dhiska dalka, kobcinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo xoraynta dalkeenna.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed waxa ay shacabka ka yihiin in ka badan 70%. Waxa ay aasaas u yihiin dowladnimada, dhaqaalaha dalka iyo horumarinta arrimaha bulshada. si aan u gaarno isku filnaansho buuxa waxaan ku dhawaaqayaa madal ay dhalinyarada Soomaaliyeed ku wadaagaan hal abuurkooda iyo horumarinta dowladdooda.”

Madaxweynaha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dowladda kala shaqeeyaan kor u qaadidda fursadaha shaqo ee dalka, isagoo dadka Soomaaliyeed ku dhiirrigeliyey in ay hormuud u noqdaan hal-abuurka iyo hirgelinta qorsheyaasha kobcinta dhaqaalaha dalka, si xal waara loogu helo caqabadaha waaweyn ee haysta dalkeenna iyo dadkeenna.

Duqa Muqdisho iyo Duqa Konya oo Heshiis wada Saxiixday

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) iyo Duqa Magaalada Konya ee Dalka Turkiga MR.ibrahim uğur altay ayaa si wadajir ah u wada saxiixay heshiis la xariira Walaaleynta iyo Iskashiga Labada Magaalo, Waxa ayna iska kaashan doonaan Sagaal qodob oo muhiim u ah dhaqangalinta heshiiskaan.

1. Maareynta qashinka iyo warshadeyntiisa
2. Gaadiidka Dadweynaha noocyadiisa kala duwan (Public transportation ).
3. Qorsheynta Magaalada iyo hagaajinta nidaamka adress yada Magaalada guud ahaan. (urban planning and adressing system )
4. Diiwaan galinta dadweynaha (Civic registration ) .
5. Tababaradda
6. Dalxiiska
7. Isboortiga noocyadiisa kala duwan
8. Dhaqanka iyo
9. Kaabayaasha dhaqaalaha (Infrastructure ) .

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir guddoomiyey kulanka wadajirka ah ee bangiga adduunka iyo IMF.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa shir guddoomiyey kulanka wadajirka ah ee bangiga adduunka iyo IMF oo looga hadlay habka ugu sahlan ee dawladda Soomaaliya ku heli laheyd kabka miisaaniyadda oo sanadkii lasoo dhaafay la joojiyey.

Kulanka ayaa waxaa kale oo diirada lagu saaray sii wadida isbeddalka maaliyadda iyo sare u qaadida dakhliga dalka sida uu sheegay Wasiirka Maaliyadda XFS C/raxmaan Ducaalle Beyle.

“Maanta waxa aan shir-gudoomiyay kulanka wadajirka ah ee Bangiga Adduunka iyo IMF oo aan uga wada hadalnay habka ugu sahlan ee Dowladda Soomaaliya ku heli laheyd Kabka Miisaniyadda (Budget Support) oo sanaddii la soo dhaafay la joojiyay, Waxaa kale oo aan diiradda saarnay sii wadidda isbaddalka Maaliyadda iyo sare u qaadidda Dakhliga gudaha oo muhiim u ah dhaqaalaha Soomaaliya”