Wasiirka Difaaca XFS oo soo gabagabeeyay booqasho uu ku tagay Tansaaniya

Wasiirka Wasaaradda gaashaandhigga XFS , Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa soo gabagabeeyay booqasho 3-cisho ah oo uu ku tagay dalka Tansaaniya.

Xoghayaha labaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Tansaaniya Cabdi Wali Jibriil Xasan,ayaa warbaahinta Qaraanka u sheegay in booqashada wasiirka ay la xiriirtay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaalkiya iyo Tansaaniya.

Wasiirka Difaaca Dowladda Soomaaliya ayaa intii uu ku sugnaa dalkaasi,waxa uu u kurgalay qaabka ay u socdaan howlaha safaaradda iyo adeegyada kale ee loo fidiyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, wasiirka XFS,waxa uu la kulmay wasiirka adeegga Qaranka Dalkaasi marwo, Stergomena Lawrence.

Wasiirka Awqaafta XFS oo boqday Qunsuliyadda Soomaaliya ee Jiddah

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS Mudane Cumar Cali Rooble ayaa booqday Xarunta Qunsuliyadda Soomaalliya ee magaalada Jiddah,halkaas oo uu kula kulmay maamulka xaruntaasi.

Wasiirka iyo ,waxaa xaruntaasi ku soo dhoweeyay Qunsulka Guud ee Safaaradda Soomaalia ee Jidah ee dalka Sacuudiga Axmed Maxamuud Diiriye iyo madax kale.

Dhinacyadaasi,waxa ay ka wadahadleen sidii loo maareynta lahaa xujeyda Soomaalida,isla markaa loogu fududeyn lahaa howlaha la xiriira adeegyada ay u baahan yihiin

Aljazeera oo ICC u gudbineysa dacwad la xiriirta dilka weriye Shireen Abu Akleh

Shabakadda Warbaahinta Aljazeera ayaa qabanqaabisay koox dhanka sharciga ah,si ay dacwad ku saabsan dilka wariye Shireen Abu Akleh ugu gudbiyaan maxkamada dambiyada caalamiga ah ee ICC ee magaalada Hague.

Kooxdaan khuburada ah oo ka kooban kuwo dhanka sharciga ah oo ay gacan siinayaan khubaro caalami ah, waxaa kale oo ku jiri doona dacwooyinka ay gudbinayaan duqeynta Israa’iil “iyo gebi ahaanba burburinta” xafiiska Aljazeera ee Gaza.

Maamulka shabakada Aljazeera waxay wacad ku martay inay raaceyso waddo kasta oo lagu heli karo caddaaladda Shireen, lana hubiyo in kuwii ka dambeeyay dilkeeda la horkeeno caddaaladda oo lagula xisaabtamo dambiyadooda.

Dilka Abu Akleh ayaa dhacay 11-kii May ,kadib kolkii ciidamada Israa’iil ay ku toogteen meel u dhow xerada qaxootiga ee Jenin ee dhacda Daanta Galbeed ee marinka la heysto,

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xaflad abbaalmarin ah oo loo sameeyay guddiyadii doorashooyinka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu abaal marinayay guddiyadii iyo howlwadeennadii kala duwanaa ee u istaagay in dalkaan ay si nabad ah uga dhacdo doorashooyin nadaxtinimo.

Munaasabadda oo ku qabsoontay Xafiiska Ra’iisulwasaaraha,waxa uu madaxweynuhu ku bogaadiyay gudiyada shaqadii wanaagsanayd ee ay dalka kaga soo gudbiyeen marxaladdii doorashada.

Munaasabaddaan,waxaa kaloo ka  qayb galay, Guddoonka labada gole ee BFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra’iisulwasaaraha XFS, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisulwasaare ku xigeenka mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji, Wasiiro, Xildhibaanno iyo Marti sharaf kale.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo uga Mahadceliyey dowladda Imaaraadka garab istaagga Umadda Somaaliyeed ee Gurmadka Abaaraha

Maxamuud ayaa Madaxtooyada dalka kula kulmay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Al Cusmaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowladda Imaaraadka Carabta iyo Danjire Maxamed Al Cusmaan uga mahadceliyey garab istaagga ay u muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha, gaar ahaan deeqda lacageed ay maanta ku wareejiyeen dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo gaaraysa 9.6 Milyan Doolar.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay u xil saartay Ergey Gaar ah oo qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha, taas oo ka turjumeysa sida ay uga go’an tahay dowladda xaqiijinta hannaan daahfuran oo deeqaha Caalamiga ah lagu gaarsiinayo dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu halakeeyeen.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa beesha Caalamka ugu baaqay in ay taageero buuxda u fidiyaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed oo xilligan la halgamaya daruufo adag oo ay sababeen isbedelka Cimillada. Waxa uuna Alle uga baryey Ummadda Soomaaliyeed in uu ka dulqaado dhibaatooyinka abaaraha.

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo kulan Isbarasho ah u qabatay Xubnaha Guddiga Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa maanta kulan Isbarasho ah u qabatay Xubnaha Guddiga Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (National Health Professional Council-NHPC); Kulanka oo kadhacay hoolka Shirarka ee Wasaararadda caafimaadka ayaa waxaa goob joog ka haa Xubnaha Guddiga Golaha, Xogyaha Guud ee Golaha, Qaar kamida Agaasimayaasha Wasaaradda iyo Agaasimayaasha Isbitaallada DeMartini iyo Forlanini.
Ugu horeyntii waxaa warbixin kooban oo ku saabsan Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka soo jeediayay Dr. Abidrizak Hassan Xogyaha Guud ee Golaha iyo Agaasimaha Isbitaalka Demartini Dr. Abdirizak (Dr.Jalal).
Intaas Kadib ayaa waxaa kalmado gaaban qaatay qaar kamida Xubnaha Guddiga Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka kuwaas oo bogaadiyay tallaabada bilawga ah ee ay qaaday Wasaaradda Caafimaadka iyo muhimada gaarka ah ee la siiyay gaar ahaan diyaarinta iyo soo saarida Shirciga Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka oo aad muhiim ugu ah umadda Soomaaliyeed iyo adeeg bixiyayaasha Caafimaadka qeybahooda kala duwan.
Xubanaha Guddiga Golaha ayaa marhore laga soo xulay Ururuda maxaliga ah ee Mihnadlayaasha Caafimaaka, Wasaaraddaha shaqa wadaagta la ah Wasaaradda Caafiaadka, Bahda Waxabarashada iyo Ururada Bulsahda.
Kulanka kadib, guddiga ayaa si gaar ah kulan u qaatay waxaana si u balameen una qorsheystaan shaqada sugeysa, waxaana laga rajeynayaa inay shaqadooda u bilaabaan sida ugu dhakhasiyaha badan maadaama ay muhiim tahay in bahda Caafimaaku ay hesho adeega sharciyad siinta Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka iyo Hurumarinta adeegayda Caafimaadka si kusaleysan bad qab iyo anshax wanaag dhankasta ah.
  

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare oo la kulmay safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Xafiiskiisa Aqalka Sare ku qaabilay Safiirka Dowladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Mudane Mehmet Yilmaz.

Kulanka ayaa wuxuu ku saabsanaa salaan sharafeed iyo hambalyo ku aadan dib u doorashada Guddoomiyaha oo uu safiirku u waday Guddoomiyaha iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblumaasiyaddeed ee labada Dal.

 

Mid ka mid ah Maleeshiyada Alshabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga dalka

Maxamed Cusmaan Aadan oo ka tirsanaa argagixisada Alshabaab, ayaa Isku Soo Dhiibey Taliska Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Maxamed ayaa lasoo goostay Qori AK47 ah, waxaana la guddoonsiiyey lacag abaal marin ah oo loogu badalay hubkii uu lasoo goostay.
 
Maxamed Cismaan ayaa muddo labo sano ah u shaqeynayey argagixisada, waxaana uu ka soo howlgalay Gobolada Sh/dhexe, Baay iyo Jubooyinka.

Maraykanka oo Muqdisho keenay tallaalka COVID-19

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay magaalada Muqdisho geysay 286,650 tallaalka Pfizer ee loogu talo galay xanuunka COVID-19.

Tallaalkan ayaa qayb ka ah ballanqaad ay dowladda Maraykanka kaga jawaabaysay dadaalada caalamiga ah ee lagula dagaalamayo xanuunka COVID-19,sida ay hadalka u dhigeen.

Madaxweyne Biden,ayaa sheegay in Mareykanka ay ka go’an tahay  dadaallada tallaalka caalamiga ah lagu gaarsiinayo Soomaaliya si loo badbaadiyo nolosha dadka Soomaaliyeed ayna uga qayb qaadan lahayeen  soo afjarida masiibada Covid19.

Maraykanku wuxuu ballan qaaday inay  bixiyo 1.1 bilyan oo tallaalka COVID-19 ah adduunka oo dhan ah.

Ilaa hadda tallaalka la gaariisiyey 115 waddan waxaa u gaaraya 500 Milyan oo tallaal ah.

Golaha Wasiiradda oo ansixiyay Magacaabista Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa ansixiyay Magacaabista Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo loo magacaabay Mudane Mahad Maxamed Salaad.